TOOS, Trump oo sheegay in xabad joojintii "ay dhamaatay" kadib markii Mareykanka iyo Iiraan ay isdhaafsadeen weerarro
Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Turkiga, Donald Trump wuxuu ku tilmaamay nidaamka Iran inuu yahay “dad shar leh” wuxuuna maamulka Iran ku sheegay dad “waalan”.
Madaxweyne
Donald Trump oo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Turkiga, Donald
Trump wuxuu ku tilmaamay nidaamka Iran inuu yahay “dad shar leh” wuxuuna
maamulka Iran ku sheegay dad “waalan”.
Wuxuu mar
kale ku celiyay mowqifka Mareykanka ee ah in Tehran aan loo oggolaan karin inay
samaysato hub nukliyeer ah.
Wuxuu soo
hadal qaaday weerarradii lagu qaaday maraakiibta ku sugnaa marinka Hormuz
Talaadadii, iyo sidoo kale weerarradii lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla
Kuwait iyo Baxrayn.
“Dadkani waa
dad shar wadayaal ah,” ayuu madaxweynaha Mareykanka sii raaciyay. “Waxay yihiin
kansar, waadna ogtahay waxa laga yeelo kansarka — waa in goor hore la gooyaa
kansarka.”, ayuu intaa raaciyay.
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo sheegay in xabbad-joojintii Iran ay 'dhammaatay'."
Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor la hadlay weriyaasha,
isagoo kulan la yeeshay xoghaya guud ee NATO.
Markii wax laga weydiiyay xabbad-joojinta u dhexeysa
Mareykanka iyo Iran, Donald Trump wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa inay
dhammaatay."
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay shirkii NATO: "Ma
doonayo inaan mar dambe la macaamilo iyaga, waa dad aan wanaagsanayn."
Wuxuu intaas ku daray: "Aniga aragtidayda, way
dhammaatay. Waa waqti lumis in lala macaamilo iyaga, waa beenaalayaal."
Trump wuxuu sheegay in wadaxaajoodyada labada dhinac ay "wada
hadli karaan", laakiin ay "waqtigooda iska luminayaan."
"Runahaanti, ma doonayo inaan waqtigayga ku lumiyo iyaga," ayuu intaa ku daray.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte, ayaa hadda wariyeyaasha kula hadlaya shir-madaxeedka NATO ee Ankara.
Trump wuxuu ammaanay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, oo uu dhinaciisa ka hadlayay, balse wuxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn isbahaysiga milatari ee NATO.
Wuxuu sheegay in xulafada NATO aysan doonayn inay naga caawiyaan waddanka ugu weyn ee taageera argagixisada, kaas oo ah Iran.", ayuu yiri.
Wixii ka soo kordha halkan kala socda.
Shan arrimood oo gabadh kasta aysan u sheegi karin seygeeda xitaa haddii ay aad u jeceshahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.
Maalmahan, si kastaba, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.
Dabcan waa inaysan sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.
Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aysan dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma caroodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shan arrimood oo aysan ahayn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda:
Ha kala hadlin inta nin ee aad soo shukaansatay
Waa inaadan seygaaga u sheegin amaba u faahfaahin inta nin ee ay sheeko kaala dhaxeysay kahor intaydaan is guursan.
Haddii aad arrimahaas kala hadasho una faahfaahiso, isla markaana ay raggaas isaga ka horreeyay aad u badan yihiin, waxaa laga yaabaa inuu kuu qaato qof xun.
Sidaas darteed, haddii uu ku weydiiyo inta rag ee aad la soo sheekeysatay, intaad qososho waxaad tiraahdaa: ''Aan iska deyno hadalka waxaas".
Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saaka fuliyay weerar ka dhacay koonfurta Iiraan, isagoo sheegay in uu ahaa jawaab ka dhan ah weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaal ee Qatar iyo laba markab oo kale.
War deg deg ah, Dhawaqa qarax oo laga maqlay Iiraan
Warbaahinta
Iiraan ayaa soo werisay in la maqlay dhawaqa qarax ka dhacay magaalada Bushehr
ee Iraan iyo deegaannada ku xeeran magaaladaas.
Kadib
weerarkii Maraykanka ee ka dhashay jawaabta laga bixiyay weerarradii lagu
qaaday maraakiibta shidaalka ee marinka Hormuz, Iiraan ayaa duqeysay goobo uu
Maraykanku ku leeyahay Kuweyt iyo Baxrayn, taas oo ay ku sheegtay hawlgal
aargoosi ah.
Hadda,
Wakaaladda Wararka Mehr, oo soo xiganaysa ilo wareedyadeeda, ayaa tiri:
“Dhawaqa qaraxyo ayaa laga maqlay Bushehr iyo deegaannada ku xeeran,” balse ma
aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ama goobta saxda ah ee
ay qaraxyadu ka dhaceen.
Wakaaladda
Wararka Mehr ayaa sidoo kale warbixintan ku beenisay, in weerar lagu qaaday
jasiiradda Kharg ee muhiimka u ah Iiraan.
Isbedel durbaba ku yimid qiimaha shidaalka adduunka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Qiimaha shidaalka ayaa sare ugu kacay kadib weerarrada ay isdhaafsadeen Iiraan iyo Mareyknaka: foosto ka mid ah Brent crude oo ah qiimaha tixraaca caalamiga ah ee saliidda, ayaa kor u kacday in ka badan 3%, iyadoo gaartay $76 (£56.88).
Qiimaha shidaalka ayaa dib ugu soo laabtay heerarkii uu joogay ka hor dagaalka, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo ay bishii hore ay kala saxiixdeen Maraykanka iyo Iiraan.
Laakiin weerarradan cusub waxay dib u soo celinayaan walaaca ku saabsan socodka maraakiibta ee marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo ay maraan ku dhowaad shan meelood meel (1/5) dhammaan maraakiibta shidaalka adduunka.
Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.
Kuweyt oo ku biirtay Qadar iyo Sacuudiga oo cambaareyay weerarrada Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Dowladaha
Khaliijka ayaa ka falcelinaya weerarrada ay Iiraan geysatay.
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa saaka cambaareysay wax ay ku tilmaantay “gardarrada
foosha xun ee Iiraan ee soo noqnoqotay.”
Bayaan ay
soo saartay ayay ku sheegtay in “gardarradan aan gabashada lahayn” ay wiiqayaan
dadaallada lagu doonayo in xiisadda lagu yareeyo, isla markaana weerarradu
dhacayaan “xilli ay socdaan dadaallo heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu
doonayo in xaaladda lagu dejiyo.”
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Kuweyt, ayaa sheegtay in dalkaasi uu xaq u leeyahay inuu
qaado “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si uu u ilaashado
ammaankiisa.
Dhanka kale,
afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed Al Ansari, ayaa sheegay
in Qatar ay Iiraan “si buuxda mas’uul uga dhigeyso” weerar la sheegay in si
gaar ah loogu bartilmaameedsaday markab lagu magacaabo Al-Rekayyat, kaas oo
marayay meel u dhow marin-biyoodka Hormuz Talaadadii.
Sidoo kale,
qoraal gar ah oo lagu daabacay baraha bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Iiraan ay bartilmaameedsatay markabka
shidaalka ee Sacuudiga ee Wadyan xilli uu marayay marinkaasi.
Gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ee ay Iiraan heysato
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii.
Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe?
Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido.
Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada.
Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli.
Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka.
Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.
Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv.
Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale.
Saacado yar
kadib markii Maraykanka iyo Iiraan ay is-weydaarsadeen weerarro, Mohammad
Bagher Qalibaf, oo hoggaaminayay kooxda wadaxaajoodka ee Iiraan, ayaa qoraal uu
ku baahiyay barta bulshada ee X ku yiri: "Annagu ma nihin kuwo dib u gurta
ama laabta."
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Iiraan, isagoo taxaya dhacdooyinka lagu eedeeyay inay ahaayeen
jebinta xabbad-joojinta, ayaa farriin u diray Maraykanka .
Qaalibaaf ayaa
sheegay in qodobbadan ay yihiin jebinta is-afgaradkii 14-ka qodob ahaa ee dhex
maray Iiraan iyo Maraykanka:
Ku xadgudubka heshiisyadii la
xiriiray Marinka Hormuz.
Hanjabaadaha joogtada ah ee ku
saabsan weerarro militari oo dheeraad ah.
Weerarrada lagu qaaday gobollada
koonfureed ee Iiraan.
Dib u soo celinta cunaqabataynta
lagu soo rogay saliidda Iiraan.
Sii socoshada gardarrada iyo
weerarrada Israa’iil ay ka waddo Lubnaan.
Daqiiqado yar kahor, Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.
Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka ayaa sheegtay, in weerarradan ay jawaab u ahaayeen “duullaanka cadowga Maraykanka ee ka dhanka ah goobaha militari iyo rayid ee koonfurta dalka iyo jebinta qodobbada Qodobka 14-aad ee Heshiiska Is-afgaradka ah.”
War deg deg ah, Iiraan oo weerartay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Baxrayn
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, .
Iiraan oo weerartay saldhigga ciidamada Mareykanka ee
Baxrayn.
Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.
Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka ayaa sheegtay, in
weerarradan ay jawaab u ahaayeen “duullaanka cadowga Maraykanka ee ka dhanka ah
goobaha militari iyo rayid ee koonfurta dalka iyo jebinta qodobbada Qodobka
14-aad ee Heshiiska Is-afgaradka ah.”
Bayaan ay soo saareen ciidanka Iran, ayay ku sheegeen in
weerarradan ay u adeegsadeen “diyaarado aan duuliye lahayn” kuwaas oo lagu
bartilmaameedsaday “goobaha ay ku urursan yihiin ciidamada Maraykanka ee
cadowga ah” ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise.
Ciidanka Iran, iyagoo ka digaya “cawaaqibka ka dhalan
kara jebinta xabbad-joojinta,” ayaa sheegay in “dhammaan saldhigyada Maraykanka
ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah oo lagu adeegsanayo
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidanka.”
Weeraradan militari ee Iran ayaa yimid saacado kadib
markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ay ku dhawaaqeen, in ay weerareen 85
bartilmaameed militari oo xiriir la leh Maraykanka oo ku yaalla Baxrayn iyo
Kuwait, iyagoo sheegay in ay tani jawaab u ahayd weerarro Maraykanku ku qaaday
tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla koonfurta Iran.
War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay Baxrayn
Ilaha warbaahinta ayaa ku soo warramaya in kadib markii seeriga
laga maqlay Baxrayn, mar kale la maqlay qaraxyo dhowr ah.
Wariye ka howlgala warbaahinta AFP oo jooga Baxrayn, ayaa
sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay waqooyiga dalka.”
Kani waa wareegii labaad ee weerarrada Iran ay ku
qaadayso Baxrayn, kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka, CENTCOM,
uu saacadihii la soo dhaafay weeraray tobannaan magaalo oo ku yaalla koonfurta
Iran.
Ciidanka Iran ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay
bartilmaameedsadeen “saldhigga Sheekh Ciise” ee Baxrayn.
War deg deg ah, Wadaadka keniga adag ee reer Ciraaq oo ka qeyb galay aaska Khamanei
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, .
Intii lagu
guda jiray aaska Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga
ah, oo lagu qabtay magaalada Najaf, waxaa xafladda ka qayb galay tiro ka mid ah
hoggaamiyeyaasha Shiicada.
Muqtada
al-Sadr, oo ah hoggaamiye Shiico ah oo caan iyo saameyn ku leh Ciraaq, ayaa ka
mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo qaybgalay xafladda aaska hoggaamiyihii hore ee
Iiraan, taas oo warbaahintu si weyn uga hadashay.
Munaasabadda
aaska ayuu ka qeyb galay inkasta oo sannadihii u dambeeyay uu Sadr uu marar
badan qaatay mowqifyo ka duwan kuwa dowladda Iiraan.
Inkasta oo
uu khilaaf kala dhexeeyo Iiraan iyo kooxaha ay xulafada yihiin ee Ciraaq,
hoggaamiyahan Shiicada ah ee saamaynta weyn ku leh Ciraaq ayaa
taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu yimaadaan Fagaaraha Tahrir ee Baqdaad,
si ay u muujiyaan taageero ay u hayaan Iiraan, isla markaana ay uga soo
horjeestaan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan dalkaas.
Cammar
Xakiim, hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xikmadda Qaranka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale
ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Shiicada ee ka qayb galay aaska Cali Khamenei ee
Najaf.
Markii
Maraykanku qaaday duulaankii ay ku rideen Saddaam Xuseen 2003-dii, Ciraaq waxa
ka bilaabmay fawdo dhiig ku daatay oo ilaa maantadan socoda. Dunida dad aad u
tiro yar ayaa yaqaanay wadaadka da'da yar ee aan aqoonta badan lahayn ee
Shiicada ah ee la yidhaa Muqtada Al-Sadr.
Ku dhawaad
17 sano oo dhibaato taagnayd ka dib na, malaha waa qofka ugu caansan Ciraaq run
ahaantiina ugu awoodda badan, waxaana isla markiiba lagu garan karaa wajigiisa
cadhadu ka muuqato iyo dareenkiisa aan la fahmi karin.
Maro ku
dheg, hadallo kulul eraydaa iyo qaar kale ayaa lagu tilmaami karaan ninkan oo
falalkiisa iyo mawqifyadiisuba ay mararka qaar dadka ka yaabiyaan oo is
buriyaan.
Uma muuqato cadowga. Markii diyaarad F-35 ah ay ka qeyb galeyso tababar, waxay mar walba iska caabisaa diyaaradaha cadowga ku ah iyadoo ku dhaafeysa 20 iyo 1.
Isla sidoo kale ayay sameyn doontaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka iyo Shiinaha, sababtoo ah waxaa loo sameeyay inay dhuuqdo amaba iska celiso tamarta raadaarka, sidaas darteed wadayaasha diyaaradaha cadowga ma arki karaa kahor inta aysan weerar ku qaadin.
Wey ka weyn tahay keliya diyaarad dagaal. F-35 ma aha keliya diyaarad dagaal balse sidoo kale waa mid muddo jiri karta.
Shaqooyinkeeda, waxaa ka mid ah inay awood u leedahay inay nadiifiso hawada diyaaradaha cadowga ee qalqalka gelin kara ciidamada Maryekanka.
Xog-ururinteeda
Balse taasi waa uun billow. Hannaanka xog-uruurinta ee F-35 ayaa xogta sirdoonka ka uruurin karta una qeybin karta meelo kala duwan.
Awoodda ay u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka.
Waxaa sii dheer wwoodda ay u leedahay in wadayaashu ay ku dejin karaan meel walba iyo qaab walba iyadoo awoodda inay qaaddo hubka nukliyeerka. mACLUUMAAD DHEERI AH SII AKHRISO
War deg deg ah, Ruushka oo sii wada duqaymaha Ukraine
Caasimadda Ukraine, ee Kyiv, ayaa mar kale la
kulantay weerar gantaallo oo Ruushku qaaday. Qaraxyo isdaba joog ah ayaa la
maqlay aroortii Arbacada.
Weerarka ayaa dhacay xilli hoggaamiyeyaasha NATO ay
ku kulmayeen Turkiga.
Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay duqaymaha ay dhaliyeen dab ka kacay labo degmo, iyada oo korontadu ay ka go'day qaybo kamid ah magaalada.
War deg deg ah, Macluumaad khaldan oo loo adeegsan jiray ammaanta hoggaamiyahan milatariga ah
Qiic kasoo baxaya dhismo sida Beyoncé, kuna labisan dhar milatari, oo ay fuulayso baabuur gaashaaman. Kabtan Ibrahim Traoré, hogaamiyaha militariga Burkina Faso, ayaa sidoo kale ku jira muusikada muuqaalka, isaga oo xabad ridaya. "Ilaahay ha ku xafido Ibrahim Traoré dagaalka aad u galayso dadka, jebinta silsiladaha boqortooyada" ayaa ereyada heesta ka mid ah.
Laakiin ma aha Beyoncé ama Ibrahim Traoré. Fiidiyowgu waa mid qoto dheer, nooc nuxurkiisa si xariifnimo leh loogu farsameeyay si uu ugu ekaado mid dhab ah.
Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.
War deg deg ah, Sidee shaqada habeenkii u saamaysaa caafimaadka maskaxda?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waqtiga habeenkii dad badan ayaa isu diyaarinaya inay seexdaan, shaqo cusub ayaa u bilaabata kuwa kale, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, saxafiyiin, shaqaalaha garoonka diyaaradaha, shaqaalaha warshadaha, shaqaalaha amniga, iyo kuwa kale oo ku shaqeeya xilliyada isbedelka shaqada.
Qaar naga mid ah ayaa laga yaabaa inay isku arkaan ku khasbidda nafta inay shaqeeyaan waqtiyo kala duwan sababta oo ah dabeecadda shaqadeena. Natiijo ahaan, waxaa laga yaabaa inaan uga nugulnaano kuwa kale tiro dhibaatooyin caafimaad, nafsi, iyo mid maskaxeed, iyo sidoo kale dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed, qoyskeena, iyo nolosha bulshada sababtoo ah jadwalka shaqada ee kala duwan.
Tan iyo Kacaankii Warshadaha, qaybaha wax-soo-saarka iyo adeegyada waxay isticmaali jireen kala beddelka wakhtiyada shaqada si ay u kordhiyaan wax-soo-saarka iyo faa'iidada. Kahor 1990-meeyadii, wax yar ayaa laga ogaa saameynta wakhti wareejinta shaqada uu ku leeyahay caafimaadka shaqaalaha.
War deg deg ah, Switzerland oo kaga adkaatay Colombia rigorayaal, wareega 8-da waxaa ku sugaysa Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Xulka Kubbada cagta Switzerland ayaa u gudbay wareega 8-da koox ee koobka adduunka, kadib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen ciyaar ka tirsanayd wareega 16-ka koox xulka dalka Colombia.
Waxaa ay isaga hor imaan doonaan wareega 8-da koox ee koobka adduunka xulka uu hoggaaminayo Messi ee Argentina.
War deg deg ah, Mareykanka oo duqeeyay Iran kadib Maraakiib lagu weeraray Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay
Talaadadii in weerar ‘’xooggan’’ lagu bartilmaameedsaday Iiraan, kadib markii
la weeraray maraakiib ganacsi oo gooshayay marinka Hormuz.
Sida ay sheegtay hay’adda howlgalada ganaci ee badda ee UK (UKMTO),
maraakiibta ayaa waxyeello soo gaartay muddo 24 saacadood gudahood Isniintii
iyo Talaadadii, balse wax dhaawac ah lama soo warin. Iran weli ma sheegan mas’uuliyad
weerarradaas.
Saraakiil Mareykan ah ayaa horay u sheegay in Iran ay wajihi
doonto cawaaqib adag, iyagoo ku tilmaamay weerarrada “kuwa gebi ahaanba aan la
aqbali karin.”
War deg deg ah, Maraykanka oo talaabo qaaday kadib weerar ka dhacay Marinka Hormuz
Waaxda Maaliyada Maraykanka ayaa baabi’isay laysankii sida kumeel gaarka uga qaadayay cunaqabataynada shidaalka Iiraan. Waxa ay daba socotay weeraro lagu qaaday saddex maraakiibta shidaalka qaada ee marinka Hormuz taasi oo lagu eedeeyay Iiraan.
Sarkaal maaliyadeed ayaa talaabada ku tilmaamay ‘’mid aan la aqbali karin’’ ayna tahay inay ka dhalato ‘’cawaaqib’’, inkasta oo aan si gaar ah loo cayimin wax ba ka baxsan laalitaanka.
Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka mid kamid ah maraakiibteeda lagu qaaday, sidaas oo kale Qadar Markab ay leedahay oo qaada Gaaska ay dab ka kacay kadib markii lala eegtay diyaarad drone ah.
Iiraan weli kama falcelin laysanka Maraykanku la laabtay ( Waxaa horay la isugu waafaqay dib ugu furitaanka marinka Hormuz ee Maraakiibta ganacsi taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadeed ee bishii aynu soo dhaafnay ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan.)