You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Lubnaan oo dooneysa inay dacwad rasmi ah u gudbiso Qaramada Midoobay

    Lubnaan ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbinaysa cabasho rasmi ah oo ku saabsan waxa ay ku sheegtay “dilkii Israa’iil ee ula kac ahaa” ee loo gaystay weriyihii wakaaladda wararka ee Reuters, Issam Abdallah, oo isna haysta dhalashada Lubnaan.

    Abdallah ayaa lagu dilay koonfurta Lubnaan jimcihii kadib markii gantaalo laga soo tuuray dhanka Israel ay ku dhaceen koox saxafiyiin ah, goob joogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

    Abdallah waxa uu ka shaqaynayay meel ku dhow xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil, halkaas oo ay ku sii xoogeysteen iska horimaadyada u dhexeeya mintidiinta iyo milatariga Israa’iil.

    Lix wariye oo kale, oo ay ku jiraan Reuters, Al Jazeera iyo Agency France-Presse, ayaa ku dhaawacmay.

  2. Lix sano kaddib qaraxii Soobe: “Waan diiday inaan asaay qaado”

  3. Mareykanka oo u sheegay muwaadiniintisa ku sugan Gaza inay aadaan dhanka Rafax oo ay la wadaagaan Masar

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhiirigelinaysa muwaadiniinteeda ku sugan Qaza inay u guuraan dhanka koonfureed ee marinka Rafax ee Masar.

    Meesha kaliya ee laga gudbo ama laga soo galo Gaza ee aysan Israa’iil maamulin ayaa xirmay, sababtoo ah Israa’iil ayaa duqeymo ka geysatay dhanka Qaza ee iridda.

    Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadiniinteeda ay u diyaar garoobaan isgoysyada suurtagalka ah in dib loo furo iyadoo ay jirto xiisadda bini'aadantinimo, gaar ahaan ka dib markii Israel ay amartay in laga daadgureeyo qaybta waqooyi ee Marinka.

  4. Netanyahu oo booqday askarta joogta jiida hore

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa X muuqaal KU wadaagay , oo muujinaya isagoo booqanaya oo la hadlaya askarta ciidamada Israa'iil.

    X wuxuu ku qoray: "Askarta ku sugan jiidda hore ee Gaza. Dhammaanteen diyaar ayaan u nahay." War ka duwan oo xafiiskiisa ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu u sheegay ciidamada lugta ee Israa’iil : “Diyaar ma u tihiin marxaladda xigta?

  5. Wasaaradda Caafimaadka Falastiin:28 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka oo lagu dilay Gaza

    Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Falastiin, 28 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka Sabtidii la soo dhaafay.

    Waxa kale oo ay sheegtay in laba cosbitaal oo ku yaala Gaza (Beit Hanoun iyo cisbitaalka Al Dura ee carruurta) aysan shaqeynin, 15 kale oo xarumo caafimaadna ay waxyeelo soo gaartay.

    BBC ma aysan xaqiijin tiradan

  6. Sawiradii ugu dambeeyay ee Israel iyo Gaza

  7. Kumuu ahaa Cali Qaadi, sarkaalka sare ee ay Israa'iil ka dishay Xamaas?

  8. Maraykanka iyo Shiinaha oo khadka taleefoonka kaga wada hadlay Israel iyo Gaza

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa la hadlay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi si uu uga codsado Bejing inay ka caawiso sidii loo hubin lahaa in colaadda Israa’iil iyo Xamaas aysan gaarin dalalka kale ee Bariga Dhexe.

    Dhanka kale, Wang wuxuu yiri Washington waa inay " ciyaartaa door wax dhisid ah oo mas'uul ah":

    "Marka laga hadlayo arrimaha caalamiga ah ee meelaha xiisadaha daran, waddamada waaweyn waa inay u hoggaansamaan daacadnimada iyo caddaaladda, ilaaliyaan xasilloonida iyo is xakamaynta, oo ay hormuud ka noqdaan u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah," ayuu yiri Wang.

    Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in Beijing ay ku baaqday "kulan nabadeed oo caalami ah" sida ugu dhaqsaha badan.

    Bayaannada rasmiga ah ee Shiinaha ee ku aaddan iskahorimaadka si gaar ah uguma magacaabin Xamaas marka ay dhaleeceynayeen rabshadaha, taa beddelkeeda waxay ku booriyeen xabbad-joojin degdeg ah, iyagoo cambaareeyay "adeegsiga aan loo meel dayin ee awoodda", waxayna ku baaqeen in la joojiyo "ciqaabta wadajirka ah ee dadka Gaza".

  9. Maxay tahay sababta Cabdixaafid looga reebay ciyaartoyda galabta ka hortagaya Niger?

  10. Ciidamada milatariga:Israa'iil waxay u dhaqmaysa si waafaqsan sharciga caalamiga ah

    Afhayeen u hadlay militariga Israa'iil ayaa ku adkeystay in Israel ay dhaqmaysaa si waafaqsan sharciga caalamiga ah, ka dib eedeymaha in xoog lagu daad-gureeyo dadka waqooyiga Gaza ay la mid tahay dambi dagaal.

    Lt Col Richard Hecht, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Israel (IDF), ayaa ka jawaabayay hadal uu goor sii horeysay maanta jeediyay Jan Egeland, diblumaasi hore oo ku lug lahaa heshiiskii Oslo, fududeeyayna wada hadalada Falastiiniyiinta iyo Israel.

    "Dadka ma saarayno baabuurta xamuulka qaada," Hecht ayaa u sheegay BBC-da. "Waxaan u sheegaynaa dadka inay u guuraan koonfurta. Xamaas way rari kartaa haddii ay daneeyaan iyaga - waa mas'uuliyadooda."

    Waxa uu sidoo kale soo jeedinayaa in dadka Qaza ee ka cararaya inay la joogaan qaraabadooda ama ay teendho qaataan, isagoo sheegay inuu hubo inay "heli doonaan meelo ay degaan".

    Isagoo ka hadlayay weerarkii sabtida, Hecht wuxuu leeyahay: "Tani waa wax aynaan waligeen u arag qaran ahaan tan iyo xiligii Holocaust. Wixii aad aragtay Sabtidii - taasi waa dembiga dagaal." Waxa uu intaa ku daray: "Ma lumin doona biniaadantinimadeena iyo dadnimadeena, ma nihin iyaga - ma nihin iyaga."

  11. Daawo: Sida ay u shaqeeyaan godadka dhulka hoostiisa ee ay Xamaas isticmaasho

  12. Bannaanbax lagu taageerayo Falastiin oo ka socda bartamaha London

    Dadweyne aad u tira badan ayaa isugu soo baxay bannaanka daarta BBC’s Broadcasting House ee ku taal bartamaha London si ay u bilabaan dibadbax lagu taageerayo Falastiin.

    Mudaaharaadka – oo u sii gudbi doona Whitehall oo ay dawladda UK fadhigeedu yahay – ayaa ka kooban dad da’ kasta leh iyo dhawr qoys oo carruur leh. Koox yar oo xiran kippah, koofiyada dhaqanka ee Yuhuudda, ayaa sidoo kale ka qayb qaadanaya.

    Iyagoo kor u hayo calanka Falastiiniyiinta, iqabanqaabiyeyaasha iyo mudaaharaadayaashu waxay ku dhawaaqayeen, "Falastiin xor ah, oo xor ah - qabsashadeedu waa dembi". Qaar kale waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin "Jooji hubaynta Israa'iil".

  13. War deg deg ah, Qatar iyo Sacuudi Carabiya 'si cad ayay u diideen' daadgureynta dadka reer Gaza

    Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa labaduba sheegay inay si cad u diiddan yihiin barakicinta xoogga ah ee Falastiiniyiinta ee gudaha Gaza, ka dib markii Israel ay ugu baaqday dadka reer Gaza inay ka baxaan waqooyiga dhulka ay aadaan dhanka koonfurta.

    Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in ay ku baaqayso in “laga qaado go’doominta marinka Gaza, lana siiyo difaac buuxa oo la siiyo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta sida uu qabo shuruucda caalamiga ah iyo kuwa bini’aadantinimada”.

    Hadalo kuwan la mid ah ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudigu habeen hore kusoo qortay X.

    Waxaa ay sidoo kale ku baaqday in la siiyo gargaar iyo sahay caafimaad oo la siiyo dadka deggan Gaza, Sucuudiga ayaa sheegay in "gaar ahaan in dadka Gaza loo diido waxyaabahan aasaasiga ah si ay sharaf ugu noolaadaan waxay la mid tahay xad-gudub sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada".

  14. Mucaaradka puntland oo ka horyimid in doorashada 2024 lagu qabto qof iyo cod

    Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid in doorashada 2024 in lagu qabto hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

    Mucaaradka ayaa sidoo kale Sheegay in madaxweyne Deni uu mudda kororsi sharci-darro ah ka dhex raadinayo nidaamka doorashada qof iyo codka ah si uu xukumka u sii joogo taasina aan marnaba la ogolaan doonin.

    Mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale sheegayin aysan aqoonsanayn ku dhaqanka wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan.

    Siyaasiyiinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Imaaraatka carabta oo ay shegeen in uu gacanta kuhayo ciidamada PMPF ee Puntland in aan loo isticmaalin muddo kororsi.

    Hadalka siyaasiyinta Mucaaradka Puntland ayaa kusoo beegmaya kadib hadal madaxweynaha Puntaland jeediyay oo ku sheegay in doorashada 2024 ee Puntland ka dhici doonto ay noqon doonto mid qof iyo cod ah.

  15. War deg deg ah, War hor leh oo kasoo kordhay hogaamiyaha Xamas ee ay Israel sheegtay inay dishay

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida Cali Qadhi, taliyihii Xamaas ee hogaaminayay weerarkii ay kooxda ku qaaday koonfurta Israel todobaad ka hor.

    Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in "diyaaradaha ay dileen Ali Qaadi, oo ahaa taliye shirkadeed oo ka tirsan ciidamada Hamas qeybta 'Nukhba'.

    Sida laga soo xigtay ciidamada difaaca Israa’iil, 37-jirkan ayaa ka mid ahaa ku dhawaad ​​1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah oo la sii daayay 2011-kii oo lagu beddelay Gilad Shalit, oo ahaa askari Israa’iili ah oo ay Xamaas qabteen.

  16. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka 'wuxuu rajeynayaa inuu la kulmo Xamaas'

    Ruushka ayaa sheegay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi uu rajaynayo inuu la kulmo wakiilada Xamaas ee ku sugan gacanka Qatar todobaadka soo socda si ay ugala hadlaan sii deynta la haystayaasha Israel,sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka ee Ria-Novosti.

    Moscow waxa ay isu ekeysiinaysay maalmihii la soo dhaafay sidii dal nabad-sameeye ah oo karti leh, tafatiraha BBC-da ee Ruushka Steve Rosenberg ayaa ku sheegay qoraalkiisii ​​ugu dambeeyay.

    Waxaa uu sidoo kale xusay in Ruushka uu xiriir la leeyahay Xamaas iyo Iran – oo la rumeysan yahay inay ku lug leeyihiin maalgelinta mintidiinta.

  17. Putin oo ka faa'iideysanaya dagaalka Xamaas iyo Israa'iil

  18. War deg deg ah, Israa'iil oo sheegtay inay dishay taliyihii hogaaminayey weerarkii dhulka ee Xamaas qaadday 7dii Oktoobar

    Ciidamada cirka ee Israa'iil ayaa sheegay in ay dileen Cali Qaadi oo ahaa taliyihii Xamaas ee hogaaminayay weerarkii xadka ee lagu qaaday dhulka ay deegaamaysatay Israa'iil Sabtidii lasoo dhaafay.

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Cali Qaadi lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaddib dadaallo sirdoon oo ay sameeyeen hay’adda ammaanka ee Shin Bet iyo hoggaanka sirdoonka milateriga.

  19. War deg deg ah, Xamaas oo goor dhow ridday saalbooyin sawaariikh ah

    Iyada oo ay sii socdaan duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay Israa'iil ku hayso Qaza, ayaa sida ay sheegtay warbaahinta AL-jazeera, waxaa goor dhow Qaza laga riday saalbooyin gantaallo ah oo ku wajahan koonfurta Israa'iil.

    Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan qaar ka mid ah gantaaladaas la qabtay, balse wixii warar ah ee kasoo kordha waan idinla socodsiin doonnaa.

  20. Waa tee badda ay dooneyso Itoobiya ee ay sheegtay in jiritaankeedu ku xiran yahay?