Yevgeny
Prigozhin, wuxuu ka soo jeedaa magaalada St Petersburg ee caasimadda Ruushka, oo ah isla halka uu ka soo jeedo madaxeynaha Rushka,Vladimir Putin.
Xukunkiisii
maxkamedeed ee ugu horeeyay wuxuu ku dhacay 1979 kii, isaga oo 18 jir ah,
tuuganimo ayaa loo xiray laba sano iyo bar.
Laba sano
kadib, waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay falal dhac
iyo tuuganimo, sagaal sano oo kamid ah mudadaas wuxuu ku jiray xabsi.
Kadib markii
laga soo daayay xabsiga, Prigozhin wuxuu aasaasay miisas badan oo lagu iibiyo
hilbka lo'da oo la shiilay, gudaha magaalada St Petersburg. Ganacsigii ayaa u
bulaalay, sanado gudahood ayuu magaalada ka furtay maqaayad wayn oo qaali ah.
Halkaas ayay
ka bilaabatay xooggii iyo sareyntii uuu ku yeeshay St Petersburg kadibna
Ruushka oo dhan. Mid kamid ah maqaaxiyahiisa oo la yiraado New Island,
waxay ahayd doon dul sabeyneysa wabiga Neva.
Vladimir
Putin ayaa aad u jeclaa maqaaxidaas, markuu madaxweyne noqday kadibna, wuxuu bilaabay inuu
halkaas geeyo martidiisa dibadda ka timaada. Sida ay u badan tahayna waa halka
ay ku kulmeen labada nin.
Putin wuxuu
aaminay Prigozhin ilaa uu kala qayb galay xafladda dhalashadiisa oo ka dhacday
maqaayadda New Island sandkii 2003 dii.
Sanado
kadib, shirkadda cuntooyinka diyaarisa ee Prigozhin ayaa heshiis lagula galay
in ay cunto geyso aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliyo, isaga oo qaatay
naaneysta ah, “cunto kariyaha Putin”.
Sanadkii
2014 kii, markii Ruushku ku duulay Ukraine, ayay muuqatay in Prigozhin uusan
ahayn ganacsade iska caadi ah. Shirkad qaas ah oo milatari oo xiriir isaga la
leh ayaa la soo wariyay in ay ciidamada Ukraine kula dagaalameyso bariga
gobolka Donbas.