Iiraan oo u jawaabtay Taliska Dhexe ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa bayaan uu soo saaray kaga jawaabay war-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM, isagoo yiri:
“Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ma amni ayuu gobolka u keenay mise amni-darro? Jawaabtu waa mid cad. Ciidamadeenna xooggan waxay caddeeyeen in quwadaha shisheeye aysan xitaa awoodin inay is-difaacaan. Nabadda gobolkeenna waxay sii jiri kartaa oo keliya haddii ay noqoto mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada ay ka wada qaybqaataan, isla markaana aysan jirin faragelin shisheeye.”
Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qabatay shir looga hadlayay amniga gobolka, kaas oo ay martigeliyeen Ciidamada Difaaca Baxrayn, ayna ka qeyb galeen taliyeyaal ciidan oo ka kala socday 12 dal.
Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in kulanka loo qabtay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, kor u qaadidda wada-shaqeynta iyo isu-duwidda dalalka gobolka, iyo ka doodista caqabadaha amni ee ay wadaagaan.











