You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Drogba iyo Eto'o oo dhaleeceeyay 'dhaqaatiir soo jeediyay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka cudurka Corona'

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Masaajidda ugu waaweyn caalamka oo aan laga tukaneyn

    Waxaa maanta qaar kamid ah masaajidd waaweyn ee dunida aan laga tukaneyn salaadda jimcaha si looga hortaggo cudurka Corona.

    Masaajidka ugu weyn Kenya ee jaamica ayaa dhawaan shaaciyay in salaadda jimcaha aan laga ogeyn halkaas.

    Sucuudiga wuxuu hakiyay saaladihii lagu tukan jiray xarameynka iyadoo maantana aan halkaas lagu tukan doonin jimcaha.

    Dhanka kale, culimada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in masaajidda aan la xireyn isla markaana haatan aysan jirin sabab loo xiro tan iyo inta xaaladda ay wax iska baddaleyso.

    Balse waxay soo saareen tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka oo ay kamid yihiin in la xiro musqulaha iyo goobaha weysa qaadka.

    Waxaana saaladda Jimcaha si caadi ah looga tukanaya masaajidda ku yaalla Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Somaliland, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay culimada kasoo saartay arrintaas.

  2. Madaxweyne Deni oo u safraya Muqdisho

    Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa shaaciyay inuu dhawaan tegi doono caasimadda Muqdisho.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shirka golaha wasiiradda ee Khamiista maanta ay yeesheen lagu go’aamiyay in isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay tagaan caasimadda dalka iyo caasimada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka “si ay gogol xaar ugu saameeyeen shir wadatashi oo ay gogoshiisa fidisay Puntland.”

    Waxa uu sheegay inuu ka shaqeynayo adkeynta midnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

    Talaadadii ayay ahayd markii uu soo gebagoobay shirki wadatashiga Puntland.

  3. Mareykanka: Dad ajaanib ah oo lagu weeraray Itoobiya kaddib markii lagu eedeeyay inay qabaan cudurka Corona

    Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya waxay sheegtay in dad ajaanib ah lagu weeraray gudaha dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay inay qabaan cudurka Corona.

    "Wararka waxay sheegayaan in dad ajaaniib ah lagu weeraray dhagxaan, loona diiday inay ku safraan gaadiidka dadweynaha....candhuf lagu tufay isla markaana la ceersaday xilli looga shakiyay inay qabeen cudurka Covid-19" ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda.

    Safaaradda waxay sheegtay in dhibaatooyinka ay bilowdeen markii kiiskii labaad ee cudurka Corona laga xaqiijiyay gudaha Itoobiya.

    Itoobiya waxay xaqiijisay kiiskii lixaad ee ku saabsan cudurka Corona.

  4. Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

    Guddiga soo xulidda baarlamaan goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xildhibaannada baarlamaanka labaad kuwaasoo ay tiradoodu tahay 95 xubnood.

    Tirada xildhibaannada baarlamaanka koobaad ayaa ahayd 149 xubnood, waxaana la dhimay kadib markii isbedal lagu sameeyay dastuurka maamulkaasi.

    Xildhibaannada cusub ayaa waxaa kamid ah 14 dumar ah.

    Muddo xileedka baarlamaankii hore ayaa ku ekayd dabayaaqadii Disembar 2019.

  5. Booliska Rwanda oo xiray nin sheegay inuu daweeyo cudurka Covid-19

    Booliska dalka Rwanda ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegay inuu daweyn karo cudurka Corona kaddib markii barta YouTube-ka lasoo geliyay muuqaalkiisa.

    Marie Michelle Umuhoza oo u hadashay waaxda dembi baarista ee booliska dalkaasi ayaa BBC u sheegtay in ninka ku andacooday inuu dadka ku daweeyo dhir dhaqameedka la xiray Talaadadii.

    Waxay sheegtay in booliska aysan inaba aqbaleyn wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka saf-marka ah ee Covid-19, waxaana meesha laga saaray muuqaalka ninkaasi.

    Rwanda waxay xaqiijisay 8 kiis oo ku saabsan cudurka Covid-19, dowladdana waxay goobaha dadweyna ku kulmaan ka hirgelisay meelo ay dadku ay gacmaha ku dhaqdaan sii looga hortaggo cudurkaasi.

    Waxaa la xiray iskuulada iyo kaniisadaha ku yaalla dalkaas.

    Ma jirto wax dawo ah ama tallaal looga hortaggayo cudurka Covid-19.

  6. WHO: Afrika ha isku diyaariso ka hortagga xaaladdii ugu xumeyd

    Madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa u sheegay dalalka Afrikaanka ah inay isku diyaariyaan ka hortagga xaaladdii ugu xumeyd xilli cudurka Corona uu ku baahay dalal ka tirsan qaaradda.

    Gudaha Afrika waxaa cudurka ugu dhintay 16 qof, Lix qof wuxuu ku dilay gudaha Masar, Lix qof waxay ugu dhimatay Algeria, labo qof gudaha Morocco halka Burkina Faso iyo Suudaan uu min hal qof ku dilay cudurka.

    Madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ugu baaqay dalalka Afrikaanka ah inay hurddada ka kacaan si looga hortaggo faafitaanka cudurka.

    "Afrika waa inay hurddada isaga kacdo... waxaan aragnay sida dalalka kale uu ugu baahay feyraska kaddib markii ay sare u kaceen kiisaska" ayuu yiri madaxa WHO oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Koonfur Afrika kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona waxay gaareen 116 kiisas.

    Dhawaan ayay aheyd markii Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ay ugu baaqday dalalka inay baaraan qof kasta oo looga shakiya feyraska Corona si loo xakameeyo cudurka Corona.

  7. Masaajidka ugu weyn Kenya oo la xiray

    Masaajidka Jamiica ee ku yaal magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta si kumeel gaar ah loo xirayo masaajidka isla markaana aan salaadaha jamaacadaha lagu tukan doonin halkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga masaajidka.

    Shaley ayay aheyd markii guddiga masaajidka shaaciyay tallaabooyin uu uga hortagayo faafidda cudurka saf-marka ah ee uu keeno fayraska Corona.

  8. War deg deg ah, Kenya oo xaqiijisay kiisas kale oo ku saabsan cudurka Corona

    Kenya ayaa xaqiijisay saddex oo qof kale oo uu ku dhacay cudurka Corona, waxay guud ahaan tirada kiisaska la xaqiijisay ee dalkaas ka dhigeysaa 7.

    Wasiirka caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dhammaan dadkan uu ku dhacay cudurka ay ka yimaadeen dibadda.

    Kiisaskan ugu dambeeyay ayaa kala ah lamaane kasoo safray caasimadda Spain, waxayna soo mareen Dubai 5-tii bishan, halka qofka saddexaad uu u dhashay Burundi isla markaana uu dalka yimid 17-kii bishan.

    Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in dadka la kulmay saddexdan qof la karantiilayo.

  9. War deg deg ah, Fayraska Corona oo gaaray Jabuuti

    Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay dalkaasi.

    Wasiirka caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa BBC-da u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaaray 14-kii bishan.

    Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

  10. Koonfur Afrika oo xaqiijisay in ka badan boqol qof oo uu ku dhacay cudurka Corona

    Koonfur Afrika waxaa sare u kacay kiisaska cudurka Corona, waxaana haatan la xaqiijiyay 116 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalkaas.

    Koonfur Afrika waxay qaatay tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo cudurka, waxay xirtay xudduudaha iyo dhammaan Iskuulada.

    Inta badan dadka laga helay cudurka waxay ka yimaadeen dalalka dibadda gaar ahaan Britain.

    Dhanka kale, jasiiradda Zanzibar waxay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona, sida uu shaaciyay ra'iisul wasaaraha Tanzania,Kassim Majaliwa.

    Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay qof kale oo uu ku dhacay cudurka Corona kaas oo ku sugan gudaha magaalada Dar es Salaam, Tanzania waxay haatan xaqiijisay ilaa saddex kiisas oo cudurka Corona ah.

  11. Inta badan waxbarashada Muqdisho oo xiran, tan Somaliland oo furan

    Waxa qeyb ahaan dhaqan galay go’aankii dawladda ee ahaa in la xiro iskuullada iyo Jaamacaddaha maanta oo Arbaco ah muddo labo todobaad ah kadib markii Isniintii la xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee fayraska korona ee lagu arko dalka.

    Iskuullada iyo Jaamacaddaha ayaa intooda badan u hogaansamay go’aanka dawladda halka qaar kale ay sheegeen in maadaama go’aanku soo baxay waqti dambe oo xalay ahayd inay sii wataan waxbarashadooda illaa maanta galinka dambe, berina ay fasaxi doonaan ardeyda labada todobaad ee dawladdu ay soo rogtay.

    Go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan doona waxbarashada dalka oo isu diyaarinya imitixaanaadkii kama dambeysta ahaa oo bilaaban doona bilaha soo socda.

    Dadka ayaa intooda badan soo dhaweeyay go’aanka dawladda iyagoo u arka mid looga hortagi karo inuu dalka ku faafo cudurka COVID-19.

    Dhanka kale waxaa maanta si caadi ah u furan goobaha waxbarashada ee Somaliland, sida uu kusoo warramay weriyaha BBC ee Hargeysa.

  12. Rwanda iyo Nigeria oo xaqiijiyay kiisas hor leh oo ku saabsan feyraska Corona

    Rwanda waxay xaqiijisay labo kiis oo hor leh oo ku saabsan cudurka Corona, waxay haatan kiisaska la xaqiijiyay gudaha dalkaas gaarayaan ilaa toddobo.

    Wasaaradda caafimaadka Rwanda waxay sheegtay in mid kamid ah dadka laga helay cudurka uu u dhashay dalkaas halka qofka labaadna uu kasoo jeedo Jarmalka kaas oo Rwanda yimid 13-kii bishan March.

    Rwanda ayaa Sabtidii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus .

    Dhanka kale, Nigeria waxay xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Corona, qofkan uu ku dhacay cudurka ayaa kasoo safray dalka UK 13-kii bishan March.

    Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in la karantiilay qofkaas lagu arkay cudurka.

  13. Dal deyntii lagu lahaa isaga bixiyay Lo'

    Dalka Chad ayaa 75,000 oo neef oo lo' ah ku wareejisay dowladda Angola si ay isaga bixiso deyn gaareyso 100 milyan oo dollar.

    Chad ayaa qaar kamid ah xoolahan si rasmi ah ugu wareejisay wasaaradda beeraha ee dalka Angola.

    Wargeyska dowladda ayaa xaqiijiyay in markab siday lo'da uu gaaray Angola isla markaana uu dib ugu laaban doono Chad si uu soo daabulo lo’ kale.

    Caasimadda Luanda waxaa sidoo kale lagu wadaa in bishan gudaheeda ay gaaraan 4,500 neef oo lo' ah oo laga soo daabulayo dhinaca Chad.

  14. 'Waa in cudurka Corona laga baaro qof kasta oo looga shakiyay'

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay baaraan qof kasta oo looga shakiya feyraska Corona si loo xakameeyo cudurka Corona.

    Waxaa jiraa walaac ah in dalka kasta uusan baari karin feyraska taasina ay abuurtay cabsida ah in la ogaan waayo kiisas hor leh.

    Ugu yaraan 30 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay kiisaska cudurka Corona, waxay qaar dalalkaas qaadeen tallaabooyin lagu xakameynayo feyraska.

    Dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa waxa aysan laheyn qalabka lagu baarayo cudurka Corona.

    Liibiya ayaa kamid ah dalalkaas, weli ma aysan xaqiijin wax kiis ah oo ku saabsan cudurka balse waxay haatan xirtay dhammaan dekedaha laga soo galo dalkaas si looga hortaggo cudurka.

    Dowladda Soomaaliya waxay joojisay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah laga billaabo saqda dhexe 18-ka bishan March muddo 15 cisho ah kaddib la shaaciyay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhaca Corona.

  15. War deg deg ah, Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona

    Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur, ayaa shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

    Wasiir Fawziya ayaa sheegtay in cudurka laga helay muwaadin ku karantiilnaa garoonka diyaaradah ee Muqdisho, kaasoo baaritaan dhiigiisa lagu saameeyay laga helay cudurka.

    Waxa ay intaa ku dartay in dadka la karantiilay ay ka soo laabteen dalalka uu ka dillaacay fayraska Corona.

    “Qofkaasi xanuunka laga helay hadda wuu fiican yahay oo jirkiisa waxba kama muuqdaan,” ayay tiri wasiirka.

    Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar, oo la hadlay telefishinka SNTV ayaa sheegay in dowladda ay joojisay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah laga billaabo saqda dhexe 18-ka bishan March muddo 15 cisho ah.

    Jimcihii ayaa cudurka lagu arkay shakhsiyaad ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya. Maantana waxaa laga xaqiijiyay dalka Tanzania.

  16. Nin laayay 19 qof oo naafa ah oo dil lagu xukumay

    Nin u dhashay dalka Japan ayaa lagu riday xukun dil ah kaddib markii sannadkii 2016-kii uu weerar ku qaaday xarun lagu daryeello dad naafo ah, wuxuu halkaas ku dilay 19 qof.

    Satoshi Uematsu ayaa sheegay in dadka naafada ah ee hadalka ku dhibtoonaya aysan laheyn wax xuquuq ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Kyodo.

    Waxaa dhacdadaas lagu tilmaamay dilkii ugu xumaa ee ka dhaca Japan, waxaana falkaas ka naxay dad badan.

    Maxkamad ku taal degmada Yokohama ayaa maanta ninkan ku xukuntay daldalaad.

    Satoshi Uematsu wuxuu horey u sheegay in racfaan uusan ka qaadan doonin go'aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda.

    Ninka 30 jirka ah ayaa horey uga shaqeyn jiray xarun lagu xannaaneeyo dadka naafada oo ku taalla agagaarka magaalada caasimadda ah ee Tokyo.

    Qareenadii diafaceysay waxay horraantii sannadkan sheegeen in Satoshi Uematsu uu qabay xannuun dhanka maskaxda ah maadama uu isticmaali jiray daroogo.

  17. Ciidamada dowladda oo la wareegay Janaale

    Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda.

    Ciidamada Dawladda ayaa hawlgalkooda bilaabay maalintii Axadda ee shalay iyagoo ka dhaqaaqay degmada Awdheegle.

    Ciidamada ayaa si taxadar leh ku socda iyagoo mararka qaar gaadiidka ka dagaya si ay u hubiyaan minooyinka dhulka lagu aaso oo ay Al-Shabaab u isticmaalaan inay ku qarxiyaan ciidanka kuna hor istaagaan socodkooda.

    Saraakiisha ciidanka oo ay soo xigeynaysay warbaahinta dawladda ayaa sheegaya in ujeedka hawlgalku yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Janaale oo ah xarun muhima oo ay ka soo abaabullaan weerarrada ay ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

    Sidoo kale waxa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab.

    Toddobaakii hore duqeyn uu Maraykanku ka fuliyay Janaale waxa uu sheegay inuu ku dilay shan ka tirsan waxa uu ugu yeeray argagixisada inkastoo warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay sheegeen in dadka weerarkaasi lagu dilay ay ahaayeen rayid.

    Dhawr Jeer oo hore ayay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Janaale balse dib ayay uga gurteen taasoo keentay inay dib u qabsadaan Al-Shabaab.

  18. Kalkaaliyeyaal ka howgalayay xarun karantiil oo shaqada joojiyay

    Kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya xarunta lagu karantiilo bukaanada cudurka coronavirus ee dalka Kenya ayaa joojiyay howshii ay ka hayeen halkaas kaddib markii ay sheegeen in aysan laheyn qalabka caafimaadka ee ka hortagga cudurka iyo in wax tababar ah aan la siin.

    Isbitaalka Mbagathi ayaa kamid ah meelaha ay ku yaallaan xarumaha lagu karantiilo bukaanada looga shakiyay feyraska.

    Xoghayaha ururka ay ku buhoobeen dhaqaatiirta Kenya, Seth Panyako ayaa BBC u sheegay in kalkaaliyeyaasha ay shaqada ku laaban karaan marka la siiyo tababar ku saabsan sida ay ula tacaalayaan bukaanada Coronavirus iyo qalabka kale ee ka hortagga.

    Isbitaalkan waxaa lagu hayaa 22 qof oo la rumeysan yihiin inay taabteen qofkii ugu horreeyay ee lagu arko cudurka gudaha Kenya.

  19. Kenya waxay dalkeeda ka mamnuucday ajaaniibta

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka mamnuucay muwaadiniinta ka imaanayo dal kasta oo laga soo tebiyay kiisaska cudurka Corona, marka laga reebo muwaadiniinta Kenya u dhashay ee dibadda ka imaanayo iyo dadka heysta degnaanshaha saxda ah.

    Wuxuu sheegay in tallaabadan ay dalka ka jiri doonto muddo 30 maalmood ah , haddii loo baahdana waqti dheeri ah lagu dari karo.

    Kenya waxaa sidoo kale Isniinta la xiraya Iskuulada halka jaamacadaha la xirayo Jimcaha.

    Kenya waxay Jimcihii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona, madaxweyne Kenyatta wuxuu shaley xaqiijiyay in 2 qof oo kale la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka.

    Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa wuxuu sheegay dalkiisa laga mamnuucay dadka ka imaanayo Mareykanka, UK, Talyaaniga iyo dalalka kale uu ka dilaacay cudurka.

    Ramaphosa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in 61 qof laga helay cudurka Coronaha gudaha Koonfur Afrika isla markaana uu si weyn feyraska uga baahayo halkaas.

    Dalalka kala ah Jabuuti iyo Tanzania waxay hakiyeen duulimaadyadii caalamiga ah.

  20. War deg deg ah, Itoobiya oo lagu arkay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona

    Saraakiisha dalka Itoobiya waxay shaaca ka qaadeen qofkii ugu horreeyay ee lagu arko cudurka Corona.

    Qofka laga helay caabuqa ayaa kasoo jeeda dalka Japan.