War deg deg ah, Hoggaamiyaha midigta Le Pen oo weli loo oggol yahay inay ka qayb gasho doorashada madaxtinimada Faransiiska
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Marine Le Pen ayaa hoggaaminaysay xisbiga qaran ee Faransiiska tan iyo 2011
Hoggaamiyaha adag ee midigta dalka Faransiiska Marine Le Pen
ayaa sheegtay inay weli u tartami karo doorashada madaxweynaha ee sannadka soo
socda, inkasta oo ay ku guul daraysanayso racfaankeedii ka dhanka ahaa argtida
sida khaladka ah ee adeegsiga dhaqaalaha baarlamanka Yurub.
Waxa ay sheegtay inay ka doodayso xukunka. Xukunka maanta ee
Paris waxa uu ka qaaday mamnuucid hore oo saarnayd oo la xiriirta ee maamulida
xafiis dadweyne. Laakiin xukunada maxkamada sare ee Faraniiska ee iyada ka
dhanka ahaa waxaa sida ugu dhakhsaha badan looga baahanayaa inay xirato qalaba
elektarooniga ee lagula soconayo, taasi oo olalaheeda ka dhigaya mid adag.
Tani ayaa noqonaysa isku daygeedii Afaraad ee madaxweynanimada,
waxaana la tilmaamayaa inay tahay fursadeedii ugu wanaagsanayd ee ay hesho.
War deg deg ah, Maraykanka oo talaabo qaaday kadib weerar ka dhacay Marinka Hormuz
Waaxda Maaliyada Maraykanka ayaa baabi’isay laysankii sida
kumeel gaarka uga qaadayay cunaqabataynada shidaalka Iiraan. Waxa ay daba
socotay weeraro lagu qaaday saddex maraakiibta shidaalka qaada ee marinka
Hormuz taasi oo lagu eedeeyay Iiraan.
Sarkaal maaliyadeed ayaa talaabada ku tilmaamay ‘’mid aan la
aqbali karin’’ ayna tahay inay ka dhalato ‘’cawaaqib’’, inkasta oo aan si gaar
ah loo cayimin wax ba ka baxsan laalitaanka.
Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka mid kamid ah
maraakiibteeda lagu qaaday, sidaas oo kale Qadar Markab ay leedahay oo qaada
Gaaska ay dab ka kacay kadib markii lala eegtay diyaarad drone ah.
Iiraan weli kama falcelin laysanka Maraykanku la laabtay (
Waxaa horay la isugu waafaqay dib ugu furitaanka marinka Hormuz ee Maraakiibta
ganacsi taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadeed ee bishii aynu soo dhaafnay
ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan.)
War deg deg ah, Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerar ay geysatay diyaarad drone ah
Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday
diyaarada aan duuliya lahayn oo ka dhacday gobolka Waqooyiga Kordofan.
Qareenada degdega ee kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay
laba gaadiid lagu duqeeyay aag ay maamulaan ciidamada gurmadka degdega ee RSF.
Labada gaari mid kamid ah ayaa waday marti ka qayb galaysay nikaax,
halka gaariga kale uu waday biyo.
Kooxdu kama hadlin cidda weerarka gaysatay. Duqaymaha ayaa
yimid xilli QM ay ku baaqayso baaritaan degdeg ah oo la xiriira xadugubyo ka
dhan ah dadka rayidka oo ka dhacay magaalada la qabsaday ee El-Obeid.
War deg deg ah, Ruushka oo cunaqabateen saarnayd laga qaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Guddiga Caalamiga ee Olombikada ayaa cunaqateeyntii ay
saareen Ruushka ka qaaday, iyaga oo u oggolaaday ciyaartooyda dalkaasi inay ka
qayb galaan tartanka xaggaaga soo socda ee ka dhacay Los Angeles muddo laba
sano gudahood ah.
Cunaqabataynta ayaa lasoo rogay bishii Oktoobar ee sannadkii
2023, iyada oo IOC ay u u sababaysay nidaam dowli oo taageeraya daroogada
ciyaartooyda laga helo iyo ku xadgudub nidaamkaOlombikada, kadib galitaankii
Ukraine.
IOC ayaa intaa ku dartay in midkoodna xubnaha guddiga
olombikada ee Ruushka aysan haatan ka imaan xuduuda hoos imaanaysa maamulka
Ukraine. Waxa uu guddigu sheegay in aysan go’aansan isticmaalka calanka iyo
heesta qaranka. Ruushka ayaa soo dhoweeyay talaabadan, waxaana uu sheegay inay
tahay in Olombikadu ay ka madax banaanaato siyaasadda.
War deg deg ah, Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxyada ka dhacay Dimishiq
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qaraxyada ka dhacay bartamaha dimishiq iyo kooxda gurmadka degdega oo ku sugan goobtaasi.
Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo
dhigtay barta bulshada ku cambaaraysay weerarada qaraxyada ee ka dhacay
Dimishiq, ayna sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Suuriya.
‘’Waxa ay jamhuuriyada federaalka Soomaaliya sida ugu adag
ay u cambaaraynaysaa weerarka argagixiso ee lala beegsaday caasimada Suuriya ee
Dimishiq.
‘’Waxa ay ku
celinaysaa Soomaaliya sida ay u diidan tahay gabi ahaan argagixiso iyo
xagjirayn noocyadooda kala duwan, waxayna adkaynaysaa dadaalada heerka
dowladeed ah ee la dagaalanka argagixisada, ayna xoojinaysaa nabadda, ammaanka
iyo degenaanshaha.’’
Inta la ogyahay ilaa 18 qof ayaa ku dhaawacmay laba qarax
bambaanooyin ah oo lala eegtay bartamaha Dimshiq intii lagu guda jiray
booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay dowladda
Suuriya.
War deg deg ah, Argentina oo samaysay soo laabasho la yaab leh, kadib markii ay Masar garaaceen
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ciyaaryahanada Argentina oo dabaal degaya kadib guushii ay ka gaareen Masar
Kooxda difaacanaysa koobka adduunka ee Argentina ayaa
garaacday Masar, iyaga oo u soo baxay wareega 8-da kooxood ee Koobka Adduunka.
Ciyaarta
xiisaha badnay ayaa waxaa soo maray wakhti ay kooxda faraacinada ay ku
hoggaaminayeen 2:0, Laakiin Argentina ayaa soo laabasho la yaab leh dhigtay ku dhowaad dhammaadkii qaybtii labaad ee ciyaarta,iyaga oo goolal dhaliyay xilliga loo
yaqaan wakhtiga dhaawaca ee marka gool lagaa dhaliyo aadan dib usoo kabsan
karin.
Wareega 8-da Kooxood ayay wajihi doonaan kooxdii soo baxda
Colombia ama Switzerland, kuwaasi oo ciyaartoodu ka socoto Vancouver.
Dalka Shiinaha oo wajahaya duufaanno iyo roobab dabeylo wata
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping,
ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo ballaaran loo dardargeliyo howlaha
samatabbixinta, kaddib markii cimilo aad u daran ay ka dhacday qaybo kala duwan
oo dalka ah, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 15 qof, isla markaana
kumannaan kale ay ku barakaceen.
Dhanka kale, gobolka Gansu ee
galbeedka Shiinaha, dhul-go’ ka dhacay deegaanno buuraley ah ayaa waxaa ku dhinta in ka badan 30 qof.
War deg deg ah, Degdeg: Markab marayay marinka Hormuz oo la weeraray
Xigashada Sawirka, ukmto
Hay’adda UK Maritime
Trade Operations ee Britain ayaa sheegtay inuu mar kale dhacay shil badda ah oo
uu la kulmay markab shidaal sida oo marayay marin-biyoodka Hormuz Strait.
Sida ay hay’addu
sheegtay, markabka waxaa ku dhacay diyaarad aan duuliye lahayn, oo aan la
garanayn cidda iska leh, taasoo sababtay burbur yar oo soo gaaray markabka.
Hase yeeshee, lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, sidoo kalena ma
jirin wax wasakhow deegaan ah oo ka dhashay dhacdada.
Warbixintu waxay
sheegtay in markabku weli sii wadi karo safarkiisa, isla markaana uu ku sii
jeedo halkii uu u socday.
UKMTO ayaa intaas ku
dartay in baaritaan lagu hayo dhacdadan uu weli socdo, iyadoo dhammaan
maraakiibta maraya aaggaas lagu amray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah
isla markaana si degdeg ah u soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.
Xaaladda Suudaan oo laga deyrinayo
Dagaallada ka socda magaalada El-Obeid ee Suudaan ayaa hakiyay gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo, iyadoo qoysas badan ay halis ugu jiraan gaajo.
Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadku ay naftooda halis gelinayaan si ay gargaar u gaarsiiyaan dadka.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la ilaaliyo rayidka, la joojiyo weerarrada, isla markaana dib loo furo waddooyinka gargaarka.
Madaxweynaha Iiraan ma ka qayb galayaa aaska hoggaamiyihii geeriyooday Cali Khamenei?
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Iiraan, Massoud
Pezeshkian, ayaa u safray magaalada Najaf ee Ciraaq si uu uga qeyb galo aaska Cali
Khamenei.
Sida ay sheegtay wakaaladda
wararka ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan (IRNA), marka
laga soo tago ka qeybgalka munaasabadda aaska, Madaxweyne Pezeshkian wuxuu
sidoo kale la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.
Aaska Cali Khamenei ee Ciraaq ayaa
marka hore lagu qaban doonaa magaalada Najaf, ka dibna waxaa loo gudbin doonaa
Karbala.
Wakaaladda Mehr News ayaa shalay
sheegtay in Massoud Pezeshkian, Mustafa Khamenei oo ah wiilka curadka ah ee
Hoggaamiyihii Sare ee hore, iyo Mohammad Baqer Qalibaf oo ah guddoomiyaha
baarlamaanka Iiraan, ay iyaguna ka qeyb geli doonaan aaska ka dhacaya Ciraaq.
Cali Khamenei ayaa lagu wadaa in
lagu aaso maalinta Khamiista ah goobta barakaysan ee Imam Reza Shrine ee
magaalada Mashhad.
War deg deg ah, Nin u ololeeyn jiray in Somaliland aqoonsi hesho oo is casilaya
Xigashada Sawirka, Reform in the United Kingdom
Qoraalka sawirka, Nigel Farage
Nigel Farage ayaa sheegay inuu
iska casilayo xilka xildhibaannimada deegaanka Clacton, taas oo keeni doonta
doorasho ku celis ah isla markaana uu sheegay inuu mar kale isu soo taagi doono
musharrax ahaan.
"Waa doorasho ay dadweynuhu
kaga hor imaanayaan nidaamka hadda talada haya," ayuu ku yiri muuqaal uu
soo saaray, isagoo intaas ku daray in "dadka reer Clacton ay xukumi
doonaan falalkayga."
Tallaabadan ayaa timid ka dib
muran ka dhashay kaalmooyin dhaqaale oo uu helay, kadib markii wargeyska The
Sunday Times uu sheegay inuusan shaacin faa'iidooyin ay ka mid yihiin
shaqaale iyo adeegyo amni oo uu ka helay saaxiibkiis muddada dheer, George
Cottrell.
"Wax dambi ah ma gelin,"
ayuu yiri, isagoo ku adkaystay inuusan "jebin sharciga xitaa wax
yar," isla markaana ku eedeeyay warbaahinta inay "arrinta
buunbuuninayso oo ay weerarayso" qoyskiisa.
Hoggaamiyaha xisbiga Reform UK
ayaa sidoo kale wajahaya su'aalo ku saabsan £5 milyan oo uu horraantii 2024 ka
helay maalgeliyaha xisbiga, Christopher Harborne. Lacagtaas si rasmi ah looma
shaacin, iyadoo Farage uu sheegay in loogu talagalay ilaalintiisa gaarka ah ee
arrimaha xisbiga.
Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dib u miloicso
Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.
Cudurka Ebola oo faafaya iyo walaac laga muujinayo
Xigashada Sawirka, AFP
Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda
Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in faafitaanka cudurka Ebola
ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu weli sii fidayo, isla markaana
uusan wali xasilloonaan.
Dr. Anne Ancia, oo ah
wakiilka WHO ee dalkaas, ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa dadka ku nool goobaha uu
cudurku saameeyay uu kordhinayo faafitaanka.
Gobolka Ituri ayaa ah xudunta cudurkan, iyadoo macdan qodayaal ka yimid mid magaalooyinka uu
cudurku saameeyay ay safarro galayaan, halkii ay daaweyn u raadsan lahaayeen
goobaha caafimaadka, taasoo keentay in cudurku ku faafo meelo cusub.
Cudurkan ayaa ilaa hadda dilay 500
oo qof, waxaana la xaqiijiyay in ka badan 1,500 oo kiis.
War deg deg ah, Talyaaniga oo marti galinaya wadahadallo u dhaxeeya Israa'iil iyo Lubnaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inuu
martigelin doono wareeg cusub oo wada-hadallo ah oo u dhexeeya dowladaha
Israa’iil iyo Lubnaan toddobaadka soo socda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda
Talyaaniga Antonio Tajani ayaa farriin uu ku qoray barta X ku sheegay in
Talyaanigu ku faraxsan yahay martigelinta wada-hadalladan, kuwaas oo sii socon
doona iyadoo ay dhexdhexaadinayaan Mareykanka.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga, wada-hadallada oo ay ka qayb geli
doonaan safiirrada labada dal ayaa bilaaban doona 15-ka Luulyo, waxayna socon
doonaan muddo laba maalmood ah.
Tani waxay noqon doontaa wareegii
lixaad ee wada-hadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan. Xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa hakad ku jira, waxaana sharci ahaan weli
loo tixgeliyaa inay ku jiraan xaalad dagaal.
Faransiiska ayaa sheegay in
Madaxweyne Emmanuel Macron uu "nabad qabo" kadib markii laba qarax ka
dhaceen caasimadda Suuriya ee Dimishiq, meel u dhow hoteelkii uu xalay ku
hoyday iyo goob uu kula kulmayay kooxaha bulshada rayidka ah.
Telefishinka Suuriya ayaa sheegay
in 18 qof, oo ay ku jiraan afar askari oo boolis ah, ay dhaawacmeen. Waxaa la
arkay holac iyo qiiq badan, iyadoo shaqaalaha gurmadku ay goobta joogeen.
Ilo amni ayaa sheegay in qaraxyadu
dhaceen kadib markii kolonyada Madaxweyne Macron ay ka dhaqaaqday goobta una
gudubtay Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweyne Axmed
al-Sharaa.
Paris waxay sheegtay in booqashadu
oo ah tii ugu horreysay ee hoggaamiye reer Galbeed ah ku tago Suuriya kadib
xilligii Bashar al-Assad ay sii socon doonto sidii loo qorsheeyay.
War deg deg ah, Trump oo ammaan kala dul dhacay madaxweynaha Turkiga
Xigashada Sawirka, SAUL LOEB / AFP / Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa mar
kale dhaleeceeyay NATO kadib markii uu tagay shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha
isbahaysiga ee ka dhacaya Turkiga. Wuxuu wariyeyaasha u sheegay inuusan si
wanaagsan ula dhaqmin xubnaha NATO, gaar ahaan Britain, oo uu ku eedeeyay
inaysan siin taageero ku saabsan dagaalka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si
weyn u ammaanay martigeliyaha shirka, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wuxuuna
sheegay in haddii shirku ka dhici lahaa meel aan ahayn Turkiga laga yaabo
inuusan ka qayb geli lahayn.
Horaantii, kulan hordhac ah oo ay
yeesheen hoggaamiyeyaasha NATO, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay
Yurub inay soo saarto difaacyo badan oo ay iyadu leedahay si ay isaga caabbiso
gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka. Dalalka Yurub ayaa
sidoo kale cadaadis lagu saaray inay kordhiyaan kharashaadka difaaca, iyadoo taageerada
Maraykanka ee qaaradda ay sii yaraanayso.
War deg deg ah, Hoggaamiyaha xisbiga soo galootiga neceb ee Faransiiska oo tallaabo adag wajahaysa
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha xisbiga garabka midig
ee Faransiiska, Marine Le Pen, ayaa lumisay racfaankii ay ka qaadatay xukun
dambiyeed lagu helay oo la xiriiray si khaldan u adeegsiga lacagaha dadweynaha.
Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee Paris ayaa ku xukumay saddex sano oo
xabsi ah, laba sano oo ka mid ahna la hakiyay, halka hal sano lagu xukumay inay
xirato qalab elektaroonig ah oo lagula soconayo.
Tani waxay u ogalaanaysaa in ay u
tartami karto doorashada madaxtinimada Faransiiska ee 2027, laakiin Marwo Le
Pen ayaa horay u sheegtay inaysan ololaha doorashada ku geli doonin
shuruudahan.
Waxay sheegtay in taasi ay ka dhigan tahay inay mar kasta u baahan
doonto oggolaansho marka ay qabanayso isu-soo-bax olole doorasho. Le Pen ayaa
caawa ka soo muuqan doonta telefishinka Faransiiska.
War deg deg ah, Haweeney: Waxaa la igu qasbay cunto ceeriin ah oo ciid lagu daray
Baaritaan ay samaysay BBC ayaa lagu
ogaaday caddeymo muujinaya in Ruushka uu xabsiyo ku hayo ku xiray kumannaan
rayid oo u dhashay Ukraine, halkaas oo qaarkood lagu eedeeyay in loo geystay
jirdil, uu ku jiro kufsi loo adeegsaday hab jirdil ah.
Waxaa lagu qiyaasaa in ku dhowaad 16,000
oo rayid Ukraine u dhashay la xiray ama la la'yahay tan iyo sannadkii 2014.
Haweeney lagu sii daayay barnaamij
is-weydaarsi maxaabiis ah ayaa u sheegtay BBC in la kufsaday, dabadeedna lagu
qasbay inay cunto cunto ceeriin ah oo lagu qasay carro iyo qashin.
Waxay tiri: "Mudadii
sannadaha iyo saddex iyo tobanka maalmood ee aan halkaas ku jiray, naftayda iyo
jidhkayguba waxay ku jireen xaalad burbur iyo dhaawac aad u daran."
Safaaradda Ruushka ee London ayaa
sheegtay in Ruushku "muddo dheer muujinayay inuu taageersan yahay
ixtiraamka xeerarka dagaalka, isla markaana mas'uuliyiinta dalka ay baarayaan
eed kasta oo la xiriirta dembiyada dagaalka."
Trump oo Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga hadallo adag hawada u mariyay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, oo bishii hore hadallo is khilaafsan is dhaafsaday Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga,
Giorgia Meloni, ayaa sameeyay qoraal cusub oo niyad jab ku noqday rajadii laga
qabay in xiriirkooda lagu hagaajin lahaa dadaallo diblomaasiyadeed ka hor
shir-madaxeedka NATO ee ka dhacaya Ankara.
Maalintii Axadda, Trump ayaa
bartiisa bulshada ee Truth Social ku wadaagay sawir laga qaaday intii lagu
jiray shirkii G7 ee bishii hore, kaas oo Meloni ay uga muuqatay iyadoo si yaab
leh u eegaysa. Wuxuu sawirka ku lifaaqay qoraal uu ku yiri:
"Waxaa loo baahan yahay amar
maxkamadeed oo mamnuucaya soo dhowaanshaha."
Warbaahinta Talyaaniga ayaa
sheegtay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen dadaallo diblomaasiyadeed
oo lagu doonayay in lagu hagaajiyo xiriirka labada hoggaamiye. Waxay sidoo kale
tilmaantay in qoraalkan cusub ee Trump, oo soo baxay Axaddii ka hor furitaanka
shir-madaxeedka NATO, uusan muujinayn rajo wanaagsan oo ku saabsan hagaajinta
xiriirka.
Kadib shirkii G7 ee lagu qabtay Faransiiska
intii u dhexeysay 15–17 Juun, Trump wuxuu sheegay in Meloni ay "ka
codsatay" in ay sawir la gasho isaga.
Wuxuu yiri:
"Ma aanan doonayn inaan
sawirka la galo, laakiin waan naxay, markaas ayaan oggolaaday."
Hadalladan uu Trump ka sheegay
Giorgia Meloni ayaa si weyn hadal hayn u dhaliyay, maadaama Meloni ilaa dhowaan
loo arkayay mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee maamulka Mareykanka ee Yurub,
isla markaana mararka qaar loogu yeeri jiray "hoggaamiyaha si hoose ula
hadasha Trump.
Xigashada Sawirka, Truth Social
War deg deg ah, Trump oo Iiraan u jeediyay hanjabaad cusub
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, ayaa sheegay in qiimaha saliidda uusan si weyn kor ugu kicin inkastoo la
xiray Marinka Hormuz, isagoo yiri:
"Waxaan saliid badan ka
helnay iyaga. Dadku taas ma ogeyn, wax walbana waxay dhaceen muddo bil iyo bar
ah gudahood."
Wareysi laga sii daayay
telefishinka ayuu Trump ku celiyay sheegashadiisa ah in ciidamada Mareykanku ay
burburiyeen maraakiibta dagaalka ee Iran iyo dhammaan diyaaradaha Ciidanka
Cirka ee Iran.
"Ciidamadeenna badda ee
awoodda badan waxay soo rogeen cunaqabateyntii ugu ballaarneyd ee abid la arko,
taas oo lagu beegsaday dekedaha Iran. Muddo laba bilood ahna ma jirin wax
markab ah oo ka gudbi kara marinka. Ugu dambeyntiina waxaan gaarnay heshiis,
waxaana kala dirnay isbahaysigii. Ma garanayo, laga yaabee inaan mar kale
heshiis gaari karno."
Wuxuu ku adkeystay:
"Si kasta ayaan ku guuleysan
doonnaa. Ama waa inay heshiis galaan."
Trump wuxuu sheegay in soo
afjaridda awoodda Iran ay tahay arrin fudud, isagoo yiri:
"Naguma adkaan
doonto inaan arrintaas soo afjarno. Laakiin dabcan, waxaan doorbidayaa heshiis,
sababtoo ah ma doonayo in 91 milyan oo qof ay wajahaan cawaaqib xun."
Isagoo ka hadlay awoodda militari
ee Mareykanka ayuu yiri:
"Waxaan hal saac gudaheed ku
burburin karnaa buundooyinkooda. Waxaan baabi'in karnaa shabakaddooda
korontada. Dhammaan xarumaha korontada ee ay dhisteen waxay ahaayeen kuwo
waaweyn, qurux badan oo casri ah. Hore lacag badan ayay u haysteen, balse hadda
lacag ma haystaan. Waxaan ka jari karnaa korontada oo aan burburin karnaa
xarumahooda koronto."
Maalmo ka hor, Trump ayaa sidoo
kale sheegay inuu Iran siiyay hal toddobaad oo kama dambeys ah si ay heshiis u
gaarto, isagoo uga digay cawaaqib haddii aysan sidaas yeelin.