Maulvi Abdul Hakim Sharia, oo ah sii hayaha xilka wasiirka cadaaladda ee
xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan, ayaa sheegay in aan xisbina loo
ogoleyn inuu ku shaqeeyo xukunkooda.
Wasiirka cadaalada ee Taliban ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij loogu
magac daray "la xisaabtanka qaranka" oo ka dhacay magaalada Kabul.
Shariah, oo la sheegay inuu aad ugu dhow yahay hogaamiyaha Taliban Maulvi
Hibatullah Akhundzada, ayaa yiri, "Xisbiyada siyaasaddu uma dhisna qaab
waafaqsan shareecada Islaamka, danta qarankana laguma ilaaliyo, sidaas darteed,
gabi ahaanbana waa mamnuuc."
Wuxuu sidoo kale eeda masiibada Afgaanistaan dusha ka saaray xisbiyada
siyaasadda.
Sanadihii la soo dhaafay, ku dhawaad 100 xisbi, ayaa loogga dhawaaqay
Afgaanistaan, laakiin tirada xisbiyada sida rasmiga ah u diiwaangashan, ayaa
gaaraya 56.
Laakiin tiradan, ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay. Bilihii ugu
horeeyay ee sanadka 2021-ka, tirada xisbiyada Afgaanistaan ee ku shaqeeya
mabaadi'da dowladda jamhuuriyada, ayaa waxay ahaayeen 45 xisbi.
Dhammaadkii hannaanka jamhuuriyadda ee dalka Afghanistan, ayaa waxa shuruud
lagu xiray xisbiyada siyaasadda inay xafiisyo ay hawlahooda ku qabsadaan
furtaan, iyo ugu yaraan inay ka hawl galaan 20 gobol. Sidaa darteed, xisbiyo
badan, ayaa buuxin kari waayay shuruudahan.
Xisbiyada siyaasadda ayaa la sheegay inay muhiim u yihiin ka qayb galka
doorashada, balse afhayeenka xukuumadda Taalibaan Zabihullah Mujahid, ayaa
shalay u sheegay BBC Pashto inuusan aaminsanayn doorashada, isla markaana
doorashooyinka Afgaanistaan qaarkood aysan diyaar u ahayn inay aqbalaan
nidaamkan, iyadoo la tixgelinayo waayo-aragnimadii hore.
Qaab dhismeedka hannaanka loo maro xisbiyada siyaasadeed iyo jiritaankoodaba
ee Afgaanistaan waa in ka badan qarni. Laakiin markii xisbiyada siyaasadeed
ay bilaabeen hawlahooda rasmiga ah, xilligii boqor Zahir Sha, waxaa loo arkaa
"tobankii sano ee dahabiga ah ee dimuqraadiyadda" Afgaanistaan.
Wasaarada cadaalada ee Taliban, ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ay
sameeyeen sharciyo ay ku dhaqmaan hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ayna u
direen hoggaankooda.
Mas’uuliyiinta wasaaraddan ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi ka
kooban 25 xubnood, oo ka doodi doona sharciyo qabyo ah. Culimada diinta iyo
muftiga xukuumadda Taliban, ayaa qayb ka ah guddigan.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ee Taliban
ayaa sheegay in marka guddigooda oo ka kooban 25 xubnood ay soo dhameystiraan
sharciga qabyo qoraalka ah, ay u diraan hoggaankooda fadhigiisu yahay Kandahar,
iyadoo Akhundzadana uu kala hadli doono culimada kale ka hor inta uusan
saxiixin.