Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 30 bisha Agoosto 2018.
You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Warbixintaas iyo kuwo kale oo Soomaalida iyo caalamka ku saabsan kaga bogo tabinteenna tooska ah.
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 30 bisha Agoosto 2018.
Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.
Qodobada wararkayaga maanta ugu waawaynaa waxaa kamid ah:
Xafiiska xiriirka dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la sameeyay xafiis u gooni ah ururadii hubaysnaa ee dhawaan heshiiska la galay dowladda Itoobiya islamarkaasna ka shaqayn doono danaha ururadan.
Xafiiskan ayaa ka shaqayn doonaa sidii si nabad ah hub ka dhigis loogu samayn lahaa ururrada hubaysan ee gogosha nabadeed ay xukuumadda u fidisay.
Sidoo kalena, waxayaabaha uu qaban doono xafiiskan gaarka ah waxaa kamid ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa xubnaha ka tirsan ururrada ee doonaya arrintaasi.
Xafiiska ayaa sidoo kale qori doonaa xubnaha doonaya inay noqdaan ciidaan.
Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ugu baaqay ururradan inay hubkooda si nabad ah kusoo dhiibaan islamarkaasna ay ku dagaalamaan firkadahooda iyo qalinka.
Ururada dhawaan gogosha nabadeed ay dowladda Itoobiya u fidisay waxaa kamid ah ururka ONLF iyo OLF.
Dawladda UK ayaa heshiis amniga iyo dhanka difaaca la gashay Nigeria kaaso ka caawin doono xukuumadda madaxweyne Muhammadu Buhari la dagaalanka kooxda Booko Xaraam.
Heshiiskan waxaa shaaca laga qaaday xilli ra’iisul wasaaraha Ingriiska ay booqasho ku joogto dalka Nigeria.
Bayaan laga soo saaray heshiiska ayaa lagu sheegay in xukuumadda UK ay agabka iyo tabbabar u fidin doonto militariga Nigera sii ay isaga difaacaan khatarta qaraxyada ay fuliyaan kooxaha argagixisada.
Waxay sidoo kale, kala saxiixdeen Britain iyo Nigeria heshiis 16 milyaan doolar ku kacaya oo waxbarasho loogu fidinayo 100, 000 carruur ah oo ay saamayn ku yeelato waxbarashadooda dagaallada.
Ingiriiska ayaa ka caawin doona dowladda Nigeria la dagaalanka kooxda Booko Xaraam.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidammada Mareykanka ee fadhigeedu yahay Afrika ayaa lagu sheegay in duqayn dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen Al-Shabab ay ka fuliyeen meel 40 kilomitar kaga began koonfur galbeed magaalada Muqdishu.
Waxayna sheegeen in saddex kamid ah waxa ay ugu yeereen argagixisada ay ku dileen weerarka.
Bayaanka kasoo baxay ciidammada Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dad rayid ah aysan ku dhimanin ama ku dhaawacmeen weerarka.
Mareykanku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala kaashadeen fulinta duqaynta.
22-kii bishan ayay ahayd markii ciidammada Mareykanka ay sheegeen in labo kamid ah waxa ay ugu yeereen kooxaha argagixisada ay ku dileen agagaarka magaalada Kismayo.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa booqasho ku joogtaa dalka Nigeria, waxayna la kulantay madaxweyne Muhammadu Buhari.
Waa booqashadeedii labaad ay ku mareyso qaaradda oo ay uga golleedahay xoojinta xiriirka ganacsi ee Britain kala dhexeeyo qaaradda Afrika.
Theresa May iyo Buhari ayaa la filaya inay ka wada hadlaan xiriirka dhaqaalaha, ammaanka iyo arrimaha doorashada la filaya in Nigeria ay ka dhacdo.
Aqalka madaxtooyada Nigeria ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada soo dhawaynta.
Waa dalkii labaad ay booqanayso ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Talaadadii waxay ku sugnayd dalka Koonfur Afrika, waxayna booqashadeeda Khamiista kusoo afajaraysaa dalka Kenya.
Jarmalka ayaa si rasmi ah ugu wareejisay haraaga mayadadkii xasuuqii ka dhacay dalka Namibia xilligii gumaysiga 100 sanno ka hor oo ay dad badan ku dhinteen.
Wafti ka socda dowladda Nambia ayaa qaabilay haraaga xilli ay ka qayb galeen munaasabadda lagu wareejinayay haraaga maydadka oo ka dhacday caasimadda Jarmalka ee Berlin.
Tobonaan kun oo kamid ah qowmiyadaha Herero iyo Nama ayaa lagu dilay dalka Namibia xilliggii ay jireen kacdoonada looga soo horjeeday guumaysatihii Jarmalka.
Qoysaska dadkaasi la laayay ayaa dowladda Jarmalka ka sugaya raalli gelin.
Xasuuqa ayaa bilaawday sannadkii 1904-kii xilliggaasi oo ay qowmiyadaha Herero iyo Nama ay bilaabeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen dhul boob iyo xoola dhac ay ku hayeen ciidammadii Jarmalka.
Maxkamad ku taalla Israa'iil ayaa markii ugu horreysay u aqoonsatay in dhulka la haysto ee reer Falastiin ee ku yaalla Daanta Galbeed lagu degan yahay si sharci ah.
Deegaankan oo lagu magacaabo Mitzpe Carmit ayaa ku dhaw magaalada Ramallah, waxaana la aasaasay dabayaaqaadii sagaashamaadkii.
Falastiiniyiintu waxay doonayaan in meesha laga raro Israa'iiliyiinta halkaasi degan balse maxkamadda ku taalla magaalada Qudus ayaa go'aamisay in deegaamaynta ay tahay mid sharci ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Israa'iil ay dadka dejiyeen deegaankaasi balse dadkan degan aysan war ka haynin in dhulka u ahaa mid gaar loo leeyahay.
Mas'uuliyiinta Falastiiniyiinta waxay ka hor yimaadeen go'aanka maxkamadda, waxayna sheegeen in arrintani ay kasoo horjeedo xeerka iyo heshiisyada caalamiga ah.
.
Xaaladda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta degan iyadoo maanta la aasay afar qof oo ku dhintay dagaal dhexmaray maleeshiyaad qabaa’iil oo hubaysan iyo ciidammada ammaanka.
Is rasaasayn ayaa ka dhacaday saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka arinsanayaa sidii xal kama dambays ah looga gaari lahaa dhibaatada dhacday.
Rabshadahan ayaa ka dhashay kaddib markii dil gudaha magaalada loogu gaystay nin ku shaqeysan jiray Bajaajka. Waxaana dilka fuliyay sida la sheegay inuu dil nin askari ah markii ay ku murmeen bixinta lacagta canshuuraha.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa BBC-da usheegay in xaaladda amniga magaalada ay dejiyeen islamarkaasna ciidammada ammaanka ay hakiyeen rabshadihii ka dhacay magaaladaaasi.
Hoggaamiyaha xisbiga dhaqaalaha iyo xornimo u dirirka dalka Koonfur Afrika Julius Malema ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay ka baxdo xubin ahaanshaha ururka Barwaaqo Sooranka.
Wuxuu sheegay in 53 dal ee ka tirsan ururka uu hoggaanka u hayo guumaystaha islamarkaasna ururka Barwaaqo Sooranka uu ka shaqeynayo jiritaanka awoodaha caddaanka.
Ururka Barwaaqo Sooranka waxaa la asaasay sannadkii 1931-kii, waxaana hoggaamisaa boqoradda Ingririiska Elizabeth II.
Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa booqanaysa dalka Nigeria iyadoo ku jirta maalintii labaad ee safarka ay ku doonayso in ay ku xoojiso calaaqaadka ganacsi ee dalkeedu la leeyahay qaaradda Afrika.
May ayaa madaxweynaha Nigeria kula kulmi doonta magaalada caasimadda ah ee Abuja, waxyaabaha ay ka wada xaajoon doonaanna waxaa ka mid ah ammaanka, ganacsiga iyo dadka sida sharci darrada ah loo tahriibiyo.
Intaas ka dibna magaalda Lagos ayay kula kulmi doontaa dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay adoonsiga casriga ah.
Ra’iisulwasaaraha ayaa horay ugu dhawaaqday in Britain ay 5 bilyan oo doolar ku kabi doonto dhaqaalaha Africa, waxayna hadalkaas ka sheegtay lugtii koobaad ee Koonfur Afrika.
Khamiista ayay booqan doontaa dalka Kenya, iyadoo sidaas ku soo afjari doonta booqashadii saddexda maalmood ahayd ee ay uga gol lahayd xoojinta xiririirka dhaqaale ee ay Britain qaarada Afrika la yeelanayso ka hor ka bixitaanka Yurub ee 2019ka.
Shan askari oo ka tirsan askarta Kenya ayaa lagu dilay deegaaka Lamu ee xeebta ku yaalla ka dib markii ay miino la kacday gaarigii ay saarnaayeen, sida ay milatarigu sheegeen.
Warka qoraalka ah ee ciidammada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in shanta askari ay ka mid ahaayeen 10 askri oo hawlgal gargaar oo biyo qaybin ah ka fulinayay inta u dhaxaysa waddada Kiunga-Sankuri
Weerarrada noocan ah kuma cusba deegaankaas Lamu ee dalka Kenya, koox lala xiriiriyay ururka Al Shabaab ayaana hawlagallo ka fuliya.
Dagaalameyaasha Al Shabaab ayaa qaaday weerarro kala duwan oo ay uga aarsanayaan ciidammada Kenya ee hawlgallada ka wada gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah ciidammada nabad sugidda ee Midawga Afrika.
Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo afar mas'uul oo kale oo maamulkiisa ka tirsanaa.
Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yaala magaalada Addis Ababa 27-dii bishan, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas'uul oo kale.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa muwaadiniinta “madaxyada waawayn” ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin horusocod la’aanta tabaca beeraha ee dalkiisa, sida uu ku warramay wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Monitor.
“Dhibaatada haysata dadka Uganda waa in ay madaxyo waawayn yihiin. Taasina waa sababta ay u hoosayso la qabsashada adeegsiga qaababka cusub ee beeraha loo tabcado, taasina ay horseeday in ay ku adkaato in ay nacfi fiican ka helaan beerahooda yaryar,” ayuu yiri Museveni.
Hadalkaas ayuu sheegay Talaadadii isaga oo xariga ka jarayay warshad shamiito oo ku taalla degmada Tororo ee dhanka koonfureed dhacda.
“Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu hodansan adduunka, waxaana lagu galladay ilo dhaqaale oo dabiici ah taas oon lagu dhamaysan karin wakhti kooban,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray in warshaduhu ay yihiin mustaqbalka dalka.
Magalada Garoowe ee caasimadda u ah Dawlad Goboleedka Puntland ayaa lagu doortay Guddmoomiye cusub.
Toddobo iyo labaatan xubnood oo bulshada laga soo xulay ayaa doortay Axmed Saciid Muuse wuxuuna ka guulaystay Axmed Abshir.
Hoos ka daawo qaar ka mid ah sawirrada doorashada.
Booliiska dalka Morocco ayaa xiray 12 wiil oo yaryar oo ku eedaysan in ay si arxan darro ah u kufsadeen una jir dilayeen gabadh yar oo 17 jir ah muddo labo billood ah.
Toddobaadkii hore ayay Telefishin u faahfaahisay sida burcad hubaysan ay u afduubteen bishii Juunyo.
“Marnaba ma cafin doono – waxyeelo badan ayay iigaysteen,” ayay tiri.
Arrintan ayaa caro ka dhalisay dalka Morocco, waxayna horseeday ol’ole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayo in caddaaladda la horkeeno kuwii masuulka ka ahaa dhibaatadaas.
Baaritaan uu hoggaaminayo garsoore ayaa ka socda magaalada Beni Mellal, kuwa la xirayna da’doodu waxay u dhaxaysaa 18 ilaa 27, sida ay masuuliyiin u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Waxaa si wayn looga shakisan yahay wiil 20 jir ah oo wajahaya dacwado la xiriira kufsi, jir dil iyo in uu gaystay hanjabaad dil iyo in uu abuuray budhcad. kuwa kalana waxaa laga yabaa in ay wajahaan dacwado kuwaas la mid ah.
Gabadhan yar oo Khadiijo la dhoho ayaa toddobaadkii hore ka soo muuqatay telefishin Morocco ku yaalla oo la dhoho Chouf TV.
Waxay kaameerada u soo bandhigtay jidhkeeda oo waxyaabo lagu xardhay iyo boogo ka dhashay sigaar oogadeeda lagu kor damiyay.
“Dhawr jeer ayaan isku dayay in aan baxsado, balse waa laiqabtay waana la I garaacay” ayay tiri, way i jir dileen, cunto iyo wax aan cabo imayna siinin, xataa iimaysan ogolaanin in aan qabaysto.
Kumannaan ruux oo ka jawaabaya waraysiga ay telefishinka siisay ayaa sixiixay dalab dhanka online-ka oo ay dalbanayaan in la caawiyo Khadiijo, waxaana caan noqday halhayska ah #JusticePourKhadija oo lagu dalbanayo in ay caddaalad hesho.
Dhanka kalana dad ayaa ka soo horjeedsaday iyadoo qaar ka mid ah qaraabadeedu ay sheegeen in ay ka shakisan yihiin in ay saxaafadda been u sheegayso, waxayna ku eedeeyeen in ay ku nooshahay nolol kharriban.
In kabadan 20% dumarka Morocco tacadi galmo ayaa lagula kacay wax kabadan hal jeer, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Morocco sannadkii 2015kii.
Baarlamaanka Morroco ayaa sannadkii 2014kii isbadal ku sameeyay xeer dhigayay in qofkii gabadh yar kufsada la cafiyo haddii uu guursado.
Gabadh 21 jir ah oo reer Hong Kong ah ayaa sheegtay in lagu khalday guurka nin aysan xataa aqoonin oo ku sugan dhulwaynaha Shiinaha iyadoo ka qaybqaadanaysa aroos “matalaad ah”.
Haweenayda ayaa sheegtay in loo sheegaysay in ay caruusad ka noqon doonto aroos matalaad ah, arrintaasna ay qayb ka tahay tababar ku saabsan sidii ay u noqon lahayd qof aroosyada qabanqaabiya.
Intii ay socotay xafladdaa iyada iyo nin ayaa kala sixiixday waraaqaha sida sharciga ah la isugu mehersado.
Markii ay ku laabatay Hong Kong ayay ogaatay in si rasmi ah loo guursaday, halkaas oo ay ka raadsanayso caawimaad dhanka sharciga ah.
Booliiska ayay u suuragaliwayday in ay caawiyaan ka dib markii ay waayeen wax caddayn ah oo muujinaya in khalad dhacay, sidaas daraadeed waxay u wareegtay dhanka ururka ganacsiga ee FTU.
“Waa qaab cusub oo aroos khayaano ah” ayuu BBC-da ku yiri Tong Kamgyiu oo ka mid ah guddiga xuquuqda iyo faa’iidada ee ururka FTU.
“Waan ka xumahay mana rumaysan karo in ay xitaa ka dhacayso Hong Kong-ta casriga ah.
“Ka faa’iidaysi”
Bishii May ee sannadkan gabadh 21 jir ah oo aan magaceeda la shaacinin ayaa aragtay tababar ku saabsan qurxinta jirka oo Facebook la soo dhigay.
Balse markii ay codsatay ayay shirkaddii ku cadaadisay in ay noqoto aroos qabanqaabiye.
Waxaa la siiyay tababar todobaadyo socday oo ka dhacay Hong Kong waxaana loo sheegay in ay u baahantahay in ay ka qaybqaadato aroos matalaad ah oo lagu qabanayo gobolka Fuzhou ee dalka Shiinaha si ay tababarka ugu baasto.
Bishii Luulyo ayay sixiixday dhokumantiyo aroos oo yaalay xarun ay dawladdu leedahay.
Wargeyska Morning Post oo ka soo baxa Koonfurta Shiinaha ayaa sheegay in shirkaddu ay gabadha u sheegtay in intaas wixii ka dambeeyo arooskaas uu “waxba kama jiraan” noqon doono.
Balse markii ay Hong Kong ku soo laabatay ayuu mid ka mid ah dadkii ay isku fasalka ahaayeen ku adkaystay in la khiyaanay.
Hadda sidaas ayaa lagu qabaa waxaana laga yabaa in ay furniin dalbato, lama yaqaanno cidda uu yahay ninka ay guursatay iyo in uu Hong Kong galay guurkooda ka dib.
Gabahda 21 jirka ah waa laga faa’iidaystay iyadoon waxba ka ogayn cawaaqibka arrintaas ka dhalan kara,” ayuu yiri Tong.
“Dhibaatada ugu wayn ee soo gaaraysa waa in diiwaanka loo galiyay in la guursday, dhibaato dhanka maskaxda ah ayuuna u gaystay”.
Booliiska Hong Kong ayaa sannad kaste la kulma 1000 aroos oo khayaano ah.
Muwaadiniinta Shiinaha ee guursada lamaane reer Hong Kong ah ayaa awooda in uu dalbado ruqsadda daganaanshada magaalada.
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Arboco ah oo ay taariikhdu tahay 29Agoosto 2018.
Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, waxaana kusoo qaadanay wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahasanidiin.
Wararkayaga maanta waxaa ugu waawaynaa:
Mar kasta waxaad wararkayaga ka akhrisan kartaa bogga; https://bbc.com.im/somali%3C/a%3E%3C/p%3E%3C/div%3E%3C/div%3E%3C/article%3E%3C/li%3E%3C/ol%3E%3C/div%3E%3Cdiv class="css-1s4wzbg">