Laba dhalinyaro ah oo ka mid ah muwaadiniin British ah oo la la'yahay
BBC waxay xaqiijin kartaa in laba dhalinyaro ah ay ka mid yihiin liiska muwaadiniinta Britain ee la la'yahay ka dib weerarradii Xamaas ee Israa'iil ku qaaday 7-dii Oktoobar.
Waa walaalo waxaytna kala yihiin Noiya, 13 jir ah, iyo Yahel, 16. Magacooda lama sii dayn.
Qoyskan ayaa la aaminsan yahay in laga soo qafaashay Kibbutz Beeri lana geeyey Qaza.
Xalay ayaa la xaqiijiyay in Hooyadooda Lianne oo u dhalatay dalka Britain, kuna dhalatay UK ay dileen Xamaas.