Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday markab marayay Marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo shaqaalihii qaar oo ku dhintay weerarka
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka ka dhacay Marin-biyoodka Bab al-Mandab, waxaana la sheegayaa in shaqaalihii saarnaa qara la badbaadiyay halka qaarna ay dhinteen
War deg deg ah, Iran iyo Mareykanka oo ku dhow in ay heshiis gaaraan
Warbaahinta Bloomberg
ayaa soo warisay in Pakistan ay sheegtay in Iran iyo Mareykanka ay ku dhow
yihiin inay gaaraan nooc heshiis ah.
Wasiirka
Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in
tilmaamihii jiray labadii ama saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay
muujinayeen in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay gaaraan “heshiis ama
is-afgarad” lagu doonayo nabad, sida ay Reuters soo werisay.
“Xaaladdu
waxay mar kale u muuqataa inay u jihaysan tahay heshiis nabadeed ama heshiis
dhex mara labada dhinac,” ayuu yiri.
Warkan ayaa
soo baxay iyadoo Iran ay dhawaan sheegtay in aysan jirin wada-hadallo toos ah
oo ay Mareykanka la waddo, balse farriimo la is dhaafsanayo iyadoo loo marayo
dhexdhexaadiyayaal.
War deg deg ah, Degdeg: Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay Marin-biyoodka Bab al-Mandab
Waxaan horay uga soo warrantay laba shil oo badeed oo ka
dhacay Badda Cumaan. Hadda waxaa soo baxay war cusub oo sheegaya in markab
xamuul ah lagu weeraray meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ku yaalla
xeebta koonfureed ee Yemen.
Hay’adda Ingiriiska ee Hawlgallada Ganacsiga Badda, oo
warbixintan soo saartay, ayaa sheegtay in tiro aan la cayimin oo ka mid ah
dadka saarnaa markabka la dilay ama la dhaawacay.
Sida lagu sheegay warbixinta, markabka xamuulka ah ayaa
lagu bartilmaameedsaday Badda Cas ee koonfurta.
War deg deg ah, Israa'iil oo duqeyn la beegsatay gaari kuwa gurmadka degdeg ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda
Caafimaadka Lubnaan ayaa Israa’iil ku eedeysay inay weerartay gaari ambalaas ah
oo ku sugnaa koonfurta dalka, weerarkaasi oo dhaawacay laba qof isla markaana
waxyeello gaarsiiyay gaariga.
Sida ay
wasaaraddu sheegtay, shaqaalaha gurmadka ayaa gaaray goobta weerarka ee
magaalada Nabatieh, balse weerar labaad ayaa lagu qaaday, kaas oo waxyeello u
geystay ambalaaskii siday bukaannada.
Wasaaraddu
waxay cambaareysay weerarrada joogtada ah ee lagu hayo shaqaalaha gargaarka,
iyadoo sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah ee
bani’aadantinimada.
Hay’adda
Ilaalinta Rayidka ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad aan duuliye
lahayn oo Israa’iil leedahay ay weerartay shaqaalaheeda xilli ay isku dayayeen
inay damiyaan dab ka kacay kayn ku taalla deegaanka Nabatieh. Shaqaalihii ayaa
lagu qasbay inay goobta ka baxaan, inkastoo aan cidna ku dhaawacmin.
Weerarkii ugu
dambeeyay ayaa dhacay iyadoo ay jirto heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya
Israa’iil iyo Lubnaan.
Faahfaahin laga helay kulan dhexmaray madaxweynaha Iran iyo hoggaamiyaha dalkaas
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka
dowladda Iran, Fatemeh Mohajerani, ayaa sheegtay in kulankii ay la yeesheen
Madaxweynaha dalka, Masoud Pezeshkian, uu ahaa astaan muujinaysa taageerada
joogtada ah ee dalka uu u hayo dowladda.
Mohajerani
waxay sharraxday in kulanku uusan ahayn oo keliya jawaab laga bixiyay wararka
xanta ah ee la faafiyay, balse uu ahaa caddeyn ku saabsan xiriir ku dhisan
kalsooni, iskaashi iyo taageero.
Waxay
tilmaantay wararka beenta ah ee baahay ee
ku saabsanaa suurtagalnimada in madaxweynuhu iscasilo, iyo falcelintii Mojtaba
Khamenei, oo markii dambe Pezeshkian iyo hoggaamiyaha Iran ay beeniyeen, kuna
tilmaamay been iyo warra aan wax ka jirin.
Arrintan ayaa
timid xilli la ogaaday in madaxweynuhu uu hoggaamiyaha Iran la yeeshay kulan
socday toddobo saacadood, iyadoo qaybo ka mid ah dalka ay dhaliilayeen sida
dowladda Pezeshkian u maareysay dagaalka iyo wada-hadallada diblomaasiyadeed.
Mohajerani
waxay sidoo kale sheegtay in hoggaamiyaha diinta ee dalka uu marar badan
muujiyay taageeradiisa madaxweynaha iyo dowladda, xilliyo kala duwan.
Waxay intaas
ku dartay in loo baahan yahay in la kala saaro dadka mucaaradka ah iyo
tallaabooyinka sababa kalsooni-darrada isla markaana kordhiya kala qaybsanaanta siyaasadda dalka.
War deg deg ah, Bishaar al Assad oo lala xukumay nin ay qaraabo yihiin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku
taalla Suuriya ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Bishar al-Assad, ku xukuntay
dil, kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la xiriira
dagaalkii sokeeye ee Suuriya.
Bishar
al-Assad, oo isaga iyo qoyskiisu u baxsadeen Ruushka sannadkii 2024, ayaa sidoo
kale maxkamaddan lagu helay inuu galay dil.
Atef Najib, oo
qaraabo la ah Mr. al-Assad, isla markaana madax ka ahaa amniga siyaasadda ee
gobolka Daraa, ayaa sidoo kale lagu xukumay dil.
Gobolka Daraa
ayaa ahaa halkii ay ka bilaabatay kacdoonkii dibadbaxayaasha ee ka dhanka ahaa
taliskii Bishaar al-Assad.
Atef Najib, oo
la xiray sannadkii hore, ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilka carruur
iyo jirdil sababay dhimasho.
War deg deg ah, Degdeg: Qiimaha saliidda dunida oo sare u kacay mar kale
Saliidda cayriin
ee Brent, oo ah cabbirka caalamiga ah ee qiimaha saliidda, ayaa dhaaftay $90
halkii foosto, kaddib markii ay yaraatay rajadii laga qabay in Maraykanka iyo
Iran ay heshiis gaaraan.
Qiimaha saliidda
ayaa maanta oo Talaadada ah sii wada kororkiisii, iyadoo rajadii laga qabay in
dib loo furo Marinka Hormuz ay sii yaraanayso. Arrintan ayaa dhalisay walaac ku
saabsan in sicir-bararku mar kale sare u kaco.
Qiimaha saliidda
cayriin ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kor u kacay qiyaastii 10%. Inkastoo
Aqalka Cad uu horraantii bishan soo saaray hadallo rajo-gelin leh, haddana
Maraykanka iyo Iran ayaa u muuqda inay weli ka fog yihiin inay heshiis ka
gaaraan mustaqbalka marin-biyoodkan muhiimka ah.
In kasta oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin
Netanyahu uu si cad u diiday qorshe cusub oo ka kooban 15 qodob oo ay soo jeediyay
“guddiga nabadda” kaas oo looga gol leeyahay in Xamaas hubka looga dhigo gudaha
Gaza, haddana arrintani uma muuqato inay tahay dhammaadka doodda ama mowqifka
kama dambaysta ah ee qorshaha.
Aqalka Cad weli si rasmi ah ugama uusan hadlin arrintan.
Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay tilmaamayaan in Aqalka Cad uusan si weyn
uga walaacsanayn hadallada Netanyahu, isla markaana uu hadalladaas u arko kuwo
ku saabsan hal-ku-dhigyada ololaha iyo mowqifyada siyaasadeed ee xilli
doorashooyinka guud ee xasaasiga ahi ay soo dhow yihiin.
“Waxaan fahamsanahay baahiyaha siyaasadeed ee Bibi,” ayuu
weriyaha reer Israa’iil Barak Ravid ka soo xigtay sarkaal sare oo Mareykan ah.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray: “Ilaa iyo inta uu sameynayo waxa aan ka
codsanno inuu sameeyo, wax dhib ah kuma qabno mowqifyadan, gaar ahaan marka ay
timaaddo xakamaynta weerarrada Qasa.”
Maalmihii u dambeeyay, weerarrada Israa’iil ee Qasa ayaa u
muuqda inay istaageen ama si weyn hoos ugu dhaceen. Tani waxay ahayd mid ka mid
ah shuruudihii Xamaas ku xirtay ku biirista qorshaha 15-ka qodob ah ee uu
taageerayo Maraykanku.
Waxaa jira calaamad kale oo muujinaysa in Israa’iil ay
diyaar u tahay inay horumariso qorshaha nabadeed ee Madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump ee Qasa, iyadoo la diyaarinayo in la geeyo Ciidanka Caalamiga ah
ee Xasilinta.
War deg deg ah, Madaxweynihii hore ee Suuriya oo dil lagu xukumay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta
garsoorka Suuriya ayaa madaxweynihii hore ee Bashar al-Assad ku xukumay dil
isagoo maqan, iyagoo ku eedeeyay inuu galay dambiyo u dhigma "dambiyo
dagaal" iyo "dambiyo ka dhan ah aadanaha" ka dib markii uu
qarxay iskahorimaadkii uu dalku soo maray tan iyo 2011.
Xukunkan ka
dhanka ah Assad, oo isaga iyo qoyskiisa iyo saaxiibbadiis dhow u cararay Moscow
ka dib markii xukunkiisii la riday bishii Diseembar 2024, waa kii ugu horreeyay ee ay soo saaraan
mas'uuliyiinta ku-meel-gaarka ah ka dib markii ay bilaabeen sannadkan inay
maxkamadeeyaan mas'uuliyiin ka tirsan nidaamkii hore iyagoo maqan iyo shaqsi
ahaanba.
Washington Post: Trump ayaa si qarsoodi ah uga soo laabtay Turkiga isagoo diyaarad kale raacay, sababo la xiriira walaaca laga qabo khatarta Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad milatari, markii uu ka soo laabanayay shirkii u dambeeyay ee NATO ee lagu qabtay Ankara, iyadoo sababta lagu sheegay walaac laga qabo khatarta Iran ay ku hayso madaxweynaha Mareykanka.
Sida uu sheegay Washington Post, wariyayaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad waxay u maleynayeen in Trump uu ku safrayay isla diyaaraddii hore ee Air Force One ee uu hortooda ka raacay kamaradaha telefishinnada magaalada Ankara. Hase yeeshee, daqiiqado yar kaddib markii uu diyaaradda fuulay, ayaa Trump waxaa lagu wareejiyay gaari xamuul ah oo garoonka diyaaradaha loogu adeego cuntada, waxaana lagu qaaday diyaarad yar oo nooca C-32A ah, taas oo u duushay saldhigga ciidamada cirka ee Mareykanka ee ku yaalla Boqortooyada Midowday.
Sida warbixintu sheegtay, Aqalka Cad wuxuu iska dhigay in Trump uu Mareykanka ugu laabanayay diyaaradda Air Force One.
Trump ayaa Turkiga u tegay inuu ka qeybgalo shir madaxeedka NATO, isagoo raacay diyaarad cusub oo kuwa raaxada ah oo Qadar ay ugu deeqday Mareykanka, taas oo loo diyaariyey in loo adeegsado safarrada madaxweynaha.
Ka hor inta uusan Ankara ka bixin, Trump wuxuu sheegay in diyaaradda cusub loo diri doono Mareykanka xilli hore, si ciidamada Mareykanka ee ku sugan bariga England ay u soo kormeeraan. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu qayb ka mid ah safarka dib ugu laaban doono diyaaraddii hore ee Air Force One.
Aqalka Cad ayaan weli wax war ah ka soo saarin warbixinta Washington Post.
War deg deg ah, Qiimaha shidaalka oo kor usii kacaya iyadoo xaaladda Marin-biyoodka Hormuz ay weli taagan tahay
Qiimaha saliidda cayriin ayaa kor u kacay ku dhowaad 10 boqolkiiba toddobaadkii la soo dhaafay. Inkastoo Aqalka Cad uu horraantii bishan soo saaray hadallo rajo leh, haddana waxaa muuqata in Maraykanka iyo Iiraan ay weli aad uga fog yihiin in ay heshiis ka gaaraan marin-biyoodkan muhiimka ah.
Qiimaha shidaalka ayaa Talaadadii sare u kacay kadib markii Trump uu diiday shuruudaha Iiraan ee dib loogu furayo Marin-biyoodka Hormuz, isagoo Tehran ka dalbaday magdhow.
Qiimaha saliidda cayriin ee Brent ayaa gaaray 88 doollar halkii foosto, halka qiimaha saliidda cayriin ee Maraykanka uu gaaray 82.45 doollar, kadib markii uu Isniintii kordhay 5 boqolkiiba. Tani waxay ahayd heerkii ugu sarreeyay ee labada qiimeba 11 maalmood gudahood.
Duulimaad Canada laga leeyahay oo loo baajiyay ilma yar oo diiday inuu fariisto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Shirkadda Porte
Duulimaad ka
ambabaxi lahaa Canada ayaa la baajiyay kaddib markii ilmo uu diiday inuu xirto
suunka badbaadada. Arrintan ayaa mar kale dhalisay dood ku saabsan hab-dhaqanka
iyo xeerarka badbaadada ee khuseeya carruurta ku safra diyaaradaha.
Duulimaadka
shirkadda diyaaradaha ee Porter Airlines, oo 6-dii Agoosto isu diyaarinayay
inuu Victoria ka soo duulo una soo duulo Toronto, ayaa dib loogu celiyay goobta
rakaabku ka raaco diyaaradda, kaddib markii, sida shirkaddu sheegtay,
"ilmo yar uu kursigiisa ku taagnaa oo uu diiday inuu suunka badbaadada
xirto."
Dib-u-dhacaasi
wuxuu sababay in diyaaraddii aysan ka duuli karin garoonka. Sidaas darteed,
rakaabkii waxaa loo sameeyay ballan-qaadyo cusub oo ay maalintii xigtay ku
raacaan duulimaad kale.
Dhacdadan
ayaa aragtiyo kala duwan ka dhalisay sida carruurta loola dhaqmo xaaladaha
noocan oo kale ah iyo sida ay shirkadaha diyaaradaha uga jawaabi lahaayeen.
Marka laga
hadlayo hab-dhaqanka ilmaha, shirkadda Porter Airlines waxay sheegtay in
"isku dayadii waalidkii la socday iyo shaqaalihii diyaaradda ee lagu
doonayay in arrinta lagu xalliyo ay fashilmeen."
Shirkaddu
waxay intaas ku dartay: "Diyaaraddu ma kici karin iyadoo xaaladdan aan
ammaan ahayn ay jirto. Sidaas darteed, shaqaalihii diyaaradda waxay
go'aansadeen inay diyaaradda dib ugu celiyaan goobtii laga raacay, ayna labada
rakaabba ka dejiyaan."
Maxay qabtaan gabdhaha madaxweyneyaasha Afrikaanka ah ay dhaleen
Xigashada Sawirka, X
Qoraalka sawirka, Gabadha Samia Suluhu
Waxay ka soo jeedaan qoysas caan ah iyo deegaan hodan ah, qaar ka mid ah gabdhahan ay dhaleen waalidiinta ugu awoodda badan Afrika ayaa loo arkay inay saameyn ku leeyihiin bulshooyinkooda sababo la xiriira shaqooyinkooda, guulaha ay ka gaareen bulshada, ama xitaa qaab nololeedkooda.
Qaarkood waxaa lagu ammaanaa waxqabadkooda oo ay ka dambeeyaan magaca waalidkood, halka qaar kalena ay ku dhex jiraan muran iyo dhaleecayn.
Waa kuwan 7-da gabdhood ee Afrikaan ah ee aan maqaalkan ku iftiimineyno:
Uganda: Natasha Karugire Museveni
Inkastoo lagu soo koriyey nolol wanaagsan madaxtooyada gudaheeda, Natasha riyadeeda ugu weyn waxay ahayd inay heer sare ka gaarto xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, ayadoo ujeedadeeda ugu weyn ay ahayd inay dhiirri geliso dank aiyo dhaqanka Uganda.
Sababo la xiriira kartida ay u leedahay iyo tababar ay ku qaadatay Koonfur Afrika, waxa ay caan ku tahay ka qayb qaadashada hal-abuurka, ayadoo iyo sida uu ugu heelan yahay horumarinta fanka iyo dhaqanka Uganda.
Marka laga soo tago dareenkeeda hal-abuurnimo iyo moodada, Natasha waxa ay caan ka tahay shirkadaha Filimada kadib markii ay ku guulaysatay filimkeedii qaab riwaayadeedka ahaa ee taariikhiga ahaa ee "27 Guns," kaas oo ay qortay oo ay agaasimaysay.
Ciidamada taageerada ka hela dowladda Yemen ayaa sheegay in dagaalyahannada Xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen magaalada dekedda ah ee Mukha.
Bayaan lagu daabacay bogga ciidamada Yemen ee barta X ayaa lagu sheegay, in Xuutiyiintu ay gantaallo ballistic ah ku rideen magaaladaas oo ku taalla xeebta Badda Cas.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay, in weerarrada lagu bartilmaameedsaday goobo iyo xarumo dhowr ah oo ku yaalla dekedda leh ee Mukha.
Qorrax madoobaad la filayo isbuucan gudihiis iyo meelaa uu ka dhici doono
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qorrax madoobaad
Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.
Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.
Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.
Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.
Madoobaadka qorraxda ee xiga ayaa la filayaa inuu dhico Arbacada, 12-ka Agoosto.
Madoobaadka buuxa ayaa la filayaa in laga arki doonaa: Waqooyiga Ruushka, Greenland, Iceland, Isbayn iyo Boortaqiiska.
Madoobaadkan lagama arki doono Turkiga. Madoobaadka qorraxda ee xiga ee laga daawan karo Turkiga wuxuu noqon doonaa madoobaad qayb ahaan ah, kaas oo dhici doona 2-da Agoosto, 2027.
Sida ay sheegtay NASA, madoobaadka buuxa wuxuu ka bilaaban doonaa duhurnimada meel yar oo fog oo ku taalla waqooyiga Ruushka. Kadibna iyadoo Dhulku wareegayo, madoobaadku wuxuu u gudbi doonaa dhinaca Isbayn, halkaas oo laga arki doono fiidkii wax yar ka hor qorrax-dhaca.
Muddada madoobaadka buuxu waxay noqon doontaa mid aad u gaaban, wax ka yar laba daqiiqo iyo bar.
Qaybo ka mid ah waqooyiga Maraykanka, Kanada, waqooyi-galbeed Afrika, iyo meelo badan oo Yurub ah waxay arki doonaan madoobaad qayb ahaan ah, iyadoo meelo qaarkood in ka badan 90% Qorraxda la dabooli doono.
Dhacdadan waxay sii noqon doontaa mid gaar ah, maadaama qaybo ka mid ah Afrika iyo qaaradda Yurub ay arki doonaan madoobaad ku beegan qorrax-dhac, taas oo macnaheedu yahay in Qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto iyadoo dhacaysa.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu
dhawaan jawaab ka bixin doono hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin
Netanyahu ee uu ku diiday qorshaha 15-ka qodob ka kooban ee Golaha Nabadda.
Trump oo su’aalo uga jawaabayay wariyeyaasha gudaha Xafiiska
Madaxweynaha ee Aqalka Cad ayaa sheegay inuu jawaabtiisa ku daabici doono barta
bulshada ee Truth Social.
Wuxuu yiri: “Jawaabtayda halkaas ayaan ku daabici doonaa.
Waxaan hayaa jawaab; waa jawaab wanaagsan, halkaas ayaanan ku daabici doonaa.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka labadooda uu weli yahay
“mid aad u wanaagsan.”
Cabbas araghchi : "Sugidda amniga Marin-biyoodka Hormuz waxay u baahan tahay in la joojiyo weerarrada Maraykanka iyo go’doominta badda"
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cabbaas Caraqji ayaa kulan taleefan ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Johann Wadephul ku sheegay in “sugidda amniga Marin-biyoodka Hormuz ay u baahan tahay in la joojiyo weerarrada Maraykanka iyo go’doominta badda.”
Intii uu socday wada-hadalkooda, Caraqji wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka uga warbixiyay wada-tashiyada socda ee Iiraan ay la leedahay Cumaan, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu go’aamiyo waddo ammaan ah oo maraakiibtu isticmaalaan.
Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, “amni-darrada ka jirta Marin-biyoodka Hormuz waxaa gebi ahaanba sabab u ah duullaanka militari ee Maraykanka” iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.
Wuxuu intaas ku daray in “beesha caalamku ay tahay inay la xisaabtanto madaxda Maraykanka ee talada haysa, kuna saabsan mas’uuliyadda amni iyo dhaqaale ee ka dhalan karta xannibaadda Marin-biyoodka Hormuz.”
Sida ay ku warrameen warbaahinta Iiraan, Caraqji wuxuu sidoo kale sheegay in “sugidda amniga Marin-biyoodka Hormuz ay u baahan tahay in la joojiyo tallaabooyinka gardarrada ah iyo faragelinta sharci-darrada ah ee Maraykanka, kuwaas oo ay ku jiraan go’doominta badda iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah waajibaadka uu Maraykanku saaran yahay.”
Maraykanka oo Xisbullah ku eedeeyey in ay “carqaladeeneyso” wada-hadallada Lubnaan iyo Israa’iil
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Al Jazeera u sheegay in Xisbullah ay “isku dayayso in ay carqaladeeyso wada-hadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.”
Mas’uulkan oo Al Jazeera aysan shaacin magaciisa ayaa sidoo kale sheegay in “labada dhinacba ay wajahaan cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha ah.”
Mas’uulku wuxuu ka digay in “adeegsiga waddooyin gaagaaban uu keeni doono isla natiijooyinkii fashilmay ee aan tobannaan sano aragnay,” isaga oo carrabka ku adkeeyay in Washington ay weli rajo wanaagsan ka qabto “jidka hadda socda.”
Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in wada-hadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil dib looga bilaabi doono magaalada Rome bisha soo socota.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay miinooyinka ka saareen Marin-biyoodka Hormuz.
“Bal eeg, ciidanka keliya ee hadda gacanta ku haya Marin-biyoodka Hormuz waa Ciidanka Badda Maraykanka,” ayuu u ku yiri wariyeyaasha gudaha Xafiiska Madaxweynaha ee Aqalka Cad.
Trump waxa uu sidoo kale yiri “Waxaan hirgelinnay go’doomin si buuxda u shaqaynaysa oo aan la jebin karin, oo la mid ah gidaar bir ah.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u oggolaanaynaa oo keliya kuwa aan doonayno inay soo galaan.”
“Arrintu xoogaa way adag tahay, dabcan, sababtoo ah mararka qaarkood waxay dhigaan miinooyin, laakiin annagu waan helnaa miinooyinka. Waad ogtihiin, inta miinooyin ee aan ka saarnay marin-biyoodkan oo dhan,” ayuu yiri Trump.
Cumaan oo sheegtay in ay tallaabo ka qaaddayso xakamaynta saliid ku daadatay xeebaha koonfureed
Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Cumaan ayaa Isniintii sheegtay inay waddo dadaallo
lagu xakamaynayo saliid ku daadatay xeebaha koonfureed ee dalka, kaddib markii
markab shidaal qaada uu ku xannibmay dhul badeed ilaashan qiyaastii laba bilood
ka hor. Hay’adaha u Dhaqdhaqaaqa deegaanka ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah
laga qaado arrintan.
Mas’uuliyiinta Cumaan weli ma aysan shaacin sababta keentay
in saliiddu ka daadato markabka. Hase yeeshee, shirkadda Ingiriiska ah ee
amniga badda ee Vanguard ayaa toddobaadkii hore wakaaladda wararka AFP u
sheegtay in markabka ay qaraxyo ku dhaceen horraantii bishii Juun xilli uu
marayay xeebaha Yemen, taas oo sababtay in biyo ay galaan qaybo ka mid ah
markabka.
Ururka deegaanka ee Greenpeace ayaa AFP u sheegay in
daadashada saliiddu ay qarka u saaran tahay inay isu beddesho masiibo deegaan,
isaga oo sheegay in markabku siday ku dhowaad hal milyan oo fuusto oo saliid
cayriin ah.
War deg deg ah, In ka badan boqol oo ku dhintay dhismayaal ku dumay Colombia kadib dhulgariir ka dhacay dalkaasi
Xigashada Sawirka, Reuters
Dhulgariirkii sababay burbur baahsan iyo in 111 dhimasho ayaa ka dhacday Colombia, kaas oo sababay in ku dhowaad 1.5 milyan oo qof ay la kulmaan gariirro “aad u xooggan” oo awood u lahaa inay waxyeelleeyaan dhismayaasha dhagaxa ah ee aan loo dhisin si adag, sida ay sheegtay Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS).
Hay’addu waxay sheegtay in dhulgariirka cabbirkiisu yahay 7.4 uu ka dhashay meel “qoto-dhexaad ah” oo ku dhow 100 kiiloomitir gudaha saxanka dhul-badeedkii hore ee hoos ugu sii qulqulaya qaaradda Koonfurta Ameerika.
Waxay sheegtay in dhulgariirrada noocan ah ee ka dhaca qoto-dhexaadka ee loo yaqaan dhulgariirrada “interslab”, guud ahaan ay ka khatar yar yihiin dhulgariirrada isla cabbirkaas ah ee ka dhaca meel u dhow oogada dhulka.
Si kastaba ha ahaatee, USGS waxay intaas ku dartay in, marka loo eego qaabka dillaaca dhulka ee dhulgariirku ka dhacay, tamarta la sii daayay ay lahayd “hirar gariir oo waxyeello u geystay dhismayaasha”.