Faransiiska ayaa sheegay in
Madaxweyne Emmanuel Macron uu "nabad qabo" kadib markii laba qarax ka
dhaceen caasimadda Suuriya ee Dimishiq, meel u dhow hoteelkii uu xalay ku
hoyday iyo goob uu kula kulmayay kooxaha bulshada rayidka ah.
Telefishinka Suuriya ayaa sheegay
in 18 qof, oo ay ku jiraan afar askari oo boolis ah, ay dhaawacmeen. Waxaa la
arkay holac iyo qiiq badan, iyadoo shaqaalaha gurmadku ay goobta joogeen.
Ilo amni ayaa sheegay in qaraxyadu
dhaceen kadib markii kolonyada Madaxweyne Macron ay ka dhaqaaqday goobta una
gudubtay Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweyne Axmed
al-Sharaa.
Paris waxay sheegtay in booqashadu
oo ah tii ugu horreysay ee hoggaamiye reer Galbeed ah ku tago Suuriya kadib
xilligii Bashar al-Assad ay sii socon doonto sidii loo qorsheeyay.
War deg deg ah, Trump oo ammaan kala dul dhacay madaxweynaha Turkiga
Xigashada Sawirka, SAUL LOEB / AFP / Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa mar
kale dhaleeceeyay NATO kadib markii uu tagay shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha
isbahaysiga ee ka dhacaya Turkiga. Wuxuu wariyeyaasha u sheegay inuusan si
wanaagsan ula dhaqmin xubnaha NATO, gaar ahaan Britain, oo uu ku eedeeyay
inaysan siin taageero ku saabsan dagaalka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si
weyn u ammaanay martigeliyaha shirka, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wuxuuna
sheegay in haddii shirku ka dhici lahaa meel aan ahayn Turkiga laga yaabo
inuusan ka qayb geli lahayn.
Horaantii, kulan hordhac ah oo ay
yeesheen hoggaamiyeyaasha NATO, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay
Yurub inay soo saarto difaacyo badan oo ay iyadu leedahay si ay isaga caabbiso
gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka. Dalalka Yurub ayaa
sidoo kale cadaadis lagu saaray inay kordhiyaan kharashaadka difaaca, iyadoo taageerada
Maraykanka ee qaaradda ay sii yaraanayso.
War deg deg ah, Hoggaamiyaha xisbiga soo galootiga neceb ee Faransiiska oo tallaabo adag wajahaysa
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha xisbiga garabka midig
ee Faransiiska, Marine Le Pen, ayaa lumisay racfaankii ay ka qaadatay xukun
dambiyeed lagu helay oo la xiriiray si khaldan u adeegsiga lacagaha dadweynaha.
Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee Paris ayaa ku xukumay saddex sano oo
xabsi ah, laba sano oo ka mid ahna la hakiyay, halka hal sano lagu xukumay inay
xirato qalab elektaroonig ah oo lagula soconayo.
Tani waxay u ogalaanaysaa in ay u
tartami karto doorashada madaxtinimada Faransiiska ee 2027, laakiin Marwo Le
Pen ayaa horay u sheegtay inaysan ololaha doorashada ku geli doonin
shuruudahan.
Waxay sheegtay in taasi ay ka dhigan tahay inay mar kasta u baahan
doonto oggolaansho marka ay qabanayso isu-soo-bax olole doorasho. Le Pen ayaa
caawa ka soo muuqan doonta telefishinka Faransiiska.
War deg deg ah, Haweeney: Waxaa la igu qasbay cunto ceeriin ah oo ciid lagu daray
Baaritaan ay samaysay BBC ayaa lagu
ogaaday caddeymo muujinaya in Ruushka uu xabsiyo ku hayo ku xiray kumannaan
rayid oo u dhashay Ukraine, halkaas oo qaarkood lagu eedeeyay in loo geystay
jirdil, uu ku jiro kufsi loo adeegsaday hab jirdil ah.
Waxaa lagu qiyaasaa in ku dhowaad 16,000
oo rayid Ukraine u dhashay la xiray ama la la'yahay tan iyo sannadkii 2014.
Haweeney lagu sii daayay barnaamij
is-weydaarsi maxaabiis ah ayaa u sheegtay BBC in la kufsaday, dabadeedna lagu
qasbay inay cunto cunto ceeriin ah oo lagu qasay carro iyo qashin.
Waxay tiri: "Mudadii
sannadaha iyo saddex iyo tobanka maalmood ee aan halkaas ku jiray, naftayda iyo
jidhkayguba waxay ku jireen xaalad burbur iyo dhaawac aad u daran."
Safaaradda Ruushka ee London ayaa
sheegtay in Ruushku "muddo dheer muujinayay inuu taageersan yahay
ixtiraamka xeerarka dagaalka, isla markaana mas'uuliyiinta dalka ay baarayaan
eed kasta oo la xiriirta dembiyada dagaalka."
Trump oo Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga hadallo adag hawada u mariyay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, oo bishii hore hadallo is khilaafsan is dhaafsaday Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga,
Giorgia Meloni, ayaa sameeyay qoraal cusub oo niyad jab ku noqday rajadii laga
qabay in xiriirkooda lagu hagaajin lahaa dadaallo diblomaasiyadeed ka hor
shir-madaxeedka NATO ee ka dhacaya Ankara.
Maalintii Axadda, Trump ayaa
bartiisa bulshada ee Truth Social ku wadaagay sawir laga qaaday intii lagu
jiray shirkii G7 ee bishii hore, kaas oo Meloni ay uga muuqatay iyadoo si yaab
leh u eegaysa. Wuxuu sawirka ku lifaaqay qoraal uu ku yiri:
"Waxaa loo baahan yahay amar
maxkamadeed oo mamnuucaya soo dhowaanshaha."
Warbaahinta Talyaaniga ayaa
sheegtay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen dadaallo diblomaasiyadeed
oo lagu doonayay in lagu hagaajiyo xiriirka labada hoggaamiye. Waxay sidoo kale
tilmaantay in qoraalkan cusub ee Trump, oo soo baxay Axaddii ka hor furitaanka
shir-madaxeedka NATO, uusan muujinayn rajo wanaagsan oo ku saabsan hagaajinta
xiriirka.
Kadib shirkii G7 ee lagu qabtay Faransiiska
intii u dhexeysay 15–17 Juun, Trump wuxuu sheegay in Meloni ay "ka
codsatay" in ay sawir la gasho isaga.
Wuxuu yiri:
"Ma aanan doonayn inaan
sawirka la galo, laakiin waan naxay, markaas ayaan oggolaaday."
Hadalladan uu Trump ka sheegay
Giorgia Meloni ayaa si weyn hadal hayn u dhaliyay, maadaama Meloni ilaa dhowaan
loo arkayay mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee maamulka Mareykanka ee Yurub,
isla markaana mararka qaar loogu yeeri jiray "hoggaamiyaha si hoose ula
hadasha Trump.
Xigashada Sawirka, Truth Social
War deg deg ah, Trump oo Iiraan u jeediyay hanjabaad cusub
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, ayaa sheegay in qiimaha saliidda uusan si weyn kor ugu kicin inkastoo la
xiray Marinka Hormuz, isagoo yiri:
"Waxaan saliid badan ka
helnay iyaga. Dadku taas ma ogeyn, wax walbana waxay dhaceen muddo bil iyo bar
ah gudahood."
Wareysi laga sii daayay
telefishinka ayuu Trump ku celiyay sheegashadiisa ah in ciidamada Mareykanku ay
burburiyeen maraakiibta dagaalka ee Iran iyo dhammaan diyaaradaha Ciidanka
Cirka ee Iran.
"Ciidamadeenna badda ee
awoodda badan waxay soo rogeen cunaqabateyntii ugu ballaarneyd ee abid la arko,
taas oo lagu beegsaday dekedaha Iran. Muddo laba bilood ahna ma jirin wax
markab ah oo ka gudbi kara marinka. Ugu dambeyntiina waxaan gaarnay heshiis,
waxaana kala dirnay isbahaysigii. Ma garanayo, laga yaabee inaan mar kale
heshiis gaari karno."
Wuxuu ku adkeystay:
"Si kasta ayaan ku guuleysan
doonnaa. Ama waa inay heshiis galaan."
Trump wuxuu sheegay in soo
afjaridda awoodda Iran ay tahay arrin fudud, isagoo yiri:
"Naguma adkaan
doonto inaan arrintaas soo afjarno. Laakiin dabcan, waxaan doorbidayaa heshiis,
sababtoo ah ma doonayo in 91 milyan oo qof ay wajahaan cawaaqib xun."
Isagoo ka hadlay awoodda militari
ee Mareykanka ayuu yiri:
"Waxaan hal saac gudaheed ku
burburin karnaa buundooyinkooda. Waxaan baabi'in karnaa shabakaddooda
korontada. Dhammaan xarumaha korontada ee ay dhisteen waxay ahaayeen kuwo
waaweyn, qurux badan oo casri ah. Hore lacag badan ayay u haysteen, balse hadda
lacag ma haystaan. Waxaan ka jari karnaa korontada oo aan burburin karnaa
xarumahooda koronto."
Maalmo ka hor, Trump ayaa sidoo
kale sheegay inuu Iran siiyay hal toddobaad oo kama dambeys ah si ay heshiis u
gaarto, isagoo uga digay cawaaqib haddii aysan sidaas yeelin.
War deg deg ah, Trump oo gaaray Turkiga iyo Erdogan oo ay kulmayaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, ayaa gaaray caasimadda Turkiga ee Ankara si uu uga qayb galo
shir-madaxeedka NATO ee sannadkan 2026.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip
Erdoğan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Trump magaalada Ankara, iyadoo uu si
rasmi ah u billowday shir-madaxeedka NATO oo soconaya laba maalmood.
Kadib soo dhaweynta, waxaa
Madaxweynaha Trump loogu qaban doonaa munaasabad rasmi ah oo ka dhacaysa
qasriga madaxtooyada. Intaas kaddib, labada hoggaamiye waxay yeelan doonaan
kulan laba geesood ah iyo wada-hadallo ay ka qaybgalayaan wafdiyada labada dal,
kuwaas oo looga hadli doono arrimo gobolka iyo caalamkaba khuseeya.
Shir-madaxeedka NATO ee 2026 ayaa
si rasmi ah uga furmay Ankara, waxaana ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha 32-ka dal
ee xubnaha ka ah NATO iyo wakiillo ka socda dalal iskaashi la leh isbahaysiga,
kuwaas oo laba maalmood wada yeelanaya wada-hadallo heer sare ah.
Sida ay sheegtay wakaaladda
wararka dowladda Turkiga ee Anadolu, ajandaha ugu muhiimsan ee shirka waxaa ka
mid ah:
kordhinta kharashaadka difaaca,
taageerada muddada dheer ee Ukraine,
iyo xoojinta warshadaha difaaca ee NATO.
Xoghayaha Guud ee NATO, Mark
Rutte, iyo mas'uuliyiin kale ayaa sheegay in dalalka Yurub ay doonayaan inay
shirka ku muujiyaan inay ka dhabeynayaan ballanqaadyadoodii ku saabsanaa
kordhinta kharashaadka difaaca. Waxa kale oo la filayaa in inta uu shirku socdo
lagu dhawaaqo heshiisyo waaweyn oo dhinaca difaaca ah.
Ra'iisul Wasaare Abiy oo eedeyn culus u jeediyay TPLF
Xigashada Sawirka, FBC
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy
Axmed, oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka Itoobiya, ayaa ku eedeeyay ciidamada
TPLF inay dagaalyahanno u direen si ay uga qayb qaataan dagaalka ka socda
Suudaan. Wuxuu sheegay in dhallinyaro badan oo reer Tigray ah lagu qasbayo inay
ka qayb galaan dagaalkaas.
Abiy ayaa yiri:
"Dhallinyaro badan oo reer
Tigray ah ayaa lagu khasbay inay ka dagaallamaan Suudaan. Waxay naftooda ku
waayayaan dagaal aysan garanayn sababta loo geliyay. Waxaa loo adeegsanayaa
sidii addoomo dagaalka Suudaan, waxayna u dhimanayaan arrin aysan waxba ka
ogeyn."
Dhanka kale, Suudaan ayaa hore ugu
eedeysay Itoobiya inay ka qayb qaadanayso dagaalka iyadoo iskaashi la leh Isutagga
Imaaraadka Carabta .Dowladda Suudaan waxay ku doodday in Itoobiya iyo Imaaraadku
ay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday
garoonka diyaaradaha ee Khartuum.
Markii hore, dowladda Itoobiya
waxay ku eedeysay TPLF iyo dowladda Ereteriya inay iska kaashadeen hurinta
dagaalkii Tigray. Si kastaba ha ahaatee, khudbaddiisii maanta, Abiy wuxuu
yareeyay walaaca ku saabsan iskaashigaas isagoo yiri:
"Xitaa haddii dowladda
Ereteriya, TPLF iyo Suudaan ay iskaashadaan, taasi khatar kuma aha
Itoobiya."
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay
sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo TPLF ee gobolka
Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu maanta ku eedeeyay
ciidamada Tigray inay si joogto ah u sameeyaan falal kicin kara dagaal.
Wuxuu xildhibaannada u sheegay:
"Maalin kasta waxaa gobolka
Tigray ka dhacaya falal gardarro ah oo horseedi kara dagaal, kuwaas oo si
isdaba joog ah loo fulinayo."
Dhawaan, Midowga Yurub ayaa
muujiyay walaac, isagoo ka digay in xaaladda sii xumaanaysa ee gobolka Tigray
ay halis gelin karto Heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii
labada sano socday ee Tigray.
War deg deg ah, Abiye Axmed "qofku jabhad ma sii ahaan karo waa inuu ka gudbaa
Xigashada Sawirka, Mana Bakka Bu'oota Uummataa
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy
Axmed ayaa hadal uu ka jeediyay baarlamaanka dalka kaga hadlay arrimo la
xiriira amniga iyo siyaasadda.Wuxuu si gaar ah uga hadlay Jabhadda
Xoreynta Shacabka Tigray TPLF iyo Ururka Xoreynta Oromada ABO.
Abiy ayaa yiri:
"Waxaa jira dad muddo 40 ilaa
50 sano hub watay kuwaas oo weli ku sugan Tigray iyo Oromiya."
Wuxuu sidoo kale sheegay:
"Waxaan leenahay dad badan oo
Oromo ah, welina way badan yihiin."
Isagoo ka hadlay dagaalyahannada
hubeysan ayuu yiri:
"Qofku ma sii ahaan karo
jabhad weligiis; waa inuu ka gudbaa marxaladdaas."
War deg deg ah, War ka soo kordhay qaraxii ka dhacay meel u dhow hoyga madaxweynaha Faransiiska
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoyga rasmiga ah ee Madaxweynaha
Faransiiska iyo xafiiska madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in qaraxyo laga soo
sheegay bartamaha magaalada Dimishiq, balse Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel
Macron uu badqabo.
Ilo amni ayaa BBC-da u sheegay in
qaraxyada ay ka dhasheen laba walxood oo qarxa, halka warbaahinta Suuriya ay
sheegtay in 18 qof, oo ay ku jiraan afar askari oo booliis ah, ay ku
dhaawacmeen dhacdada.
Marka uu soo gabagabeeyo
booqashadiisa Suuriya, Madaxweyne Macron wuxuu u ambabixi doonaa Turkiga si uu
uga qayb galo shir-madaxeedka NATO. Sida uu sheegay Qasriga Elysee, booqashadu
waxay u socotaa sidii loo qorsheeyay, wax isbeddel ahna laguma samayn jadwalka.
Muuqaallo iyo sawirro lagu
baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo holac ka kacaya gaari ku dhow
hoteel ku yaalla Dimishiq, kaddib markii la soo sheegay qaraxyada.
Dhanka kale, telefishinka dowladda
Suuriya ayaa baahiyay in Madaxweyne Axmed al-Shara uu si rasmi ah ugu soo
dhoweeyay Madaxweyne Emmanuel Macron qasriga madaxtooyada.
Sida ay xaqiijisay BBC Verify,
qaraxyadu waxay ka dhaceen waddada dhinaceeda ee Shukri al-Quwatli qiyaastii
125 mitir u jirta Four Seasons Hotel ee Dimishiq, oo ka mid ah waddooyinka ugu
muhiimsan caasimadda.
Saraakiisha Faransiiska ayaa
sheegay in Madaxweyne Macron uusan maqal wax qarax ah intii uu ku sii jeeday
qasriga madaxtooyada.
Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Pakistan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Maamulka
maxalliga ah ee gobolka Balochistan ee Pakistan ayaa sheegay, in sagaal askari
oo booliis ah la dilay, halka dhowr kalena la la'yahay, kadib markii rag
hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla degmada Ziarat ee
gobolkaas.
Qaar ka mid
ah dadkii la dilay waxay ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsanaa booliiska.
Sida uu
sheegay Cabdi Quddus Achakzai, oo ah Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Ziarat,
saldhigga booliiska ee la beegsaday wuxuu mas'uul ka ahaa ilaalinta
Biyo-xireenka Mashruuca Mangi.
Si kastaba
ha ahaatee, raysal wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif, ayaa ku tilmaamay
weeraryahannada inay xiriir la leeyihiin waxa uu ugu yeeray “fitnada
Khawaarijta.”
Tan iyo
Agoosto 2024, dowladda Pakistan ayaa faraysay dhammaan wasaaradaha iyo
hay’adaha dowladda inay adeegsadaan erayga “fitnada Khawaarijta” marka ay
tixraacayaan dhaqdhaqaaqa Taliban-ka Pakistan.
Afhayeen u
hadlay dowladda gobolka Balochistan ayaa sidoo kale sheegay in “Islaamiyiin
xagjir ah” ay ku lug lahaayeen weerarka.
Gobolka
Balochistan ee Pakistan ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay kacdoon ay
wadaan kooxo hubeysan, kuwaas oo marar badan weerarro ku qaaday ciidamada
ammaanka, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta shisheeye.
War deg deg ah, Qarax laga maqlay meel u dhow hoteel uu Macron ka degenaa Dimishiq
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wakaaladda
wararka AFP ayaa sheegtay, in qarax laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dimishiq,
xilli Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu booqasho ku joogay magaalada.
Faahfaahin
dheeraad ah oo ku saabsan goobta uu qaraxu ka dhacay ama sababta keentay weli
lama shaacin.
Emmanuel
Macron ayaa Isniintii tegay Dimishiq.
Tani waa
booqashadii ugu horreysay ee uu hoggaamiye dowladeed oo ka socda waddan ku
yaalla Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii ay talada dalka la
wareegtay dowladda cusub.
Waqtigan
xaadirka ah, xaqiijinta amniga ayaa loo arkaa mid ka mid ah caqabadaha ugu
waaweyn ee horyaalla dowladda Ahmed Sharia ee Suuriya.
Wakaaladda
wararka rasmiga ah ee Suuriya, SANA, ayaa safarkan ku tilmaantay “tallaabo
muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dib loogu soo celinayo maqaamka caalamiga
ah ee Suuriya.”
Warbaahinta Faransiiska ayaa qoraya in walxaha qarxa ay Talaadada ku qarxeen meel u dhow hoteel uu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron la rabay inuu deggenaado, sida ay ilo amni ka soo xigteen.
Ra'iisul wasaarahi hore ee dalka Malaysia, Mahatiir Maxamed oo dhashay 10-kii Luulyo ee sannadkii 1925-tii, da'diisuna ay kor u dhaaftay sano jir ayaa marar badan la weydiiyay sababta keentay in uu noqdo qof aysan uga muuqanin da'da uu jiro.
Mahatiir oo horay ra'iisul wasaare uga soo noqday dalka Malaysia, markalena kusoo rogaal celiyay saaxadda siyaasadda ee dalkaas oo hadda waddanka hoggaaminayo ayaa sheegay in uu nasiib u yeeshay in aysna ku dhicin cuduro keeni kara cimri degdeg, caafimmaad wanaagsanna uu ku noolaado.
Mahatiir waxaa uu sheegay in mar uu ku dhacay xanuun dhanka wadnaha ah, balse uu ka badbaaday, wixii intaa ka dambeeyayna uu wax ka badelay qaab nololeedkiisa.
Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa oo aan turjunay maqaal uu ra'iisul wasaare Mahatiir Maxamed ku qoray wargeyska The NST ee ka soo baxa dalka Malaysia.
Waxwalba waxay ka bilawdaan cuntada uu qofka cuno, loona baahan yahay in qofka uu waxyar ka cuno cunta walba inta ay ka macaan tahay.
Qofka haddii aysan ku dhicin cudurada faraha ba'an ku haya dadka, waxaa uu nasiib u yeelan karaa in uu ku noolaado xaalad caafimaad leh, da'a walba oo uu yahayna uu u noolaado sida qof caadi ah.
Waxyaaba badan oo ku jira gacanta dadka bani'aadamka haddii si wanaagsan loo maareeyo waxay keeni karaan in qofka uu ku noolado caafimaad wanaagsan, xitaa haddii uu noqdo qof da' ah, waxaana ka mid ah xakameynta qofka uu ku sameeyo noolashiisa iyo waxa marwalba oo ay jeclaato nafsadiisa.
Waxyaabaha la xakameyn karo waxaa ka mid ah:
Qaabka wax loo cuno
Waxa ugu horeeya ee laga doonayo in uu sameeyo qofka rabo in uu caafimad ku noolaado waxaa ka mid ah hab cunniinka wanaagsan.
Jirka bani'aadamka wuxuu u baahan yahay cunto badan, balse taas waxaa u baahan oo keliya qofka dhaliyarada ah xilliyada uu soo korayo oo jirkiisa uu u baahan yahay korriin.
Axios: Ilaalada Kacaanka Iran ayaa gantaallo ku riday laba markab oo ganacsi ah oo marayay Gacanka Hormuz
Warbaahinta Axios
ee Mareykanka ayaa soo weriyey, isagoo soo xiganaya laba sarkaal oo
Maraykan ah, in Ilaalada Kacaanka Iiraan, ay ugu yaraan laba gantaal ku rideen
maraakiib ganacsi oo marayay Gacanka Hormuz fiidnimadii Isniinta.
Sida lagu
sheegay warbixinta, laba markab oo ganacsi ayaa si weyn u burburay, balse wax
khasaare nafeed ah kama dhalan weerarka.
Hay’adda
Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain (Maritime Trade Operations Organization)
ayaa sheegtay in booyad shidaal ay dab qabsatay subaxnimadii hore ee Talaadada
meel ka baxsan xeebaha Cumaan, kaddib markii ay ku dhaceen “walxo aan la garaneyn.”
Hay’addu
waxay sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdo badaha la xiriira oo ka
dhacday meel siddeed mayl bari ka xigta Lima, Cumaan.
Sida lagu
sheegay warbixinta, booyad shidaal ayaa waxaa ku dhacay walax aan la garan, iyadoo
u socotay dhanka koonfureed, taasoo sababtay inuu dab ka kaco.
Wakaaladda
wararka ee Reuters ayaa qortay, in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin
warbixinta Axios ama aysan go’aamin karin in booyadda lagu sheegay warbixinta
Britain ay ahayd mid ka mid ah maraakiibta la bartilmaameedsaday.
Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday arrintan oo aanay dadku ogeyn. Hoos ka akhri
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.
Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.
Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .
Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka iyo awoodda .
Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay, miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas oo dhaaman shaahu xoojin karo.
Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12 boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.
War deg deg ah, Araqchi: Ilaa iyo inta hanjabaaduhu sii socdaan, wadaxaajoodyada kama dambaysta ah ma bilaaban doonaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa sheegay in "inta ay sii
jiraan hanjabaadaha loo jeedinayo Iiraan, aysan bilaaban doonin wada-hadallada
lagu gaarayo heshiis kama dambays ah."
"Qodobka
13-aad ee Heshiiska Is-afgaradka (MOU) waa mid si buuxda u cad oo aan mugdi ku
jirin: Inta ay sii socdaan hanjabaadaha ka dhanka ah Iiraan, ma bilaaban
doonaan wada-hadallada lagu gaarayo heshiis kama dambays ah. Ixtiraama saxiixiina,"
ayuu qoraal ku yiri Talaadada maanta ah.
Saacado ka
hor, Donald Trump, hadalladiisii ugu dambeeyay, ayuu mar kale hanjabaad ugu
jeediyay Iiraan, isagoo sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu
"dhamaystiri doono hawsha."
Hadda,
hadalladiisii ugu dambeeyay, Cabbaas Caraqchi, isaga oo ka hadlayay aaska
Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in “malaayiin Iiraaniyiin ah oo sharaf leh ay
isugu yimaadeen midnimo iyo isku duubni” si ay “xushmad ugu muujiyaan”
hoggaamiyihii hore ee Iiraan.
Wuxuu intaas
ku daray in “iyaga iyo sidoo kale ciidamadeenna geesiyaasha ah ee qalabka sida
aysan ka baqayn wax hanjabaad ah.”
Dhanka kale, kadib munaasabaddii rasmiga ahayd ee aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka dhacday Tehran, naxashka meydkiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa loo wareejiyey magaalada Qom, waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ku taalla bartamaha dalka, munaasabadda aaska Cali Khamenei.
Sida la soo wariyey, Aayatullah Jawaadi Aamoli, ayaa hoggaamiyey salaadda janaasada ee lagu tukaday Masaajidka Jamkaran ee magaalada Qom, kaddibna waxaa bilaabatay munaasabadda aaska iyadoo ay ka qaybgalayeen kumannaan taageerayaal ah oo uu lahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Maxaad ka taqaanaa 10 ka dal ee dadkoodu ugu cimri dheeryihiin?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Lucile Randon waxay ahayd qofka ugu da'da weynaa aduunka (ee la diiwaan galiyo) markii ay dhimatay bishii Janaayo ee sannadkan iyadoo 118 sano jir ah.
Waxaa loo yaqaannaa ‘Sister André’, haweenaydan Faransiiska ah waxay goob joog u ahayd labadii dagaal ee adduunka, fuulistii aadanaha ee dayaxa, iyo xilligan casriga ah ee teknoloojiyadda.
Sheekadeeda ayaa ah mid cajiib ah, marka la eego in celceliska cimriga adduunka uu yahay 73.1 oo sano.
Hase haatee malin walba oo inna dhaafta cimri dheerarka ayaa kor usii kacaya iyada oo da’da cimriga ee dadka la filayo in celcelis ahaan uu dhaafo 77 sano badhtamaha qarnigan aan ku jirno, sida ay saadalisay Qarama Midoobey.
Sida cimri dheerarka uu kor ugu kacayo si la mid ah waxaa hoos u dhacaya dhalashada caruurta, taas oo inaga dhigaysa bulsho gabow ah.
Waxaa hadda qudheeda adduunka ku nool dadka 65 sano jirka ka sareeya oo ka badan kuwa shan sano jirka ka hooseeya, inkasta oo ay xaaladdu u kala duwan tahay waddamada.
Halka dalka Monaco celeliska cimrigiisu uu yahay 87 sano, waddanka Jaad oo ah dal sabool ah oo ku yaal bartamaha Afrika ayuu celceliska cimriga dadkiisu si dirqi ah ku gaarayaa 53 sano.
Monaco oo ah dalka dadkiisu ugu cimriga dheeryahay waxaa soo raaca Magaalada Shiinaha ee maamulka gaarka ah leh – Hong Kong iyo Macao, kaalinta afraadna waxaa ku jira Japan oo ah waddanka ugu cimriga dheer marka la eego dalalka quwadda leh ee caalamka.
Shiinaha oo sarkaal ku xukumay dil kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush dhan $325 milyan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Maxkamad ku
taalla bariga Shiinaha ayaa ku xukuntay dil sarkaal hore oo ka tirsanaa
maamulka magaalada, kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush ka badan 2.2
bilyan yuan (qiyaastii $325 milyan ama £243 milyan) muddo 30 sano ah.
Yang Youlin,
oo xilal kala duwan ka soo qabtay magaalada Nanjing intii u dhaxaysay 1993 ilaa
2023, ayaa sidoo kale lagu helay dambiyada musuqmaasuqa hantida dowladda,
ku-takrifalka awoodda iyo lacag dhaqidda. Hantida uu si sharci-darro ah ku
helay ayaa ka mid noqotay kiisaska ugu waaweyn ee noocan ah sannadihii u
dambeeyay.
Ninkan oo 69
jir ah ayaa xilalkiisii u adeegsaday inuu dad kale ka caawiyo helitaanka
qandaraasyada dhismaha, wareejinta dhulalka iyo maalgelinta, isagoo
beddelkeedana qaadan jiray lacag iyo hadiyado qaali ah, sida ay baahiyeen
warbaahinta dowladda.
Yang waxaa
la baaray isagoo qayb ka ah ololaha adag ee Madaxweyne Xi Jinping ee la
dagaallanka musuqmaasuqa, kaas oo saameeyay saraakiisha ciidamada, madaxda
bangiyada iyo hay'ado kale oo heer sare ah.
Yang, oo
inta badan shaqadiisa ku qaatay horumarinta dhaqaalaha iyo teknoolojiyadda
magaalada Nanjing, ayaa maxkamad ku taalla magaalada Changzhou Isniintii
sheegtay, in dambiyadiisu ahaayeen kuwo "aad u culus" isla markaana
ay "khasaare aad u weyn u geysteen danaha dowladda iyo shacabka."
Inkastoo
xukunnada dilka ee dambiyada dhaqaale iyo musuqmaasuqa aysan badnayn, haddana
mararka qaarkood waa la ridaa, gaar ahaan marka kiisasku ku lug leeyihiin
lacago aad u badan oo ka badan 1 bilyan yuan.
Hase
yeeshee, inkastoo Yang isaguna uu si la mid ah ula shaqeeyay mas'uuliyiinta
baaritaanka, maxkamadda Changzhou ayaa sheegtay in dambiyadiisu ahaayeen kuwo
"aad u culus", isla markaana iskaashigiisu "uusan ku filnayn in
lagu mutaysto ciqaab ka fudud."
Sida ay
sheegtay warbaahinta dowladda, Yang wuxuu qirtay dambiyadii loo haystay,
wuxuuna "muujiyay qoomamo" hadalkiisii ugu dambeeyay ee uu ka
jeediyay maxkamadda.
Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.
Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.
Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.
Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.
Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.
Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.
Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?
Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?
Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.
Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.
Machadka Cochrane Institute, oo qiimeeya xogta daaweyn kala duwan, ayaa dhowr maqaal ka qoray waxtarka paracetamol.
Kadib
munaasabaddii rasmiga ahayd ee aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda
Islaamiga ah ee ka dhacday Tehran, naxashka meydkiisa iyo dhowr xubnood oo
qoyskiisa ka mid ah ayaa loo wareejiyey magaalada Qom, waxaa si rasmi ah uga
bilowday magaaladaas oo ku taalla bartamaha dalka, munaasabadda aaska Cali
Khamenei.
Sida la soo
wariyey, Aayatullah Jawaadi Aamoli, ayaa hoggaamiyey salaadda janaasada ee lagu
tukaday Masaajidka Jamkaran ee magaalada Qom, kaddibna waxaa bilaabatay
munaasabadda aaska iyadoo ay ka qaybgalayeen kumannaan taageerayaal ah oo uu
lahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Kadib marka
ay munaasabaddan dhammaato, waxaa magaalada Najaf lagu qaban doonaa munaasabad
la mid ah, kaddib marka maydadka loo gudbiyo dalka Ciraaq.