Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday markab marayay Marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo shaqaalihii qaar oo ku dhintay weerarka
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka ka dhacay Marin-biyoodka Bab al-Mandab, waxaana la sheegayaa in shaqaalihii saarnaa qara la badbaadiyay halka qaarna ay dhinteen
Trump: "Waxaan Iran ka dalbanayaa magdhowga askartii Ameerikaanka iyo dibadbaxayaasha Iiraan ee ku dhintay dagaalka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay dalabkii Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan ee ahaa in Maraykanka laga dalbado magdhow. Trump ayaa sheegay in arrintaasi aan lagu soo hadal qaadin “wada-xaajoodyadii” u dhexeeyay Iiraan iyo Maraykanka.
Hase yeeshee, Trump wuxuu sheegay in maadaama Iiraan ay hadda soo hadal qaaday arrinta magdhowga, isaga qudhiisu uu dalbanayo “magdhowga dilka askarta Maraykanka” iyo sidoo kale “dibadbaxayaasha Iiraan.”
Afar kooxood oo Afrikaan ah oo u soo baxay Koobka Adduunka ee Haweenka ee 2027
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Koobka Adduunka ee Haweenka waxaa lagu qaban doonaa dalka Brazil xagaaga 2027-ka.
Dalalka
Algeria, Morocco, Cameroon iyo Malawi ayaa xaqiijiyay ka qaybgalka Koobka
Adduunka ee Haweenka, kaas oo lagu qaban doono dalka Brazil xagaaga sannadka
2027-ka, kadib markii ay kooxahani u soo baxeen heerka afar-dhamaadka ee Koobka
Qaramada Afrika ee Haweenka.
Koobka
Qaramada Afrika ee Haweenka ayaa ka socday dalka Morocco, iyadoo uu u aha a
tartan loogu soo baxayo Koobka Adduunka; afarta kooxood ee gaara heerka
afar-dhamaadka ayaa xaqiijinaya inay si toos ah ugu soo baxaan Koobka Adduunka.
Cameroon
ayaa u soo baxday tartanka ka dib markii ay Nigeria kaga badisay 1-0, halka
Malawi – oo kaalinta 153-aad kaga jirta qiimeynta caalamka – ay sameysay
natiijo lama filaan ah oo weyn iyadoo kaga badisay Ghana 2-1, ka dib markii ay guuldaroodii
ciyaarta ay u beddeleen guul.
Labada kulan
ee semi-final-ka (heerka afar-dhamaadka) ee Koobka Qaramada Afrika ee Haweenka
ayaa la ciyaari doonaa Arbacada soo socota, iyadoo Morocco ay la ciyaari doonto
Cameroon, Algeria-na ay wajihi doonto Malawi.
Afarta
kooxood ee laga reebay heerka sideed-dhamaadka kuwaas oo kala ah Ghana, Ivory
Coast, Nigeria iyo Koonfur Afrika – ayaa weli haysta fursad ay ugu soo bixi
karaan Koobka Adduunka.
Ivory Coast
ayaa la ciyaari doonta Ghana maalinta Khamiista, halka Nigeria ay wajihi doonto
Koonfur Afrika; kooxaha guuleysta ayaa u gudbi doona heerka isreeb-reebka
qaaradda oo ay ka qaybgalayaan 10 kooxood.
Tiradii ugu badneyd ee hal doon saaran oo kasoo gudbay Kanaalka Ingiriiska
Xigashada Sawirka, SNSM
Qoraalka sawirka, Doon weyn ee la buufiyayt ayaa sawir laga qaaday meel ka baxsan xeebta Faransiiska, iyadoo dadkuna ay ka buuxaan.
230
muhaajiriin ah ayaa kasoo gudbay Kanaalka Ingriiska iyagoo saasar doon aad u
yar , taas oo ah tiradii ugu badneyd ee safarkaas ku gasha doon.
Tani waxay
jebinaysaa rikoorkii hore ee la dhigay bishii Luulyo, markaas oo 165 qof ay ku
tallaabeen hal doon.
Doontu waxay
UK soo gaartay saacadihii hore ee maalintii Isniinta.
Sawir laga
qaaday meel u dhow xeebta waqooyiga Faransiiska ayaa muujiyay in doonta caagga
ah (ee la buufiyo) ay aad u buuxday, taas oo keentay in rakaab badan ay
lugahooda biyaha ku laalaadiyaan xilli ay doontu soo galaysay marinka
mashquulka badan ee maraakiibta.
Afhayeen u
hadlay Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dhacdadan ugu dambeysay ay
muujineyso "xeelado aan taxaddar lahayn oo khatar ah oo ay adeegsadaan
kooxaha dambiilayaasha ah... kuwaas oo sii wada inay nolosha halis geliyaan
iyagoo dad badan ku soo raraya maraakiib aan habboonayn".
Kooxaha
samatabbixinta ee Faransiiska ayaa sheegay in doonni dhererkeedu yahay 15 mitir
ay biyaha ku burburtay, taas oo keeni kartay "musiibo".
Doontu waxay
horay u sidday qiyaastii 50 qof markii la arkay iyadoo u sii jeedda xeeb si ay
u soo qaadato rakaab dheeraad ah, sida ay sheegeen shaqaalihii ku sugnaa
Berck-sur-Mer.
Golaha
Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha
Shacabka ee maanta loo doortay Cabdulqaadir
Maxamed Nuur .
Qoaraal ay
soo saareen golahu waxa ay ku sheegeen in muddo xileedka dastuuriga ah ee golaha Baarlamaanka uu ku ekaa 14kii Abril 2026 sidaasi darteedna uusan baarlamaanku
lahayn sahrciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo
guddoomiye cusub. “ Mana yeelan karo awood kordhin” ayey sheegeen.
Golaha ayaa sidoo
kale qoraalkooda ku sheegay in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu
xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah. “Jidka kaliya ee lagusoo celin karo
sharciyadda dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay
oo saldhig u noqda doorasho heshis lagu yahay”
Iiraan ayaa
beddeshay xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, iyadoo u magacawday
taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Mohsen Rezaei inuu noqdo qofkii labaad ee madax ka noqda hay’adda isku-dubbaridda amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee
dalka.
Rezaei waa
shakhsi dadweynaha hortooda si furan u hadla marka loo eego qofkii xilkaas ka
horreeyay ee Mohammad Baqer Zolqadr. Magacaabistan waxa gelinkii danbe ee maalintii
Axadda ku dhawaaqay ku-xigeenka agaasimaha qaybta isgaarsiinta ee Madaxweyne
Masoud Pezeshkian.
Zolqadr
waxaa loo magacaabay xoghayaha SNSC dabayaaqadii bishii Maarso, ka dib markii ninkii
xilkaas ka horreeyay, Cali Larijani, lagu dilay duqeyn xagga cirka ah intii
lagu jiray dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa'iil.
Sabab looma
hayo isbeddelkan, mana caddayn isla markiiba inuu tilmaamayo isbeddel ku
yimaada siyaasadda.
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Sabtidii sheegay in Iiraan iyo
Cumaan ay aad ugu dhow yihiin inay heshiis ka gaaraan marin-badeed cusub oo
mara marinka Hormuz — kaas oo ku dhawaad xirnaa muddo shan bilood ah oo dagaal
uu socday — balse dib u furiddiisu waxay ku
xirnaan doontaa shuruudo kale, oo ay ku jirtaan magdhow ay Maraykanku siiyaan
Iiraan.
Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ay ku qaadday gudaha dalka Ruushka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiishu
waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliye
lahayn (drone) oo Ukraine ay ku qaadday Jamhuuriyadda Tatarstan ee Ruushka.
Mas'uuliyiinta
Ruushka ayaa sheegay in dadka waxyeelladu soo gaartay uu ku jiray hal cunug,
halka 75 qof oo kalena ay dhaawacmeen; waana mid ka mid ah weerarradii ugu
dhimashada badnaa ee hal mar lagu qaado Ruushka tan iyo markii Moscow ay
billowday dagaalka ballaaran ee ay kula jirto Ukraine.
Diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn (drones) waxa y weerareen magaalada Nizhnekamsk, oo ku
taal masaafo ka badan 1,100 kiiloomitir (680 mayl) u jirta xuduudda Ukraine.
Ciidamada
Qalabka Sida ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in la garaacay warshadda sifeynta
saliidda ee Tanevo oo ku taal Nizhnekamsk, halka shirkadda Ukraine ee soo
saarta tiknoolajiyadda difaaca ee FirePoint ay sheegtay in weerarkaas loo
adeegsaday diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee nooca FP-1.
Ilo-wareedyo
maxalli ah ayaa sheegaya in weerarku uu socday dhowr saacadood, isagoo ka
bilaabmay habeenkii siina socday ilaa subaxnimadii. Warshadaha sifeynta
shidaalka ee Nizhnekamsk ayaa horey loo weeraray 12-kii Juun.
Sawirro la
xaqiijiyay oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq iyo olol aad u
badan oo cirka u kacaya xilliga maalintii, iyadoo ay gadaal ka yeerayaan
qaylo-dhaanta digniinta weerarrada cirka.
Kyiv ayaa
dhawaan xoojisay weerarrada ay ku hayso goobo ay sheegtay inay dakhli iyo sahay
u soo xareeyaan dagaalka Ruushku uu kula jiro Ukraine.
Zelensky: 50,000 askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa la filayaa in loo diro Ruushka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Zelensky
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in ilaa 50,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah loo diri karo Ruushka si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Zelenskyy ayaa sheegay in tiradani ay ka badan tahay qiyaastii hore ee ahayd 30,000 oo askari, isagoo ka digay in iskaashiga militari ee u dhexeeya Moscow iyo Pyongyang uu sii xoogeysanayo.
Wuxuu sheegay in Ukraine ay dhulkeeda ka heshay gantaallo laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi, isla markaana Pyongyang ay weli khibrad ka kasbanayso dagaalka casriga ah iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyada iyo qalabka militari ee ay ka hesho Ruushka.
Kuuriyada Waqooyi ayaa horey 2024-kii ugu dirtay gobolka Kursk ee Ruushka ku dhowaad 14,000 oo askari, si ay ciidamada Ruushka uga caawiyaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine.
Iyadoo iskaashiga labada dal uu sii kordhayo, Zelenskyy ayaa Kuuriyada Koonfureed ka codsaday inay Ukraine ka caawiso nidaamyada difaaca cirka, maadaama Kyiv ay si weyn ugu baahan tahay hub ay kaga hortagto weerarrada gantaallada ballistic-ga ah.
Dhanka kale, weerarrada Ruushka ayaa sii waday inay beegsadaan magaalooyinka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in dad rayid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay meelo kala duwan.
Zelenskyy ayaa sidoo kale xulafada Ukraine ugu baaqay inay kordhiyaan taageerada difaaca cirka, isagoo sheegay in awooddaas ay muhiim u tahay ka hortagga weerarrada gantaallada Ruushka ee sii kordhaya.
Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Britain, Wes Streeting, ayaa ugu baaqay dalalka xulafada ah inay kordhiyaan taageerada difaaca cirka ee Ukraine ka hor xilliga kuleylaha. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu xiligan u adeegsan karo hub ahaan si uu cadaadis ugu saaro Kyiv.
Sidoo kale, Pope Leo ayaa ku baaqay xabbad-joojin laga gaaro dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, isagoo sheegay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilayo ama lagu dhaawacayo dagaalka, oo ay carruurtuna ku jiraan, ay sii kordheyso.
Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac, iyadoo sheegtay in in ka badan 16,000 oo rayid ah lagu dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyadoo inta badan dadka dhintay ay ahaayeen muwaadiniin reer Ukraine ah.
Iiraan oo la sheegay inay sii wado weerarrada ka dhanka ah maraakiibta maraya Hormuz
Iiraan ayaa sii wadday inay si sharci-darro ah u weerarto oo ay si adag ula socoto maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz, taas oo keentay in Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ay sheegto in weerarradu khatar ku yihiin maraakiibta shidaalka qaada.
Warbixinteedii ugu dambeysay ee billaha ahayd, UKMTO waxay sheegtay in Iiraan ay Sabtidii weerartay markab shidaal oo uu ka babanayay calanka Imaaraadka Carabta, taas oo sii yareysay dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marin-biyoodka, ilaa ay ka harsanaadaan tiro aad u yar oo maraakiib ah oo isticmaala wadadanbiyaha ee muhiimka ah.
Intaa waxaa dheer, hay’addu waxay sheegtay in hawlgallada militari ee tooska ah ay weli socdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerarro gantaallo ah iyo qaraxyo ka dhacaya meel u dhow maraakiibta, gaar ahaan marinnada biyaha ee koonfurta Marin-biyoodka Cumaan.
UKMTO waxay sidoo kale ka digtay in weli aaggaas ay ku jiraan miinooyin badeed aan la helin ama aan qarxin, kuwaas oo khatar ku ah badbaadada maraakiibta iyo ganacsiga ka gudba Marin-biyoodka Hormuz.
Gabadha madaxweyne Ruto oo guursatay nin taajir ah
Xigashada Sawirka, Qoyska madaxweynaha
Qoraalka sawirka, Ruto, gabadhiisa iyo xaaskiisa
Gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo la yiraahdo Charlie, ayaa guursatay maalqabeen u dhashay Tanzania oo lagu magacaabo Isaiah Yunge.
Xafladda arooska ayaa Sabtidii, 8-dii Agoosto, lagu qabtay ismaamulka Narok oo ah halka ay ka soo jeedo.
Madaxweyne William Ruto iyo Marwadiisa Rachel ayaa ka qaybgalay arooska gabadhooda, waxaana sidoo kale goobta joogay mas’uuliyiin sare iyo dad caan ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gabadhiisu ay billowday nolol cusub.
Ninka ay guursatay waa Tanzanian, magaciisuna waa Isaiah Yunge. Waxaa lagu yaqaan xirfaddiisa hal-abuurka iyo teknoolojiyadda. Sida uu qoray wargeyska Kenya ee Daily Nation, waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Queen Elizabeth ee sannadkii 2018-kii.
Marka laga soo tago hal-abuurka dhinaca teknoolojiyadda, Isaiah Yunge waxa kale oo lagu yaqaan saameyntiisa iyo sumcaddiisa baraha bulshada.
Abaalmarinta Queen Elizabeth waxaa lagu guddoonsiiyay hal-abuurkiisa SomaApp, oo ah app moobil ah oo dhalinyarada Afrika u fududeeya inay helaan waxbarasho gudaha iyo mid caalami ah.
Guurkooda ayaa ah mid aad looga hadal hayo gudaha warbaahinta gudaha Kenya.
Jose Mourinho oo ugu dambeyn sheegay inuu aqbalay inuu Ferguson kala wareego tababarka Manchester United
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Mourinho iyo Furgerson
Kadib
sannado badan oo la isla dhexmarayay, José Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu
2013-kii aqbalay heshiis ah inuu Sir Alex Ferguson kala wareego xilka
tababarenimo ee kooxda Manchester United, balse markii dambe uu go’aanka
beddelay oo uu ka doorbiday inuu dib ugu laabto Chelsea.
“Markii aan
Real Madrid ka tagay, waxaan saxiixay heshiis aan ugu wareegayo Manchester
United, si aan ula wareego shaqada kadib Sir Alex,” ayuu Mourinho, oo hadda mar
kale tababare ka ah Real Madrid, ku sheegay taxane cusub oo laga sameeyay
taariikhdiisa ciyaareed. Taxanahaas ayaa Netflix laga sii dayn doonaa 11-ka
Agoosto.
“Shaqada waa
loo soo bandhigay, haa,” ayuu Ferguson xaqiijiyay. Ferguson wuxuu Manchester
United ku hoggaamiyay 13 horyaal oo Premier League ah 26 sano oo uu
hogaaminayay kooxda Old Trafford, ka hor inta uusan shaqada ka fariisan
2013-kii.
“Waan la
fadhiisiyay Mourinho oo aan uga warramay xaaladda,” ayuu Ferguson ku daray.
“Aniga ahaan, waxaan u qaatay inuu aqbalay. Laakiin saacado gudahood ayay wax
walba is beddeleen.”
Waxa is
beddelay ayaa ahaa in Mourinho uu dareemay inuusan diidi karin fursadda uu ugu
laabanayo Chelsea, halkaas oo uu hore ugu qaaday laba horyaal oo Premier League
ah oo xiriir ah sannadihii 2005 iyo 2006.
Toogashada waxay ka dhacday bannaanka dhismaha xafiiska gobolka
Waxaan dib u eegnay muuqaalka dhacdada toogashada, waxaanna hadda xaqiijinay in weerarku ka dhacay bannaanka dhismaha xafiiska gobolka, ee aysan ahayn gudaha, sida wararkii hore lagu sheegay.
Muuqaalka ayaa muujinaya Chalong oo qori ku liishaya qof ku jira baabuur madow.
Muuqaal kale oo ay baahisay warbaahinta maxalliga ah ee Thairath ayaa muujinaya Chalong oo qoriga jeebka gashanaya isagoo goobta ka sii socda.
Xogta ninka geystay toogashada oo la ogaaday
Ninka lagu eedeeyay toogashada oo la yiraahdo Chalong Reawraeng, ayaa saddex xilli soo noqday xildhibaan baarlamaanka Thailand, waxaana markii ugu dambeysay uu ka tirsanaa xisbiga Pheu Thai.
Ninkan oo 71 jir ah ayaa sannadkii 1997 lagu naanaysi jiray “cobra” (mas) , oo ah erey siyaasadeed oo Thailand looga isticmaalo xildhibaan ama siyaasi ka hor yimaada mowqifka xisbigiisa, kaddib markii uu u codeeyay musharrax raysal-wasaare oo ka socday xisbi kale.
Doorashadii ugu dambeysay ayuu isu sharaxay isagoo ka socday xisbiga talada haya ee Bhumjaithai, balse kuma guulaysan inuu kursi helo.
Xildhibaan hore oo u dhashayThailand ah ayaa Isniinta maanta ah rasaas ku furay mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka, kaddibna wuxuu wacay barnaamij YouTube ah isagoo wariyeyaasha u sheegay waxa uu sameeyay.
Booliiska ayaa sheegay in la xiray Chalong Reawraeng, oo hore uga tirsanaa baarlamaanka dalka, kana soo jeeday gobolka Nonthaburi. Qofkii uu toogtay, Thongchai Yenprasert, ayaa ah madaxa Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.
Thongchai ayaa isbitaalka la dhigay, waxaana sidoo kale isbitaalka loo qaaday darawalkiisii oo isaguna rasaas lagu dhuftay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadooduba ay si daran u dhaawacmeen.
Dhacdadan ayaa timid maalmo yar kaddib toogasho kale oo ka dhacday isla gobolkaas. Wiil dhalinyaro ah ayaa markaas gurigiisa iyo iskuulkiisa ku dilay toddobo qof, kaddibna isagii ayaa is dilay. Weerarkaas ayaa noqday toogashadii ugu dhimashada badnayd ee Thailand ka dhacda tan iyo sanadkii 2022-kii.
Ilaa hadda ma muuqato wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada weerar.
Waxaan idiin soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee halkan kala socda.
Kurdiyiinta Turkiga oo shuruud ku xiray heshiis ay la galaan dowadda
Kooxda hubaysan ee Kurdiyiinta ee PKK ayaa dhaliishay hindise sharciyeed ka socda Turkiga, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaaddii tobannaan sano jirtay ee u dhexaysay kooxda iyo dowladda.
Bayaan ay hoggaanka PKK soo saareen Axaddii ayay ku sheegeen, in sharcigu leeyahay cillado waaweyn.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay lama huraan tahay in hoggaamiyaha PKK, Cabdullaahi Öcalan, laga sii daayo xabsiga, halkaas oo xabsiga lagu hayay tan iyo sanadkii 1999.
Hindise-sharciyeedka ayaa la filayaa in Isniinta la horgeeyo baarlamaanka Turkiga. Haddii la ansixiyo, PKK waa la kala diri doonaa, taa beddelkeeda, dagaalyahanno badan oo hore uga tirsanaa kooxda ayaa laga ilaalin doonaa in dacwad lagu soo oogo, halka qaar kalena xukunnadii xabsiga laga joojin doono.
Qowmiyadda Kurdiyiinta waa mid ka mid ah dadka asalka ah ee dhulka siman iyo buuraha Mesopotamia, halkaas oo hadda u kala qeybsan Koonfurta-Bari ee Turkiga, Waqooyi-Bari Suuriya, Waqooyiga Ciraaq, Waqooyi-galbeed Iraan, iyo Koonfur-Galbeed Armenia.
Qorrax madoobaad la filayo isbuucan gudihiis iyo meelaa uu ka dhici doono
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qorrax madoow
Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.
Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.
Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.
Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.
Madoobaadka qorraxda ee xiga ayaa la filayaa inuu dhico Arbacada, 12-ka Agoosto.
Madoobaadka buuxa ayaa la filayaa in laga arki doonaa: Waqooyiga Ruushka, Greenland, Iceland, Isbayn iyo Boortaqiiska.
Madoobaadkan lagama arki doono Turkiga. Madoobaadka qorraxda ee xiga ee laga daawan karo Turkiga wuxuu noqon doonaa madoobaad qayb ahaan ah, kaas oo dhici doona 2-da Agoosto, 2027.
Sida ay sheegtay NASA, madoobaadka buuxa wuxuu ka bilaaban doonaa duhurnimada meel yar oo fog oo ku taalla waqooyiga Ruushka. Kadibna iyadoo Dhulku wareegayo, madoobaadku wuxuu u gudbi doonaa dhinaca Isbayn, halkaas oo laga arki doono fiidkii wax yar ka hor qorrax-dhaca.
Muddada madoobaadka buuxu waxay noqon doontaa mid aad u gaaban, wax ka yar laba daqiiqo iyo bar.
Qaybo ka mid ah waqooyiga Maraykanka, Kanada, waqooyi-galbeed Afrika, iyo meelo badan oo Yurub ah waxay arki doonaan madoobaad qayb ahaan ah, iyadoo meelo qaarkood in ka badan 90% Qorraxda la dabooli doono.
Dhacdadan waxay sii noqon doontaa mid gaar ah, maadaama qaybo ka mid ah Afrika iyo qaaradda Yurub ay arki doonaan madoobaad ku beegan qorrax-dhac, taas oo macnaheedu yahay in Qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto iyadoo dhacaysa.
Iiraan oo hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, Mohsen Rezaei
Iiraan ayaa hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka. Mohsen Rezaei waa taliye hore oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxaana hadda loo magacaabay door muhiim ah oo uu ku yeelan doono go’aaminta sida Iiraan u wajahdo colaadda kala dhexeysa Maraykanka iyo Israa’iil.
Mr. Rezaei ayaa hore u sheegay in ay muhiim u tahay Iiraan inay sii haysato gacan-ku-haynta marin-biyoodka Hormuz, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay ka muhiimsan tahay in la helo hub nukliyeer ah.
Maadaama uu muddo dheer soo hayay xilal sare oo dalka ah, magacaabistiisa waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa in jiilkii hore ee siyaasadda Iiraan ay weli awoodda hayaan, inkastoo ay jireen saadaallo ahaa in dhowaan xilalka sare loo dallacsiin doono siyaasiyiin da’yar.
Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kiniiniyo kala duwan
Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.
Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.
Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.
Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.
Xanuun-baabi'iye
Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.
Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?
Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.
Daawada walwalka
Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.
Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.
Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.
Sidee Iiraan uga falcelisay heshiiska Makka ee Pakistan,Sacuudiga iyo Turkiga saxiixeyn?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in heshiisku uusan Iiraan xilligan si toos ah khatar ugu ahayn, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay xoogga saarayaan dhinaca heshiiska iyo xallinta arrimaha kala dhexeeya Maraykanka.
Heshiiska saddex-geesoodka ah ayaa lagu dhawaaqay in ka badan shan bilood kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo sababay dagaal si degdeg ah ugu fiday waddamada Khaliijka, isla markaana carqaladeeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
Si kastaba ha ahaatee, Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa taxaddar weyn muujiyay si aysan u carqaladeyn ama uga hor imaan dhinac kasta oo gobolka ama caalamka ah, xilli ay soo gabagabeynayeen heshiiskan oo ay sheegeen inuu ka dhashay sannado badan oo shaqo iyo wada-xaajood ah.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in heshiisku oo aan si gaar ah uga dhex muuqan halis amni uusan ka dhan ahayn waddan gaar ah, gaar ahaan Iiraan, isla markaana uusan burin ama beddelin heshiisyo kale oo hore ay ula galeen dhinacyo kale.
Jawaabta ay Tehraan illaa iyo hadda waa mid diblomaasiyadeed oo degan, iyadoo mas’uuliyiintu xoogga saareen iskaashiga gobolka iyo kan Muslimiinta, iyo sidoo kale waxa ay u arkaan inuu yahay heshiiskan mid muujinaya in hoos uu ku yimid saameyntii Mareykanka ee waddamadaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbas Araghchi, ayaa Jimcihii yiri "marka Muslimiintu midoobaan, waxaan si wadajir ah uga hortagi karna caqabad kasta oo ay dibadda noogu soo maleegaan dhinacyo xun.”
“Waa waqtigii aan isku tiirsanaan lahayn oo keliya, isla markaana aan qaadan lahayn walaaltinimada dhabta ah,” ayuu ku qoray bartiisa X, isaga oo aan si toos ah u xusin heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay kala saxiixdeyn Sacuudiga, Pakistaan iyo Turkiga.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey maraakiibta ay leexiyeen tan iyo bilowgii cunaqabateynta
Xigashada Sawirka, CENTCOM
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) oo maamula howlgallada milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa sheegay in tan iyo markii la bilaabay xannibaadda badeed ee ka dhanka ah Iiraan ay “leexiyeen 55 markab oo ganacsi, ayna joojiyeen laba markab” iyagoo rasaas ku furay.
CENTCOM ayaa qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay in markabkaas iyo in ka badan “20 markab dagaal oo Mareykan ah ay ka hawlgalaan Bariga Dhexe si ay u taageeraan howlgallada milatari oo ay ku jirto fulinta iyo hubinta cunqabateynta Mareykanku ku soo rogay Iiraan,” iyadoo qoraalka lagu lifaaqay sawir ay ka muuqdaan badmaaxiinta markabka dagaalka ee USS Ross.
CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in intii lagu guda jiray fulinta xannibaadda badeed ciidamada Mareykanku ay fuuleen laba markab.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay barta Truth Social ku sheegay in Iiraan ay adduunka ku wadday “51 sano oo dhaqan xumo ah.”
Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir muujinaya hoos-u-dhaca weyn ee ku yimid qiimaha lacagta rialka Iiraan.
Sawirku wuxuu muujinayaa hoos-u-dhaca qiimaha rialka laga soo bilaabo bilowgii sannadka 2025 ilaa maanta.
Trump waxa uu sawirka cinwaan uga dhigay “Iiraan lacag ma haysato, isaga oo intaas raaciyey “Lacagtoodu wax qiimo ah ma leh.”