You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

“Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xor bay u tahay”

Warbixintaas iyo kuwo kale oo Soomaalida iyo caalamka ku saabsan kaga bogo tabinteenna tooska ah.

Tebin toos ah

  1. Qarax ka dhacay dalka Burkina Faso

    Ugu yaraan toddobo ka tirsan ciidammada ammaanka dalka Burkina Faso ayaa ku dhintay qarax miino oo loogu aasay waddo ku taalla bariga dalkaasi.

    Saraakiisha booliska dalkaasi waxay sheegeen in ciidammada ee ku dhintay miinada loo daabulay magaalada Pama kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday saldhiga boolis oo halkaasi ku yaalla.

    Lamana ogo dadka fuliyay qaraxaasi.

    Waxaa dalka Burkina Faso ka dhacay dhowr weerar bilooyinkii lasoo dhaafay kuwaaso lagu eedeeyay inay gaysteen kooxo jihaad doon ah.

  2. Ku-xigeenka maxkamadda sare ee Kenya oo lasoo daayay

    Ku-xigeenka maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya Philomena Mwilu ayaa lagu soo daayay damaanad lacageed oo gaaraysa 50,000 doolar.

    Waxaana lagu amray in berito ay kasoo hor muuqato maxkamadda si ay u wajahdo eedeymaha musuq maasuq ee loo haysto.

    Garsoore Philomena Mwilu ayaa laga qabtay xilli ay ku sugnayd xafiiskeeda. Waxayna kamid tahay saraakiisha ugu sarreysa dalka Kenya ee lagu soo xiray howlgalka ka dhanka ah musuq maasuq ee dalkaasi ka socdo.

  3. Maleeshiyaadka ku sugan Liibiya oo heshiis xabad joojin ah gaaray

    Warbaahinta maxalliga ayaa kusoo warramaysaa in heshiis xabad joojin ah ay gaareen kooxo maleeshiyaad oo hubaysan oo iska soo horjeedo oo ku sugan koonfurta dalka Liibiya.

    Wasaaradda caafimaadka Liibiya waxay sheegtay in shan qof ay ku dhinteen halka tiro dad ahna ay ku dhaawacmeen dagaalka maleeshiyaadkani dhawaan halkaasi ku dhexmaray.

    Cadbisalaam Ashuur oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowladda ay Qaramada Midoobey ay taageerto ee Libiya ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ee taabacsan dowladdiisa ay faarujiyeen saldhigayadii ay ku sugnaayeen si heeshiska loo dhaqan geliyo.

    Wararka kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qaar aysan u hoggaansamin xabad joojinta.

    Tan iyo markii xukunka lagu tuuray madaxweynihii hore Mucammar Qadaafi, dalka Liibiya waxaa ka jiray tiro maleeshiyaad oo hubaysan iyo fallaago ku kacsan dowladda oo ka howgala dalkaasi.

  4. Xiisaad ka taagan magaalada Baladweyne

    Is rasaasayn ayaa laga soo sheegayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taasoo dhexmartay ciidammada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan .

    Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u xaqiijiyay in galabta is israsaasaytan ay u dhexeeysay maleeshiyaad qabaa’iil ah iyo ciidammada ammaanka ayna ku dhexmartay saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne.

    Saddex qof ayaa ku dhaawacantay xiisaaddaasi,

    Dadka dhaacawmay waxaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

    Wararka waxay sheegayaan in maleeshiyaadkan ay doonayaan in xabsiga saldhigga booliska xoog ugala baxaan nin ku eedeysanaa inuu dil u gaystay nin ku shaqaysanayay Bajaaj.

    Ninkan ayaa la sheegay in shalay lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne.

    Waxayna arrintani ka dhalatay muran dhanka canshuuraha ah.

    Tani iyo markii dilkaasi uu dhacay waxaa xirnaa qaar kamid ah waddooyinka magaalada.

  5. Taliyihii hore ee ciidammada booliska Uganda oo lasoo daayay

    Taliyihii hore ee ciidammada booliska dalka Uganda Kale Kayihura ayaa maxkamadda militariga ee ku taalla Kampala ay kusoo daaysay damaanad.

    Kale Kayihura oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii June ayaa wajahayay dacwad ah inuu ka qayb qaadanayay qorshe qaxootiga Rwanda dib loogu celinayay dalkooda.

    Waxaa sidoo kale loo haystay dacwad ah inuu tarxiili jiray muwaadiniinta u dhashay Uganda ee dibad jooga ah.

    Qoyska iyo ehelada Janaraal Kale Kayihura ayaa dabaabdegyo dhigay markii lasoo daayay.

    Wuxuu ahaan jiray taliyaha booliska Uganda muddo 13 sanno ah ilaa bishii Marso oo shaqada laga ceeyriyay.

  6. Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed oo diiday inuu saxiixo heshiis

    Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed Riek Machar ayaa diiday heshiiskii ugu dambeeyay ee qabyada ah ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda sokeeye ee shanta sanno ragaadisay dalkaasi.

    Ninka dhexdhexaadinayay dhinacyada Suudaanta Koonfureed oo ah wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Al Dirdiri Maxamed ayaa sheegay in Riek Machar iyo hoggaamiyeyaasha matalayaa jabhadaha kale ay diideen inay saxiixaan heshiiska.

    Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa bishii June gaaray heshiis xabad joojin ah iyo awood qaybsi balse heshiiskii kama dambaysta weli lama gaarin.

  7. Ku-xigeenka maxkamadda sare ee Kenya oo la xiray

    Garsoore Philomena Mwilu oo ah ku-xigeenka maxkamadda sare ee Kenya ayaa xabsiga loo taxaabay xilli ay ku sugnayd mid kamid ah xafiisyada ay ka howlgasha ee ku yaalla maxkamadda ugu sarreyso dalka Kenya.

    Philomena Mwilu ayaa loo haystaa eedeymo musuq maasuq.

    Waxaa la geeyay saldhiga ciidammada dambi baarista ee Kenya halkaaso su’aalo lagu weeydinayo.

  8. Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxaha jihaad-doonka Mali oo la dilay

    Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxaha jihaad-doonka ee dalka Mali ayaa lagu dilay weerar duqayn ah oo lagu qaaday dalkaasi, sida ay sheegeen militariga Faransiiska.

    Bayaan kasoo baxay militariga Faransiiska ayaa lagu xaqiijiyay in ciidammada koomaanddooska ee fuliyay duqaynta ay dileeen Maxamed Ag Almouner iyo mid kamid ah ilaaladiisa.

    Waxaa sidoo kale lagu sheegay bayaanka weerarkaasi ay ku dhinteen ilmo yar iyo haweeney islamarkaasna ay ka qoomameeynayaan

    Maxamed Al Mouner ayaa hoggaaminayay koox taabacsan ururka IS.

    Afahayeen u hadlay militariga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Maxamed uu taliye sare u ahaa kooxda ISGS.

    Kooxda ISGS ayaa ka dagaallantaa xadka dalka Mali uu la wadaago Burkina Faso iyo dalka Niger.

    Ciidammada Faransiiska ayaa hadda horkacaya howlgalla ka socda dalka Mali oo lagu la dagaallamayo kooxaha argagixisada ah.

  9. Qodobbada aad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo

  10. In kabadan 204,000 oo ruux oo si qasab ah Soomaaliya loogu barokiciyay

    Hay'adda ka shaqeysa arrimaha qaxootiga ee Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay in dad ay tiradoodu ka badan tahay 204,000 oo qof si qasab ah looga raray dhul ay ka degannaayeen guud ahaan Soomaaliya sannadkan, balse dadka ay arrintaas saamaysay intooda badan ay yihiin kuwii ku barakacay gudaha Muqdisho.

    Tiradan ayay hay'addu sheegtay inay ku dhawaad labanlaab ka badan tahay middii sanadkii hore xilligan oo kale, dadka qaarna dhowr jeer qasab lagu raray.

    Dadka la barakiciyay waxaa ka mid ah dad ay Muqdisho gaysay cunto yari, sida ay hay’addu sheegtay.

    Evelyn Ayero oo ah lataliyaha hay'adda Norwegian Refugee Council ee warbaahinta iyo sharciga ee Bariga Afrika iyo Yemen ayaa BBC u sheegay in waxyaabaha ay ku ogaadeen baaritaankooda ay ka mid yihiin in dadka laga saaray dhul dadwayne iyo dhul ay shaqsiyaad leeyihiin.

  11. Qarammada Midoobay oo tuhunsan in ay dambiyo dagaal ka dhaceen Yemen

    Khuburo qaabilsan xuquuqda aadanaha oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in laga yaabo in dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya Yemen ay gaysteen dambiyo dagaal.

    Khuburada oo warbixintoodii koobaad soo saaray ayaa dawladda Yemen, xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa jabhadaha Xuutiyiinta ah ku eedeeyay in ay dadaal yar sameeyaan marka ay timaado dadaallada hoos loogu dhigayo waxyeellada shacabka soo gaaraysa.

    Waxay farta ku fiiqeen duqaymaha iyo gantaallada lala dhacay iskuullada, isbitaallada iyo suuqyada kuwaas oo ay ku dhinteen kumannaan ruux.

    Waxaa kale oo ay ka digeen in dambiyo dagaal ay noqon karto go’doominta hawada iyo badda ee ay samaynayaan xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

  12. Badhasaabka Gaarisa "la ima xirin ee anaa booliiska iska xaadiriyay"

    Badhasaabka magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in aan la xirin balse uu isagu iska xaadiriyay booliiska si aan uga jawaabo eedaymaha loo soo jeediyay.

    Wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka ay saxaafadda Kenya tabisay ee ku saabsan in askar ay ku waabariisatay gurigiisa ka dibna xirtay 5:00 subaxnimo markii uu soo baxay.

    Waxaa la sheegay in loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiir goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daly Nation.

    Cali Bunow Qorane ayaa faahfaahinta warkaas soo dhigay Twitterka.

  13. Theresa May oo ku dhawaaqaysa in sare loo qaado maalgashiga Africa

    Ra'iisulwasaare Theresa May ayaa ku dhawaaqi doonta in Britain ay sare u qaadi doonto maalgashiga Africa marka ay Midawga Yurub isga baxaan, marka ay booqashadeedii u horraysay ku tagto qaaradda.

    Hadal ay galinka dambe ka jeedin doonta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in ay ka dhihi doonto "In aysan ka xishoonaynin" in ay xaqiijiso in lacagta UK ay ku bixiso gargaarka Africa ay Britain-na ka faa'iiddo.

    Ra'iisulwasaaraha ayaa sheegi doonta in UK ay kaalinta koobaad ka qaado Maraykanka oo ay noqoto dalka maalgashiga ugu badan ku sameeya Africa marka laga hadlayo dalalka ku midaysan ururka G7 meesha lagu gaaro sannadka 2020.

    Sidoo kale waxay booqan doontaa Nigeria iyo Kenya inta ay ku jirto saddexda maalmood ee ay ku jirto safarka ay diiradda ku saarayso ganacsiga.

  14. Kenyatta iyo Trump oo Aqalka Cad ku kulmay

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Trump waydiistay in Maraykanku uu maalgashi dheeri ah ku sameeyo Afrika, ka dib markii ay wadahadal ku yeesheen Aqalka Cad.

    Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xidhiidhka ganacsi.

  15. Ciidammada AMISOM oo ka guuray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho

    Ciidammada Amisom ayaa alaabadoodii u dambeeyay maanta ka daldashay garoonka ciyaaraha ee ugu wayn magaalada Muqdisho oo saldhig u ahaa toddobadii sano ee la soo dhaafay.

    Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo ka daldanaya alaabo kala duwan oo ay furaashyo ka mid ahaayeen, marka laga soot ago qalabka ciidammada.

    Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa in badan ka caban jirin garoon xumi, waxayna dalbanayeen in garoonka lagu soo wareejiyo.

    Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqashada ku tagay garoonka.

  16. Badhasaabka magaalada Gaarisa oo la xiray

    Badhasaabka magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa la xidhay isaga oo loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiirkiisii goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daly Nation.

    Cali Bunow Qorane ayaa la sheegay in ay askar qabatay shantii Subaxnimo ee Talaadadan markii uu gurigiisa oo Nairobi ku yaalla ka soo baxay.

    Idriis ayaa sheegay in madaxa laga toogtay isaga oo huteel hor maraya oo ka soo baxay masaajid u dhawaa.

  17. Trump oo amray calanka mar kale hoos loo dhigo

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu ixtiraam u hayo John McCain sababtuna ay tahay waxtarkii uu u qabtay dalka Maraykanka, hadalkaas ayuuna sheegay ka dib markii aad loogu dhaliilay sida uu uga jawaabay geerida McCain Sabtidii.

    Qaar ka mid ah calammada suran xafiisyada faderaalka ee dalka Maraykanka ayaa si dhamaystriran loo suray, taas oo aad uga horraysa wakhtigii caadiga ahaa ee ay dadbadan sugayeen in ay hoos u sii raaracaan.

    Trump ayaa hadda amray in calanka hoos loo dhigo.

  18. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Talaado ah oo ay taariikhdu tahay 28 bisha Agoosto 2018.