You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Dhallinyaro Soomaali ah oo ku dhintay shil ka dhacay Sweden

    Booliska Sweden ayaa baaraya shil ay ku dhinteen dhallinyaro ay qaar Soomaali yihiin halka kuwa kale ay ka soo jeedaan dalal kale balse ay ku noolaayeen dalka Sweden. Shilka ayaa ka dhacay magaalada Skara ee dalka Sweden.

    Dhalinyarada oo la sheegay in ay ka shaqaynayeen arrimaha bulshada ayaa ka soo galbanayay shaqada goorta uu gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah uu ku dhacay gaarigoodii.

    Aasitaanka wiilashaas ayaa la sheegay in ay waqti qaadan doonto maadaama ay boolisku baaritaan ku wadaan sida uu shilku u dhacay. Saddexda dhalin yaro ee Soomaalida ah waxaa wehliyey oo shilka kula dhintay laba wiil oo kasoo kala jeeda Kurdistan iyo Morroco sida uu BBC u sheegay Cabdixaliim Maxamed Cabdi oo ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida.

  2. Wararkii u dambeeyey hawlgalka ciidamada dawladda ee ku wajahan Ceelbuur

    Iska hor imaadyo ayaa laga soo weriyey dhowr goobood oo ka mid ah aagagga ay doonayaan in ciidamada dawladdu ay uga gudbaan magaalada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Saraakiisha dawladda ayaa sheegaya in dhowr aag ay horumar ka sameeyeen ciidamadu. Wariyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibaraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahinaya wararkii u dambeeyay ee hawl gallada.

  3. Soomaaliya iyo ururka EAC oo wadahadal uga furmayo Kenya

    Wadahadallo u dhaxeeya Daladda Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaan EAC iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaababanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    Bishii February ee sanadkan, xubnaha urur goboleedkan ayaa ku kulmay dalka Burundi si ay dib u eegis ugu sameeyaan warbixinta codsiga xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka EAC.

    Codsiga Soomaaliya ee ku biiridda EAC ayaa tirada guud ee xubnaha ururkan ka dhigeysa sideed urur.

    Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi uu baaxad weyn.

  4. Daawo: Maxaa kalkaalisadan 'xaasidadda, ah ku kallifay inay disho carruur lagu aaminay?

  5. Maxkamad ciidan oo Muqdisho ku taala oo xukun ku riday askari horey u dilay injineer Kenyan ah.

    Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa saaka xukun xabsi ciidan oo shan sano ah iyo bixinta magdhow la siiyo marxuumka dhintay ku riday, askari ka tirsan milatariga Soomaaliya oo horey u dilay injineer xagga dhismaha ah oo u dhashay dalka Kenya oo la yiraahdo Fredrick Odhiambo Owino.

    Askari dilka gaysatay oo la yiraahdo Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa xukunkiisa loo cuskaday in uu si kas dhaaf ah u dilay injineerka labaatankii bishii tagtay ee Luuliyo, markaas oo marxuumka la dilay uu shaqo dhisme ah ka waday guri ku dhaw garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle.

    Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunkan saaka uga dhawaaqay xarunta maxkamadda.

  6. Sarkaal ka tirsan Dawladda Hoose oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray uu ku qarxay dhismaha waaxda dhul bixinta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhintay madaxii kormeerka waaxda gaadiidka ee Dawladda Hoose ee Muqdisho Xarbi Salaad Cumar sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka.

    Gaariga qaraxa siday ayaa la sheegay in la damcay in lagu joojiyo bar gadiidka lagu hubiyo oo ku taala laamiga dhinaca ka mara waaxda dhul bixinta, balse uu ka dhaga adaygay taas oo keentay in la rasaaseeyo, deetana uu isla goobta ku qarxo.

    Qaraxa waxa kaloo ku dhintay ninkii waday gaariga qaraxa siday.

    Sedex ka tirsan ciidamada amaanka ayaa iyana ku dhaawacmay qaraxa, in kastoo xaaladdooda aan faahfaahin laga bixin.

    Muqdisho waxa ugu dambeysay qarax gaari lagu soo rarro oo ku qarxa bishii October ee sanadkii hore ee 2022.

  7. Shirka BRICS oo maanta ka furmaya Koonfur Afrika

    Dalalka xubnaha ka ah ururka BRICS ee Brazil, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa maanta shir isugu imaanaya magaalada Johannesburg, iyadoo ay isa soo tareyso wadamada doonaya inay ku biiraan ururkaasi.

    In kabadan labaatan dal oo ay ku jiraan Iran iyo Argentina ayaa codsaday inay ku biiraan ururka. Shirka ayaa sidookale diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dhaqaale, ganacsiga, iyo doorka Qaramada Midoobay.

    Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, Sergei Lavrov ayaa ka qeyb gali doona shirkaas, kaas oo buuxin doona booska madaxweyne Putin oo wajahaya eedeymo la xirriira dembiyo dagaal.

  8. Gadar 2: Muxuu filimka jilaaga Sunny Deol u qabsaday shaashadaha caalamka?

  9. Biyo la'aan baahsan oo laga soo sheegayo Buuhoodle

    Biyo la'aan baahsan ayaa laga soo sheegaya magaalada Buuhoodle, taas oo si gaar ah u saameysay dadka dan yarta ah ee aan awoodin inay biyo iibsadaan.

    Biyo la'aanta ayaa waxaa sabab u ah roobkii dhawaan halkaas ka da'ay oo yaraa iyo titada dadka oo korortay kaddib markii ay deegaankaas gaareen dad ka soo qaxay dagaalka Laascaanood.

    Haddaba saameynta ka dhalatay arrintaas, ayaan wax ka weydiinnay Keyse Maxamed Xaaji Cali oo ah guddoomiyaha bulshada rayidka ee Buuhoodle.

  10. Hogaamiyaha kooxda Wagner oo loo maleynayo inuu Afrika joogo

    Hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeeystayaasha Ruushka ee Yevgeny Prigoshin, ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal, tan iyo markii uu fashilmay afgembigii uu doonayay inuu ka geysto Ruushka.

    Muuqaalkaas ayaa muujinaya inuu joogo meel Africa ka tirsan balse BBC-du uma suurta galin inay xaqiijiso halka lagu duubay muuqaalkaas.

    Muuqaalka oo la soo dhigay barta Telegram ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa muujinaya Prigozhin oo ku la bisan dereys iyo qalab dagaal, wuxuuna sheegay in kooxdu ay Afrika ka dhigayso "mid xor ah".

    Wagner ayaa la rumeysan yahay in kumanaan dagaalyahano ah ka joogaan qaaradda Africa oo la sheegay inay u joogaan dano ganacsi.

    Askarta Prigozhin ayaa ku sugan dalal ay ka mid yihiin Mali iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika - halkaasoo kooxaha xuquuqul inasaanka iyo Qaramada Midoobay ay ku eedeeyaan inay galeen dambiyo dagaal.

    UK ayaa bishii hore cunaqabateyn ku soo rogtay labada hoggaamiye ee Wagner ee howlgallada ka waday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyagoo ku eedeeyay jirdil iyo dilka dad rayid ah.

    Dagaalyahanada Wagner ayaa sidoo kale Maraykanku ku eedeeyay in ay ku taajireen heshiisyo dhanka dahabka ah oo sharci darro ah oo ay ka galeen meelo ka mid ah qaaradda.

    Muuqaalka ayuu Prigozhin wuxuu sheegay in Wagner ay ka shaqeyneyso qodista macdanta iyo sidoo kale la dagaalanka xagjiriinta Islaamiyiinta ah iyo dambiilayaasha kale.

  11. Gabadha qaadday quruxda adduunka ma waxay ku qurux badnaatay cunista kalluunka?

  12. Trump oo sheegay in dhowaan la xiri doono

    Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu Khamiista is geeyo maxkamad ku taalla gobolka Georgia si uu u wajaho eedeymo ku saabsan faragelinta doorashada.

    Xaakim ku sugan gobolka Atlanta oo gacanta ku haya kiiska madaxweynihii hore ayaa soo jeediyay in damaanad dhan $200,000 (£157,000) uu Trump bannaanka ku joogo.

    Heshiiskan ayaa ka dhigan in Mr Trump uu xor sii ahaan karo muddo dheer isagoo sugaya maxkamadeyn maaddaama uusan isku dayeynin inuu cabsi geliyo marqaatiyaasha.

    Mr Trump ayaa beeniyay 13 kiis oo loo heysto, waxaana ka mid ah warar been abuur ah.

    Trump ayaa laga doonayaa inuusan u hanjabin oo uusan cabsi gelin cid walboo kiiskan ku lug leh sida marqaatiyaasha.

    Waxaa heshiiska damaanadda wada saxiixay xeer ilaaliyaha degmada Fulton, Fani Willis, iyo qareennada Mr Trump.

    Gelinkii dambe ee shalay Mr Trump ayaa bartiisa, Truth Social kusoo qoray: "Ma rumeysan kartaa? Waxaan Khamiista u socdaa Atlanta, Georgia, si ay ii xirto xeer-ilaaliyaha degmada ee xagjirka ah, Fani Willis."

    "Olole ayay gashay, wayna sii waddaa, lacag ayayna uruurisay," ayuu intaa raaciyay. "Tan waxay xiriir adag la leedahay waaxda xu nee caddaaladda ee Joe Biden."

    Wuxuu sidoo kalesheegay in shuruudaha damaanadda ay muujinayaan in xeer-ilaaliyaha degmada ay ku fekertay inuu isaga ka carari doono Mareykanka.

    "Ma awoodi doonaa inaan qaato diyaaraddeyda," ayuu sidoo kale kusoo qoray bartiisa.

    "Dabcan maya, waxaa ii fiican inaan mid caadi ah ku safro – waan hubaa cidna ima aqoonsan doonto!"

    Ms Willis ayaa xaakimka ka codsatay inuu qabanqaabiyo maxkamadeynta 5-ta September.

  13. Daawo Sawirrada saamenyta ka dhalatay daadadka iyo duufaanta maraykanka

    Waddooyinka qaar ayey biyuhu buux dhaafiyeen iyada oo la arkayo biyo liqaya baabuurta halka jidadka qaar lagu dhex marayo doomaha ka samaysan bacda la buufiyey.

    Wadda walba oo soo gasha ama ka baxda magaalada Palm Spring ayaa gebi ahaanba go'an.

    Dhanka kale saameynta duufaanta ayaa la arkayaa geedo waaaweyn oo ay kusoo lagaday wadooyinka, guryaha iyo gawaarida. Waxaa meelaha qaar la arkayaa tiirarka korontada oo xarkohoodii wato oo kusoo dhacay waddooyinka waaweyn, taas oo halis kale oo dhanka korontada ah yeelan karta.

    Qadka 911 ee gurmafdka degdegga ah ayaa sidoo kale ka go'ay magaalada Palm Spring iyada oo dadka lagula taliyey in ay wacaan lambarrada kale ee gurmadka degdegga ah ama ay farriin u diraan. Waxay masuuliyiintu sheegeen in ay hagaajin ku socota lambarka wicitaanka gurmadka ee 911.

    Duufaantan ayaa ah tii ugu darnayd ee muddo 80 sano ah ku dhufata gobollada koonfur galbeed ee Maraykanka.

  14. Duufaan, roobaba, daadad iyo dhulgariir ku wada dhuftay qaybo ka mid ah Maraykanka

    Xarunta Duufaanada Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegtay in duufaanta lagu magacabo Hilary ay hadda u dhaqaaqday dhanka koonfurta gobolka Maraykanka e California.

    Xarunta NHC ayaa sheegtay in dabaylaha duufaantu ay ku socdaan xawaare gaaraya 50 mayl saacaddiiba (85km/h), waxaa laga digayaa "musiibo iyo halis nafeed" oo ay keenaam daadad ay u badan tahay in ay ka dhacaan qaybo ka mid ah koonfurta-galbeed ee Maraykanka iyo Mexico.

    "hoos udhaca dabaylaha ayaa la filayaa inay sii socoto, duufaanta Hilaryna waxaa la saadaalinayaa inay noqoto dabaylo goos goos ah dib kulaylka habeenkii," NHC ayaa ku dartay.

    Waxaa qaybo ka mid ah gobolka California ee Maraykanka ku dhuftay roobab duufaan wata oo jaray qaar badan oo ka mid ah jidadka waaweyn.

    Wax yar uun ka hor inta aysan duufaantu ku dhufan gobolka California ee dalka Maraykanka, dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 5.1 ayaa ka dhacay waqooyiga-galbeed ee magaalada Los Angeles, waxaa sidan sheegay Sahanka Jiyoolajiga ee Mareykanka.

    Gariirka ayaa laga dareemay magaalada Los Angeles, sida uu sheegay wariye BBC ka tirsan.

    Ilaa hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.

    Nidaamka Digniinta Tsunami ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan mowjadda dhulgariirka.

  15. Dhageyso wararkii u dambiiyey ee jiidaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

    Milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan miliishiyooyinka qabaa’ilk ayaa dhawr jiho ka kulaalaya degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo ah labada degmo ee wali gacanta Alshabaab ku jira, marka laga hadlayo degmooyinka gobolka Galgaduud.

    Ciidamada oo si taxdar leh ku socda kana kala baxay magaalooyinka Guriceel iyo Maxaas ayaa kaabiga ku haya deegaanka Wabxo oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

    Dhinaca kale ciidamadii ka baxay Dhuusamareeb oo iyana ku socda Ceelbuur, ayaa la soo sheegayaa inay ku dhawyihiin tuulada Sino- dhaqo oo iyana ay muddaba joogeen xooggaga Alshabaab.

    Haddaba warrarkii ugu dambeeyay ee jiiddaha dagaalka, waxan ka waraysanay wasiirka amniga ee dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), wuxuna u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.

  16. Xog laga helay wiil Soomaali ah oo Mareykanka ku dilay gacalisadiisa kahor inta uusan is dilin

  17. Somaliland oo ka hadashay xayiradda baraha bulshada ee Soomaaliya iyo waxa iyaga ka khuseeya

    War maanta ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda Somaliland, gaar ahaanna wasiirka wasaaraddaas, Cabdiweli Sheekh Cabdillahi Suufi, ayaa waxaa uu sheegay inaysan Somaliland khuseyn go'aankaas lagu mamnuucayo tiktok-ga iyo baraha kale oo ay tahay arrin gaar u ah Soomaaliya.

    Cabdiweli ayaase dhanka kale wuxuu sheegay in Somaliland ay dhawaan soo saartay xeerka dembiyada teknoolajida kaas oo sida uu wasiirku sheegay dhameystiran isla markaana horyaal baarlamaanka Somaliland.

  18. Faahfaahin ku saabsan dibadbaxyo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Baladweyne

    Mudahaaradyo looga soo horjeedo xariga Janaraal Sheegow oo Muqdisho sabtidii lagu xiray ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, waxana la soo weriyay in ay dadi ku dhinteen.

    Faahfaahinta warkaasi waxaa Kowsar uga waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.

  19. Sidee 'Xarash iyo Madax' ay kuu siin karaan go'aan arrin aad ku wareersanayd

  20. Dhageyso: Maxay Bilaal Bulshaawi iyo Tiktok-leyda kale ka yiraahdeen go'aankii dowladda

    Waa ra'iyiga qaar kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala barta Tiktok oo ka jawaab celinaya go’aankii dawladda ee ahaa in xayiraad la saari doono Tiktok-ga iyo baraha kale, waxay Muqdisho ugu warrameen weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan.