You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

“Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xor bay u tahay”

Warbixintaas iyo kuwo kale oo Soomaalida iyo caalamka ku saabsan kaga bogo tabinteenna tooska ah.

Tebin toos ah

  1. Shirkad xiriir la leh militariga Itoobiya oo laga joojiyay qanddaraaska dhisitaanka biyo xireen

    Dowladda Itoobiya ayaa shirkad xiriir la leh militariga dalkaasi ka joojisay qanddaraas lagu siiyay dhistaanka biyo xireenka muranka dhaliyay ee laga dhisaya webigaa Nile.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay shirkadda inaysan lahayn khibrad ay uga shaqeyso mashruuca lagu dhisaya biyo xireenka wayn.

    Shirkadda Metec oo hoos timaado wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Itoobiya waxay lumisay qanddaraaska kaddib markii ay daahisay agabka lagu dhisayay biyo xireenka.

    Waxay tallaabadan saamaynaysaa shirkaddan oo ay sannado badan maamulayeen shakhsiyaad ka tirsan militariga Itoobiya.

    Militariga Itoobiya ayaa sannado badan ku lug lahaa maamulidda dhaqaalaha dalkaasi balse Ra’iisul wasaaree Abiy Axmed ayaa arrintaasi isabbadallo ku samaynayaa.

  2. Tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir oo furmay

    Magaalada Muqdisho waxa si xiiso leh uga socdaa tartanka kubadda cagta ee kooxaha degmooyinka gobolka Banaadir oo bilowday Jimcihii la soo dhaafay. Illaa 17 kooxood ayaa ka qaybgalaya tartanka kuwaas oo loo kala qaybiyay afar qayb.

    Dadweyne boqollaal gaaraya ayaa galab kasta u daawasho tagaa garoomada ay ciyaarahaasi ka socdaan..

    Guddoomiyaha cayaaraha gobolka Banaadir Xasan Wiish oo u warramayay weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in tartankan uu yahay mid sannadle ah oo loo qabto dhalinyarada ku dhaqan gobolka Banaadir islamarkaasna uu yahay tartanka ugu xiisaha badan.

    Wuxuu intaasi ku daray in tartanka ay ka qayb galayaan 17-ka kooxood ee matalaya degmooyinka gobolka Banaadir.

    Tartanka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo 17-ka bisha September, sida uu sheegay Xasan Wiish.

  3. Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay

    Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabay.

    Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.

    Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar.

    Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar.

    Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen.

    Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah:

    Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka

    Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta

    Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha

    Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga

  4. Bobi Wine oo lasoo daayay

    Maxkamadda sare ee ku taalla magaalada Gulu ee waqooyiga Uganda ayaa damaanad kusoo daaysay xildhibaan Bobi Wine ahna sidoo kale heesaa iyo saddex xildhibaan oo kale la xirnaa.

    Xildhibaanadani ayaa xirnaa ku dhawaad labo toddobaad, waxay wajahayeen dacwad ah inay gaysteen khiyaamo qaran.

    Waxaa jiray cambaareyn caalami ah oo ka dhanka ahayd xiritaanka Bobi Wine iyo dacwadda lagu soo oogay.

    Qaar kamid ah qareenadii difaacayay xildhibaanka ayaa dhaawac loo gaystay xilli Bobi Wine uu ku jiray gacanta booliska.

  5. Ceelasha shidaalka Suudaanta Koonfureed oo dib loo howlgelinayo

    Suudaanta Koonfureed waxay shaaca ka qaaday inay dib u bilaabayso howlaha shidaal soo saarista bisha dambe kaddib markii sannadkii 2013-kii la hakiyay wax soo saarka ceelasha shidaalka.

    Wax soo saarka ceelasha shidaalka Suudaanta Koonfureed ayaa lagu wadaa inuu maalin kasto soo saaro 375,000 barmiil muddo saddex sanno gudahood.

    Shan sanno ka hor yay ahayd markii dagaallada dartood loo joojiyay howlaha shidaal soo saarista dalkaasi, dalka wuxuu qorsheynayaa in maalin kasta uu ceelasha kasoo saaro 80,000 barmiil.

    In dib loo bilaabo howlaha shidaalka waxay ka qayb ahayd heshiiskii xabad joojinta ahaa ay dhawaan kala saxiixdeen hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo madaxweynaha South Sudan Salva Kiir.

  6. Trump wuxuu la kulmay Buhari oo “mayd noole ah”

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kaaliyeyaashiisa u sheegay in uu rabo in uusan mar dambe la kulmin madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo 75 jir ah oo uu ku tilmamay mayd noole, ka dib markii uu Aqalka Cad ku qaabilay bishii Abriil, sidaa waxaa wargeyska UK ka soo baxa ee Financial Times u sheegay saddex ilood.

    Buhari ayaa ahaa hoggaamiyihii koobaad ee dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ee Trump uu ku casuumo Aqalka Cad, taas oo muujisay in madaxweynaha Maraykanku uu Nigeria oo shidaal badan soo saarta lana dagaalamaysa koox jihaaddoon ah u arkay mid ka mid ah xulafadiisa muhiimka ah.

    Trump ayaa qorshaynaya in uu la kulmo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta galinka dambe ee Isniinta si ay uga wada hadlaan ganacsiga iyo ammaanka.

  7. Xaaladda caafimaad ee Robert Mugabe oo laga deeyrinayo

    Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ayaa sheegay inuu xanuunsan yaay madaxweynihii hore ee dalkaasi Robert Mugabe oo 94 jir ah islamarkaasna xaaladdiisa caafimaad laga deeyrinaayo.

    Arrintan ayaa kusoo aadeysaa saacado uun kaddib markii xilka loo dhaariyay madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.

    Robert Mugabe iyo xaaskiisa Garce kama aysan qayb gelin munaasabaddii lagu caleemo saaray madaxweyne Mnangagwa.

    Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay in Robert Mugabe uu taageero hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Nelson Chamisa oo ka hor yimid natiijadii doorashada ee muranka dhalisay.

  8. Kenyatta iyo Trump oo yeelanaya kulan 20 daqiiqo qaadan doono

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka cad ee looga arrimiyo dalka kulan kula qaadan doonaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hor inta aysan kulan kale oo labo geesood ah la yeelan waftiga labada dhinac.

    Kulankooda ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo 20 daqiiqo ah.

    Mareykanka ayaa ah isha ugu wayn ee howlaha dalxiiska Kenya.

    Kenya waxay ku rajo wayn tahay in duulimaadka tooska min New York ilaa Nairobi ee bilaabanaya bisha Oktoobar uu xoojin doono ganacsiga dalxiiska.

    Kenya ayaa loo arkaa saaxibka ugu muhiimsan ee Mareykanka marka ay timaado la dagaalanka aragagixisada ee gobolka bariga Afrika.

    Trump iyo Kenyatta ayaa sidoo kale ka wada hadli doonaa xoojinta iskaashiga arrimmaha ammaanka labada dal.

  9. Dab xoog badan oo ka kacay deegaan wajeer ka tirsan

    Wararka naga soo gaaraya Wajeer aya sheegaya in deegaan ka tirsan halkaasi uu dab kacay.

    Dabkani oo socday muddo saacado ah ayaa ka kacay goob dhul daaqsimeed ah oo u dhaxeeysa deegaanka Booji Yarey iyo Shanta Abaq, waxaana ka dhashay khasaare.

    Dabeylo xoog badan ayaa jiray taas ayaana horseedayin dabku si xawli ah u faafo.

  10. Muuqaalka Bobi Wine oo maxkamad ka soo muuqday

    Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya fannaanka caanka ah ee reer Uganda ee xildhibaanka noqday Bobi Wine oo socodku ku adag yahay ka dib markii uu ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Gulu ee dhanka waqooyi dhacda, isaga oo la sheegay in la jir dilay intii uu xirnaa.

    BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto runnimada muuqaalkan.

  11. Myanmar oo dib u dhigtay maxkamadaynta wariyeyaasha Reuters

    Maxkamad ku taalla Myanmar ayaa dib u dhigtay xukun ay ku ridi lahayd labo saxafi oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters kuwaas oo lagu eedeeyay in ay heleen macluumaad sir ah oo ay dawladdu lahayd.

    Masuul hadlay ayaa sheegay in xukunka la jeedin doona saddexda bisha Sabtembar, sababtuna ay tahay in uu xanuunsaday garsoorihii.

    Wa Lone iyo Kyaw Soe ayaa sheegay in booliisku ay caddaymo been ah keeneen sababta loo haystana ay tahay in ay ka warrameen dadkii badnaa ee Muslimiinta Rohingya ahaa ee la laynayay.

  12. Baadari Francis oo ka aamusay eed tacaddi la xiriirta oo loo soo jeediyay

    Baadari Francis-ka ugu sareeya mad-habta kaatoligga ayaa diiday in uu ka jawaabo eedaymo uu soo jeediyay dublamaasi hore oo Vatican-ka ka tirsanaan jiray, kaas oo isaga ku eedeeyay in uu qariyay eedaymaha sheegaya in baadari Maraykan ah uu tacadiyo galmo gaystay.

    Saxafiyiinta ayaa su’aashaas waydiiyay Baadari waynaha markii uu diyaaradda ka raacayay Ireland oo uu booqasho ku joogay isaga oo ku sii jeeda magaalada Roma.

    Wuxuu sheegay in uusan hal eray xataa ka dhahaynin eedaymaha ku saabsan baadari Carlo Maria Vigano, isaga oo muujiyay in aysan u qalmin in laga jawaabo.

  13. Nin looga shakisan yahay in uu wiil yar oo heer Netherlands dilay 1998 oo la qabtay

    Booliiska dalka Netherlands oo baarintaan ku hayay Nicky Verstappen oo ahaa wiil isagoo ciyaal iskuul la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay ka dibna la dilay ayaa sheegay in ay Spain ku xireen ninkii ay tuhunka ugu wayn ka qabeen.

    Jos Brech ayaa si wayn loo tuhmay ka dib markii xukuumadda Netherland ay sameysay howgalkii ugu baaxad waynaa ee lagu baarayo dheecaanka hidda sidaha ee DNA, dadkii la baarayna waxaa ka mid ahaa qaraabaadiisa.

    Booliiska ayay arrintani siinaysaa calaamad muhiim ah oo dilka la xiriirinaysa Jos Brech ka dib markii DNA laga qaaday dharka Nicky Verstappen.

    Waxaa imika socota geedi socod lagu doonayo in ninkani loogu soo gacan galiyo dowoladda Netherlands.

    "Jos B, oo 55 ah waxaa looga shakisan yahay dhimashada Nicky Verstappen waxaana Axaddii galinkii dambe lagu xiray dalka Spain, waxa uuna ku jiraa xabsiga islamarkana waxaa lagu soo wareejin doonaa Netherlands," waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saareen booliiska gobolka Limburg.

    Xarigga ninkani ayaa ka dambeeyay ka dib markii dadwaynaha codsi loo jeediyay toddobaadkii aan soo dhaafnay islamarkaasna la baahiyay sawirrada ninka laga shakisan yahay.

    Jos Brech ayaa la xiray ka dib markii uu qof shacab ah aqoonsaday islamarkana uu booliiska ku wargaliyay.

    Wiilkani lagu magacaabo Nicky oo xilligaasi jiray 11 sano waxaana la waayay bishii Agoosto ee 1998 waxaana markii dambe maydkiisa laga helay meel keyn ah.

    Jos Brech, oo isagu ku noolaa meel u dhaw goobta uu dilka ka dhacay ayaa sanadkan la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay ka dib markii la qaaday dheecaanka DNA.

    Cadeynta kali ah ee la hayo ayaa ah dhiiga DNA oo laga qaaday dharkii uu xirnaa Nicky.

    In ka badan 14,000 oo rag ah ayaa si iskood ah u bixiyay dheecaanka DNA oo ay siiyeen baarayaasha islamarkana kuma jirin ragani cid dilka lagu tuhunsan yahay. Markii la waayay oo uu dhuuntay Jos Brech bishiiAbriil ee sannadkan waxay booliiska baaritaan ku sameeyeen gurigiisa markaasi oo ay ogaadeen in 100% dheehaankiisa hidde sidaha ee DNA uu yahay midkii laga helay jirkii Nicky'.

  14. Kuuriya Waqooyi oo siidaynaysa dalxiiseyaal Japan u dhashay

    Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay siidaysay dalxiiseyaal Japan u dhashay, iyadoo arrintaas ku sababaysay banii’aadminimo.

    Xog yar ayaa laga og yahay Tomoyuki Sugimoto, balse waxaa la og yahay in la xiray horraantii bishan.

    Kuuriyada Waqooyi faahfaahin kama bixinin sababta loo xiray, balse waxay sheegtay in uu sharciga jabiyay, warbaahinta Japan ayaa sheegtay in laga yaabo in uu sawirro ka qaadayay xarun milatari.

    Dalxiiseyaasha booqda Kuuriyada Waqooyi ayaa si dhaw loola socdaa mar kaste.

    Dalkan xogtiisa aadka u qariya ayaa hadda ka hor xiray dalxiiseyaal. Mararka qaarna si aan kala sooc lahayn, waxayna u adeegsadeen in ay kula gorgortamaan dalalkii ay u dhasheen.

    Dadkii u dambeeyay ee ay sidaas ku sameeyeen waxaa ka mid ahaa Otto Warmbier oo ahaa arday Maraykanka u dhashay oo loo xiray in uu xadayay astaan huteel taallay.

    Waxaa sidoo kale loo fasaxay xaalad banii’aadminimo, balse wuxuu Maraykanka gaaray isaga oo aad u xannuunsan maalmo ka dib ayuuna geeriyooday.

  15. Miino la riday Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo daad gurayn baaxadleh horseeday

    Magaalo Jarmalka ku taalla ayaa muddo lix saac ah dadkii laga daad gureeyay si loo xaqiijiyo in lakala furfuro oo la qaado bam toddobaadkan horraantiisii la helay oo la adeegsaday dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Dad lagu qiyaasay 18,500 oo ruux ayaa laga daad gureeyay Ludwigshafen oo ku taalla bartamaha dalka Jarmalka.

    Bamkan oo hawada laga soo riday ayaa culayskeeda lagu sheegay 500kg, waxaana helay shaqaale dhismo.

    Jarmalka waxaa wali ku jira bambooyin aan qarxinkuwaas oo ay soo rideen xulafadii Nazi-ga ka dhanka ahayd.

    Maamulka magaalada ayaa sawirka bamka soo dhigay Twitter-ka.

    Waxaa la rumaysan yahay in Maraykanku uu bamkaas oo ganay intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Bishii Sabtembar ee 2017kii Frankfurt ayaa laga daad gureeyay 70,000 ka dib markii magaalada laga helay bam ay Britain soo gantay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Boosteejada tareenka ee ugu wayn magaalada Baarliin ayaa dad laga daad gureeyay ka dib markii shaqaale dhismo ay heleen bam 500kg ah.

  16. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 27 bisha Agoosto 2018.