You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Lix jir Muslim ah oo toorrey loogu dilay Islaam naceyb

    Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa xiray nin waayeel ah oo ku eedeysay in uu toorrey ku weeraray wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis.

    Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Chuba, oo 71 jir ah, ayaa lix iyo labaatan jeer toorey ku dhuftay wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis oo degenaa gurigiisa.

    Wiilka yar ee lix jirka ah ayaa geeriyooday, halka hooyada 32 sano jir ah uu ku yaal dhaawac weyn oo halis ah.

    Weerarka oo ka dhacay gobolka Illinois waxay boolisku ku tilmaameyn mid ku saleysan 'Islaam naceyb' iyada oo la xiriirshay dagaalka ka socda Qasa ee u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

    Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas

  2. Israel oo ka jawaabtay arrin uu Mareykanku ku tilmaamay 'qalad weyn' oo ay galeyso xilli ay socdaan duqeymaha

    Danjiraha Israel u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa ka jawaabay war laga soo xigtay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo uu uga hadlay qabsashada Qasa.

    Madaxweynah Mareykanka oo la weydiiyay haddii uu taageerayo inay Israel qabsato oo ay la wareegto Qasa ayaa ku tilmaamay in arrinkaas uu noqon karo qalad weyn oo ay gasho Israel, laakiin waxa uu ku tilmaamay inay laga ma maarmaan tahay si halkaas Xamaas looga saaro.

    Laakiin danjiriraha Israel Gilad Erdan oo ka falcelinaya arrinkaas ayaa u sheegay warbaahinta in Israel aysan dooneynin inay qabsato Qasa.

    Waxa uu sheegay inay u dagaalamayaan siddii ay u jiri lahaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay ku qasbayso inay sameeyaan waxwalba oo ay ku baabi'in karaan Xamaas.

    Wuxuu se muujiyay dareen ah in uu qabo in aysan ogaan karin waxa dhici kara maalinka dagaalka kadib. Waxa uu hadalkaas uga jawaabay weydiinta ah in Israel ay dooneyso inay qabsato oo ay maamusho Qasa.

    Halkan ka akhri wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Xamaas iyo Israel

  3. Waa kuwee saddexda nin ee horkacaya dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas?

  4. Intaas waxaa inoogu eg tebinteenii tooska ahayd ee inoosoo bilaabatay saaka. Tan iyo inta aan berri dib u kulmi doonno, Nabada gelyo.

    Hoos u deg si aad u akhrisato wararkii ku dhaafay

  5. Boqorka Urdun oo safar degdeg ah ku tagay Ingiriiska iyo Yurub ayaa war cusub kasoo saaray dagaalka Qaza

    Boqorka Urdun, Abdullah II, ayaa u arka in loo diido cuntada, biyaha, iyo korontada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee Marinka Gaza "dambi dagaal oo dunidu ay tahay inay cambaareyso oo ay diido."

    Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ee London, axaddii, Boqor Cabdallah II wuxuu ka digay isku day kasta oo lagu doonayo in xoog looga barakiciyo Falastiiniyiinta meel kasta oo ka tirsan dhulka falastiin ama la barakiciyo, taas oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bini'aadantinimada, isagoo ku baaqay baahida loo qabo in la furo waddooyin bini'aadantinimo si loo keeno gargaar.

    Wuxuu ku baaqay in daawooyin degdeg ah iyo sahay gargaar oo loo fidiyo Marinka Gaza, la joojiyo dagaalka Qaza lagana hortago inuu dagaalku ku fido Daanta Galbeed, sida ay sheegtay Boqortooyada Urdun.

    Boqor Cabdallaha Labaad ayaa ku baaqay baahida loo qabo in beesha caalamku ay diido siyaasadda ciqaab wadareedka ah ee ku wajahan dadka deggan Marinka Gaza, iyo in la cambaareeyo beegsiga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyadoo la raacayo qiyamka bini'aadantinimo ee guud, sharciga caalamiga ah, iyo bini'aadantinimada caalamiga ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xaaladda taariikheed iyo sharci ee jira ee goobaha quduuska ah ee Islaamka iyo Masiixiyiinta ee Yeruusaalem.

  6. Dhul gariir mar kale ku dhufta dalka Afghanistan

    Dhulgariir cusub ayaa ku dhuftay galbeedka Afgaanistaan dhowr maalmood kadib markii laba dhul gariir oo waaweyn oo ka dhacay gobolka ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

    Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirka oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.3 uu ka dhacay meel u dhow magaalada Herat.

    Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka deegaanka.

    100 kale oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaalka gobolka, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

    In ka badan 90% dadka ku dhintay dhulgariirkii hore waxay ahaayeen haween iyo carruur, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef.

    Warbixinteeda, USGS waxay ku sheegtay in xudunta gariirkii ugu dambeeyay ay 30km waqooyi-galbeed kaga beegan tahay Herat, magaalada saddexaad ee ugu weyn Afgaanistaan, una dhow xuduudka Iran.

    Dhulgariirkii Sabtidii lasoo dhaafay ayaa ku dhuftay Zindajan, oo ah degmo miyi ah oo 40km u jirta Herat.

  7. Xaaladda Xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa'iil oo sii xumaanaysa xilli saldhigga Qaramada Midoobey ee Lubnaan duqeyni ku dhacday

    Maanta waxaa xadkan ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ay dhowr jeer rasaas isku weydaarsadeen goobo kala duwan.

    Israa'iil ayaa ka warbixisay dhimashadii ugu horreysay oo ah qof rayid ah oo ka dhashay isku dhacyada Xisbullah iyo Israa’iil ee halkaas ka socda.

    Nin 40 jir ah ayaa lagu dilay weerar gantaal oo la hagayay oo lagu qaaday xaafadaha waqooyiga ee Shtula, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka ee Israel.

    Waxaa jirta cabsi laga qabo in Lubnaan oo ay ku sugan yihiin Xisbullah oo ay Iran taageerto ay soo dhex gasho colaadda.

    Wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant ayaa sheegay in wadanku "uusan danaynayn" dagaal uu la galo kooxda.

    "Haddii Xisbullah ay doorato dariiqa dagaalka, waxay ku bixinaysaa qiimo aad u culus, aad u culus, laakiin haddii ay is-xakamayso, waan ixtiraamaynaa taas, iyo sida ay hadda tahay xaaladdu."

    Dhanka kale ciidamada Qaramada midoobey ee ku sugan dalka Lubnaan ayaa sheegay inuu gantaal ku dhacay xaruntooda, kaas oo uga yimid dhanka Israa’iil balse weli kamaysan hadlin Israa’iil.

  8. Ururka jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo bayaan wada jir ah kasoo saaray duulaanka dhulka ee ay Israa'iil dooneyso inay ku qaaddo Qaza

    Duulaanka dhulka ee Israel ku qaadayso Qaza “wuxuu horseedi karaa xasuuq aan horay loo arag”, madaxda Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay.

    Labada ururba waxay ugu baaqeen "Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay joojiyaan masiibada inagu soo fool leh, ka hor inta aysan talo fara ka bixin",

    Bayaankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Israa'iil isu diyaarisay duullaan dhulka ah oo ay ku qaado Marinka Qaza.

    Waxay si wada jir ah u cambaareeyeen weerarrada ka dhanka ah shacabka Qaza.

  9. Daawo gantaallo lagasoo ganayo Qaza oo ku wajahan Israa'iil

  10. Daawo Xaaladda Qaza

  11. Israa'iil oo sheegtay inaysan diyaar u ahayn dagaal ay la gasho kooxda Xisbullah

    Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu aanu danaynayn in uu dagaal kaga furmo jiidda woqooyi ee dalkiisa, isla markaana uu dalkiisu ku deyn doono xaaladda xadka sida uu hadda tahay.

    “Wax dan nooguma jirto in dagaal uu ka dhaco waqooyiga. Ma rabno inaan xaaladda sii xumeyno,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant oo saxaafadda la hadlay.

    "Haddii Xisbullah ay doorato jidka dagaalka, waxay ku bixin doontaa qiimo aad u culus. Aad u culus. Laakiin haddii ay is-xakamayso, waanu ixtiraamaynaa oo xaaladdu sida ay tahay ayaan ku ilaalinaynaa,” ayuu yidhi Gallant, isagoo xusay in rasaas la isku weydaarsaday xuduudda.

  12. Daawo Sawirrada taageerayaasha Falastiin oo meelo kala duwan dibad bax ka sameeyay caalamka

  13. Daawo: Baroordiiqa iyo aaska askarta Israa'iil looga dilay dagaalka

  14. Xildhibaanno Maraykan ah oo ku sugan Telaviv oo ka dhuumanaya gantaalada Xamaas

    Chuck Schumer oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo hadda hoggaaminaya wafdi ka socda Senate-ka Mareykanka oo tagay Israa’iil, ayaa shaaciyey sawirka xildhibaanno isugu soo ururay xarunta hoyga ee Tel Aviv, intii uu socday weerarka gantaallada ee Xamaas.

    "Waxay ku tusinaysaa xaaladda ay Israa’iil ku sugan tahay," Senetarka New York ayaa soo dhigay boggiisa X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.

    "Waa inaan siinaa Israel taageerada loo baahan yahay si ay isu difaacdo."

    Wafdiga - oo ay ku jiraan xubnaha jamhuuriga sida, Mitt Romney iyo Bill Cassidy iyo Dimuqraadiyiinta Jacky Rosen iyo Mark Kelly - waxay qorsheynayaan inay shir jaraa'id ku qabtaan Tel Aviv gelinka dambe ee maanta.

  15. Daawo dadka Qaza oo ku qaxaya gaadiid kasta oo dhaqaaqa

  16. Hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa Xamaas ee ay Israa'iil dishay

  17. War deg deg ah, Israa'iil oo soo gudbisay tirada dhimashada dhankooda oo sare u kacday

    Dhowrkii daqiiqadood ee u dambeeyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo gudbiyay tirada dadka kaga dhintay weerarrada Xamaas oo sare u kacday, taas oo ka badan 1,400 oo qof.

    Mar sii horreysay, mas’uuliyiinta Falastiin waxay sheegeen in tiro ka badan 2,300 oo qof lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee ka dhanka ah Marinka Gaza, oo billowday wixii ka dambeeyay sabtidii hore.

  18. Israa'iil oo madaafiic ku tuurtay Lubnan xilli laga digay in Iran ay dagaalka soo gasho iyadoo Xisbullah usoo maraysa

    Siday ay qortay Al jazeera waxaa soo baxaya warar sheegaya in Israa’iil ay ka jawaabeyso weerarki ugu dambeeyay ee lagu qaaday mid ka mid ah saldhigyada milatari ee ku dhow xadka ay la wadaagto Lubnaan.

    "Sagaal gantaal ayaa la aqoonsaday kuwaas oo ka soo tallaabay Lubnaan oo galay dhulka Israa'iil," ayay ciidamada Israa'iil ku sheegeen hadal ay soo saareen, iyagoo intaas ku daray inay qabteen shan ka mid ah.

    Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay madaafiic ku garaacayeen deegaanka ay toogashadu ka dhacday ee koonfurta Lubnaan.

  19. Madaxweynaha Masar oo Maraykanka u sheegay in falka Israa'iil uu ka baxsan yahay isdifaacid

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken in falcelinta Israa’iil ee weerarka Xamaas ay ka baxsan tahay is-difaaca oo ay ka dhigan tahay ciqaab wadareed.

    Faallo laga sii daayay intii lagu jiray kulan uu Blinken kula yeeshay Qaahira, el-Sisi wuxuu sidoo kale sheegay inuu diiday in la beegsado qof kasta oo rayid ah iskahorimaadka socda.

  20. War deg deg ah, Maraykanka oo ka digay in Iran ay si toos ah usoo gali karto dagaalka Israa'iil

    Mareykanka ayaa ka digay in dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas oo sii hura, uu horseedi Karo in Iran ay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta ay wada shaqeeyaan BBC-da ee CBS News, lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan ayaa ka digay suurtagalnimada dagaal cusub oo laga abuuro xuduudda Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan.

    "meesha kama saari karno in Iran ay dooran doonto in ay si toos ah usoo gasho dagaalka, waa inaan u diyaargarownaa xaalad kasta oo suurtagal ah," ayuu yidhi.

    Waxaa jiray is-rasaasayn ka dhacday xadka u dhexeeya kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto ee koonfurta Lubnaan iyo ciidamada Israa’iil, iyadoo kooxaha falastiiniyiinta ah ee aaggaas ku sugan ay iyaguna ku lug leeyihiin is rasaasaynta.

    Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo horaantii maanta ay Iran digniin cusub kasoo saartay in Israa'iil ay gudaha u gasho Qaza.