Waa kuma agaasimaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheikh usoo magacaabay madaxtooyada?
Barta Facebook-ga ee mataxtooyada Soomaaliya ayaa lagu daabacday qoraal lagu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraalka oo lagu faah-faahiyay agaasimaha cusub ee madaxweynuhu magacaabay ayaa ku billowday “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka".
Cabdixakiim Maxamed ayaa horay u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyoxuquuqda aadanaha.
Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Cabdixakiin Maxamed Yuusuf waxa uu Master of Science in International Development and Project Planning ka qaatay Jaamacadda Bradford ee dalka Ingiriiska.
Magacaabista agaasimaha ayaa ksoo beegmeysa xilli madaxweyne Xaasan Sheikh Maxamuud uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo uu ka socdo dhameystirka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab