Gobolka Banaadir oo yeeshay taliye cusub kadib geeridii Janaraal Farxaan Qaroole

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xoghayihii ururka saxafiyiinta ee SJS oo Muqdisho lagu xiray

    Cabdalla Muumin

    Xigashada Sawirka, facebook

    Qoraalka sawirka, Cabdalla Muumin

    Mid ka mid ah ururada saxaafadda Soomaaliya ayaa sheegay in la xiray madaxii ururkaasi ka dib markii uu cambaareeyay xeer ay dowladda federaalka soo saartay oo ku saabsanaa in aan la tebin wararka ku saabsan kooxda Al-shabab.

    Ururka Somali Journalist Syndicate ayaa sheegay in xoghayahoodii guud cabbdalla Axmed Muumin ay ciidamo hubeysan oo ka tirsan hay'adda sirdoonka ay xireen galinkii dambe ee Isniintii.

    Cabdalla Muumin ayaa si cad u cambaareeyay amarka dowladda ee ah in aan la tebin wararka ku saabsan Shabab.

    Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa hadda qeybo ka mid ah dalka ka wada howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabab.

  2. Tirada cudurka Ebola ugu dhimatay Uganda oo sii korodhay

    Shaqaalaha caafimaadka Uganda

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Shaqaalaha caafimaadka Uganda

    Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa xaqiijisay in qof qaba cudurka Ebola uu ku dhintay isbitaal ku yaalla caasimadda Kampala.

    Bukaanka waxa horey kooxaha caafimaadku u sheegeen in uu la macaamilay qof qaba cudurkaasi.

    Sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Dr. Jane Ruth Aceng, ninkan ayaa ka cararay tuuladii uu ku noolaa, isaga oo qariyay aqoonsigiisa, waxaana uu booqday dhakhtar dhaqameed uu uga tagay gobol kale.

    Bukaankan ayaa ku dhintay Kiruddu National referral Hospital 7-dii October. Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in ilaa iyo hadda laga helay dalka Uganda 54 kiis oo Ebola ah , 19 ka mid ah-na ay cudurka u dhinteen.

  3. Rai'sul wasaarihii hore ee Malaysia oo isaga 97 jir ah mar kale xil u tartamaya

    Mahathir Maxamed

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mahathir Maxamed

    Mid ka mid ah siyaasiyiinta adduunka ugu khibradda badan, Mahathir Maxamed, ayaa shaaciyay in uu u tartami doono baarlamaanka doorashada guud ee Malaysia.

    Mahathir Maaxamed ayaa waxaa ay imika da'diisu tahay 97 jir.

    Mr Mahathir ayaa labo jeer soo noqday ra'iisul wasaaraha Malaysia, waxaana mudda xileedkiisii ugu horreyay uu xilka hayay muddo 22 sano ah.

    Mar kale ayaa loo magacaabay xilka rai'sul wasaaraha 2018 markaasi oo uu 92 jir ahaa. Waxa la dhigay isbitaalka horaantii sanadkan isagoo xaalad dhanka wadnaha laga daweeyay, balse waxa uu sheegay in uu hadda aad u wanaagsan yahay oo uu difaacan karo kursigiisa.

    Ma uusan sheegin in uu rai'sul wasaare noqonayo haddii isbahaysigiisa ay doorashada ku guulstan.

  4. Sida duqeyn loogu dilay hoggaamiyaha koox dadka afduubata

    .

    Xigashada Sawirka, NIGERIAN AIRFORCE

    Militeriga Nigeria ayaa sheegay inay dileen 30 qof oo hubeysnaa oo uu kamid ahaa madaxii burcadda dadka afduubata xilli ay duqeyn ka fuliyeen waqooy galbeed gobolka Kaduna.

    War qoral ah oo la soo saaray ayey ku sheegeen ciidanka cirka ee Nigeeria in hoggaamiyaha burcadda Cali Dogo Yellow uu kala baxsaday dagaalayahanadiisa gobolka Niger ka dib markii ay halkaa ka dhacday duqeyn militari.

    Ciidamada Cirka ee Nigeria oo ku raad joogay ayaa ogaaday guri ay ku shirayeen dabayaaqadii isbuuca, kaasoo ku yaalla xaafadda Giwa ee gobolka Kaduna.

    Afhayeen u hadlay ciidanka cirka oo lagu magacaabo Edward Gabkwet ayaa sheegay in markaas kaddib ay diyaaradda militeriga bambooyin ku dhufatay dhismaha, halkaasoo ay ku dhinteen tobannaan qof oo ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay in ay hubeysan yihiin isla markaana afduubyada geysta.

    Waxaa jiray duqeymo kale oo lagu guuleystay oo lala beegsaday burcadda wax afduubata ee ku sugan deegaanka Mando, oo sidoo kale ka tirsan gobolka Kaduna.

    Duqeymahaas ayaa lagu dilay xubno badano o ka tirsan kooxaha argagixisada.

    Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijiyay tirada ragga hubeysan ee ay weerarrada kala duwan ku dileen militeriga Nigeria.

    Waddanka Nigeria ayaa la daalaadhacaya wax ka qabashada burcadda hubeysan ee fulisa dilalka iyo afduubka lagu dalbado madax-furashada ee ka dhaca guud ahaan dalkaas, gaar ahaan waqooyi-galbeed.

  5. War deg deg ah, Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo qarax lagu dilay

    Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim, sida ay BBC-da u xaqiijiiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.

    Qaraxa ayaa loo malaynayaa in la dhigay goob uu fadhiyay guddoomiyaha degmada, waxaana la dhintay mid kamid ah ciidankii ilaaladiisa ahaa.

    Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley, Siid Cali Ibraahim.

  6. Ruushka oo gantaallo hor leh ku garaacay Ukraine

    Khasaaraha ka dhashay gantaallada ku dhacay magaalada Zaporizhzhia

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay gantaallada ku dhacay magaalada Zaporizhzhia

    Ruushka ayaa gantaallo hor leh ku garaacay dalka Ukraine, wuxuu la beegsaday deegaanno dhaca magaalada galbeedka ku taalla ee Lviv iyo sidoo kale magaalada dhacda koonfur bari ee Zaporizhzhia.

    Duqa magaalada Lviv, Andriy Sadovyi ayaa sheegay in afar kamid ah xarumaha korontada ee ku yaalla gobolka ay burburiyeen gantaallada.

    Wuxuu BBC-da u sheegay inta badan magaalada ay koronto la’aan tahay.

    Isniintii ayay aheyd markii Ruushka uu duqeymo dhowr ah ku qaaday magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

    Zaporizhzhia waxaa ku dhacay gantaalkii 12-aad.

    Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada ridada dheer lala eegtay goobo ay bartilmaameedsanayeen.

  7. Rabshado ka dhacay jaamacadda Jigjiga

    Ardeyda imtixaanka ku galayay jaamacadda Jigjiga

    Xigashada Sawirka, Jigjiga University

    Qoraalka sawirka, Ardeyda imtixaanka ku galayay jaamacadda Jigjiga

    Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay ay rabshado ka dhaceen jaamacadda magaaladaasi kaddib markii sida la sheegay ardayda fasalka 12-aad oo halkaa imtixaan ku galayay ay qaarkood diideen in la baaro.

    Rabshadaha ayaa sida la sheegay sababtay in ciidamada ammaanka ay soo farageliyaan, taa oo keentay in ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ardayda, ardeyda ku dhaawacmay rabashadaha waxaa la geeyay isbitaalka guue ee Jigjiga.

    Madaxa Jaamacadda ayaa BBC-da u sheegay in rabshadaha ay ka bilaabmeen markii mid kamid ah ardeyda uu diiday in laga baaro qishka.

    Wuxuu intaa ku daray in xaaladda ay maanta deggen tahay isla markaana maanta ardeyda ay si nabad ah imtixaanka ugu fariisteen.

    Waxaana saaka jaamacadda horteeda lagu arkayay waalidiin doonaya in ay ogaadaan xaaladda carruurtooda halkaasi ku jira.

    Wasaaradda waxbarashada federaalka Itoobiya ayaa soo saartay go'aan ah in ardeyda fasalka 12-aad ay imtixaanka ay ku galaan jaamacadaha si looga hortaggo in ardeyda kasoo gudbeyso dugsiga sare aysan u qishin.

  8. Soomaalida ku geeriyootay xeebta dalka Giriigga

  9. Nigeria oo dadkeeda uga digtay sharoobo lala xiriiriyay dhimashada tiro carruur ah

    Gambia ayaa horey u joojisay sharoobadan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Gambia ayaa horey u joojisay sharoobadan

    Nigeria ayaa muwaadiniinteeda uga digtay isticmaalka sharoobo lala xiriiriyay dhimashada tiro carruur ah oo ku noolaa dalka Gambia.

    Sharoobooyinkan ayaa waxaa soo saartay shirkad laga leeyahay dalka Hindiya , waxaana laga shakiyay inay ku jirto maado sun ah.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa dunida uga digtay isticmaalka dawadaas.

    Waaxda tayo dhowrka dawooyinka iyo cuntada Nigeria ayaa shacabka ka codsatay inay iska ilaaliyaan isticmaalka dawadaas.

    Waxay sheegtay in maadada suntan ah ee laga shakiyay inay ku jirto dawada , waxay sababtaa, calool xanuun, matag, shuban, kaadida uu qofka dhibtoodo, madax xanuun iyo dhaawac soo gaara kelyaha taasoo horseedi karta dhimasho.

    Dawooyinka ayaa lagu kala sheegay Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup. Shirkadda Maiden waxay ku guuldareysatay inay bixiso damaanad ku saabsan badqabka dawada.

    Dowladda Gambia waxay joojisay isticmaalka sharoobadan, ugu yaraan 69 dhimasho ah ayaa lala xiriiriyay sharoobadan qufaca ee carruurta.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ka cabsi qabtaa in Gambia kaliya ah aysan aheyn dalalka horey loo gaarsiiyay sharoobada.

  10. Ukraine oo soo riday gantaallo uu Ruushku kusoo ganay

    Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxay baahisay sawirro muujinaya maraakiibta oo gantaallo ka ridaya badda Black Sea

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxay baahisay sawirro muujinaya maraakiibta oo gantaallo ka ridaya badda Black Sea

    Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in saaka ay soo rideen afar gantaal oo uu Ruushka ku soo ganay, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidamada cirka ee Ukraine Yuriy Ihnat.

    Yuriy Ihnat wuxuu intaa ku daray in ciidamada Ukraine ay adeegsadeen qalabka lidka diyaaradaha si ay usoo ridaan gantaallada Ruushka.

    Labo kamid ah gantaallada waxay ku burbureen gobolka Kyiv, sida barta Telegram-ka uu ku sheegay taliyaha militeriga ee gobolkaas,Oleksiy Kuleba.

  11. Abwaanka Soomaaliga ee u bareera soo saarista miinooyiinka

  12. Gobolka Banaadir oo yeeshay taliye cusub kadib geeridii Janaraal Farxaan Qaroole

    Taliyaha cusub ee booliska ee gobolka Banaadir Mahad Cumar Muumin

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Taliyaha cusub ee booliska ee gobolka Banaadir Mahad Cumar Muumin

    Taliyaha guud ee booliska Soomaaliya ayaa Korneel Mahad Cumar Muumin u magacaabay taliyaha cusub ee booliska ee gobolka Banaadir kadib markii dhawaan uu qarax ku dhintay taliyihii booliska ee gobolkaas, Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

    Mahad Cumar waa “Sarkaal firfircoon iyo qabiir dhanka amaanka ah oo in muddo ah kasoo shaqeynayay Amniga” sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa bishii hore ku dhintay howlgal ka socday deegaanada dhaca xuduuda saddexda gobol ee gobolka Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

  13. Mareykanka oo cambaareeyay duqeymihii uu Ruushka ka gesytay Ukraine

    Khasaarihii ka dhashay duqeymaha Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khasaarihii ka dhashay duqeymaha Ruushka

    Waxaa si weyn loo cambaareeyay Ruushka kadib markii duqeymo dhowr ah ka geystay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

    Meelaha uu Ruushka duqeeyay waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

    Mareykanka ayaa sheegay in weerarrada “arxan-darrada ah” lala beegsaday goobo aan saldhig milateri ahayn, oo ay ku jiraan jaamacad iyo garoon ay carruurtu ku dheelaan, wuxuuna ballan-qaaday gargaar milateri oo dheeri ah.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga naxay duqeymaha Ruushka.

    Vladimir Putin wuxuu sheegay in weeraraada ay ahaayeen kuwa aargoosi ah kadib qaraxii Sabtidii lala eegtay buundada isku xirta Crimea iyo Ruushka.

    Ukraine waxay sheegtay in 83 gantaallo ah lagu garaacay halkaas inkasta oo ay sheegeen inay soo rideen in ka badan 43 gantaal.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay in “Ukraine aan loo handadi karin balse ay ka go’antahay xoojinta midnimada”.

    Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay halka tiro dad ahna ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Wararka kale:

  14. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.

  15. Xoogagaga Tigray oo shacbaka baaq u diray

    Xoogagaga Tigray oo shacbaka baaq u diray

    Maamulka gobolka Tigreega ee Itoobiya oo ay colaada ka taagan tahay ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka iyo xulafadeeda Ereteriya in ay duqaymo aan loo meel dayin ku fuliyeen goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah.

    Maamulka gobolka ayaa sheegay in weerarrada ay ku badan yihiin deegaannada ku dhow xadka Eritrea (oo ay ku jiraan Rama iyo Adigrat).

    Xoogagaga Tigrega ayaa Waxay ku booriyeen dadweynaha inay ku biiraan dagaalka.

    Wadahadallo nabadeed oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Afrika oo toddobaadkan ka furmi lahaa dalka Koonfur Afrika ayaa dib loo dhigay sababo lagu sheegay cilada farsamo.

    Dagaaladan ayaa dib u billowday bishii Ogosto ee sanadkan ka dib xabbad joojin muddo bilo ah socotay.

    Itoobiya iyo Ereteriya ayaan wali ka hadlin edeynta Tigray.

  16. Kuuriyada Waqooyi: Waxaan sameynay matalaadda weerar nukliyeer ah oo aan ku qaadnay Kuuriyada Koonfureed

    Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaaladii ugu dambeeyay ee ay ridaysay ay ahayd "u ekaysiin" weerar Nukliyeer ah oo lagu qaaday Koonfurta.

    Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo sirdoonku sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay isku diyaarinayso inay qabato tijaabadii ugu horreysay ee hubka Nukliyeerka muddo shan sano ah. Todobaadyadii la soo dhaafay, Pyongyang waxa ay ridday todobo xabo oo gantaal ah taas oo jawaab u ah dhoolatusyadii u dambeeyay ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

    Kuuriyada Waqooyi: Waxaan sameynay matalaadda weerar nukliyeer ah oo aan ku qaadnay Kuuriyada Koonfureed

    Xigashada Sawirka, Reuters

  17. Ruushka oo gantaalo ku garaacay caasimada Kyiv

    Ruushka oo gantaalo ku garaacay caasimada Kyiv

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Ruushka ayaa gantaallo ku garaacay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

    Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhismayaal dhowr ah oo magaalada Kyiv kuyaala.

    Ugu yaraan sideed qof ayaa la sheegay in lagu dilay hal degmo oo kaliya, Weriyeyaasha BBC-da ayaa sheegaya in duqeymahan ay yihiinkuwii ugu badnaa ee si isdaba jooga ah oo uuRuushku sameeyo tan iyo toddobaadyadii hore ee dulaanka.

    Gudoomiyaha gobolka Dnipropetrovsk, Valentyn Reznichenko, ayaa sheegay in Ruushka uu duqeeyay gobollo badan

    Weerarradan ayaa daba socda baaqyo ka soo yeeray dadkaputin aadka u taageera oo maalmahanba ka ololoeynayay telefishinnada Ruushka iyo baraha bulshada si uu Ruushkatallaabo adag uga qaadoUkraine.

    Sababtidii aynu soo dhafnay ayay aheyd markii qarax ka dhacay buundo kutaala Crimea oo muhiim u ahisku xidhka Ruushka iyo Crimea uu burbur xog leh soo gaary.

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa qaraxan ku eedeeyay in ay kadanmbeeyeen. sirdoonka Ukraine.

  18. Madaxweynaha Belarus oo sheegay in NATO ay wado qorshe ka dhan ah dalkiisa

    Madaxweynaha Belarus oo sheegay in NATO ay wado qorshe ka dhan ah dalkiisa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Belarus ayaa ku andacoonaya in Ukraine, NATO iyo waxa uu ugu yeeray "wadamo ka mid ah Yurub" ay dhamaantood qorsheynayaan inay weerar ku soo qaadaan dhulka Belarusia.

    Alexander Lukashenko ayaa sheegay in uu hadda ku amrayo ciidamada dalkiisa in ay la socdaan ciidamada Ruushka si ay uga jawaabaan waxa uu ugu yeeray "khatar cad".

    Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa ka digay in cunaqabatayn cusub lagu soo rogi doono Belarus, haddii ay Ruushka siiso kaalmo dheeraad ah.

    Afhayeenka, oo lagu magacaabo Peter Stano, ayaa ku tilmaamay sheegashada Mr Lukashenko ay tahay 'wax lagu qoslo':

  19. Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Museveni?

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga gobolka iyo xiriirka labada dal.

    Waxay sidoo kale wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Soomaaliya, sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.

    “Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafeed kasoo baxay madaxtooyada.

    Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa madax dhowr ah oo Uganda uga qeybgashay munaasabadda xuska 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii dalkaas uu xoriyadda qaatay.

  20. Waa sidee xaaladda deegaanka Jicibow?

    Wafdiga dowladda ee gaaray tuulada Jicibow

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Wafdiga dowladda ee gaaray tuulada Jicibow

    Warrarka laga helayo magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo ay dib uga bilowdeen tuulada Jicibow, oo qiyaastii 30km waqooyi uga beegan Buulo-urde, halkaas oo tan iyo shalay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka deegaanka ah iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

    Saraakiil ka tirsan ciidamada oo ay soo xigeynaysa warbaahinta dawladda ayaa sheegay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka Jicibow ka dhacay, halka ay Al-Shabaab sheegeen inay iyagun dileen saraakiil ka tirsan ciidanka dawladda iyo askar.

    saraakiil ka tirsan dowladda oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo xildhibaanno ayaa goordhaw tuulada Jicibow si ay xaaladda usoo kormeeraan.