TOOS, Trump oo dhaliilay NATO ,sheegeyna in aanu ka qayb geli laheyn shirkooda haddii Turkiga aan lagu qaban laheyn

Dalka Turkiga waxaa ka dhacaya shirka hoggaamiyaasha Nato, iyadoo maanta uu halkaasi gaaray madaxweyne Trump

Kooban

Tebin toos ah

  1. Munaasabadda aaska Khamanei oo ka bilaabatay Qum

    .

    Xigashada Sawirka, irna

    Qoraalka sawirka, .

    Kadib munaasabaddii rasmiga ahayd ee aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka dhacday Tehran, naxashka meydkiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa loo wareejiyey magaalada Qom, waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ku taalla bartamaha dalka, munaasabadda aaska Cali Khamenei.

    Sida la soo wariyey, Aayatullah Jawaadi Aamoli, ayaa hoggaamiyey salaadda janaasada ee lagu tukaday Masaajidka Jamkaran ee magaalada Qom, kaddibna waxaa bilaabatay munaasabadda aaska iyadoo ay ka qaybgalayeen kumannaan taageerayaal ah oo uu lahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Kadib marka ay munaasabaddan dhammaato, waxaa magaalada Najaf lagu qaban doonaa munaasabad la mid ah, kaddib marka maydadka loo gudbiyo dalka Ciraaq.

    Ugu dambaynna, munaasabadaha aaska ayaa Khamiista lagu qaban doonaa magaalada Mashhad.

    Sidoo kale akhriso

  2. Maxaa ceelka shidalka ee Soomaaliya laga qodayo ka dhigaya kan labaad ee ugu dheer dunida?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose.

    Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay "waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga."

    Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri "Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa'iideysan karo shidaalka."

    Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda.

    Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood:

    1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay.

    2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah.

    Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir.

    Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency.

    Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

  3. Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya rabitaanka cuntada iyo Walbahaarka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Culayska walbahaarka ayaa burburin kara caafimaadkeena. Wuxuu sababi karaa madax xanuun, lalabo, hurdo la'aan, wuxuuna si weyn u carqaladeeyaa rabitaankeena cuntada. Marka aan dareeno walbahaar waxa dhici karta in aan u baahano shukulaato ama Pizza ama gabi ahaanba aynaan dareemin cunto.

    Balse, ma dhabbaa in welwelku ama walbahaarku awood u leeyihiin inay rabitaanka cuntada kiciyaan ama damiyaan, maxaase la samayn karaa si taasi looga hortago?

  4. Belgium oo ka reebtay Maraykanka inay u gudbaan wareega 8-da ee Koobka Adduunka

    Lukaku oo u dabaal degaya goolka Afaraad ee xulka Belgium uu ka dhaliyay Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Lukaku oo u dabaal degaya goolka Afaraad ee xulka Belgium uu ka dhaliyay Maraykanka

    Xulka qaranka Belgium ayaa ciyaar ku dhexmartay iyaga iyo Maraykanka wareega 16aad ay ku hanatay guusha inay u gudubto wareega 8-da koox ee Koobka Aduunka.

    Ciyaaryahanka De Ketelaere ayaa laba kamid ah Afarta gool ee Belgium dhaliyay daqiiqadihii 9aad iyo 33aad ee ciyaarta halka Vanaken uu keenay goolkii saddexaad ee ciyaarta, iyada oo Romelu Lukaku oo dhaliyay goolkii afrka daqiiqadii 93aad ee ciyaarta.

    Halka gool ee ay dhaliyeen xulka Maraykanka ayaa ciaayrayahanka M.Tillman uu keenay daqiiqadii 33aad ee ciyaarta.

    Spain iyo Belgium ayaa wada ciyaaraya ciyaarta xigta ee wareega 8aad, marka la gaaro 10-ka Luulyo oo ah saddex maalin ka dib.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  5. Siddeeda waxyaabood ee Iiraan ay kusoo kordhisay caalamka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    ''Boqortooyadii Persia 'Faaris' waa halka ay kasoo ka yimaadeen fikrado badan oo haatan aynu ku haysano caalamka Galbeedka,'' ayuu yiri Professor Jose Cutillas, kaasi oo daraaseeyay waxna ku bartay Iiraan.

    ''Fikir ahaanteena, waxaynu rumaysanahay in wax walba oo Yurub ku saabsan uu kasoo bilowdo dhulalkii Greek-ga, taasina waa isha fikrad kasta,'' ayuu yiri Professor luuqada Faarisiga 'Persia' iyo bare dhaqanka Iiraan ee jaamacada Alicante.

    Si kastaba ha ahaatee, xilligii jaahiliyadda ee Faaris (Persia), waxaa la ikhtiraacay fikrado kala duwan.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  6. Iibinta carruurta si loo noolaado: Aabbayaasha Afgaanistaan oo lagu qasbay go'aanno aan macquul ahayn

    Afgaanistaan

    Xigashada Sawirka, Imogen Anderson/BBC

    Qoraalka sawirka, Afgaanistaan

    Iyada oo waagu baryayo, boqolaal rag ah ayaa isugu yimaada barxad boor-leh oo ku taalla Chaghcharan, caasimadda gobolka Ghor ee Afghanistan.

    Waxay saf u galaan hareeraha waddada iyagoo rajaynaya in qof u yimaado oo uu shaqo kasta siiya. Shaqadaas ayaa go'aaminaysa in qoysaskoodu maalintaas ay wax cunaan iyo in kale.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, Shabakadda tamarta qaran ee Cuba oo burbur soo wajahay

    Shabakada Korontada Cuba

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Shabkada Korontada Cuba

    Shaqaalaha korontada ee Cuba ayaa sheegay shabakadii tamarta qaran ay burburtay. Waxaa socday baaritaan la xiriira waxa sababay.

    Shaqayn la’aanta shabakada ayaa ah tii ugu dambaysay ee koronto la’aan aad u daran oo ku dhuftay Cuba.

    Kaabayaasha sii gaboobaya iyo shidaal yaraan daba dheeraatay ayaa uga sii daray xaalada ay sababeen go’doominta Maraykanka ee helitaanka shidaalka ee Cuba.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Spain oo ka reebtay xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo koobka Adduunka iyo Ingiriiska oo gudbay

    Spain oo 1:0 uga adkaatay xulka Portugal wareega 16-ka ee koobka adduunka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Spain oo 1:0 uga adkaatay xulka Portugal wareega 16-ka ee koobka adduunka

    Ciyaar xiiso badan oo u dhaaxaysay Spain iyo Portugal ayaa dhammaadkii ciyaarta oo hal daqiiqo ay dhaaftay uu ciyaaryahanka Mikel Merino uu u dhaliyay goolkii guusha xulkiisa, taasi oo soo afjartay rajadii Ronaldo ee koobka Adduunka.

    Dhankooda xulka Ingiriiska ayaa ka adkaaday mid kamid ah martigaliyayaasha oo ah Mexico, kadib 3:2 ay ugu awood sheegteen xulkaasi Waqooyiga Ameerika.

    Labada xul ee Spain iyo Ingiriirska ayaa u gudbay wareega 8-da Koox, waxaana Ingiriisku uu wareegaasi ku wajihi doonaa xulka reer Norway, Halka Spain ay sugayso Maraykanka iyo Blgium cidda soo baxda.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  9. War deg deg ah, Ukraine oo ka digaysa yaraansho kahortaga-gantaalada kadib 23 qof oo lagu dilay weeraradii u dambeeyay

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ukraine

    Ciidamada cirka Ruushka ayaa sheegay ‘’yaraansho daran’’ oo gantaalada difaaca ay lamid tahay in aan la qaban mid kamid ah 23 gantaalada balastiga ee ay Ruushku la eegteen Kyiv, Axadii.

    Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarkii labaad ee ugu xooganaa ee Ruushkuu u muddo asbuuc ah uu ku qaado caasimada. Waxaana sida saraakiishu ay sheegeen 8 kale lagu dilay guud ahaan gobolka Kyiv.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay bahwadaagtiisa inay qaadaan talaabo ‘’go’aan adag’’ kulanka asbuucan ee shirka Nato si Kyiv ay u hesho difaacyada cirka.

    Kadib weerarada, waxa uu sheegay milatariga Ukraine ay si guul ah u qabanayeen gantaalada kuruuska iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, laakiinse aysan ku jirin gantaalada balastiga ah.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  10. War deg deg ah, HRW oo ka digtay shaqaalaysiinta ciidan ee dadka rayidka ee gobolka Tigray

    Colaada Tigray

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Colaada Tigray

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW ayaa cambaaraysay masuuliyiinta Waqooyiga Tigray ee Itoobiya in ay si khasab ah ugu qoranayaan milatari dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan carruur dhalinyar oo shan iyo toban jiro ah.

    Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in weeraro xilliga habeenkii lagu qaaday guryaha, xafiisyada iyo xataa goobaha macdin qodista, taasi oo dhalisay in dad badan ay ka qaxaan si ay uga badbaadaan shaqaalaysiin.

    Xisbiga ugu weyn ee Tigray ee TPLF ayaa iska diiday eedeymahaasi. Waxaana eeduhu ay imaanayaan xilli ay kacsan tahay xiisada labada dhinaca ee kooxdaasi iyo dowladda, iyada oo ay horay u jirtay heshiis soo afjaray dagaalkii dadka badan ay ku dhinteen ee qiyaastii gaarayay kala bar hal milyan oo qof.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Mbappe oo cambaareeyay Senator u dhalatay Paraguay kadib cunsuriyad ay samaysay

    Kylian Mbappe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kylian Mbappe

    Xiddiga Faransiiska Kylian Mbappe ayaa cambaareeyay Senator u dhalatay Paraguay taasi oo samaysay hadalo cunsuriyad la xiriira oo ka dhan ah ciyaaryahankaasi weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid, isaga oo ugu yeeray inay tahay qof aan wanaagsanayn.

    Mbappe ayaa sheegay in Celeste Amarilla ay ka dhigtay caalamku uu ilaawo taariikhdii ay dhigeen ciyaaryahanada Paraguay intii uu socday koobka adduunka.

    Madaxa xiriirka kubbada cagta Faransiiska Philippe Diallo ayaa ugu yeeray hadalada kasoo yeeray Senator-ka dambi iyo khalad ah, uuna raadin doono talaabo uu ka qaado.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  12. Dab ka kacay koonfurta Faransiiska ayaa sababay in ay qaxaan dad 10,000 gaaraya

    dabka kacay faransiiska

    Xigashada Sawirka, REUTERS/Abdul Saboor

    Dabka ayaa ku qasbay in kumanyaal ay ka qaxaan koonfurta Faransiiska iyadoo dalku uu wajahayo saameynta moojadaha kuleylka.

    Tiro ka badan toban kun ayaa lagu amray in ay ka baxaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ku noolaayeen ee dhow xadka Spain.

    “Xaaladda subaxnimadan way ka sii dareysaa markale”, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo la hadlaytelefishinka TF1. "Maanta dagaalka dabka lagula jiro ayaa dib u billowday."

    Mas'uuliyiintu waxay ka digeen dabaylo xooggan in ay sii hurin karaan dabka.

    Dadweynaha u daawasho tegaya tartanka baaskiilada ee Tour de France ayaa loo sheegay in ay ka fogaadaan goobta lagu soo gabagabeynayo wareegga saddexaad ee tartanka maanta oo Isniinta ah, si loogu fududeeyo gaadiidka gurmadka degdegga ah in ay galaan deegaanka uu dabka ka kacay.

    Sii akhri

  13. 26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

    xabsi ku yaal Sri Lanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku yaalla magaalo xeebeed waqooyi ka xigta caasimada Colombo ayaa ka billowday iska horimaad dhex maray laba kooxood oo maxaabiis ah.

    Wararku waxay sheegayaan in hubka askarta ilaalada uu gacanta u galay maxaabiista. Labo qof ayaa maalintaas la dilay iyadoo tobaneeyo Kalena ay dhaawacmeen. Markii dambe, maxaabiis rag iyo dumar isugu jira oo qeyb kale ku jiray ayaa soo fuulay dabriga iyagoo dalbanayay in la sii daayo.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weli la daaweynayo 23 askari oo ka tirsan shaqaalaha xabsiga iyo 54 maxbuus.

    Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Negombo. Agaasimaha isbitaalka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in qaar ka mid ah dadka ay ku dhaawacmeen rasaas.

    Ehelka maxaabiista ayaa isugu yimid dibadda xabsiga. Qaar ka mid ah ayaa u sheegay BBC-da in aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin dadkooda.

    Sii akhri

  14. Trump ayaa sheegay in Balogun uu yahay ciyaartoyga ugu fiican Mareykanka

    Trump iyo madaxa FIFA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xiriirka kubadda cagta Yurub UEFA ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen go’aanka FIFA ay kaga qaaday ganaax hal kulan Folarin Balagan oo ah ciyaartoyga ugu gool-dhaliska badan Mareykanka ee koobkan adduunka kaddib markii madaxweyne Trump uu soo wacay.

    Trump oo ka hadlay qiimaha ciyaartoyga ugu fadhaiyo ayaa sheegay in Balogun uu yahay ciyaartoyga ugu fiican Mareykanka.

    UEFA waxay ka digtay in haddii sharciyada kubadda cagta aan la damaanad qaadi karin, in ay taasi keeneyso khatar la xiriirta hufnaan la’aan.

    Guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan ciyaaraha iyo dhaqanka, Glenn Micallef, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan la fahmi karin, isagoo sheegay in go’aamada noocaas ah ay tahay in ay gaaraan hay’adaha ciyaaraha, ee aysan ahayn siyaasiyiinta.

    FIFA si buuxda uma aysan sharraxin sababta ganaaxa looga noqday. Madaxweyne Trump, oo xiriir dhow la leh madaxa FIFA, Gianni Infantino, ayaa u mahadceliyay hay’adda isagoo sheegay in ay saxday waxa uu ugu yeeray “caddaalad-darro weyn.”

    Sii akhri

  15. Tottenham ayaa la soo wareegtay xiddga Sandro Tonali

    Sandro Tonali

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay heshiiska ay la galeen ciyaartoyga khadka dhexe ee Newcastle United, Sandro Tonali.

    Laacibkan 26 jirka ah ayaa ku biiraya Tottenham, waxaana qiimaha heshiiska lagu sheegay in uu ka badan yahay boqol milyan oo doolar.

    Tottenham ayaa markii hore u gaartay Newcastle United qiimo gaaraya £80 milyan balse waa laga diiday. Ugu dambeyn waxay ku heshiiyaan in ay bixinayaan £92.5 milyan oo bilow ah iyo in lagu dari karo £7.5 milyan oo gunnooyin.

    Xiddigan xulka Talyaaniga Tonali ayaa markii uu imaanayay Newcastle kaga soo biiray dhinaca naadiga AC Milan bishii Luulyo ee sanadkii 2023-kii, waxayna xiligaas ku soo iibsatay heshiis qiimihiisu ahaa £55 milyan.

    Ciyaartoygan ayaa hore waxaa u ganaaxay xiriirka kubadda cagta Talyaaniga kaddib markii lagu helay in uu jabiyay xeerarka sharadka kubadda cagta.

    Sii akhri

  16. Munaasabadda aaska ayaa sii socon doonta ilaa 5:00 galabnimo waqtiga Tehran.

    Guddiga qabanqaabada aaska Cali Khamenei ayaa ku dhawaaqay in munaasabadda aasku ay sii socon doonto ilaa 5:00-ta galabnimo maanta waqtiga magaalada Tehran.

    Laga bilaabo saaka, naxashka hoggaamiyihii hore iyo tiro ka mid ah ehelkiisa, kuwaas oo lala dilay markii ay Mareykanka iyo Israel weerareen qiyaastii afar bilood ka hor, ayaa gaari looga qaaday Mosallaha Tehran, waxaana la qorsheeyay in uu maro waddo dhererkeedu yahay 10 kiiloomitir oo ku dhammaanaysa Fagaaraha Azadi.

    Hoos ka eeg sawirada halka la marinayo naxashka Cali Khamenei

    Sidoo kale akhriso

    Aaska hoggaamiyihii Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Aaska hoggaamiyihii hore ee Iran

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Aaska Cali Khumeyni

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Aaska hoggaamiyhaha Iran

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Cali Khumeyni

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Dadweynaha aaska ka qeybgalaya

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

  17. Shiinaha ayaa tijaabiyay gantaal nooca kuwa meelaha fog gaara

    Diyaarado dagaal

    Xigashada Sawirka, aa

    Shiinaha ayaa tijaabiyay gantaal nooca meelaha fog gaara ee loo yaqaan kuwa riddada-dheer oo lagu riday badda baasifigga, saacado yar kaddib markii Australia ay heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah la saxiixatay Fiji.

    Beijing waxay sheegtay in tani ay tahay "qayb caadi ah oo ka mid ah tijaabooyinka sannadlaha ah ee militariga Shiinaha", balse tijaabadan waxay ka careysiisay dalal deris ah oo ay ku jiraan Japan, New Zealand iyo Australia.

    Canberra waxay ku eedeysay Shiinaha in uu "xasillooni darro ka abuurayo" gobolka, inkastoo saraakiishu ay sheegeen in aysan rumaysnayn in tijaabadani jawaab u tahay heshiiska cusub ee amniga.

    Australia ayaa sanadihiii u dambeeyay ku dadaalaysay in ay xoojiso xiriirka difaaca ee ay la leedahay dalalka deriska la ah si ay uga hortagto saameynta sii kordheysa iyo awooda militeri ee shiinaha ku leeyahay gobolka.

    Wasiirka Difaaca Australia, Richard Marles, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay in Beijing ay Canberra ku wargelisay qorshaheeda tijaabada gantaalka saacado yar ka hor inta aan la fulin.

    Wasiirka arrimaha dibadda New Zealand, Winston Peters, ayaa sheegay in tijaabadan ay ahayd "mid aan la aqbali karin oo su'aalo badan dhalinaysa", wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo la yeelan doonto waddamada ay iskaashiga leeyihiin ee Baasifigga.

    Sii akhri

  18. Diyaaradaha dagaalka UK oo ka hortagay diyaarad Ruushku leeyahay oo ku soo dhawaatay markab dagaal

    Diyaaradaha dagaalka

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Diyaarad Ruushku leeyahay oo ah nooca loo yaqaan Bear-F oo ku duuleysay joog hoose ayaa "si aan loo baahnayn ugu soo dhowaatay" markabka xambaara diyaaradaha ee HMS Prince of Wales.

    Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in dhaq-dhaqaaqa Ruushka ee Badda Norway uu ahaa “mid khaldan oo halis ah”.

    Arrintan ayaa timid toddobaadyo kaddib markii ciidamada badda ay fuuleen markab shidaal oo ka tirsan kuwa is-qariye ee Ruushka, kaas oo marayay Kanaalka Ingiriiska. Sidoo kale, madaxa ciidamada ayaa sheegay in halista iyo khataraha UK ku soo fool leh ay hadda ka badan yihiin kuwii hore.

    Diyaaradda Ruushku leeyahay ayaa la rumeysan yahay in ay ku ridday biyaha qalab sabbeeya si loo ogaado maraakiibta quusta iyo maraakiibta kale.

    Sii akhri

  19. Hay’adda xuquuqda aadanaha HRW ayaa ku eedeysay Tigray in ay dad qasab askar uga dhigeen

    Jabahadda TPLF

    Xigashada Sawirka, NYT

    Hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa sheegtay in maamulka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ay afduubanayeen islamarkaana si sharci-darro ah ciidan ugu qoranayeen dad rayid ah ilaa April 2026-dii. Dadka ay ciidanka ka dhigteen waxaa ku jira carruur 15 jir ah.

    Askar qorista ayaa bilaabatay kaddib markii ay korortay xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee loo yaqaan TPLF.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay HRW ayaa lagu sheegay in dad ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ay sheegeen in ciidamada Tigray iyo madaxdooda ay wadooyinka ka qabqabanayaan dagaalyahannadii hore, ragga iyo wiilsha.

    "Mas’uuliyiinta Tigray waxay wadaan olole ay si xoog ah askar uga dhigayaan ragga iyo wiilasha, waxayna gobolka oo dhan ka abuureen jawi cabsi ah”, ayey tiri Laetitia Bader oo ah ku-xigeenka agaasimaha HRW ee Afrika.

    "Maamulka waa in uu si degdeg ah u joojiyo ololahan, isla markaana ay u oggolaadaan in ay dib ugu laabtaan guryahooda dadka si sharci-darrada ah loo askareeyay."

    HRW waxay diiwaangelisay lix kiis oo ku saabsan askareyn khasab ah, iyadoo wareysiyo kula yeelatay internetka 18 qof bishii Juun.

    Dadkii la wareystay waxay sheegeen in uu sii xoogaystay dabayaaqadii bishii April howlgalka ballaaran ee lagu baadi-goobayay dadka, iyadoo mas'uuliyiinta maxalliga ahi adeegsanayeen liisas ay ku qornaayeen dagaalyahannadii hore iyo xog-bixiyeyaal deegaanka ah si loo aqoonsado dadka la doonayay in ciidanka lagu qoro.

    Ururka xuquuqda aadanaha HRW ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, dowladihii taageeray heshiiskii Pretoria ee 2022, Mareykanka, iyo Midowga Yurub in ay cadaadis saaraan maamulka Tigray si ay u joojiyaan askareynta khasabka ah, una sii daayaan dhammaan carruurta iyo dadka sida sharci-darrada ah loogu qortay ciidanka.

    Sii akhri

  20. Muxuu hoggaamiyaha sare ee Iiraan uga maqan yahay aaska aabbihiis Ayatollah Ali Khamenei?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa si muuqata uga maqnaa aaska aabbihii, iyadoo mas'uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda iyo kumannaan qof ay Axaddii u soo baxeen inay xushmeeyaan aayatullahigii geeriyooday.

    Saddexda wiil ee kale ee Ali Khamenei — Masoud, Mostafa, iyo Meysam — ayaa dhammaantood ka qayb galay munaasabadda aaska Axaddii. Waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masoud Pezeshkian iyo taliyaha Ilaalada Kacaanka, Ahmad Vahidi.

    Mala-awaalka ku saabsan xaaladda Mojtaba ayaa sii socday, iyadoo ay sii hurinayeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu ku dhaawacmay duqeymihii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israa'iil, kuwaas oo lagu dilay aabbihii. Tan iyo markii loo magacaabay xilkiisa horraantii bisha Maarso, kama uusan soo muuqan fagaaraha dadweynaha.

    Ali Khamenei wuxuu hoggaaminayay Jamhuuriyadda Islaamiga ah laga soo bilaabo 1989 ilaa uu geeriyooday bishii Febraayo.