You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Cunnooyinka ka dhiga dhididka mid udgoon ama aan fiicnayn

    Waxaan dhammaanteen ognahay in marka jirkeennu kululaado uu soo saaro dhidid farabadan. Waa qaabka jirkeenu isu qaboojiyo. Dhibic kasta oo jirkeenna kasoo baxdaa waxay caawinaysaa sida uu hoos ugu dhici lahaa heerkulka jirkeenu. Inkasta oo nidaamkani muhiim yahay hadana wuxuu leeyahay saameyn aan la jeclayn.

    Dabcan haa, waxaan ka hadleynaa qaabka uu soo uro dhididkeenu...sii akhri

  2. Miliishiyooyinka aan la celin karin ee ku dhex samaysma dawlado dano ka leh

  3. Waa sheeko ku saabsan dilaal ka shalaayey in uu wax u kala iibiyo shirkad shidaal iyo burcad

    Sheekadu waxay ku saabsan tahay 520 milyan oo saliid ah oo ay ahayd in shirkad laga leeyahay Dubia ay gaarsiiso shirkad kale oo laga leeyahay Mexico bishii Julaay 2022. Saliiddan ceyriin oo la bixiyay lacagteeda ayaan la gaarsiin halkii loogu tala galay. Sababtaas awgeed raggan ka ganacsada daroogada ee Mexico waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan wax kasta, xitaa inay ergo u diraan Rome si ay u soo ceshadaan lacagtooda.

    Waa nin u dhashay dalka Ecuador oo isku magacaabay "Jenaraalka". Wuxuu harada Eur ee magaalada Rome kula kulmayaa dilaalka heshiiska oo damaanad qaaday guusha heshiiska, taas oo si kastaba ha ahaatee dhanka kale isu rogtay.

    "Madaxa ayaan kaa goynayaa adiga iyo qoyskaagaba" ayuu ku hanjabay “Jenaraalka” oo ah nin aad u qallafsan. Bishii Agoosto ee la soo dhaafay wuxuu sidoo kale u diray dhibbanaha muuqaallo taxane ah oo ka turjumaya laba dil oo fool xun.

    Mid ka mid ah muuqaalada waa nin sarwaji laga jeexay (maqaarka wajiga laga bixiyey. Dillaalka oo argagaxsan ayaa gabaad ka dhigtay hoteel ku yaalla caasimadda, waxaana soo wacay telefoon loogu sheegay inuu qolka ku jiro illaa sagaalka subaxnimo ee maalinta xigta.

    Dhanka kale, farriimaha hanjabaadaha dilka iyo muuqaallada cabsida ah ayaa si joogta ah loogusoo diraa, balse dhibanaha ayaa horeba la xiriiray booliiska, ka dibna booliska ayaa garaacay albaabka "Jenaraalka"- Ecuadorian-ka ah sidaasna lagu xiray.

    Baaritaanka, oo uu hadda soo gabagabeeyay dacwad ooge Francesco Basentini, ayaa muujinaya dhagar caalami ah iyo magaala sida Rome oo kale ah halkaas oo ay isku dhex milmaan ganacsi aan caddayn oo u dhexeeya shirkadaha shidaalka iyo dambiilayaasha Koonfurta Ameerika, tan oo mudan in filin laga sameeyo.

  4. Maxaan ka naqaan Amiir Jaamac Maxamed Mire oo horaan lagu dilay Laascaanood

  5. Kumanaan askar ah oo ka qayb qaadanaya wareejinta hogaamiye kooxeed caan ah

    Kumanaan ka tirsan askarta dalka koonfurta Amerikaee Ecuador iyo booliska ayaa galay howlgal waaberigii saaka so hogaamiye kooxeed caan ah loogu wareejiyo xabsiga ugu adag dalkaas.

    Jose Adolfo Macias, oo loo yaqaan "Fito" ayaa lagu eedeeyay inuu hanjabaad dil ah u diray musharaxii la dilay ee Ecuador, Fernando Villavicencio.

    U ololeyaha la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa saddex xabadood madaxa lagaga dhuftay isagoo ka soo baxay dibadbax arbacadii ka dhacay dalkaas.

    Ka hor inta aan la dilin Mr Villavicencio waxa uu sheegay in uu Fito u hanjabay.

    "Haddii aan sii wado... ka hadalka kooxda Los Choneros, way i dilidoonaan," ayuu yiri.

    Dhimashadiisu waxay naxdin ku noqotay ummad inta badan ka badbaaday tobanaan sano oo rabshado kaga imaanaya kooxaha daroogada ka ganacsada, dagaalladii burcadnimada iyo musuqmaasuqa oo ragaadiyay qaar badan oo deriskooda ah. Dembiyada ayaa si kastaba ha ahaatee dsare u kacay sannadihii la soo dhaafay, taas oo ay kicisay kobaca kooxaha daroogada ee Colombia iyo Mexico.

    Sabtidii, xisbigiisu wuxuu ku dhawaaqay ku xigeenkiisa Andrea Gonzalez inuu yahay musharraxa madaxweynenimo ee booskii Villavicencio.

  6. Soomaaliga saaxiibka lahaa Raila Odinga ee shaqeynayay isaga oo sagaashan jir ah

  7. Siyaasiyiinta Iran oo si hoose uga doodaya sharciyada xijaabka

    Mudanayaasha baarlamaanka Iran ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ugu codeeyay in dib loo eego sharciga xijaabka ee muranka dhaliyay taasoo la macno ah in aysan jiri doonin dood dadweyne oo arrintan ku saabsan.

    Sharciga xijaabka iyo dhowrsanaanta ayaa ciqaab adag ku soo rogaya haweenka ku guul darreysta in ay xijaabka ku xirtaan gudaha Iran.

    Waxaa la diyaariyay iyadoo laga jawaabayo mudaaharaadyo waaweyn oo bilo socday oo ka dhashay dhimashada haweenay xabsiga lagu hayey oo lagu eedeeyay inaysan si sax ah u xiran xijaabka.

    Baarlamaanka ayaa hadda awood u yeelan doona inuu ansixiyo saddex illaa shan sano si loo tijaabiyo sharcigan.

    Marka tijaabadu bilaabato, xildhibaanadu waxay markaas awood u yeelan doonaan inay beddelaan sharciga, ugu dambayntiina waxay ka dhigayaan sharci joogto ah.

    Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ugu baaqay qodobka 85-aad ee dastuurka Iran inuu horumariyo sharciga, kaasoo u ogolaanaya guddiga baarlamaanka inuu dib u eegis ku sameeyo hindise sharciyeedka iyadoo aan laga doodin.

    Codeynta oo ka dhacday fadhi furan oo baarlamaanka ah ayaa waxaa u codeeyay 175 mudane, halka 49 ay diideen.

    Xubin ka tirsan baarlamaanka Mohammad Rashidi ayaa sheegay in mudanayaashu ay u codeyn doonaan si loo go'aamiyo mudada loo dhgaqan galinayo "si tijaabo ah".

    Si kastaba ha ahaatee xildhibaan Gholamreza Nouri-Qezeljeh ayaa ka digay in tilaabadan ay la timid "khatar", gaar ahaan maadaama qeyb weyn oo sharciga ka mid ah uu diiradda saarayo "dambiyeynta iyo ciqaabta" xadgudubyada la xiriira xijaabka.

  8. Jabriil Cabdirashiid: Waa kuma wasiirka sheegay in reerkiisa oo keliya uu shaqaaleysiinayo?

  9. Daawo sida uu dabku u halakeeyay magaaladan Maraykanka

    Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ee jasiiradda Marayknka ee Hawaii ayaa gaartay 93 qof, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.

    Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday. Dadka ayaa lagasoo gurayaa biyaha badda oo ay badbaado ka doonteen.

    Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.

  10. Hindiya: Ma Khasab baa in la helo ogolaanshaha waalidka guurka ka hor

  11. Baadariga ugu weyn kiniisadda Katooligga oo ka hadlay muhaajiriintii shalay doontu la degtay

    Hoggaamiyaha Kaniisadda Kaatooligga, Pope Francis, ayaa dhimashadan ku tilmaamay " Tani waa boogta banaan ee dadnimadeena " ka dib markii 41 qof ay ku naf waayeen dooni tahriibayaal ah oo ku degtay xeebaha Talyaaniga todobaadkii hore, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka hortagaan dhacdooyinka la mid ah.

    Qudbadii uu jeediyay cibaadeysigii Axada ka dib ee Vatican-ka, ayuu Pope-ku yiri, “Maalmo ka hor, shil kale oo naxdin leh oo doon ah ayaa ka dhacay badda Mediterranean-ka: 41 qof ayaa ku dhintay. Waan u duceeyey,” ayuu yiri.

    "Waa inaan u sheegnaa qaab xanuun iyo xishood ku dheehan: tan iyo bilowgii sanadkan ku dhawaad 2,000 oo rag, dumar iyo caruur ah ayaa ku dhintay baddan iyagoo isku dayaya inay gaaraan Yurub. Tani waa boogta banaan ee dadnimadeena.”

    Isagoo ku baaqaya "dadaal siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed si loo bogsiiyo nabarkan iyadoo leh dareen wadajir iyo walaaltinimo," Pope wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inuu taageersan yahay go'aanka kuwa ka shaqeynaya badbaadinta soogalootiga.

  12. Maxay dadka qaar uga cabsadaan dhiigga masaska ama ka hadalka bulshada horteeda?

  13. Daawo boolis tuug ay daba socdeen god kasoo saaraya

    Booliska Maraykanka ayaa adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn si ay u baadi goobaan nin tuug ah oo lagu tuhunsanaa inuu xaday alaab.

    Eedeysanaha ayaa lug ku baxsaday ka dib markii uu isku dayay inuu alaab ka xado afaafka hore ee guri, taasoo keentay shil yar oo taraafikada ka dhashay, sidaasi waxaa sheegay booliska degmada Fayette.

    Iyaga oo adeegsanaya diyaarad aan duuliye lahayn, ayey askarto si toos ah ula socotay ninkan iyo meelaha uu marayo, iyaga oo ugu dambayntii la socday ilaa ay uu ka galay duleelka tuubooyinka biyaha iyo wasakhda.

    Eyga boolisku adeegsado ayaa godka loo dajiyey ka hor inta uusan ninku go'aansan in uu isdhiibo, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Waxaa xabsiga la dhigay ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay.

  14. Maxay dadka ajnabiga u jeexjeexaan lacagta dalkan marka ay soo booqdaan?

  15. Gabdhaha Soomaalidu ma waxay jacayl ka raadinayaan internetka iyaga oon waalidku ogayn?

  16. Madaxweyne Biixi oo markii ugu horreysay ka hadlay askartii lagu laayay duleedka Hargaysa, ayaa soo jeediyay in sharciga la horgeeyo kuwii ka dambeeyay

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka hadlayay xabaallihii lagu aasay 9 askari oo boolis ah oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaanka Go’da yar ee duleedka Hargaysa Jimcihii la soo dhaafay ayaa sheegay in qaranka looga fadhiyo in cid kasta oo gacan ka gaysatay dilka askartaasi sharciga la hor geeyo.

    “Qaranka Somaliland seddex qodob baa la gudboon oo kali ah, marka hore ciddii shirqoolkaa iyo dilkaas gaysatay, mid abaabulay mid caawiyay iyo mid gacanta gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga sida diinta islaamku ogoshahay la mariyo, waa waajib qaranka saaran dad iyo dawladba, xukuumadduna ay garwadeen ka noqonayso, hay’addaha sahrciga waxa la farayaa in ay hawshaa soo dhamaystiraan raadkeeda”. Ayuu yiri Madaxweyne Biixi

    Madaxweynaha oo watay khamiis cad lana hadlayay warbaahinta, aaska kaddib ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay cadow badan.

    “Waxa weeye qaranka Somaliland inaan daafacno halgan badan baa loo soo galay, cadow badan buu leeyahay, meelo badan baa nalaga weerarayaa, inaynu qaran ahaan mideysnaano, oon qaranka daafacno waa tallaabo labaad oo nala gudboon”. Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

  17. Laliga-ha Spain oo cabasho ka gudbiyay taageero dhaqaale oo la sheegay in Qatar ay siiso naadiga PSG

    Horyaalka kubadda cagta Spain ee Laliga ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay guddiga yurub taasoo ka dhan ah naadiga Paris St German oo ay ku eedeeyeen inuu kab dhaqaale si suuq madow ah uga helo Dawladda Qatar.

    Arintan ayaa u ogolaatay kooxda PSG oo ay leedahay shirkadda maalingalinta ciyaarraha ee Qatar tan iyo 2011 kii inay la soo saxiixdaan ciyaartoy iyo tababarayaal qiimahoodu ka sarreeyo xaaladda caadiga ah ee suuqyada ayaa lagu yiri warqada cabashada ee uu gubiyay Laliga-ha Spain Sabtidii.

    Horyaalka Spain ayaa warqadiisa ku sheegay in “PSG kab dhaqaale ka heshay Dawladda Qatar, taasoo u saamaxday inay ku hormariso loolanka suuqyada, waxayna ku abuurtay dhalan rog suuqyada gudaha iyo kuwa Midowga Yurub”.

  18. 4 qof oo ku dhintay madaafiic ku dhacday Laasacaanood

    Warrarka ka imaanaya magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic teel teel ah oo tan iyo saaka ku soo dhacaysay gudaha magaalada lagu dilay afar qof, sida dad goobjoog ah ay BBC-da u sheegeen.

    Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.

    Dhinaca kale rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa aaggaga ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ee duleedka Laasacaanood.

    Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhawr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

  19. Ronaldo oo u hoggaamiyay kooxdiisa Sucuudiga ee Al-Nasri horyaalka naadiyada Carabta

    Ronaldo ayaa labo gool oo uu dhaliyay ku hoggaamiyay kooxdiisa Al-Nasri koobkii ugu horreeyay ee naadiyada Carabta, in kastoo ay sagaal ciyaartooy ku dhamaysteen waqtigii dheeriga ahaa.

    Ciyaaryahanka reer Bortaqiis ee 38 jirka ah ayaa kaalin mug leh ku lahaa inay ka soo laabtaan gool lagaga hormaray ciyaartii ay la ciyaareen kooxda isla Sucuudiga ka dhisan ee Al-Hilaal, ciyaarta kama dambeysta koobka naadiyada Carabta, kaas oo ay ku badiyeen 2-1.

    Ronaldo ayaa dhaliyay goolka barbarraha ka hor inta aan ciyaarta laga saarin Abdulelah Al-Amri and Nawaf Boushal oo labaduba u ciyaarayay Al-Nasri

    Ronaldo ayaa gool kale dhaliyay qaybtii hore ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray kaddib markii ay barbarro 1-1 ah ku dhaamatay sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta, sidaas ayuuna koobkiisii ugu horreeyay kula guuleystay kooxdiisa Al-Nasri.

    Ronaldo ayaa sidoo kale ku guuleystay inuu noqdo gool dhaliyaha tartanka kaddib markii uu dhaliyay lix gool.

    Tartanka naadiyada Carabta, waxa ka qayb galay naadiyada ugu sarreeya wadamada Sucuudiga, Qatar, Imaaraatka, Ciraaq, Morooko, Tunisiya iyo Aljeeriya.

  20. Lonon Lix daqiiqo oo kasta taleefan baa lagu xadaa, sida boolisku sheegay

    Shirkaddaha taleefanada ayaa loogu baaqay inay gacan ka gaystaan sidii loo yarayn lahaa xatooyada kaddib markii xog cusub oo uu boolisku soo saaray lagu sheegay in lix daqiiqo oo kasta taleefan lagu xaday magaalada London sanad kii la soo dhaafay.

    Booliska ayaa sheegay in 90,864 mobile la xaday sanad kii 2022, waxana maalintii oo kaliya la xadi jiray 250 xabo.

    Wakiilo matalayay shirkaddaha taleefannada ee UK ayaa sheegay inay qaadayaan talaabooyin lagula tacaalayo xatooyada mobile-da.

    Shirkaddaha hoggaaminaya mobile sameynta ee Apple iyo Samsung ayaa la waydiistay inay jawaab bixiyaan.

    Warqad furan oo ay direen duqa London Sadiq Khan iyo madaxa booliska Sir Mark Rowley ayay ku sheegeen in loo baahan yahay in la hormariyo barnaamij xal u keenaya in la yareeyo dambiyada la xiriira xatooyada mobile-da.