Gobolka Banaadir oo yeeshay taliye cusub kadib geeridii Janaraal Farxaan Qaroole
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Talo uu soo jeediyay ninka adduunka ugu taajirsan oo ka careysiisay Taiwan

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka, Elon Musk Xukuumadaha Beijing iyo Taipei ayaa jawaabay ka dib markii maal-qabeenka adduunka Elon Musk uu sheegay in Taiwan ay noqoto aag maamul oo gaar ah oo Shiinaha ka tirsan.
Ninka ugu taajirsan adduunka ayaa wareysi uu siiyay Financial Times ku sheegay inuu rumeysan yahay in labada dowladood ay gaari karaan qorshe “macquul ah oo la aqbali karo”.
Safiirka Shiinaha ee Maraykanka ayaa ammaanay Musk balse dhiggiisa Taiwan ayaa sheegay in xorriyadda "aanay iib ahayn".
Taiwan waa maamul gaar ah laakiin Beijing ayaa ku anddacoonaysa inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.
Toddobaadkii hore, Musk ayaa waxa uu sidoo kale lagu dhaleeceeyay ra'yi uruurin uu ku soo bandhigay Twitter-ka ah taas oo uu ku soo jeediyay indagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, la soo afjaro xukuumadda Kyiv-na inaydhul u oggolaato Moscow.
Hadalka Mr Musk ayaa imaanaya iyadoo shirkaddiisa Tesla ee baabuurta korontada ku shaqeysa ay faa’iido badan ka sameeyay iibkeeda Shiinaha.
Putin oo digniin bixiyay xilli uu xaqiijiyay duqeymaha saaka lagu garaacay Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay duqeymaha saaka lagu garaacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.
Putin wuxuu sheegay in gantaallada riddada dheer lagu garaacay xarumaha tamarta, militeriga iyo isgaarsiinta.
Putin wuxuu wacad ku maray in uu qaadi doono tallaabo adag oo jawaab u ah inay ficilo ‘argagixiso’ oo kale oo laga geysta dhulka Ruushka.
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Golahiisa amniga si ay uga wadahadlaan qaraxii lala beegsaday buundada isku xirta Ruushka iyo Crimea, wuxuu ku eedeeyay in Ukraine ay ka dambeysay weerarkaas.
Maxay ka dhigan tahay wareegtada uu madaxweynaha ku kala diray guddiyada musuq-maasuqa iyo garsoorka?
Siyaabo kala duwan ayaa loo fasiray wareegto uu shalay soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay in lagu toosinaya habraacii loo maray magacaabista guddiga golaha adeegga garsoorka iyo midka la-dagaalanka musuqmaasuqa, labadaas guddi oo la sameeyay xilligii uu dalka ka talinayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Wareegtada Madaxweyne Xasan ayaa lagu sheegay in la baabi'iyey dhammaan wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey labada guddi.
Haddaba si aan sharci ahaan u fahanno waxa ay ka dhigan tahay wareegtada cusub ayaa waxaa BBC-da uga warramay Abuukaate Sakariye Yuusuf oo si qoto dheer u yaqaana dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Qoraalka Codka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Al-Shabaab oo digniin ka soo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Al-Shabaab Al-Shabaab ayaa uga digtay warbaahinta madaxabannaan iyo weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya in ay u hoggaansamaan amarka dowladda ay ku mamnuucday in la isticmaalo ‘dacaayadaha’ ku saabsan Al-Shabaab lasoo dhigo.
Dowladda Soomaaliya waxay Sabtidii shaacisay liiska website-yada taabacsan kooxda.
Waxay u jeedisay shirkadaha Internet-ka bixiya inay hawada ka saaraan baraha Al-Shabaab.
Dowladdu waxay sidoo kale hawada ka saartay 40 akoonno baraha bulshada ah oo faafinayay ‘dacaayadaha Al-Shabaab’.
Dowladdu waxay sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo baahisa ‘dacaayadaha’ iyo fikradaha Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha bixiya Internet-ka inay hawada ka saaraan baraha taabacsan Al-Shabaab.
Wararka kale:
TPLF oo baaq u dirtay shacabka Tigray
Jabhadda TPLF ayaa ugu baaqday qof kasta oo ka tirsan bulshada Tigre inay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea xilli uu dagaal ka socdo deeganno dhowr ah.
Bayaan laga akhriyay teleefishinka ay maamulaan jabhadda ayaa lagu sheegay in ‘ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay afarta jiho ka wadaan weerraro xooggan oo lagu xasuuqato shacabka Tigray’.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in haatan 5.4 malyan oo qof oo ku nool Tigray ay u baahan yihiin cunto xilli dagaalka uu sababay inay hakad galaan adeegyadii aasaasiga ahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya: Waxaan dilnay tiro badan oo Al -Shabaab ah
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in ka badan 200 oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab, ay ku laayeen tuulada Jicibow ee hoos tagta degmada Buula Burde, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.
Wasiirka amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa, inay qabsadaan deegaankaas oo ay ku sugan yihiin, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kadibna ay gooyaan wadada isku xirta Buula Burde iyo Beledweyne, oo dhawaan la furay.
Qoraalka Codka, Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay in ka badan 200 oo Shabaab ah Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay caasimadda Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qaraxii lala eegtay buundada isku xirta Crimea iyo Ruushka Wararka ka imaanaya dalka Ukraine waxay sheegayaan in qaraxyo dhowr ah laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kyiv.
Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha ka dhacay Kyiv saaka, sida ay sheegtay waaxda gurmadka deg dega ah ee Ukraine.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay qiiq cirka isku shareerayo oo kasoo baxyo dhismayaal ku yaalla Kyiv.
Duqeymahan loo geystay Kyiv labo maalin uun kadib markii uu qarax burburiyay buundadii isku xireysay gobolka Crimea iyo dalka Ruushka.
Shaley madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku eedeeyay in sirdoonka Ukraine inay sameeyeen waxa uu ku tilmaamay fal argagixiso.
Waxaa lagu wadaa in manta uu hoggaamiyo shirka Golaha Ammaanka si looga hadlo qaraxa ka dhacay buundada.
Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen gantaallo xaley lagu garaacay magaalada Zaporizhzhia.
Wararka kale:
Asalaamu Caleykum.
Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.
