Mareykanku ma wuxuu toos ugu biiray dagaalka Ukraine?

Gantaallada Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Dowladda Ruushka ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu si toos ah ugu lug leeyahay dagaalka ka socda Ukraine, markii ugu horraysay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow ayaa sheegay in Mareykanka uu ciidamada Ukraine u calaamadaynayay meelaha ay ku garaacayaan gantaallada uu Mareyknaka sameeyay ee Himars.

Labo-xiddigle Janaraal Igor Konashenkov ayaa sheegay in Ruushku uu helay xogta wicitaanno dhex maray saraakiil reer Ukraine ah oo fashilaya xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.

Hase yeeshee, BBC-da uma suurtagelin inay si madax bannaan u xaqiijiso arrintaas.

Ruushka ayaa horay ugu eedeeyay Washington in ay Ukraine ka waddo dagaal “ay gacan kale u adeegsanayso”.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in ay Ukraine siiyeen “xog faahfaahsan, oo waqti xasaasi ah la xiriirta, si ay ugu caawiyaan fahamka halista ay wajahayaan iyo inay waddankooda ka difaacaan gardarrada Ruushka”.

Himars waa hub ay ka dhacaan gantaallo wadar ah oo lagu beegsan karo bartilmaameedyo fog oo gaaraya ilaa 70km (45 miles). Waxay gaaraan meelo aad uga fog masaafaha ay gaari jireen gantaallada ay Ukraine horay u haysatay.

Waxaa kale oo la aaminsan yahay inay ka shiish fiican yihiin gantaallada iyaga la midka ah ee ay haystaan militeriga Ruushka.

Gantaallada Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mr Konashenkov ayaa yiri: “Waa maamulka Biden midka sida tooska ah mas’uulka uga ah dhammaan gantaallada ay asnixinayso dowladda Kyiv ee lala dhacayo goobaha la daggan yahay iyo dhismeyaasha dadka rayidka ah ee ku yaalla Donbas iyo gobollo kale, kuwaasoo sababay dhimashada shacab aad u badan.”

Bishii April, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, uu hubka balaayiinta doolar ah ugu deeqayo Ukraine uu ka dhigan yahay “in Nato ay dagaal kula jirto Ruushka iyadoo adeegsanaysa gacan kale, ayna hubaynayso gacantaas”.

“Dagaal micnihiisu waa dagaal,” ayuu yiri Wasiirka 72 jirka ah, oo diginin u diray maamulka Aqalka Cad.

Guud ahaan muddadii uu socday dagaalka Ukraine, Ruushka waxaa lagu eedeynayay in uu gaystay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada.

Isbuucii lasoo dhaafay, Ukraine ayaa Moscow ku eedaysay in ay bambooyin la dhacday xabsi ku yaalla gobolka gooni-u-goosad doonka ay gacanta ku hayaan, si ay u qariso eedeymaha ku saabsan in jirdil la sameeyay.

BBC-da ayaa warbixinno ka diyaarisay eedeymaha ku saabsan jirdilka iyo garaacidda loo gaystay maxaabiista Ukraine, kuwaasoo ay gaysteen militeriga Ruushka iyo ciidamada amniga labadaba.