TOOS, Iiraan oo sheegtay inay dooneyso wadahadal balse ay sidoo kale diyaar u tahay dagaal
Mas'uulka Iiraan ku hogaaminaya wadahadallada, , Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa wareysi uu siiyay telefishanka qaranka dalkaasi ku sheegay, in Tehran ay sii wadi doonto inay is-difaacdo hadii wadahadallada Mareykanka ay guul dareystaan.
War deg deg ah, Degdeg: Weerar lagu qaaday qaybo ka mid ah dalka Ciraaq
Xigashada Sawirka, AFP
Warbaahinta xiriirka la leh Iiraan
ayaa baahisay warar sheegaya in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu
weeraray deegaanno ku yaalla magaalada Erbil ee dalka Ciraaq.
Muuqaallo ay warbaahintan
daabaceen ayaa muujinaya qaraxyo iyo dab ka kacaya goobo ay sheegeen in lagu
weeraray xarumaha kooxaha Kurdiyiinta, oo ay ku jirto Xisbiga Xorriyadda
Kurdistan.
Warbaahinta Kurdiyiinta weli kama
aysan hadlin warkan. Hase yeeshee, waxaa la sheegay in weerarku lagu beegsaday
xarunta Xisbiga Azadi, waxaana xisbigu uu sidoo kale soo saaray bayaan ku
saabsan dhacdada.
Ganacsade lagu eedeyay dilka wariye caan ahayd oo maxkamad la soo taagay
Jasiiradda Malta waxaa ka billowday dacwadda ganacsade lagu
tuhunsan yahay inuu amray isla markaana bixiyay lacagtii lagu dilay wariyihii
caanka aheyd ee baaritaannada sameyn jiray, Daphne Caruana Galizia, ku dhowaad
sagaal sano ka hor.
Ganacsadaha Yorgen Fenech ayaa iska fogeeyay eedeymaha,
isagoo maxkamadda ka hor sheegay inuusan wax dambi ah gelin.
Waxaa la xiray sannadkii 2019, isagoo saarnaa doon nooca ka
sii baxaysay Malta.Daphne Caruana Galizia ayaa lagu dilay qarax lagu xiray
gaari, kaas oo ka dhacay meel u dhow gurigeeda.
Shan qof ayaa hadda ku xiran xabsi, kadib markii lagu
helay dambiyada la xiriira bixinta walxihii qaraxa ahaa ama fulinta dilka.
War deg deg ah, Trump oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan wadahadallada Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, ayaa Arbacadii maanta sheegay in arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan Iiraan,
isla markaana kulamadii dhowaan ka dhacay Qadar ay sidoo kale u dhaceen si
wanaagsan.
“Geeddi-socodka lagu baabi’inayo
barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan si wanaagsan ayuu u socdaa. Waxay yeesheen
kulamo aad u wanaagsan,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha ka hor intii uusan u
ambabixin gobolka North Dakota.
Iiraan ayaa marar badan ku
adkaysatay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.
Donald Trump ayaa sidoo kale yiri:
“Waxaan saarnay cadaadis aad u
xooggan... laakiin si wanaagsan ayaan isu fahamsanahay.”
Maanta waxaa magaalada Doha ka dhacay
wada-hadallo farsamo oo dadban oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, kuwaas oo
ay dhexdhexaadinayaan Qadar iyo Pakistan.
War deg deg ah, Degdeg: Diyaarad Mareykanku leeyahay ku dhacday badda Carabta iyo faahfaahin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Mareykanka ayaa ku
dhawaaqay in hal askari oo Mareykan ah la la’yahay, halka saddex kale ay
dhaawacmeen, kadib markii diyaarad qumaatiga u kacda oo nooca MH-60S Seahawk ay
si degdeg ah ugu degtay Badda Carabta maalintii Arbacada.
Ciidanka Badda Mareykanka ayaa
sheegay in aysan jirin wax muujinaya in shilkan uu ka dhashay weerar lagu
qaaday.
Bayaan ay soo saareen ayay ku
sheegeen:
“Cutubyo ka tirsan ciidanka badda
ee ku sugan aagga ayaa wada baadi-goobka shaqaalihii diyaaradda, waxaana socda
baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilka.”
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu
sheegay in diyaaraddan qumaatiga u kacda loo diray gobolka iyadoo la socota
markabka dagaalka ee diyaaradaha xambaara ee USS George H.W. Bush.
Khubarada ayaa sheegaya in ku
dejinta diyaarad qumaatiga u kacda biyaha ay tahay arrin khatar badan, xitaa
duuliyeyaasha khibradda leh, waxaana ay ka dhigaysa inay si fudud ugu weecato
dhibaato halis marka ay biyaha ku degaan.
War deg deg ah, Maamulka Trump oo Soomaaliya uga hadlay sidii looga bartay si ka duwan
Qoraal ka soo baxay Xoghayaha
Arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lagu yiri: “Anigoo ku hadlaya
magaca Dowladda Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo Dowladda
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Maalinta Qaranka,”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:
“Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed halgankooda ka
dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa, iyo dadaalladooda ay ku dhisayaan
mustaqbal barwaaqo badan,”.
Dowladda Mareykanka waxey intaas
ku dartay,” Munaasabaddan sannad-guurada ah, waxaan rajeynayaa sannadka soo
socda in si wadajir ah uga wada shaqeyno horumarinta nabadda”.
Hadalkaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga duwan wararkii looga bartay maamulka Trump ee ahaa inuu Soomaaliya ku tilmaamo meel aysan dowlad iyo adeegyada dowliga ah aaney ka jirin.
Shiinaha oo Mareykanka iyo Iiraan farriin u diray
Shiinaha ayaa maanta ku baaqay in si degdeg ah loo qaado
cunaqabateynta halka dhinac ah ee lagu soo rogay Iiraan.
Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Mareykanka iyo Iiraan
inay hirgeliyaan heshiiska is-afgaradka ee ay hore u kala saxiixdeen, si loo
hormariyo wada-hadallada loogana gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran.
Sida ay qortay AFP, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
ee Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa shirkiisii jaraa’id ee maalinlaha ahaa ku sheegay
in mowqifka joogtada ah ee Shiinaha uu yahay in cunaqabateynta hal dhinac ah ee
lagu soo rogay Iiraan sida ugu dhaqsaha badan loo qaado.
Wuxuu yiri:
“Waxaan rajaynaynaa in Mareykanka iyo Iiraan ay
hirgeliyaan heshiiska is-afgaradka ee ay hore u saxiixeen, isla markaana ay
dardargeliyaan wada-hadallada si sida ugu dhaqsaha badan loo gaaro xal
siyaasadeed oo dhammaystiran.”
Shiinaha ayaa marar badan ku adkeystay in wada-hadalka iyo
diblomaasiyaddu ay yihiin waddada keliya ee wax ku oolka ah ee lagu xallin karo
arrinta Iiraan. Waxa kale oo uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay gacan ka
geystaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyagoo sii wada geeddi-socodka
wada-xaajoodka.
War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo ku hanjabtay in ay dilayso hoggaamiyaha sare ee Iiraan iyo Iiraan oo ka jawaabtay
Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency
Ergeyga joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay
ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha
Golaha Ammaanka ku cambaareeyay hanjabaad ay Israa’iil si fagaare ah ugu
jeedisay hoggaanka Iiraan.
Warqaddaas, ergeyga Iiraan Amir Saeed Iravani ayaa ku
tilmaamay hanjabaadda uu Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, u jeediyay Mojtaba
Khamenei inay tahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa argagixiso dowladeed iyo
xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay.”
Mr. Iravani ayaa warqaddiisa ku qoray in hadalka Mr. Katz
ee ahaa in Mojtaba Khamenei uu yahay “bartilmaameed la doonayo in la dilo” uu
qayb ka yahay, sida uu sheegay, “siyaasadda nidaamsan ee Israa’iil ee lagu
beegsanayo laguna khaarijinayo mas’uuliyiinta sare ee Iiraan.” Wuxuu intaas ku
daray in aamusnaanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Israa’iil ku
dhiirrigelisay inay sii waddo waxa uu ku tilmaamay dembiyadeeda.
Horey, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas
Caraqji, oo ka jawaabayay hadallada Wasiirka Difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in
hanjabaad kasta oo loo geysto shacabka iyo hoggaanka Iiraan ay la kulmi doonto “jawaab
degdeg ah oo adag.”
Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Mareykanka uu ballan
qaaday inuu xakameyn doono Israa’iil, isla markaana haddii Israa’iil ay ka
baxdo qaabkaas, Iiraan ay ka jawaabi doonto.
War deg deg ah, Iiraan oo wacad ku martay in ay u aari doonto hoggaamiyihii la dilay ee Ayatollah Cali Khamenei,
Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto dilka loo
geystay Hoggaamiyihii Sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, oo lagu dilay
weerar ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa arrintan ku shaaciyay
boggooda, iyagoo sheegay inay ka aargudan doonaan dhammaan dadka ku lug lahaan
qorsheynta iyo fulinta dilka Khamenei.
Sida lagu sheegay warka, Khamenei waxaa la dilay 29-kii
Maarso, maalintii ugu horreysay ee weerarradii ay Mareykanka iyo Israa’iil ku
qaadeen Iiraan.
Weerarka ayaa sidoo kale sababay dhimashada tiro ka mid ah
mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan qoysaskooda.
Golaha Amniga Qaranka ayaa sheegay inuusan u dulqaadan
doonin dadka ka dambeeyay dilka, isla markaana la marsiin doono ciqaab.
Iiraan ayaa mar kale adkaysay inay qaadayso tallaabooyin
aargoosi ah oo ka dhan ah cid kasta oo ay u aragto inay mas’uul ka tahay
geerida hoggaamiyihii sare.
Dhanka kale, aaska iyo duugista Ayatollah Ali Khamenei
ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan inta u dhaxaysa 4-ta iyo 8-da Luulyo
magaalooyinka Tehraan, Qom iyo Mashhad.
Sidoo kale, munaasabado xus ah ayaa lagu qaban doonaa
magaalooyinka Baqdaad, Kazmain, Karbala iyo Najaf ee dalka Ciraaq.
Ingiriiska oo la yimid 2:1 DR Congo
Xigashada Sawirka, PA Media
Qoraalka sawirka, England oo u dabaal degaysa goolka barbardhaca
Xulka qaranka Igiriiska ayaa helay daqiiqadii 75aad ee ciyaarta goolka barbar dhaca, weeraryahanka Harry Kane ayaa dhaliyay goolkaasi.
Goolka labaad ee Ingiriiska ayaa isla Kane uu dhaliyay daqiiqadii 86aad ee ciyaarta.
Ciyaar xiisa badan ayaa labada kooxood ay soo bandhigeen, waxaana kooxda DR Congo ay soo bandhigtay difaac adag, inkasta oo haatan ciyaarta laga hoggaaminayo.
War deg deg ah, Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Mudaharaadyada Koonfur Afrika ee looga soo horjeedo soo galootiga sharci darada
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka
dalbato magdhow Koonfur Afrika, taas oo la xiriirta muwaadiniinta reer Nigeria
ee kusoo noqday dalkooda toddobaadyadii lasoo dhaafay kadib rabshado iyo
mudaharaadyo ka dhacay Koonfur Afrika oo lagu bartilmaameedsaday dadka aan
sharciyeysneyn.
Kooxdii saddexaad ee muwaadiniinta Nigeria ayaa Talaadadii
dib loogu celiyay dalkooda. Sidoo kale, muwaadiniin kale oo ka kala socday
dalal Afrikaan ah ayaa ka baxay dalkaas, halkaas oo mudaharaadyo ballaaran oo
ka dhan ah socdaalka sharci-darrada ah ay dhaceen Talaadadii.
Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in 900 qof la xiray
guud ahaan dalka, hase yeeshee tiro badan oo ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen
ajaanib lagu qabtay dembiyo la xiriira socdaalka sharci-darrada ah. Boolisku
weli ma sheegin tirada saxda ah ee ajaanibtaas.
War deg deg ah, Qaybta hore ee ciyaarta oo DR Congo 1:0 ay kaga horayso Ingiriiska
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xulka DR Congo oo goolka u dabaal degaya
Xulka qaranka Congo ayaa 1:0 kaga horreeya qaybta hore ee ciyaarta xulka Ingiriiska.
ciyaaryahanka Brian Cipenga ayaa u dhaliyay goolka xulka Congo.
Inkasta oo ciyaar wanaaga ay waxyar ku horayso Ingiriiska haddana Congo ayaan kala joojinayn weerarka.
Labada kooxood kii soo guba ayaa wareega 16aad ku wajihi doona xulka qaranka Mexico, 6da Luulyo.
War deg deg ah, Trump: Wadahadalada Iiraan si wanaagsan ayay u socdaan
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Arbacadii
in wax walba oo ay la leeyihiin Iiraan ay si wanaagsan ku socdaan ayna
kulamadii u dambeeyay ee ka dhacay Qadar si wanaagsan ay u dhaceen.
‘’Burburinta nulkiyeerka Iiraan si wanaagsan ayuu ku socdaa.
Waxay yeesheen shirar wanaagsan,’’ ayuu Trump u sheegay wariyayaasha isaga oo
ka duulayay Waqooyiga Dakota.
Iiraan ayaa marar badan ku celisay inuu barnaamijkeeda
Nulkiyeer uu yahay mid nabdeed.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay ‘’Waynu riixnay iyaga si
adag… laakiin waynu wada soconaa.’’
Wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Iiraan iyo
Maraykanka ayaa lagu qabtay Dooxa, iyada oo ay dhexdhexaadinayaan Qadar iyo
Pakistan.
War deg deg ah, UNICEF oo ka digtay khatar ka dhalatay dhulgariirka Venezuela oo lagu iibsan karo carruurta
Xigashada Sawirka, Jordan Public Security via Reuters
Qoraalka sawirka, Venezuela
Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa ka
digtay in dhulgariiradii Venezuela ku dhuftay toddobaad ka hor ay kordhiyeen
khatarta ku saabsan ka faa’iidaysiga carruurta iyo ka ganacsiga carruurta.
Hay’adaha samafalka ee maxalliga ah ayaa diiwaangeliyay
warbixino ku saabsan carruur la badbaadiyay oo mar kale la waayay, iyo
xayeysiisyo internet-ka lagu arkay oo looga shakisan yahay in lagu iibinayo
carruur ka yar 18 sano.
Haweeneey 48 jir ah iyo nin 44 jir ah ayaa sidoo kale ku
dhintay dadweynaha isbuurtay ee daawanayay ciyaarta dalka Mexico ay uga badisay
2:0 Ecuador, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee caasimada, Arbacadii.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa isugu soo baxay
waddooyinka, gaar ahaan aagga ku hareeraysan goobta xasuusta xorriyada ee Angel
ee ku taala gudaha magaalada si loo xuso wareega 16aad ee ay u gudbeen xilka
Mexico tan iyo 1986, sida ay sheegeen maamulka magaalada.
War deg deg ah, SAWIRO: Xuska munaasabada Kowda Luulyo
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Xuska munaasabada 1-da Luulyo
Waxaa caasimada Soomaaliya lagu qabtay munaasabad lagu soo dhoweynayo Kowda Luulyo, iyada oo uu ka qayb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal.
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri ''Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada''
War deg deg ah, Dad ku dhintay dhisme ay ku noolaayeen 200 qof oo dab qabsaday
Xigashada Sawirka, BELGA MAG/Belga/AFP
Qoraalka sawirka, Dhisme uu dab qabsaday
Booliska Belgium ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen
dab ka kacay dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Antwerp. Tirada saxda ah ee
dhibbanayaasha lama oga weli, waxaana socda baadi-goob loogu jiro dadka ku
haray gudaha dhismaha.
In ka badan 200 qof ayaa ku nool dhismahaas oo ka kooban
toban dabaq.
War deg deg ah, Amnesty oo ku baaqday ciidamo nabbad ilaalin ah oo la geeyo Suudaan
Xigashada Sawirka, Amnesty International
Qoraalka sawirka, Amnesty International
Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa ku
baaqday ciidamo nabbad ilaalin ah in loo diro dalka Suudaan, kadib markii ay
faahfaahisay inay jiraan kororka dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo
halkaasi laga gaystay.
Warbixino ay soo saareen kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa lagu
sheegay ciidamada gurmadka degdega ee RSF ay dambiyo dhowr ah gaysteen iyada oo
ay kamid tahay bulshooyin la laayay intii lagu guda jiray weerarkii El-Fasher
ee sannadkii hore.
Baaritaanka ayaa lagu oggaaday eedeymo ballaaran iyo waxyeelo
gaar ah oo ka dhan ah carruurta, oo ay ku jiraan dial, afduub, shaqaalaysiin Khasab
ah iyo kufsi.
Xooghayaha guud ee Amnesty Agnes Callamard ayaa ugu yeeray ‘’ceeb
ka dhan ah bini’aadantinimada’’.
WhatsApp oo u ogolaaneyso dadka isticmaala in ay lambar la'aan adeegsadaan app-ka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
WhatsApp ayaa diyaar u ah inay dadka u ogolaato inay sheekaystaan iyagoon u baahnayn inay shaaciyaan lambarkooda taleefanka - iyagoo beddelanaya magacyadoodo gaarka ah.
Waxay dunida oo dhan gaaraysaa bilaha soo socda taa oo ay ka faa'iideysan doonaan saddex bilyan ee qof ee haysta akoonnada barnaamijka, sida ay sheegay shirkaddu.
Shirkaddu waxay sheegtay in dadku ay awood u yeelan doonaan inay ka saaraan ama beddelaan magacyadooda wakhti kasta.
Marka si buuxda loo hawlgeliyo, isticmaalayaasha WhatsApp waxay awoodi doonaan inay isku xirmaan ka dib markay is dhaafsadaan magacyadooda oo keliya. Wali waxaa jiri doona ikhtiyaarro lagu xannibo ama lagu soo sheego farriimaha aan loo baahnayn.
Magacyadu waxay ku koobnaan doonaan 35 xaraf waxaana jiri doona xaddidaadyo yar, marka laga reebo qaar ka mid ah dadka mansabka leh iyo dadka caanka ah oo aan magacyadooda looogolaan doonin cid kale.
Markaa waxay u badan tahay in WhatsApp u xadidoono in ay jiraan dadyoow xad dhaaf ah oo ku qoran kara akoonkooda Donald Trump, tusaale ahaan.
Shirkadda ay leedahay Meta waxay magacyada isticmaalayaasha ku tilmaantay astaan sir ah.
Iiraan ayaa ku dhawaaqday fasax dadweyne si loogu diyaar garoobo aaska Khamenei.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday Talaadada, 6-da Luulyo inay tahay maalin fasax dadweyne ah magaalada Tehran.
Afhayeenka dowladda Iiraan, Fatima Mohajerani, ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in dadka ka qeyb galaya aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan ay dib ugu soo laabtaan caasimadda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in maalin baroordiiq qaran ah lagu qaban doono Iiraan Khamiista, iyadoo aaska Cali Khamenei la filayo inuu ka dhaco magaalada Mashhad 8-da Luulyo.
Sida ku cad jadwalka rasmiga ah, salaadda janaasada iyo munaasabadaha sagootinta ee Khamenei ayaa la qaban doonaa inta u dhaxaysa 4-ta iyo 8-da Luulyo, waxayna ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad. Baroor-diiq ballaaran ayaa sidoo kale lagu qaban doonaa magaalooyinka Ciraaq ee Baqdaad, Kazmin, Karbala iyo Najaf.
Waxaa mudan in la xasuusto in Cali Khamenei lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Mareykanka iyo Israa'iil ka geysteen Iiraan oo lagu bartilmaameedsaday hoygiisa iyo xafiiskiisa, oo loo yaqaan Aqalka Hoggaanka, laakiin ilaa hadda lama aasin.
Iman Attarzadeh, oo loo soo bandhigay inuu yahay afhayeenka xarunta gaarka ah aaska Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa ka jawaabay qaabka meydkiisa loo keydinayay oo loo ilaalinayay bilihii la soo dhaafay.
"Markii ugu horreysay, waxaan ku dhawaaqeynaa in meydka Imaamkeenna shahiiday iyo xubnaha qoyskiisa lagu ilaaliyay ixtiraam iyo daryeel aad u sarreeya, iyadoo la raacayo heerarka diinta iyo sharciga, meydadkana weli lama aasin,lama gubinoo lama keydin",ayuu yiri.
Iiraan oosheegtay inay doorbidayso wadahadallo, laakiin sidoo kale ay diyaar u tahay dagaal
Xigashada Sawirka, CBS
Qoraalka sawirka, .
Wadahadallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii socda, iyadoo Iiraan ay ku adkeysaneyso in, iyadoo mudnaanta siineysa wadahadalka, ay weli diyaar u tahay dagaal haddii dadaalladaasi ay fashilmaan.
Waxaa sidaas sheegay madaxa wadaxaajoodka ee dhinaca Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, kaasoo wareysi uu siiyay telefishanka dowladda ku sheegay, in Tehran aysan joojin doonin isdifaaca, haddii wadahadalladu aysan natiijo ka soo bixin.
"Waxaan ku soconnaa waddada wadahadalka, laakiin haddii wadahadalka aan la hirgelin, waxaan sidoo kale diyaar u nahay dagaal, waana ka jawaabi doonnaa si waafaqsan," ayuu yiri Ghalibaf.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo la filayay in ergooyinka Iiraan iyo Mareykanka ay yeeshaan wareeg kale oo wadahadal ah oo ka dhacaya Doha, kaasoo looga gol leeyahay in lagu yareeyo xiisadaha iyo in xal waara loo helo xiisadda bilaha badan socotay.
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay bishii Juun 2026, ka dib weerarro milatari oo dhex maray Iiraan iyo Israa'iil, kuwaas oo sidoo kale ay ku jireen duqeymo Mareykanku ka geystay qaar ka mid ah goobaha nukliyeerka ee Iiraan. Kadib dhowr maalmood oo dagaal socday, dhinacyadu waxay ku heshiiyeen xabbad joojin ku meel gaar ah si loogu oggolaado dadaallada diblomaasiyadeed.
In kasta oo dagaalku uu hadda istaagay, haddana weli heshiis joogto ah lama gaarin.