Itoobiya oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqday

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Coronavirus: Sababta uu jiirka ama dooliga u soo batay xilliga karantiilka

    .

    Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

    Xiritaanka hoteelada iyo dadkii oo guryaha jooga ayaa saameyn ku yeelatay qaabka uu jiirku wax u cuno una dhaqmo, sida ay sheegeen khubarada.

    Bishii la soo dhafay, jiir aad u fara badan ayaa qabsaday wadooyiinka caanka ah ee deegaanka French Quarter, magaalada New Orleans ee gobolka Lusiana.

    "Jiir aad u tira badan ayaa lagu arkayay dhismayaal kala duwan, kuwaas oo ku tiirsanaan jiray qashinka ay banaanka soo dhigaan dalxiisayaasha waxay ahaan kartaa New-Yolk iyo meel kasta oo jiirku ku tirsanaa qashin" ayuu yiri Robert Corrigan oo ah khabiir dhanka xayawaanka ah.

  2. Dhaqaalaha dalka Faransiiska oo gaaray heerkii ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Waxaa hoos u dhacy dhaqalaha dalka Faransiiska, waana hoos udhicii ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    Saddexdii bilood ee ugu dambaysay, dhaqaalaha ayaa hoos u dhacay boqolkiiba lix, sababo la xiriira faafitaanka fayraska Coronavirus.

  3. Mid ka mid ah kabankii Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi)

    Qoraalka Muuqaalka, Boqorkii kabanka Xudeydi oo ku geeriyooday London

    Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku geeriyooday, fannaan, laxamiiste, Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa.

    Xudeydi ayaa muddooyiinkii u dambeeyay la xanuunsanaa fayraska corona oo fara ba'an ku haya guud ahaa caalamka.

    Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, waxaa uuna aad can ugu ahaa tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka.

  4. Shiinaha oo bandaw ku soo rogay magaalo ku taala xadka uu Ruushka la wadaago

    Shiinaha ayaa Bandow ku soo rogay Magaalo ku taala xadka uu Shiinaha la wadaago dalka Ruushka, kaddib markii halkaas laga soo sheegay kiisas cusub oo Coronavirus ah.

    Ugu yaraan 60 qof oo ku nool magaalda Suifen ee gobolka Heilongjiang ayaa laga helay cudurka covid-19 tan iyo Sabtidii la soo dhaafay.

  5. Xaaladda Boris Johnson kaddib laba habeen oo uu ku baryay qaybta daryeelka degdega ah

    Ra' iisal wasaaraha UK Boris Johnson

    Raii’sal wasaaraha UK Boris Johnson, ayaa la sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsantahay kaddib markii habeenkii labaad uu ku baryay qeybta daryeelka degdegga ah.

    Wasiirka caafimaadka ee Edward Argar ayaa BBC-da ugu warramay xaaladdii ugu dambeysay ee raii’sal wasaaraha.

    "Waxaan ogahay in xaaladdiisa ay ka wanaagsantahay sidii hore, hadda si wanaagsan ayuu u neefsan karaa oo uma baahna qalabka dadka ka caawiya neefsashada," ayuu yiri Argar.

    Ma jiraan warar dheeraad ah oo laga filayo xaaladda Mr Johnson ilaa iyo galinka dambe ee Arbacada maanta ah.

    Waxyaabaha uu Argar u sheegay barnaamijka BBC Breakfast waxaa kamid ah,

    ·" Ma jiraan cadeymo buuxa oo naga caawin kara inaan go’aan qaadanno" oo ku saabsan goorta ay UK qaadi doonto xayiraadaha saran dalka,

    ·Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka UK looga baahan yahay " inay taxada muujiyaan "

  6. War deg deg ah, Itoobiya oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqday

    Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa daqiiqada ka hor ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku aadan halista Coronavirus.

    Kiisaska cudurka ayaa hadda maraya 52, iyada oo ay laba qof u dhimatay Coronavirus.

  7. Soomaaliya oo diyaar u ah inay gudaha dalka ku baarto Coronavirus

    Wasaaradda caafimadka ee dalka Soomaaliya ayaa shaacisay in gudaha dalka lagu baari doono kiisaska Coronavirus ee caasimadda Muqdisho.

    Horaan baaritannada waxaa la gayn jiray caasimadda dalka Kenya, Nairobi.

    Shaybaarka Wasaaradda caafimadka ayaa hadda loo qalabeeyey sidii loogu samayn lahaa baaritanno cusub.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Run mise Been?

    Wariyaha BBC-da Ibraahim Jaamac ayaa 60 ilmiriqsi ku sharaxaya xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee ku saabsan Carona.

  9. Barnaamijka xaqiiqo-baarista BBC-da ayaad kaga bogan kartaa waxyaabaha khuraafaadka ah ee Corona

    Qoraalka Muuqaalka, Barnaamijka xaqiiqo-baarista BBC-da
  10. War deg deg ah, Magaalada Mandheera oo laga helay kiisas Coronavirus ah

    Waxaa la xaqiijiyay labo qof oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus kuwaas oo ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee Kenya.

    Labadan qof ayaa la sheegay inay kasoo safreen magaalada Mombasa ee ku taalla gobolka xeebta.

    Wasiirka wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in 14 qof oo hor leh in uu ku dhacay cudurka Coronavirus gudaha dalkaas.

    Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 guud ahaan Kenya waxay gaarayaan 172 qof.

  11. Galgaduud: Waxaa ka socda waan waan lagu xallinayo dagaallo dhacay

    .

    Warrarka laga haleyo gobolka Galgaduud ee Soomaaliya ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaal u dhaxeeya miliishiyo beeleedyo wada dagan deegaano ku yaala xuduudda gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya.

    Dagaalladii ugu dambeeyay ee agaasi ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dhawr iyo toban qof iyadoo dhaawucuna kor u dhaafayo labataan kuwaas oo la kala geeyay cisbitaalo ku kala yaala magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.

    Wasiirka arimaha gudaha ee Galmudug Duraan Maxamad Samatar oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay ciidamo kala dhex dhigi doonaan miliishiyooyinka dagaalamay.

    "Labada dhinac waa ogolyihiin...waana naga ogolaadeen in lagala dhexgalo" ayuu yiri Duraan Maxamad Samatar.

  12. Dadka reer Qaza ma heystaan dhaqaale ay kula dagaallamaan Coronavirus

    Dadka reer Qaza oo markii horeba go'doonka Israa'iil ku jiray, ayuu haddana yimid cudurka Carona. Waa sidee Xaaladda haatan?

    Qoraalka Muuqaalka, Qaza iyo cudurka Corona
  13. Boris Johnson oo ku baryay qeybta xaaladda deg deg ah ee Isbitaalka

    Ra'iisul wasaaraha UK,Boris Johnson

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha UK,Boris Johnson

    Ra'iisul wasaaraha UK,Boris Johnson ayaa haatan ku sugan qaybta daryeelka xaaladda deg deg ah ee cisbitaal ku yaalla bartamaha magaalada London ka dib markii astaamahii xanuunka 'coronavirus' ee lagu arkay ay ka sii dareen.

    Inkasta aan warar dheeri ah laga bixin xaaladda uu haatan ku sugan yahay Ra'iisul wasaaraha.

    Afhayeen u hadalay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad .

    Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibadda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah .

    Ra'iisul wasaraha oo da'diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona.

  14. Dal xir xirayo dadka aanan afka iyo sanka xiran

    Morocco waxay xireysaa dadka aan afka iyo sanka xiran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Morocco waxay xireysaa dadka aan afka iyo sanka xiran

    Dowladda Morocco waxay sheegtay in shacabka dalkaas ee aanan xiran afka iyo sanka ay wajahi doonaan xabsi saddex bilood ah ama in lagu ganaaxi doono inay bixiyaan 126 doolar.

    Maanta ayuu sharcigan ka dhaqan galayaa Morocco, waxaa shacabka lagu amray inay sanka iyo afka xirtaan si ay isaga ilaaliyaan cudurka Coronavirus.

    Dowladda ayaa go'aankan ku dhawaaqday shaley kaddid markii ay qabatay shir looga arrinsanayay ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Morrocco ayaa in muddo ku jirtay xaalad deg deg ah, waxaana dalkaas laga xaqiijiyay 1,120 qof oo uu ku dhacay Corona halka 80 qofna ay u dhinteen.

    Wuxuu dalkan hiigsanaya in uu sare u qaado wax saarka marada lagu xirta afka iyo sanka ee looga hortaggayo cudurka Corona.

  15. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

  16. Coronavirus oo ganacsiga xawaaladaha hoos u dhac ku keenay

    Tallaabbooyinka lagu xakameeynayo la dagaallanka Fayraska Corona ee caalamiga ah ayaa waxay saameeyn ku yeelatay howlaha ganacsi ee xawaaladaha Soomalida, gaar ahaana dalalka reer galbeedka oo ay qurba joogta Soomaaliyeed ka soo diraan lacagaha ay ku kaalmeeyaan qoysaskooda Soomaliya joogo.

    Haddaaba waxaan arintaasi ka wareysanay madaxii hore ee isutagga xawaaladaha Soomaaliyeed SOMSA ee dalka UK haatanna ah madaxa ku dhaqanka iyo tababarada Shuruucda Daryeel Bank ee IFTIN Group, Maciin Jamac Cali oo ku sugan magalaada Garowe, Koowsar Maxamed ayuuna u warramay.

    Qoraalka Muuqaalka, Coronavirus oo ganacsiga xawaaladaha hoos u dhac ku keenay
  17. Hindiya: Bukaankii ugu da'da weynaa oo ka badbaaday coronavirus

    Cudurka Covid-19 wuxuu u daran yahay dadka da'da ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cudurka Covid-19 wuxuu si weyn u saameeyaa dadka da'da ah

    Nin 93 jir ah oo u dhashay Hindiya ayaa noqday bukaankii ugu da'da weynaa dalkaas ee ka badbaada cudurka coronavirus, sida uu sheegay dhaqtarkii la tacaalayay xaaladdiisa.

    Ninkan iyo xaaskiisa oo 88 jir ah ayaa waxay labadooda ka badbaadeen cudurka kaddib laga helay bil ka hor, waxaana la filaya in dhawaan isbitaalka laga soo saaro, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Lamaanahan waxay ku nool yihiin gobolka Kerala, waxaana cudurka qaadsiiyay labo qof oo ka tirsanaa qoyskooda oo kasoo laabtay Talyaaniga.

    Hindiya waxay xaqiijisay 1,238 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19, halka 35 qofna ay u dhinteen cudurka, waxaana ka badbaaday 123 qof, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Hindiya.

  18. Maamulka Koonfur Galbeed oo tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo ku lug leh colaadda Walaweyn

    Magaalada Walaweyn

    Xigashada Sawirka, SBC

    Qoraalka sawirka, Magaalada Walaweyn

    Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay cadaallada hor keeni doonto cid kasta oo ku lug leh dagaalka ka soconaya deegaannada ku xeeran magaalada Walaweyn, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay dad biri-magayda ah.

    Dagaalkaas ayaa waxa uu sababay in dad badan ay barakacaan, waxa uuna si gaar ah u saameeyay dadka rayidka ah oo qaarkood ay dhibaato lixaad leh soo gaartay.

    Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ayaan darro ay tahay in dad masaakiin ah lagu laayo Walaweyn.

    "Koley tallaabooyin ayaan qaadi doonaa, dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ee oo is kaashaneyso cid kasta oo duullaankaas qaabka daran iyo dilalkaas qaabka daran abaabul u gashay oo ka dambeysa, haddey tahay qolo qoryo sidata kuwo ciidaan ah ama kuwo shacab ah ama odeyaal dhaqameed labada dhinac ah colaaddaas hurinaya haddey jiraan dowladda tallaabo ayay ka qaadi doontaa" ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda

    Waxaase weli lagu soo warramayaa in deegaankaasi uu weli ka socdo dagaal u dhaxeeya laba beeloo oo halkaas wada deggan, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 10 qof.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda.

    Madaxweyanaha wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay guddi xaqiiqo raadin ah u dirtay deegaannada ay ka dhaceen colaadda si tallaabo loo qaado.