Itoobiya oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqday

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Lamaane aroos ah oo loo xiray inay jebiyeen bandowga Coronavirus

    Booliska Koonfur Afrika ayaa xabsiga u taxaabay lamaane aroos ah, Baadari iyo dhammaan 40 qof oo kasoo qeybgalay xaflad aroos ah oo ka dhacday gobolka KwaZulu Natal ee dalkaas.

    Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay jebiyeen xeerarka adag ee looga hortaggayo faafitaanka cudurka Corona ee gudaha dalkaas.

    Warbaahinta eNCA ee kasoo baxda Koonfur Afrika ayaa baahisay sawir muujinaya aroosadda oo labisan xilli ay booliska xirayeen.

    Waxaana loo heystaa sababta ay u qabsadeen munaasabadda dadkaasi badan ay kasoo qeybgaleen maadaama la mamnuucay in dadka ay tegaan goobaha isu imaatinka si looga hortaggo cudurka Covid-19.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Dhammaan dadkii ka qeybgalay munaasabadda arooska ayaa la geeyay saldhigga booliska ee ku yaalla agagaarka Richards Bay, waxaana la filayaa maanta inay maxkamad kasoo hor muuqdaan.

    Koonfur Afrika waxay xaqiijisay 1,655 qof oo uu ku dhacay Coronavirus halka 11 qof ay u dhinteen.

    Koonfur Afrika waxaa lagu soo rogay banddow si looga cudurka Covid-19.

  2. Itoobiya oo xaqiijisay dadkii ugu horreeyay ee u dhintay Cudurka Corona

    Wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday dadkii ugu horreeyay ee u dhintay cudurka Covid-19 ee ku dhaca neefmareenada kaas oo sababa feyraska Corona.

    Labada qof ee u dhintay cudurka ayaa ku sugnaa qeybta xaaladaha deg deg ah ee isbitaal ku yaalla dalkaas.

    Itoobiya waxay haatan xaqiijisay 43 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona.

    Itoobiya waxay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona xaqiijisay 12-kii bishii March, waxay xirtay dhammaan xudduudaha, waxay shaqaalaha intooda badan ku amartay inay guryahooda kasoo shaqeeyaan, waxay sidoo kale xabsiyada kasii deysay 4,000 maxaabiis ah si looga hortaggo faafidda Coronavirus.