Intii lagu
guda jiray aaska Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga
ah, oo lagu qabtay magaalada Najaf, waxaa xafladda ka qayb galay tiro ka mid ah
hoggaamiyeyaasha Shiicada.
Muqtada
al-Sadr, oo ah hoggaamiye Shiico ah oo caan iyo saameyn ku leh Ciraaq, ayaa ka
mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo qaybgalay xafladda aaska hoggaamiyihii hore ee
Iiraan, taas oo warbaahintu si weyn uga hadashay.
Munaasabadda
aaska ayuu ka qeyb galay inkasta oo sannadihii u dambeeyay uu Sadr uu marar
badan qaatay mowqifyo ka duwan kuwa dowladda Iiraan.
Inkasta oo
uu khilaaf kala dhexeeyo Iiraan iyo kooxaha ay xulafada yihiin ee Ciraaq,
hoggaamiyahan Shiicada ah ee saamaynta weyn ku leh Ciraaq ayaa
taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu yimaadaan Fagaaraha Tahrir ee Baqdaad,
si ay u muujiyaan taageero ay u hayaan Iiraan, isla markaana ay uga soo
horjeestaan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan dalkaas.
Cammar
Xakiim, hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xikmadda Qaranka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale
ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Shiicada ee ka qayb galay aaska Cali Khamenei ee
Najaf.
Markii
Maraykanku qaaday duulaankii ay ku rideen Saddaam Xuseen 2003-dii, Ciraaq waxa
ka bilaabmay fawdo dhiig ku daatay oo ilaa maantadan socoda. Dunida dad aad u
tiro yar ayaa yaqaanay wadaadka da'da yar ee aan aqoonta badan lahayn ee
Shiicada ah ee la yidhaa Muqtada Al-Sadr.
Ku dhawaad
17 sano oo dhibaato taagnayd ka dib na, malaha waa qofka ugu caansan Ciraaq run
ahaantiina ugu awoodda badan, waxaana isla markiiba lagu garan karaa wajigiisa
cadhadu ka muuqato iyo dareenkiisa aan la fahmi karin.
Maro ku
dheg, hadallo kulul eraydaa iyo qaar kale ayaa lagu tilmaami karaan ninkan oo
falalkiisa iyo mawqifyadiisuba ay mararka qaar dadka ka yaabiyaan oo is
buriyaan.
Waxaad sidoo kale ahrisan kartaa: