You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Soomaaliyaa oo xaqiijisay kiiskii labaad ee cudurka Corona

    Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus kaddib markii baaritaan lagu sameeyay qofkaas.

    Fowsiya waxay sheegtay in qofkan laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa oo maalmo lagu hayay xarun karantiil.

    16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

    Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in la karantiilay dad looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

  2. Kiisaska cudurka Corona ee Jabuuti oo kordhay

    Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 9 qof oo kale oo uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu BBC-da u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

    Dhawaan ayay aheyd markii Jabuuti ay xaqiijisay 2 kiis oo ku saabsan cudurka Corona, haatan waxaa labadaas qof lagu haya xarun karantiil oo ku taalla gobolka Carta.

    Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga xaqiijiyay gudaha Jabuuti wuxuu ahaa askari u dhashay Spain oo kamid ahaa ciidammada shisheeye ee ku sugan dalkaas.

  3. Sweden: Xildhibaan ka warramaya xaaladda soomaalida uu ku dhacay cudurka Corona

    Dalka Swedan oo ka mid ah dadalalka uu saameynta ba'an ku yeeshay xanuunka Corona ayaa lgu soo waramayaa in tiro soomali ah ugu geeriyoodeen cudurkaan, iyadoo la sheegayo in dadka Soomaaliyeed aysan si wanaagsna ula socon wararka iyo digninh la xiriira xanuunkaan.

    Haddaba si dadka Soomaalii-Swedishka ah loola socodsiiyo xaaladaha xanuunkaan waxaa la bilaabay wacyigelin ku saabsan in ay u hogaamsamaan amarada dowladda ka imaanaya ee ku saabsan xakameynta xanuunkaan .

    Xildhibaan Cabduulaahi Maxamed Cabdulahi oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Göteborg ee dalka Swedan ayaa BBC-da uga waramay xaaladihii ugu dambeeyay.

  4. Somaliland oo awood ciidan u adeegsaneysa ka hortagga cudurka Corona

    Guddiga ka hortagga cudurka Corona ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegay in fullinta awaamiirta ay ka soo saareen ka hortagga cudurka Corona ay u adeegsan doonaan awood ciidan haddii lo baahdo, kaddib go'aanno kasoo baxay shir ka dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta ee Somaliland.

    Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee Somaliland Saleebaan Cali Koore oo guddigaasi xubin ka ah ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay u hoggaansamaan tallaabooyinka looga golleeyahay ka hortagga cudurka Corona.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidammada Somaliland heegan la geliyay si ay tallaabo sharci waafaqsan uga qaadaan cid kasta oo aan raacin tallaabooyinka.

    "Ciidammada amniga ayaa dhammaantood u heegan ah ayaa arrintaa tallaabo ka qaadi doona...dhammaan wixii ka hor yimaado, dowladdu iyadoo tallaabooyinkaa horreeya qaadeysa, tallaabo sharciga waafaqsan baa la qaadi " ayuu yiri Saleebaan Cali Koore oo la hadlayay BBC-da.

    Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in Somaliland haatan aanan lagu arkin qof uu ku dhacay cudurka.

    Somaliland waxay dhawaan shaaca ka qaaday tallaabooyin looga hortaggayo cudurka Corona oo ay kamid yihiin in la xiray Iskuulada iyo jaamacadaha isla markaana la mamnuucay goobaha ay isugu yimaadaan dadka.

  5. Wasiirka gaashaandhigga Suudaan oo ku geeriyooday South Sudan

    Wasiirka gaashaandhigga Suudaan, Janaraal Jamaal Cumar ayaa wadna xannuun ugu dhintay gudaha Suudaanta Koonfureed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeyso afahayeen u hadlay militariga Suudaan.

    Janaraal Cumar ayaa lagu soo warramaya inuu waday wadahadallo lala yeelanayo koox fallaago ah gudaha caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba.

    Aas qaran ayaa loo sameyn doonaa wasiirka dhintay, sida ay ku warrantay wakaalada Anadolou oo soo xiganeyso golaha sare ee haya talada Suudaan.

  6. Dal ay ku nool yihiin 1.3 bilyan qof oo banddow lagu soo rogay

    Ra'iisul wasaaraha Hindiya,Narendra Modi ayaa banddow kusoo rogay guud ahaan dalkaas si looga hortaggo faafitaanka cudurka Corona.

    Hindiya oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof waxay haatan ku biirtay dalalka caalamka ee qaaday tallaabooyinka noocan ah.

    Banddowga ayaa si rasmi ah uga dhaqan galaya Hindiya saqda dhexe ee waqtiga dalkaas, kaas oo soconaya 21 maalmood.

    Ra'iisul wasaaraha Hindiya ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan.

    "Waxaa la mamnuucay in dadka ay ka baxaan guryahooda" ayuu yiri Modi.

    Hindiya waxay xaqiijisay 519 kiisas oo cudurka Corona ah halka 10 qof ay ugu dhinteen halkaas.

    Guud ahaan, dunida wuxuu ku dhacay cudurka 400,000 qof halka 17,000 qof ay u dhinteen.

    Tallaabooyinka uu ku dhawaaqay Ra'iisul wasaaraha.

    - 21 maalmood ah oo xaalad banddow ah si loo xakameeyo cudurka Corona.

    - Wuxuu shaaca ka qaaday 2 bilyan oo doolar oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad.

    -In dadka ay kala fogaadaan si uusan u faafin cudurka.

    -Wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan wararka been abuurka ee ku saabsan cudurka Corona.

  7. Qofkii ugu horreeyay oo Sucuudiga ugu dhintay cudurka Corona

    Sucuudiga wuxuu xaqiijiyay qofkii ugu horreeyay ee gudaha dalkaas ugu dhintay cudurka safmarka ah ee Corona.

    Qofkan oo 51 jir ahaa ayaa markii hore kasoo safray dhinaca dalka Afqanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dowladda Sucuudiga.

    Marka la eego dalalka ku yaalla Gacanka, Sucuudiga ayaa noqday dalka laga xaqiijiyay kiisaska ugu badan ee cudurka Corona, waxaa soo raacay Iiraan, Talaadadii oo kaliya waxaa la xaqiijiyay 205 qof ee uu ku dhacay cudurka, guud ahaan tirada waxay noqoneysaa 767 kiisas.

    Waxay boqortooyada ku dhawaaqday tallaabooyin dhowr ah oo ay kamid tahay banddow xilligga habeenkii lagu soo rogay dalkaas kaas oo soconaya saddexda toddobaad ee nagu soo aadan si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus.

  8. Tartanka ciyaaraha Olimbikada oo dib loo dhigay

    Ra'iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa ka codsaday guddiga ciyaaraha Olimbikada in muddo sannad ah dib loo dhigo tartanka ciyaarahan kaas oo lagu waday in sannadkan lagu qabto magaalada Tokyo si looga hortaggo faafitaanka cudurka Corona.

    Wuxuu ra'iisul wasaaraha sheegay in madaxwynaha guddiga Olimbikada Thomas Bach ay ku heshiiyeen in dib loo dhigo ciyaaraha kaddib markii uu wada hadal dhexmaray.

    Ciyaaraha Olimbikada ayaa la filayay in la qabto 24-ta bisha Luulyo ilaa 9-ka Agoosto sannadkan.

  9. Waan waan laga dhex wado maleeshiyo beeledyo ku dagaallamay Kismaayo

    Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaa kabadana way ku dhaawacmeen kadib markii saaka iyo xalay iska hor'imaadyo ka dhaceen duleedka magaalada Kismaayo kuwaas oo dhexmaray miliishiyo beeleedyo wada dagan halkaasi.

    Maxamad Cabdi Madoobe oo gudoomiye u ah guddi culimo ah oo muddaba ku dhex jiray xallinta khilaafka beelahan ayaa BBC u sheegay in colaaddan sannadka ka hor ay bilaabatay balse ay xaaladda dejiyeen, haatan ay dib usoo labo kacleysay.

    Wuxuu sidoo kale sheegaay inay wadaan dadaallo lagu heshiisiinayo beelaha si loo joojiyo dagaalka.

    Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dagaallada saaka iyo xalay ka dhacay deegaanka Jiiroole oo ku dhaw Unguuma oo ah duleedka magaalada Kismaayo, waxayse dabo joogaan dagaalo horey labadan miliishiyo beeleed dhexmaray dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

  10. Meydadka tahriibayaal laga dhex helay baabuur xamuul ah

    Ugu yaraan 64 qof Itoobiyaan oo la rumeysan yahay inuu naqaska ku dhegay ayaa meydadkooda laga dhex helay baabuur xamuul ah xilli ay ka taallabayeen xadka Malawi uu la wadaago Mozambique, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Waxaa sidoo kale gudaha baabuurka laga helay 14 qof oo badqabta xilli subaxnimadii saaka aheyd baabuurka lagu qabtay gobolka Tete ee Mozambique.

    Saraakiisha socdaalka ayaa baabuurka ku qabtay magaalada Moatize, sida laga soo xigtay agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka, Carla Mosse.

    Waxay sheegtay inay baarayaan sababta ka dambeysay dhacdada balse ay u muuqato in hawo laa'nta ka jirtay gudaha baabuurka ay sababtay dhimashada.

    Amélia Direiro,oo ah afahayeen u hadashay waaxda socdaalka ee gobolka ayaa sheegtay in darawalka baabuurka uu ka dhaga adkeystay inuu joojiyo.

    Waxay sheegtay in saraakiisha socdaalka ay maqleen qeylo iyo sawaxan ka imaanayay gudaha gaariga isla markaana ay ka shakiyeen inuu waday tahriibayaal.

    Deegaanka waxaa inta badan sii maraa tahriibayaasha doonaya inay u sii gudbaan dhinaca Koonfur Afrika.

  11. Magaalada Wuhan oo lagu wado in xayiraadda laga qaado

    Kaddib in ka badan labo bilood oo xayiraad ay saarneyd magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah goobta uu ka dillaacay cudurka ayaa waxaa 8-da bisha April la filaya in laga qaado xayiraadda magaaladaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

    Deegaannada kale ee dhaca gobolka Hubei ayaa Arbacada laga qaadaya xayiraadda dhanka socdaalka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta China Daily.

  12. Wasiir lacag musuq maasuqay oo lagu xukumay in uu qabto shaqo adag

    Wasiirkii hore ee caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu xukumay shan sanno oo uu qabanayo shaqo adag kaddib markii lagu helay inuu xaday in ka badan 400,000 oo doolar oo loogu talagalay in lagula dagaallamo cudurka Ebola ee ka dillaacay dalkaas.

    Wasiirkan oo lagu magacaabo,Oly Ilunga iyo la taliyihiisii maaliyadda ayaa dokumentiyo been abuur ah ku qaatay boqololaal kun oo doolar.

    Waxay sidoo kale leexsadeen lacago loogu talagalay daabulidda qalabka caafimaadka ee la gaarsiinayay goobaha uu sida ba'an u saameeyay cudurka Ebola.

    Waxay labadaba beeniyeen in wax dambi ah ay galeen.

    In ka badan 2,200 qof ayaa cudurka Ebola ugu dhimatay gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo markii uu bilowday sannadkii 2018-kii. muddo ka badan bil wax kiis ah lagama soo sheegin dalkaas.

  13. Tallaabooyinka ka hortagga cudurka Corona oo saameeyay Islii

    Dalkan Kenya ayaa waxaa maanta ka dhaqangelay amarro adag oo ay dowladda wax uga qabaneyso faafidda fayraska Corona, kaasoo ilaa hadda ku dhacay 15 qof.

    Goobaha cibaadada ayaa la xiray, waxaana sidoo kale la yareeyay tirada dadka raaca gaadiidka dadweynaha.

    Goobaha kale ee uu saameeyay amarka ayaa waxaa kamid ah maqaayadaha ku yaalla xaafadda Islii.

    Ganacsatada ayaa sheegaysa in arrintaan ay saameyn ku yeelanayso ganacsigooda in kasta oo tallaabooyinkan ay dowladdu uga golleedahay ka hortagga cudurka Corona.

    Maqaayadaha ku yaalla xaafadda islii waxaa ay ka mid yiihiin meelaha dadka ugu badan ay isugu yimaadaan isla markaana ay fadhiyaan waqti badan.

  14. Kiisaskii ugu horreeyay ee cudurka Corona oo laga xaqiijiyay marinka Qaza

    Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyay labadii qof ee ugu horreeyay ee uu ku dhacay cudurka Corona gudaha Falastiin.

    Labadan qof ayaa kasoo laabtay Pakistaan, waxay soo mareen xadka Masar iyo Qaza u dhexeeya.

    Waxaana labadani qof haatan lagu karantiilay magaalada Rafax oo ku taalla xadka Masar.

    Saraakiisha waxay sheegeen in la karantiilayo qof kasta oo la kulmay dadkaas.

    Ra'iisul wasaaraha Falastiin, Maxamed Shtayyeh oo shaley ka hadlayay Daanta Galbeed ayaa ku amray shacabka inay guryahooda joogaan muddo labo toddobaad ah marka laga reebo shaqaalaha caafimaadka iyo dadka kale ee soo dukaameysanaya.

  15. War deg deg ah, Nigeria oo xaqiijisay qofkii ugu horreeyay ee u dhinta cudurka Corona

    Xarunta xakameynta cudurrada ee dalka Nigeria ayaa shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee cudurka Corona ugu dhintay gudaha dalkaas.

    Qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay ayaa lagu sheegay in qofka dhintay uu ahaa nin 67 jir ah oo kusoo laabtay dalka xilli uu xaalad caafimaad u joogay dalka UK.

  16. Calaamadaha lagu garto coronavirus

    Cudurka Corona wuxuu ku dhacaa sambabada, qofka 'qufac qallalan' ayu isku arkayaa iyo in qofka ay ku adkaato neefsashada.

    Qufaca ayaa ah mid darran oo qaadan kara in ka badan hal saac.

    Ku dhawaad 5 maalmood ayay qaadan kartaa in qofka uu ku dhacay fayraska Corona lagu arko calaamadaha, balse dhaqaatiirta waxay sheegeen in muddo ka badan maalmahaas la arki karo calaamadaha.

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in muddo 14 maalmood ah ay soo bixi karaan calaamadaha cudurka.

    Sidoo kale waxaa jiraa walaac ah in qofka uu cudurkan faafin karo ka hor inta uusan la xanuunsan.

    Calaamadaha ugu waaweyn

    - Qandho daran

    - Qufac

    - Neefsiga oo aad ciriiri kala kulantid

  17. Dowladda Soomaaliya oo ku raad joogta 'dad la kulmay qofkii laga helay Coronavirus'

    Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ku raad joogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

    Fowsiya Nuur Abiikar oo BBC-da u warrantay Jimcihi waxay sheegtay: "Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwaadinkii koowaad markii laga helay..cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama xiriir toos ah la sameysay...arrintaas wey socotaa waxaa naga kaalmeyneysaa WHO" ayay tiri wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya,

    Waxay sidoo kale sheegtay in dadkii diyaaradda la saarna qofka laga helay cudurka ay gaareen deegaanno ka tirsan dalka.

    "Dabcan dadkii diyaaradda la soo raacay muwaadinka meelo badan ayay dalka ka tageen gobollada dhexe iyo Koonfurta..waa la wada wacaya, waa la raadinaya , waxaa lagula talin doonaa inay is xakameyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan" ayay tiri Fowsiya .

    16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

    Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in haatan la karantiilay 9 qof oo looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

  18. Spain: Tirada dhimashada cudurka Corona oo ka badatay 1,000 qof

    Waxaa sare u kacay tirada dadka u dhintay cudurka Corona gudaha waddanka Spain oo ay waxay gaartay 1,002 qof, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas.

    Ku dhawaad 20,000 qof ayuu ku dhacay cudurka gudaha Spain halka 1,588 ay ka bogsadeen cudurka.

  19. Koonfur Afrika oo xaqiijisay in ka badan 200 kiis oo ku saabsan cudurka Corona

    Koonfur Afrika waxay xaqiijisay in haatan 205 qof uu ku dhacay cudurka Corona.

    Khamiistii waxay kiisaska laga xaqiijiyay dalkaas ay gaarayeen 55.

    Wasiiraka caafimaadka Zweli Mkhize ayaa sheegay inuu filayay in kiisaska ay sare u kacaan isla markaana ku qiyaasay in boqolkiiba 60 shacabka dalkaas ay halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka Corona.

    Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii, madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uu dalka kaga dhaawaaqay in cudurka uu yahay masiibo qaran, wuxuuna shaaca ka qaaday tallaabooyin dhowr ah sida in la xiro xudduudaha, Iskuulada si loo xakameeyo cudurka.

  20. Coronavirus: Shan arrimood oo aad u baahan tahay in aad ogaato

    Khuraafaadka ku gedaaman halista coronavirus ee caalamka ayaa wareegaya. Haddaba halka waxaan idiinkugu soo gudbineynaa xaqiiqooyiin ku saabsan.

    Waxa sanka lagu xirto si fiican kuuma caawinayaan

    Waxaa suuragal ah in aad aragto dad sanka iyo afka u xiran yahay, balse caddeyn badan looma hayo in ay taa ka caawineyso in xanuunka ay ka badbaadaan.

    Waxaa taas ugu wacan in ay maradaas dabacsan tahay, ma qarinayaan indhaha, muddana lama xirnaan karo.

    Waa in si joogto la isaga badalo ka dib marka lagu dhidido, waa haddii aad dooneyso in si wanaagsan ay kuu caawiyaan.

    Si aad isaga ilaaliso coronavius, hay'adda caafimaadka adduunka eeWHOayaa ka hadashay waxa muhiimka ah:

    • sanka iyo afka qabso marka aad hindhisooneyso. Waxaad adeegsataa tiish ama gacantaada.
    • tiishkaas isla markiiba waxaad ku dartaa qashin daboolan.
    • ka dib gacmaha si joogto ah isagaga dhaq saabuun ama dawooyiinka kale ee nadaafadda.
    • ka fogow dadka aadka u hindhisoonaya ama u qufacaya (ugu yaraan hal mitir u jirso).

    Ha dhibsan:

    • cunidda toonta
    • luq-luqashada
    • in sanka aad dawo ku dhaqato
    • in saliidda sisinta aad mariso wareegga sankaaga

    Dhammaan arrimahaas kaama caawinayaan ama kaama ilaalinayaan ka hortagga caabuqa cusub ee corona, sida ay WHO sheegeyso.