You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo sheegay in xabad joojintii "ay dhamaatay" kadib markii Mareykanka iyo Iiraan ay isdhaafsadeen weerarro

Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Turkiga, Donald Trump wuxuu ku tilmaamay nidaamka Iran inuu yahay “dad shar leh” wuxuuna maamulka Iran ku sheegay dad “waalan”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay in caawa uu dhacayo weerar xooggan oo Iiraan lagu qaado

    Haddii aad hadda nagu soo biirtay, halkan waxaa ku yaal dulmar kooban oo ku saabsan hadalladii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee la xiriiray Iiraan:

    • Trump ayaa ka digay in Mareykanka ay "caawa u badan tahay inuu mar kale si xooggan u weeraro Iiraan", kadib weerarro cusub oo dhacay habeenkii xalay.
    • Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in ujeeddada hawlgallada Mareykanka ee Iiraan ay tahay in la soo afjaro barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas, balse aysan ahayn in la beddelo maamulka talada haya.
    • Markii wax laga weydiiyay hadalkiisii hore ee ahaa in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan uu burburay, Trump si cad ugama jawaabin su'aasha ahayd in heshiis cusub la gaari karo. Wuxuu yiri:

    "Waxaan sameyn karnaa xitaa heshiis la'aan, waayo sidaas ayaa ka sahlan."

    • Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu dib u soo celin doono go'doomintii badda ee lagu hayay Iiraan, taas oo markii hore laga qaaday iyadoo qayb ka ahayd heshiiskii lagu soo afjaray dagaalka.
    • Sida uu qoray weriyaha Aqalka Cad ee Bernd Debusmann Jr., Caro ayaa si cad uga muuqatay Trump wuxuu muujinayay in laga yaabo inuu ka samri waayay Iiraan.
  2. War deg deg ah, Dhakhatar dad ku laayay daawooyin uu siiyay oo xukun lagu riday

    Maxkamad ku taalla Berlin ayaa dhakhtar Jarmal ah oo ku takhasusay daryeelka bukaannada xaaladaha adag ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii lagu helay inuu dilay 15 bukaan oo uu daweynayay.

    Dhakhtarka oo 41 jir ah, laguna aqoonsaday oo keliya magaca Johannes M, ayaa maxkamaddu ku tilmaantay inuu lahaa "rabitaan dil."

    Intii u dhexeysay 2021 iyo 2024, wuxuu 12 haween ah iyo 3 rag ah si qarsoodi ah ugu duray dawooyin dilaa ah oo isugu jiray kuwa murqaha dabciya iyo suuxdin, isagoo booqashooyin ugu tagayay guryahooda.

    Da'da dhibbanayaashu waxay u dhexeysay 25 ilaa 94 sano.

    Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu dhowr jeer dab qabadsiiyay guryaha dhibbanayaasha si uu u tirtiro raadadka dambiyada.

    Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in tobannaan dhimasho oo kale weli baaritaan lagu hayo.

    Maxkamadda dhexdeeda, dhakhtarku wuxuu qirtay 12 ka mid ah dilalka, isagoo sheegay inuu "naftiisa ka quustay."

  3. War deg deg ah, Trump oo ka farxiyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

    Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu u oggolaan doono Ukraine inay soo saarto gantaallada difaaca cirka ee Mareykanka ee Patriot, arrintaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

    Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan ay labada hoggaamiye ku yeesheen hareeraha shir madaxeedka NATO, halkaas oo Trump uu hadallo wanaagsan ka sheegay dadaalka dagaal ee Ukraine.

    Trump wuxuu sheegay in Kyiv ay si degdeg ah u soo saari karto gantaalladan, inkastoo uu xusay in shirkadda Mareykanka ee soo saarta Patriot aan weli arrintaas si rasmi ah loogu wargelin.

    Zelensky ayaa sheegay in gantaallada Patriot ay yihiin habka ugu waxtarka badan ee lagu soo ridi karo gantaallada ballistic-ga ee Ruushka.

    Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay Ruushku ay ku adkaatay difaaca hawadiisa, taasoo Washington ay rajaynayso inay horseedi doonto wadaxaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka.

  4. Trump oo Iiraan ku tilmaamay "Qashin" iyo xiisadda oo cirka isku sii shareeraysa

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Mareykanku uu caawa mar kale si adag u weerari doono Iiraan, isagoo sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta uu hadda dhammaaday. Isagoo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka socda Ankara, Trump wuxuu maamulka Iiraan ku tilmaamay "dad qashin ah", wuxuuna sheegay inuusan si toos ah ula macaamilayn doonin. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in wadaxaajoodayaashu ay sii wadi karaan wadahadallada ay la leeyihiin Tehraan.

    Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay in ka badan 4%, isagoo gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo laba toddobaad ah.

    Weerarro is-daba-joog ah ayaa dib u billowday fiidnimadii Talaadada, iyadoo Mareykanku sheegay inuu duqeeyay bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla Iiraan kadib markii ciidamada Iiraan ay weerareen maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz. Iiraanna waxay sheegtay inay qaaday weerarro aargoosi ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo hanti Mareykan leeyahay oo ku yaalla gobolka.

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha badaha ayaa cambaareysay weerarradaas, waxayna ugu baaqday shirkadaha maraakiibta inay si ku-meel-gaar ah u joojiyaan dhammaan socdaallada ay ku marayaan Marinka Hormuz.

  5. War deg deg ah, Walaaca laga muujinayo marista Marin-biyoodka Hormuz

    Madaxa Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo hoos taga Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay weerarradii lagu qaaday maraakiibta maraysay Marinka Hormuz labadii maalmood ee la soo dhaafay. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shirkadaha maraakiibta iyo hawl-wadeennada gaadiidka badda inaysan maraakiibtooda marin marin-biyoodkan muhiimka ah inta xaaladda amni laga sugayo.

    Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa yiri: “Weerarradan aan masuuliyadda lahayn waxay mar kale khatar weyn geliyeen nolosha badmaaxiinta aan waxba galabsan.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Ilaa laga xaqiijinayo badbaadada iyo amniga shaqaalaha maraakiibta, waxaan ugu baaqayaa dowladaha calanka maraakiibta laga leeyahay, milkiilayaasha maraakiibta, shirkadaha maamula maraakiibta iyo hay’adaha ay khusayso inay ka fogaadaan u dirista badmaaxiinta khataro aan loo baahnayn, isla markaana ay iska ilaaliyaan inay maraan Marinka Hormuz.”

    Kadib heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, waxaa si tartiib tartiib ah u kordhay dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan kuwa shidaalka qaada, ee mara Marinka Hormuz.

    Sida ay sheegtay shirkadda xogta iyo sirdoonka maraakiibta ee Lloyd’s List, 211 markab ayaa maray Marinka Hormuz toddobaadkii ku dhammaaday 5-tii Luulyo. Si kastaba ha ahaatee, tiradani weli aad ayay uga hooseysaa heerkii ka hor dagaalka, markaas oo celcelis ahaan ku dhowaad 138 markab ay maalin kasta mari jireen marin-biyoodkaas.

  6. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku dhawaaqay in heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan uu burburay

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan uu burburay, kadib markii labada dhinac ay dib u bilaabeen weerarro ay isweydaarsanayaan.

    Trump ayaa hadalkan sheegay isagoo la hadlayay weriyeyaasha intii uu ka qaybgalayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacay Ankara maanta.

    Wuxuu intaas ku daray inuusan doonayn inuu sii wado wada macaamilka Iiraan, isagoo ku tilmaamay wadaxaajoodyada lala yeesho dalkaas iinuu yahay "waqti lumis."

    Trump ayaa sidoo kale hadallo adag u jeediyay hoggaanka Iiraan, isagoo sheegay inuusan u arkin wax faa'iido ah oo ku jirta sii wadidda wada hadallada lala yeesho.

    Hadallada Trump ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo Iiraan ay is dhaafsadeen eedeymo la xiriira inay jebiyeen heshiis hore oo xabbad-joojin ah, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda u dhexeysa labada dal.

  7. War deg deg ah, Iiraan oo soo saartay hanjabaad culus iyo wax ka dhalan kara

    iraan ayaa uga digtay dalalka ku yaalla gobolka Badda Madow inaysan oggolaan dhulkooda ama qalabkooda milatari in loo adeegsado weerarro lagu qaado Iiraan. Waxay sheegtay in iskaashi kasta oo lala yeesho Mareykanka oo loo adeegsado weerar ka dhan ah Iiraan loo aqoonsan doono fal dambiyeed.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanku uu weeraray xarumo kormeer iyo sirdoon oo ku yaalla xeebaha koonfureed ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid jebinaysa heshiiska xabbad-joojinta.

    Iiraan waxay sidoo kale ku eedaysay Mareykanka inuu mas'uul ka yahay burburinta qaybo muhiim ah oo ka mid ah heshiiska, iyadoo sheegtay in weerarrada joogtada ah ee Israa'iil ku hayso Lubnaan iyo ku lug lahaanshaheeda marin-biyoodka Marinka Hormuz ay ka dhigayaan heshiiska mid aan waxtar lahayn.

    Ugu dambayn, Iiraan waxay ku hanjabtay in ciidamadeedu ay weerari doonaan dal ama dhul kasta oo u oggolaada in loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

  8. Baarlamaanka Faransiiska oo meel mariyaysharci muran badan dhaliyay

    Xildhibaannada Faransiiska ayaa ansixiyay hindise sharciyeed cudur daar siinaya saraakiisha booliiska ee ku lug yeesha toogashada, arrintaas oo dadka dhaliila ay ku tilmaameen “ruqsad wax lagu dili karo.”

    Hindise-sharciyedkan, oo muddo dheer ay dalbanayeen kooxaha midigta fog, wuxuu ka dhigan yahay in hadii sarkaal booliis ah oo qof ku dilo rasaas loo qaadan doono inuu ku dhku xad-gudbay sharciga, ilaa laga keeno caddayn muujinaysa wax ka duwan.

    Sharciga waxaa lagu ansixiyay 313 cod oo oggolaansho ah iyo 199 cod oo diidmo ah aqalka hoose ee baarlamaanka, fiidnimadii Talaadada.

    Dowladda ayaa taageertay sharcigan, hase yeeshee weli waxaa loo baahan yahay in cod loogu qaado aqalka sare ee baarlamaanka dalkaasi Fransiiska.

  9. Trump: Hoggaamiyeyaasha Iran waa “kansar” iyo “shar wadayaal”

    Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Turkiga, Donald Trump wuxuu ku tilmaamay nidaamka Iran inuu yahay “dad shar leh” wuxuuna maamulka Iran ku sheegay dad “waalan”.

    Wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka Mareykanka ee ah in Tehran aan loo oggolaan karin inay samaysato hub nukliyeer ah.

    Wuxuu soo hadal qaaday weerarradii lagu qaaday maraakiibta ku sugnaa marinka Hormuz Talaadadii, iyo sidoo kale weerarradii lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Kuwait iyo Baxrayn.

    “Dadkani waa dad shar wadayaal ah,” ayuu madaxweynaha Mareykanka sii raaciyay. “Waxay yihiin kansar, waadna ogtahay waxa laga yeelo kansarka — waa in goor hore la gooyaa kansarka.”, ayuu intaa raaciyay.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo sheegay in xabbad-joojintii Iran ay 'dhammaatay'."

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor la hadlay weriyaasha, isagoo kulan la yeeshay xoghaya guud ee NATO.

    Markii wax laga weydiiyay xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, Donald Trump wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa inay dhammaatay."

    Wuxuu wariyeyaasha u sheegay shirkii NATO: "Ma doonayo inaan mar dambe la macaamilo iyaga, waa dad aan wanaagsanayn."

    Wuxuu intaas ku daray: "Aniga aragtidayda, way dhammaatay. Waa waqti lumis in lala macaamilo iyaga, waa beenaalayaal."

    Trump wuxuu sheegay in wadaxaajoodyada labada dhinac ay "wada hadli karaan", laakiin ay "waqtigooda iska luminayaan."

    "Runahaanti, ma doonayo inaan waqtigayga ku lumiyo iyaga," ayuu intaa ku daray.

  11. War deg deg ah, Trump iyo Rutte oo hadda wada hadlaya

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte, ayaa hadda wariyeyaasha kula hadlaya shir-madaxeedka NATO ee Ankara.

    Trump wuxuu ammaanay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, oo uu dhinaciisa ka hadlayay, balse wuxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn isbahaysiga milatari ee NATO.

    Wuxuu sheegay in xulafada NATO aysan doonayn inay naga caawiyaan waddanka ugu weyn ee taageera argagixisada, kaas oo ah Iran.", ayuu yiri.

    Wixii ka soo kordha halkan kala socda.

  12. Shan arrimood oo gabadh kasta aysan u sheegi karin seygeeda xitaa haddii ay aad u jeceshahay

    Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.

    Maalmahan, si kastaba, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.

    Dabcan waa inaysan sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.

    Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aysan dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma caroodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shan arrimood oo aysan ahayn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda:

    Ha kala hadlin inta nin ee aad soo shukaansatay

    Waa inaadan seygaaga u sheegin amaba u faahfaahin inta nin ee ay sheeko kaala dhaxeysay kahor intaydaan is guursan.

    Haddii aad arrimahaas kala hadasho una faahfaahiso, isla markaana ay raggaas isaga ka horreeyay aad u badan yihiin, waxaa laga yaabaa inuu kuu qaato qof xun.

    Sidaas darteed, haddii uu ku weydiiyo inta rag ee aad la soo sheekeysatay, intaad qososho waxaad tiraahdaa: ''Aan iska deyno hadalka waxaas".

  13. War deg deg ah, Shiinaha oo war ka soo saaray weerarka

    Shiinaha ayaa Arbacada maanta ah dhaleeceeyay Maraykanka iyo Iiraan kaddib markii ay “dib u bilaabeen” dagaalka u dhexeeya labada dhinac.

    Shiinaha ayaa ku booriyay labada dhinac inay khilaafka ku xalliyaan waddo wada-hadal iyo diblomaasiyadeed.

    Qatar oo ah dhexdhexaadiyaha u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa war ka soo saaray goor dhow dagaalkan cusub.

    Waxay Qadar ku baaqday in la dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dal kadib weerarro ay labada dhinac is-weydaarsadeen.

    Laakiin shalay, kadib markii maraakiib shidaal lagu bartilmaameedsaday marinka Gacanka Hormuz, Qatar waxay eedda dusha ka saartay Iiraan, waxayna cambaareysay weerarka. Dhankeeda, Iiraan waxay dhaleeceysay mowqifka Qatar.

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saaka fuliyay weerar ka dhacay koonfurta Iiraan, isagoo sheegay in uu ahaa jawaab ka dhan ah weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaal ee Qatar iyo laba markab oo kale.

  14. War deg deg ah, Dhawaqa qarax oo laga maqlay Iiraan

    Warbaahinta Iiraan ayaa soo werisay in la maqlay dhawaqa qarax ka dhacay magaalada Bushehr ee Iraan iyo deegaannada ku xeeran magaaladaas.

    Kadib weerarkii Maraykanka ee ka dhashay jawaabta laga bixiyay weerarradii lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee marinka Hormuz, Iiraan ayaa duqeysay goobo uu Maraykanku ku leeyahay Kuweyt iyo Baxrayn, taas oo ay ku sheegtay hawlgal aargoosi ah.

    Hadda, Wakaaladda Wararka Mehr, oo soo xiganaysa ilo wareedyadeeda, ayaa tiri: “Dhawaqa qaraxyo ayaa laga maqlay Bushehr iyo deegaannada ku xeeran,” balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ama goobta saxda ah ee ay qaraxyadu ka dhaceen.

    Wakaaladda Wararka Mehr ayaa sidoo kale warbixintan ku beenisay, in weerar lagu qaaday jasiiradda Kharg ee muhiimka u ah Iiraan.

    Sidoo kale akhriso:

  15. Isbedel durbaba ku yimid qiimaha shidaalka adduunka

    Qiimaha shidaalka ayaa sare ugu kacay kadib weerarrada ay isdhaafsadeen Iiraan iyo Mareyknaka: foosto ka mid ah Brent crude oo ah qiimaha tixraaca caalamiga ah ee saliidda, ayaa kor u kacday in ka badan 3%, iyadoo gaartay $76 (£56.88).

    Qiimaha shidaalka ayaa dib ugu soo laabtay heerarkii uu joogay ka hor dagaalka, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo ay bishii hore ay kala saxiixdeen Maraykanka iyo Iiraan.

    Laakiin weerarradan cusub waxay dib u soo celinayaan walaaca ku saabsan socodka maraakiibta ee marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo ay maraan ku dhowaad shan meelood meel (1/5) dhammaan maraakiibta shidaalka adduunka.

    Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

    Sidoo kale akhriso:

  16. Kuweyt oo ku biirtay Qadar iyo Sacuudiga oo cambaareyay weerarrada Iiraan

    Dowladaha Khaliijka ayaa ka falcelinaya weerarrada ay Iiraan geysatay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa saaka cambaareysay wax ay ku tilmaantay “gardarrada foosha xun ee Iiraan ee soo noqnoqotay.”

    Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in “gardarradan aan gabashada lahayn” ay wiiqayaan dadaallada lagu doonayo in xiisadda lagu yareeyo, isla markaana weerarradu dhacayaan “xilli ay socdaan dadaallo heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuweyt, ayaa sheegtay in dalkaasi uu xaq u leeyahay inuu qaado “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si uu u ilaashado ammaankiisa.

    Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed Al Ansari, ayaa sheegay in Qatar ay Iiraan “si buuxda mas’uul uga dhigeyso” weerar la sheegay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday markab lagu magacaabo Al-Rekayyat, kaas oo marayay meel u dhow marin-biyoodka Hormuz Talaadadii.

    Sidoo kale, qoraal gar ah oo lagu daabacay baraha bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Iiraan ay bartilmaameedsatay markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Wadyan xilli uu marayay marinkaasi.

    Sidoo kale akhriso:

  17. Gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ee ay Iiraan heysato

    Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii.

    Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe?

    Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido.

    Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada.

    Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli.

    Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka.

    Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

    Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv.

    Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale.

  18. Iiraan oo hanjabaad soo saartay

    Saacado yar kadib markii Maraykanka iyo Iiraan ay is-weydaarsadeen weerarro, Mohammad Bagher Qalibaf, oo hoggaaminayay kooxda wadaxaajoodka ee Iiraan, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta bulshada ee X ku yiri: "Annagu ma nihin kuwo dib u gurta ama laabta."

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, isagoo taxaya dhacdooyinka lagu eedeeyay inay ahaayeen jebinta xabbad-joojinta, ayaa farriin u diray Maraykanka .

    Qaalibaaf ayaa sheegay in qodobbadan ay yihiin jebinta is-afgaradkii 14-ka qodob ahaa ee dhex maray Iiraan iyo Maraykanka:

    • Ku xadgudubka heshiisyadii la xiriiray Marinka Hormuz.
    • Hanjabaadaha joogtada ah ee ku saabsan weerarro militari oo dheeraad ah.
    • Weerarrada lagu qaaday gobollada koonfureed ee Iiraan.
    • Dib u soo celinta cunaqabataynta lagu soo rogay saliidda Iiraan.
    • Sii socoshada gardarrada iyo weerarrada Israa’iil ay ka waddo Lubnaan.

    Daqiiqado yar kahor, Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka ayaa sheegtay, in weerarradan ay jawaab u ahaayeen “duullaanka cadowga Maraykanka ee ka dhanka ah goobaha militari iyo rayid ee koonfurta dalka iyo jebinta qodobbada Qodobka 14-aad ee Heshiiska Is-afgaradka ah.”

    Sidoo kale akhriso:

  19. War deg deg ah, Iiraan oo weerartay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Baxrayn

    Iiraan oo weerartay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Baxrayn.

    Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka ayaa sheegtay, in weerarradan ay jawaab u ahaayeen “duullaanka cadowga Maraykanka ee ka dhanka ah goobaha militari iyo rayid ee koonfurta dalka iyo jebinta qodobbada Qodobka 14-aad ee Heshiiska Is-afgaradka ah.”

    Bayaan ay soo saareen ciidanka Iran, ayay ku sheegeen in weerarradan ay u adeegsadeen “diyaarado aan duuliye lahayn” kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday “goobaha ay ku urursan yihiin ciidamada Maraykanka ee cadowga ah” ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise.

    Ciidanka Iran, iyagoo ka digaya “cawaaqibka ka dhalan kara jebinta xabbad-joojinta,” ayaa sheegay in “dhammaan saldhigyada Maraykanka ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah oo lagu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidanka.”

    Weeraradan militari ee Iran ayaa yimid saacado kadib markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ay ku dhawaaqeen, in ay weerareen 85 bartilmaameed militari oo xiriir la leh Maraykanka oo ku yaalla Baxrayn iyo Kuwait, iyagoo sheegay in ay tani jawaab u ahayd weerarro Maraykanku ku qaaday tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla koonfurta Iran.

  20. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay Baxrayn

    Ilaha warbaahinta ayaa ku soo warramaya in kadib markii seeriga laga maqlay Baxrayn, mar kale la maqlay qaraxyo dhowr ah.

    Wariye ka howlgala warbaahinta AFP oo jooga Baxrayn, ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay waqooyiga dalka.”

    Kani waa wareegii labaad ee weerarrada Iran ay ku qaadayso Baxrayn, kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka, CENTCOM, uu saacadihii la soo dhaafay weeraray tobannaan magaalo oo ku yaalla koonfurta Iran.

    Ciidanka Iran ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay bartilmaameedsadeen “saldhigga Sheekh Ciise” ee Baxrayn.