Britain oo mamnuucaysa waxyaabaha laga xardho foolmaroodiga

Maroodiyada laga xardho foolmaroodiga ayaa ka mid noqon doona waxyaaba la mamnuuci doono

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maroodiyada laga xardho foolmaroodiga ayaa ka mid noqon doona waxyaaba la mamnuuci doono
Published

Iibinta iyo dhoofinta ku dhawaad wax kaste oo laga sameeyo foolmaroodiga ayaa laga mamnuuci doonaa UK, arrintaas oo loo cuskan dooono qorshe ay waddo dawladdu.

Wasiirka deegaanka Michael Gove ayaa ku dhawaaqay qorshe wadatashi ku saabsan sidii lagu soo afjari lahaa ganacsiga kala duwan ee foolmaroodiga.

Iskudaygii hore ee lagu doonayay in lagu mamnuuco foolmaroodiga ayaa laga reebay kuwii qadiimiga ahaa ee ka horreeyay 1947dii.

Dawladdu waxay sheegtay in laga soo reebi dooni waxyaabaha qaarkood oo ay ka mid yihiin qalabka muusikada, iyo waxyaabaha kale ee ahmiyad dhaqan leh.

Dadka u ol'oleeya duurjoogta ayaa soo dhaweeyay qorshahan

Amiir William ayaa cambaareeyay ka ganacsiga sharcidarrada ah ee duurjoogta intii uu ku sugnaa Shiinaha sannadkii 2015kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiir William ayaa cambaareeyay ka ganacsiga sharcidarrada ah ee duurjoogta intii uu ku sugnaa Shiinaha sannadkii 2015kii

Suuqa sii koraya

Inkastoo UK ay mamnuucday ka ganacsiga foolmaroodiga aan sancaysnayn ee sidiisii ah, haddana sannadihii u dambeeyay wuxuu noqday dalka ugu ballaaran ee dhoofiya waxyaabaha laga xardho ama laga sanceeyo fool maroodiga.

Warbixin ay soo saartay EIA oo baaritaan ku samaysa arrimaha deegaanka ayaa sheegtay in UK laga dhoofiyay 36,000 shay intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015kii, taas oo saddex jibaar ka badan alaabada uu dhoofiyay Maraykanka oo ah dalka labaad ee ugu dhoofin badan waxyaabaha foolmaroodiga laga xardho.

Dadka deegaanka u ol'oleeya ayaa sheegaya in iibkaasi uu sare u qaadayo dalabka waxsoosaarka, arrintaasna waxaa lala xiriiriyay sare u kaca dilka loo gayso foolmaroodiga Afrika.

Dadka u ol'oleeya duurjoogta ayaa dadaal badan ku bixiyay in dawladda UK ay tallaabo ka qaado iibinta foolmaroodiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka u ol'oleeya duurjoogta ayaa dadaal badan ku bixiyay in dawladda UK ay tallaabo ka qaado iibinta foolmaroodiga
Iibka foolmaroodiga ayaa laga mamnuucay Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iibka foolmaroodiga ayaa laga mamnuucay Kenya