Taliyeyaasha ciidamada galbeedka Afrika oo ka shiraya Afgembiga Niger
Taliyeyaasha ciidamada dalalka galeebkda Afrika ayaa sabtiga ku kulmaya caasimadda Ghana ee Accra si ay uga hadlaan afgembiga militeri ee Niger.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay diyaarinayan faragelin militeri oo lagu sameeyo dalkaas.
Arintan ayaa timid kaddib markii urur goboleedka Ecowas uu amray in heegan la geliyo ciidamada intii uu socday shirkii Nigeria ee khamiistii.
Midowga Yurub ayaa sheegay in madaxweynihii xukunka laga turay ee Niger ee xabsi guriga ku jira uu sugan yahay xaalad ka sii dareysa, waxayna ku baaqeen in degdeg loo sii daayo.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midwoga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Bazaoum iyo qoyskiisa laga jaray cuntada, korontada iyo daryeelka caafimaad muddo dhowr maalmood ah.