Doorashada Iran: Ahmadinejad oo loo diiday in uu is sharaxo

Madaxweynihi hore ee Iran Ahmadinejad (bidix)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynihi hore ee Iran Ahmadinejad (bidix)
Published

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore, Mahmoud Ahmadinejad, laga mamnuucay in u tartamo doorashada madaxweynaha ee dalkaasi ka dhici doonta bisha soo socota.

Golaha ilaalinta danaha qaranka dalkaasi ayaa waxaa ay ansixiyeen lix qof keli ah inay doorashada madaxtinimada u tartamaan.

Madaxweynaha Haatan Talada haya Hassan Rouhani

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Haatan Talada haya Hassan Rouhani

Waxaana kamid ah lixdaa qof ee la ansixiyay madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Hassan Rouhani, iyo ninka loo arko in u yahay kan ugu mowqifka adag raga tartamaya ee, Ebrahim Raissie.

Ebrahim Raissie waa ninka loo arko in u yahay kan ugu mowqifka adag raga tartamaya

Xigashada Sawirka, AFP/ GETTY

Qoraalka sawirka, Ebrahim Raissie waa ninka loo arko in u yahay kan ugu mowqifka adag raga tartamaya

Doodihii tooska looga tebinayey Telefishanka ayaa saameyn weyn ku yeeshay labadii ugu dambeeyey doorashada madaxtinimada Iran.

Waxa ay soo jiiteen daawadayaal farobadan waxaana loo arkay inay ahayeen kuwo sare u qaaday ololahii madaxweyne Rouhani sannadkii 2013-ka, balse haatan madaxweyne Rouhani ayaa walaac ka muujiyay in la joojiyo dooda Telefishanka waxa uuna sheegay in ka dacwoon doono talaabada lagu joojinayo dooda Telefishanka.