Kenya oo u jawaabtay mas'uul Soomaali ah oo ku hanjabay inay "ka soo casheyn doonaan Nairobi"
Dowladda Kenya ayaa halis amni ku tilmaantay hadal uu dhawaan sheegay kusimaha gudoomiyaha gobolka Gedo oo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay "kasoo casheyn doonaan Nairobi" waa haddii Kenya ay sii waddo wax uu ku tilmaamay faragelinta ay ku hayso gobolkaasi.
"Tallaabooyinkaas waxay halis ku noqdeen amniga Kenya sida uu u muujinayo hadalka kasoo baxay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo 9-kii bishii Febraayo xilli uu ku sugnaa Beled Xaawo kaas oo jeediyay hadallo aan laga fiirsan oo hanjabaad ah xilli uu sheegay inuu weerarrayo Kenya isla markaana ciidamadiisa ay gaari doonaan Nairobi,"
Dowladda Kenya ayaa beenisay in wax faragelin ah ay ku heyso arrimaha amniga ee dalka Soomaaliya, isla markaana eedeymaha loo jeediyay ay yihiin "kuwo been abuur ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed".
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Kenya ay faragelin toos ah ku hayso arimaha gudaha ee dalkeeda.
Labada dal ayaa isku haya xuduud badeedka u dhexeeya, waxaana dacwadda kiiskaasi ay hadda taallaa Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda.