You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Intee ayay qaadan kartaa in la helo tallaalka fayraska Corona?

  2. Sida ugu fudud ee aad ku ogaan karto in aad qabto cudurka Coronavirus

  3. Xiisad ka taagan duleedka Kismaayo

    Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen miliishiyo beeleedyo hubeysan oo deegaanka wada dagan.

    Odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu aaso maydadka dhawr iyo toban qof oo ku dhintay dagaaladii shalay ka dhacay aaggaasi kuwaas oo yaalla halkii dirirtu ka dhacday sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah culimada magaalada ee wadahadallada ku lugta leh.

    Inkasta oo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu aaso maydadka dadkii ku dhintay dagaaladii shalay ayaa haddana waxa dhinaca kale socda is urursi ay sameynayaan kooxaha dagaalka ku lugta leh.

    Dagaallada u dhexeeya miliishiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

  4. Tanzania oo xaqiijisay qofkii ugu horreeyay ee u dhintay cudurka Covid-19

    Wasaaradda caafimaadka ee dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee uu dhintay cudurka Covid-19 ee ku dhaca neefmareenka kaas oo sababa feyraska.

    Qofka cudurka u dhintay wuxuu u dhashay Tanzania, waxaa uu qabay xannuuno kale.

    Tanzania waxay xaqiijisay 18 qof oo uu ku dhacay coronavirus halka hal qofna uu ka kacay.

  5. Madaxweyne hore oo Afrikaan ah oo u dhintay Coronavirus

    Madaxweynihii hore ee Congo, Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa ku dhintay magaalada Paris kaddib markii uu ku dhacay cudurka Corona.

    Waxaa uu jiray 81, qoyskiisa waxay sheegeen inuu xanuunsaday markii uu ku dhacay feyraska Corona.

    Mr Yhombi-Opango wuxuu Congo ka talinayay sannadkii 1777-dii ilaa 1979-kii, xilliggaas oo xukunka ka tuuray madaxweynaha haatan xilka hayo ee Congo Denis Sassou Nguesso.

    Sannado badan ayuu xirnaa, wuxuu noqday ra'iisul wasaare tan iyo sannadkii 1997-dii oo uu dalkaas ka qarxay dagaallo sokeeye.

    Wuxuu u cararay dalka Faransiiska ka hor ina uusan kusoo laaban dalkiisa halkaas muddo 10 sanno ah uu dibad joog ahaa.

  6. Madaxda IGAD oo shir ay muuqaal ku galeen uga hadlay Covid-19

    Madaxda ka tirsan Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta shir muuqaal ah oo toos ah kaga hadlay cudurka Coronavirus ee saameeyay dalal ka tirsan gobolka.

    Waxayna ka wada hadleen dadaallada looga hortaggayo cudurka Covid-19.

    Madaxda ka qeybgashay shirka waxaa kamid ah, Ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamdook, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweyne ku-xigeenka South Sudan, Riek Machar iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

  7. Somaliland oo karantiishay dad looga shakiyay Coronavirus

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in ay ka war sugayaan xukuumadda Jabuuti si loo xaqiijiyo dadka ay sheegeen inay xadka ka tallaabeen oo ay qabaan cudurka Coronavirus.

    Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa intaasi ku daray in ay hayaan dad ay cudurkaasi uga shakiyeen oo ay ka qaadeen baaritaan kaas oo natiijadiisa la sugaayo.

    Cabdiraxmaan Saylici oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Coronovirus ayaa ka dhawaajiyay in dadkaas la karantiilay ay gaarayaan 6 qof.

  8. War deg deg ah, Tirada kiisaska cudurka Corona ee Kenya oo kordhay

    Kenya waxay xaqiijisay 8 qof kale oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas,Mutahi Kagwe.

    ilaa iyo hadda waxay Kenya xaqiijisay 50 kiis oo cudurka Corona ah.

    Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay inay u muuqato in cudurka uu ku faafayo gudaha dalkaas.

  9. Nin looga shakiyay in 40,000 qof uu qaadsiiyay Coronavirus oo dhintay

    Mas'uuliyiinta ku sugan gobolka Punjab ee dalka Hindiya ayaa karantiilay 40,000 qof oo ka kala soo jeedo ilaa 20 tuulo kaddib markii lala xiriiriyay inuu cudurka qaadsiiyay waddaad u dhashay dalkaas.

    Waxaana arrintan la ogaaday markii uu geeriyooday waddaadka 70 jirka ah.

    Waddaadkan ayaa iska dhaga tiray inuu si iskiis ah isu karantiilo kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tegay dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka, sida saraakiil ku sugan dalkaas ay BBC u sheegeen.

    Ninkan oo magaciisu lagu sheegay Baldev Singh ayaa wuxuu booqday munaasabad diimeed ay lahaayeen bulshada Sikha ee dalkaas ka hor inta uusan geeriyoon waddaadka.

    Munaasabadda oo lix maalmood socotay waxaa maalin kasta ka qeyb galayay 10,000 qof.

    Toddobaad uun kaddib markii uu geeriyooday waddaadka, 19 kamid ah qoyskiisa ayaa laga helay cudurka Coronavirus.

    "ilaa iyo hadda, waxaa inoo suurogashay in aan soo qabanno 550 qof oo la kulmay ninkan, waxaana sare u kacaya tirada dadkaas, waxaan xirnay tuulooyinka ku hareereysan meelihii uu booqday" waxaa sidaas BBC u sheegay sarkaal sare oo ku sugan gobolkaas.

    Hindiya waxay xaqiijisay 640 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona, 30 kamid dadkaas waxay ku nool yihiin gobolka Punjab.

  10. Sucuudiga oo sii deynaya maxaabiis

    Sacuudi Carabiya waxay amar ku bixisay in xabsiyada laga sii daayo 250 qof oo loo heysto inay galeen dambiyo fudud.

    Waxaa sidoo kale tallaabo noocan ah ku dhawaqaay dalalka Baxreyn, Masar iyo Suuriya, Iiraan waxay sidoo kale sii deysay maxaabiis si looga hortaggo cudurka Corona, inkasta oo ay jiraan maxaabiis baxsatay.

    Liibiya ayaa kamid noqotay dalalka shaaca ka qaaday sii deynta maxaabiista si looga hortaggo in cudurka uu ku faafo dalkaas.

    Dowladda uu caalamka ictiraafsan yahay ee Libiya ayaa amar ku bixisay sii deynta in ka badan 400 maxbuus.

  11. Coronavirus: Diyaarad dusha kala socotay banddowga Suudaan oo lasoo riday

    Ciidammada ilaalada madaxtooyada Suudaan ayaa soo riday mid kamid ah diyaaradaha aanan cidna wadin taas oo la sheegay inay dusha kala socotay banddow lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo faafitaanka cudurka Coronavirus, sida laga soo xigtay wargeyska Al-Saxya.

    Ciidammada ayaa soo riday diyaaradda xilli ay Jimcihii mareysay hawada guriga uu deganyahay madaxweynaha Suudaan, Janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan, sida uu wargeyska sheegay.

    ilo xog-ogaal ah ayaa wargeyska u sheegay in diyaaradda Drones-ka ay lahaayeen ciidammada amniga ee Suudaan taas oo waday howgal ay dusha kala soconeyso banddowga lagu rogay dalka Suudaan Isniintii lasoo dhaafay balse ay u gudubtay marin khaldan.

  12. Puntland oo baareyso qaraxii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal

    Puntland ayaa sheegtay inay baaritaan wax ku ool ah ku sameyn doonto qarax xalay fiidkii ka dhacay bartamaha Garowe kaasoo uu ku dhintay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

    Guddoomiyaha ayaa geeriyooday xilli dhaawac ka soo gaaray qaraxa lagula tacaalayay cisbitaalka magaaladaasi.

    Waxaana weerarkaas cambaareeyay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo sheegay in baaritaan lagu sameynayo cidda ka dambeysay qaraxa.

    "Waxaa socda baaritaan lagu jiro xaaladdii qaraxaas ka dhalatay iyo ciddii ka dambeysay, qofkii hadda is qarxiyay macluumaadkiisa qeyb ahaan waa la hayaa, waana lagu daba jiraa in la helo" waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Dhabanacad.

    Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaasi la tuhunsan yahay inuu fuliyay qof is qarxiyay sida ay baahisay warbaahinta taabacsan ururkaasi.

  13. Mareykanka oo madaxweynaha Venezuela dul dhigay malaayin doolar si loo soo qabto

    Mareykanka ayaa madaxweynaha Venezuela iyo saraakiil kale oo sarsare ku eedeeyay inay dalkaasi ku daadgureynayaan daroogo.

    Wuxuu ku eedeeyay inay Mareykanka geliyeen daroogada Cocaine-ta isla markaana ay daroogada u isticmaalayaan hub ay kula dagaallamaan caafimaadka dadka Mareykanka.

    Eedeymahan ayaa waxaa jeediyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaas William Barr.

    Abaalmarin dhan 15 milyan oo doollarka Mareykanka ah ayaa la sheegay in la siinayo qofkii keena macluumaad horseedi kara soo xiritaanka Mr Maduro.

    Tallaabada Mareykanka ayaa sii xumeyn doonta xiisadda u dhaxaysa labada dal.

    Washington ayaa in muddo ah ku eedeyneysay madaxweynaha Venezuela in musuq maasuq iyo ku tumasho awood uu dalkaasi ku hoggaaminayo, taas oo uu dhowr jeer beeniyay Maduro.

    Wuxuu Mareykanku taageeraa hoggaamiyaha mucaararka Juan Guaido, oo isku magacaabay madaxweyne ku meel gaar ah sanadkii tegay.

    Eedeymahan cusub ayaa qeyb ka ah ololaha muddada dheer socday ee uu Mareykanku cadaadiska ku saarayo Mr Maduro, taas oo ay ka mid tahay in cunaqabateyn lagu soo rogay waaxda shidaalka Venezuela.

    Si la mid ah Maduro, Mareykanku wuxuu eedeymo kusoo oogay tiro saraakiil sarsare oo dowladda Venezuela ka tirsan.

    Waxaa ku jira wasiirka gaashaandhigga dalkaas iyo garsooraha sare ee maxkamadda ugu sarreysa Venezuela. “Dadka Venezuela waxay u qalmaan dowlad mas’uuliyad qaadi karta oo u adeegta baahida dadka - taas oo aan..... ku lug lahayn dhoofinta daroogada,” ayuu yiri Mareykanka.

  14. Koonfur Afrika oo xaqiijisay dadkii ugu horreeyay ee u dhintay Coronavirus

    Dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalata Covid-19, oo ah xanuun ku dhaca neefmareenka uuna sababo feyraska Corona.

    Wasiirka Caafimaadka Zwelini Mkhize ayaa maanta ku dhawaaqay in labo qof ay ku dhinteen gobolka Western Cape - labadan qof ayaa mid wuxuu ku dhintay isbitaal gaar loo leeyahay halka kan kalena uu ku dhintay isbitaalka dadweynaha.

    Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in tirada kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyay ay kor u dhaafeen 1,000 qof.

  15. War deg deg ah, Soomaaliya: Qof u shaqeeya UN oo laga helay Coronavirus

    Shaqaale ka tirsan xafiiska howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa laga helay cudurka Corona, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobey.

    Qoraal lagu soo qoray Twitter-ka ayaa lagu sheegay in qofka u ku sugan yahay gudaha Soomaaliya.

    "Waxaan si dhab ah u qaadannaya cudurka safmarka ah si aan isugu diyarinno xakameynta kiisaska, waxaan sii wadeynaa tageerada aan siino wasaaradda caafimaadka si loo xakameeyo cudurka"

    Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay dhankeeda xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Corona oo laga helay qof ajnabi ah oo ku jira xerada Xalane ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay qofkii labaad ee ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

  16. Tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus ee Afrika oo kordhay

    Kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika ayaa haatan gaaray in ka badan 3000 oo kiisas, dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka ugu badan kiisaska.

    Wuxuu dalkaas lagu soo rogay banddow 21 maalmood ah si looga hortaggo cudurka Covid 19.

    Rwanda waxay xaqiijisay 50 qof oo uu ku dhacay cudurka.

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in kala bar dalalka Afrika ay ka hortaggi karaan faafitaanka cudurka waa haddii ay qaadaan tallaabooyinka ugu habboon ee haatan la raacaya.

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay qorsheyneysaa in banddow ay kusoo rogto magaalada caasimadda ah ee Kinshasa si loo xakameeyo cudurka.

    Soomaaliya waxay shaley xaqiijisay qofkii labaad ee uu ku dhacay cudurka Covid 19.

  17. Cudurka Corona: Itoobiya oo bilowday inay sii deyso kumanaan maxaabiis ah

    Itoobiya waxay bilowday inay xabsiyada kasii deyso in ka badan 4000 maxaabiis ah si looga hortaggo in cudurka Corona uu ku faafo gudaha xabsiyada dalkaas.

    Maxaabiista lasii deynayo ayaa ah kuwa loo heysta dambiyada fudud iyo dumarka maxaabiista ah ee wata carruurta.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli gobolka Tigreega uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana kamid ah in la xiray suuqyada iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan si looga hortaggo cudurka Corona.

    Itoobiya waxaa laga xaqiijiyay 12 kiisas oo Coronavirus ah balse ma jirto cid cudurka ugu dhimatay halkaas.

  18. Soomaalida iyo salaanta: Haddaba sidee looga badbaadi karaa Coronavirus

    Waxaa jira qeybo ka mid ah dhaqanka Soomaalida oo ay salaanta qasab tahay. Haddaba sidee Corona looga badbaadi karaa?. BBC-da waxa ay booqatay seyladda xoolaha ee magaalada Mandheera, ee dalka Kenya, dadkii aan halkaas kula kulanay ayaa aragtidooda dhiibanaya.

  19. Muhammadu Buhari oo laga baaray Coronavirus

    Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa laga waayay cudurka Corona kaddib markii la baaray, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

    Madaxweyne Buhari ayaa is karantiilay markii sarkaal sare oo ka shaqeynayay aqalka madaxtooyada laga helay cudurka, waxaa sidoo kale la baaray dadkii uu la kulmay sarkaalkaas.

    Dhanka kale, waxaa cudurka laga waaya madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, waxay arrintani ka dambeysay toddobaadyo uun kaddib markii uu waday kulamo dhowr ah oo ku aadan sidii lagu xakameyn lahaa cudurka safmarka ah ee Corona.

    Koonfur Afrika waxaa caawa si rasmi ah uga dhaqan galaya banddowga lagu soo rogay dalkaas, waana dalka ugu tiro badan kiisaska la xaqiijiyay gudaha Afrika, haatan waxaa la xaqiijiyay in ka badan 709 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid 19.

    Haatan, in ka badan 2,700 qof ayuu ku dhacay cudurka Corona, sida ay xaqiijiyeen ilaa 46 dal subaxnimadii saaka, waxaa lagu soo warramaya in 72 qof uu cudurka ku dilay Afrika halka 210 qof ay ka kaceen.

  20. Dad lagu qiyaasay 62 qof oo cudurka Corona ugu dhintay Afrika

    Ugu yaraan 2,000 qof ayuu ku dhacay cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika halka dad lagu qiyaasay 62 qof ay u dhinteen.

    Dalal badan oo ka tirsan qaaradda waxay xaqiijiyeen kiisaska cudurka Corona.

    Koonfur Afrika waxaa lagu dhawaaqay banddow soconaya 21 maalmood si looga hortaggo faafitaanka cudurka Corona.

    Dhanka kale, Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay sii deyneyso in ka badan 400 maxaabiis ah xilli dowladda ay waddo tallaabooyin looga hortaggayo Coronavirus.

    Kenya waxay shaacisay qofkii ugu horreeyay ee ka bogsado cudurka.

    Calaamadaha Coronavirus