War deg deg ah, Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe iyo sababta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanku wuxuu qorsheynayaa inuu
diblomaasiyiintiisa kala soo baxo Bariga Dhexe sababo la xiriira dagaalka Iran,
sida uu sheegay wargeyska New York Times.
Warbaahinta ayaa sheegtay, iyadoo
soo xiganaysa dukumiintiyo gudaha ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ay
baahisay, in wasaaraddu dib ugu soo celinayso Maraykanka diblomaasiyiintii ka
tirsanaa safaaradaha Bariga Dhexe intii uu dagaalku socday iyo ka hor.
Tallaabooyinka la xiriira dib ugu
soo celinta diblomaasiyiinta iyo habraacyada xaaladaha degdegga ah ayaa la
bilaabay horaantii toddobaadkan.
War deg deg ah, Madaxda Tigray oo shuruudo ku xiray wadahadl ay la galaan Xukuumadda Abiy Axmed
Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa
shuruudo ku xiray dib u bilaabista wada-hadallada ay la yeelanayaan dowladda
dhexe ee Addis Ababa.
Waxay doonayaan in:
Ciidamada dowladda ay soo afjaraan waxa ay ku tilmaameen go’doomin
lagu hayo Tigray.
In la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee gobolka.
In dib loogu soo celiyo TPLF aqoonsigeedii sharci ee xisbi
siyaasadeed.
Dalabyadan ayaa lagu soo bandhigay kulan ay
mas’uuliyiinta Tigray la yeesheen ergayga Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee
Nigeria Olusegun Obasanjo.
Weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhawaan
ka dhacay goobo dadku ku badan yihiin ayaa sii kordhiyay xiisadda. Tigray ayaa
ku eedeynaya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inay ku guuldarreysatay
hirgelinta heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii sokeeye ee 2022-kii.
Dagaallo cusub oo u dhexeeya ciidamada dowladda
Itoobiya iyo TPLF ayaa billowday bishan Agoosto, taas oo walaac ka abuurtay in
colaaddii Tigray ay mar kale si weyn u soo laaban karto.
War deg deg ah, Trump oo yiri "Iran mushaaradka ciidamdeeda ma bixin karto"
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka, Donald
Trump, ayaa sheegay in Iran aysan awoodin inay bixiso mushaharka qayb weyn oo
ka mid ah ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu maanta
ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee
Iran ee dhaqaale ahaan burbursan” aysan bixin mushaharka qayb ka mid ah
ciidamadeeda, iyadoo isla markaana ay si aan hore loo arag u dilayso
dibadbaxayaal, iyo xitaa dad aan dibadbaxayn.
Trump wuxuu sheegay in xaaladdu
tahay “dhibaato bani’aadamnimo oo aad u weyn”, wuxuuna ku baaqay in si degdeg
ah loo joojiyo.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale
kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Iran, iyadoo Xoghayaha Maaliyadda
Maraykanka Scott Bessent uu dhawaan ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu
cadaadinayo dhaqaalaha Iran.
Isniintii, Trump wuxuu sidoo kale
Truth Social ku qoray in Iran ay qarka u saaran tahay burbur guud.
War deg deg ah, Madxweyne ku xigeenka Tanzania oo ku dhawaaqay inuu is casilay
Nchimbi ayaa warqad uu u diray
Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan, oo uu ku daabacay bartiisa Instagram, ku
sheegay in iscasilaaddiisu dhaqan geli doonto 4-ta Sebtembar 2026. Xafiisyada
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa sidoo kale BBC u xaqiijiyay
iscasilaadda.
Nchimbi ayaa xilka
Madaxweyne-ku-xigeenka loo dhaariyey 3-dii November 2025, taas oo ka dhigan
inuu xilka hayay wax ka yar hal sano. Iscasilaaddiisa ayaa ka dhigaysa Madaxweyne-ku-xigeenkii
ugu horreeyay ee Tanzania ee si iskii ah xilka isaga taga isagoo weli haya
jagada.
Nchimbi wuxuu taageeray Madaxweyne
Saamiya Suluhu Xasan doorashadii Oktoobar 2025, oo ay hareeyeen rabshado iyo
dibadbaxyo, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 500 qof, sida lagu sheegay
warbixinnada.
Warbaahinta Tanzania ayaa sidoo
kale dhawaan soo tabisay khilaafyo iyo ismaandhaaf u dhexeeyay Madaxweyne Saamiya
iyo ku-xigeenkeeda. Warbixinnada ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Nchimbi uu
iscasilaaddiisa ku sababeeyay inuu aaminsanaa in madaxweynuhu doonayso
isbeddel, isla markaana uu fulinayo ballan uu hore ugu qaaday inay xilka ka
tegi doono marka loo baahdo isbeddel.
War deg deg ah, Shiinaha oo Mareykanka u jawaabay iyo waxa uu sameyn doono
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Shiinaha ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo
cunaqabateyn hal dhinac ah oo sharci-darro ah, kaddib markii Maraykanku uga
digay dalalka sii wada ganacsiga Iran inay la kulmi doonaan cawaaqib.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin
Jian, ayaa sheegay in dagaal dhaqaale iyo siyaasadda cadaadiska ugu badan aysan
waxba ka tari doonin xalinta dhibaatooyinka, balse ay sii hurin karaan
colaadda. Wuxuu sheegay in Beijing ay ilaalin doonto danaha dalkeeda.
Shiinaha ayaa ah iibsadaha ugu weyn ee saliidda Iran,
halka Tehran ay sheegtay inay ku kalsoon tahay in dalalka ay ganacsiga la
leedahay ay iska caabin doonaan cadaadiska maamulka Trump.
Mas’uul amni oo Iran ah, Mohsen Rezaei, ayaa sheegay
in Tehran ay diyaar u tahay inay joojiso dhammaan dhoofinta saliidda ee dalalka
Khaliijka, haddii ay uga aargoosanayso cadaadis ama tallaabooyin ka dhan ah
Iran.
Isniintii, Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott
Bessent ayaa sheegay in bangiyada, shirkadaha iyo dalalka ganacsi la sameeya
Iran ay iyaguna wajihi doonaan go’doomin, haddii ay diidaan inay xiriirka u
jaraan Tehran.
War deg deg ah, Weli waxaad nagala socotaan BBCSomali, waxaanahalkaan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeyay ee dunida . Soo dhawaada mar kale akhristayaasha meel kasta oo aad joogtaan.
War deg deg ah, Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo xaalkiisa laga walaacsanyahay iyo dalka uu ku wajahanyahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Markabka dagaalka ee Maraykanka ee
USS Abraham Lincoln ayaa toddobaadka soo socda gaari doona deked ku taalla
Thailand, kaddib hawlgal dheer oo uu ku joogay Bariga Dhexe, sida ay sheegeen
mas’uuliyiinta Thailand.
Arrintan ayaa timid xilli ay soo
baxayeen walaacyo ku saabsan xaaladda askarta saaran markabka, oo ay ku jiraan
dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda iyo xaaladaha nololeed ee dadkaas.
Xildhibaan ka tirsan Xisbiga
Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa sheegay in markabku dhigay rikoor, isagoo in ka
badan 200 maalmood oo xiriir ah badda ku jiray isaga oo aan deked ku hakan.
Mas’uul Thai ah oo aan magaciisa
la shaacin ayaa sheegay in ku dhowaad 5,000 askari iyo badmaaxiin ay Thailand
imaan doonaan, halkaas oo ay ku nasan doonaan kaddib muddo dheer oo ay badda ku
jireen.
Milatariga Thailand kama uusan
jawaabin codsi loo diray oo ku saabsanaa faallo ku saabsan arrintan.
War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay wadahadallada Mareykan iyo Iran
Xigashada Sawirka, IRNA
Pakistan waxay sheegtay in horumar
weyn laga sameeyay wada-hadalladii ay wakiilladeeda kula yeesheen madaxda Iran
magaalada Tehran, kuwaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo heli lahaa
waddooyin lagu soo afjaro colaadda loona gaaro nabad.
Taliyaha guud ee ciidamada
Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayaa hoggaaminayay wafdiga Pakistan ee
booqashada ku tagay Tehran.
Wararka ayaa sheegaya in
wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Iran, wasiirka arrimaha gudaha iyo
guddoomiyaha baarlamaanka ay diiradda saareen joojinta sii xoogeysanaya
colaadda, dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka
u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in
Field Marshal Munir uu la hadlay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka hor
inta uusan u safrin Tehran. Trump ayaa Pakistan ka codsaday inay adeegsato
saameynteeda si ay Iran ugu dhiirrigeliso inay dib ugu soo laabato miiska
wada-hadallada.
Si kastaba ha ahaatee, Washington
illaa hadda kama aysan hadlin natiijada wada-hadallada.
War deg deg ah, Faa'iidooyinka caafimaad ee basasha ay u leedahay qofka
Waxay xoojisaa difaaca jirka:
Faytamiin C-ga ku jira basasha wuxuu ka caawiyaa jirka inuu la dagaallamo
caabuqyada.
Waxay wanaajisaa caafimaadka
wadnaha: Basashu waxay ka kooban tahay maaddooyin loo yaqaan flavonoids, sida
quercetin, kuwaas oo gacan ka geysan kara dhimista kolestaroolka iyo cadaadiska
dhiigga.
Waxay ka caawin kartaa xakamaynta
sonkorta dhiigga: Maaddooyin ay ka mid yihiin allyl propyl disulfide ayaa laga
yaabaa inay ka caawiyaan hoos u dhigista heerarka sonkorta dhiigga.
Waxay leedahay awood ka hortagta
bararka iyo bakteeriyada: Maaddooyinka sulfur-ka dabiiciga ah ee ku jira
basasha ayaa ka caawin kara jirka la dagaallanka bakteeriyada iyo yaraynta
bararka.
Waxay taageertaa dheefshiidka:
Basashu waxay leedahay fiber iyo prebiotics oo quudiya bakteeriyada wanaagsan
ee ku jirta mindhicirka.
Waxay ka caawin kartaa ka hortagga
kansarka: Daraasado ayaa muujiyay in dadka si joogto ah u cuna basasha ay
yeelan karaan khatar hoose oo kansarro gaar ah, taas oo lala xiriiriyay
maaddooyinka antioxidant-ka ah ee basasha ku jira.
War deg deg ah, Qiimaha basasha oo sare u kacay iyo dowladda oo isku dayaysa in ay hoos u dhigto
Xigashada Sawirka, John Harper via Getty Images
Dowladda Hindiya ayaa sheegtay
inay bakhaarradeeda ka sii dayn doonto basasha, si ay isku daydo inay hoos u
dhigto qiimaha basasha oo si weyn dalka sare uga kacay.
Qiimaha basasha ee Hindiya ayaa
caadi ahaan sare u kaca bisha Agoosto, sababo la xiriira baahida badan ee loo
qabo khudaarta xilliyada xafladaha. Hase yeeshee, sannadkan qiimuhu wuxuu ku
dhowaad laba jibbaar ka noqday kii sannadkii hore.
Dowladdu waxay tareenno u adeegsan
doontaa in basasha lagu gaarsiiyo magaalooyin ay ka mid yihiin Chennai iyo
Kochi, halka ay sheegtay in baabuurta xamuulka loo adeegsan doono iibinta
basasha ee xaafadaha ku dhow Delhi, caasimadda dalkaas.
War deg deg ah, Markab gantaal lagu dhuftay oo socdaalkii joojiyay
Xigashada Sawirka, Handout / ROYAL THAI NAVY / AFP via Getty Images
Sida ay sheegtay Hay’adda
Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK, qolka matoorka markabka ayaa waxyeello soo
gaartay, taasina waxay sababtay in markabku istaago oo uusan sii socon karin.
Kabtanka markabka ayaa dhacdada u
sheegay UKMTO, isagoo sheegay in weerarku ka dhacay qiyaastii 16 kiiloomitir
waqooyi-bari magaalada Al-Shisha, oo ku taalla biyaha Cumaan.
UKMTO ayaa sheegtay in kabtanku
sheegay in markabka lagu dhuftay gantaal ama hub aan la aqoonsan, kaas oo
waxyeello gaarsiiyay qolka matoorka isla markaana hakiyay dhaqdhaqaaqii
markabka.
Dhammaan shaqaalaha markabka ayaa
badqaba, waxaana la sheegay in xaaladdoodu caadi tahay.
Maalin ka hor, UKMTO waxay sidoo
kale sheegtay in isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz uu ahaa
mid aad u hooseeya 48-kii saac ee la soo dhaafay. Warbixinno kale ayaa
muujinaya in isu-socodka marinkan uu si weyn uga hooseeyo heerarkii caadiga
ahaa, sababo la xiriira weerarrada iyo xaaladda amni ee gobolka.
War deg deg ah, QM oo ka digtay xaaladda Gaza iyo falalka Isreal
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay
in weerarrada Israel ay weli ka socdaan Gaza, isla markaana dad rayid ah la sii
laynayo.
Shaqaalaha caafimaadka ee Gaza
ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la dilay gabar 10 jir ahayd iyo
wiil 4 jir ahayd.
Milatariga Israel ayaa sheegay
inuusan wax war ah ka hayn dilka gabadha. Shaqaalaha caafimaadka iyo qoyskeeda
ayaa sheegay in Amal Abu Khater dhabarka laga toogtay xilli ay teendhada
qoyskeeda kula jirtay oo ay wax cunaysay, magaalada Khan Younis.
Hay’adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ka
dhacay Deir al-Balah uu waxyeelleeyay saddex bakhaar oo ay leedahay Qaramada
Midoobay, mid ka mid ahna uu si weyn u burburay.
War deg deg ah, Diyaarad milatari oo Mareykanku leeyahay oo ku degtay Ruushka iyo faahfaahin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qasriga Madaxtooyada Ruushka ayaa
diiday inuu faallo ka bixiyo wararka sheegaya in diyaarad milatari oo Mareykan
ah ay ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee magaalada Moscow.
Barnaamijka raadraaca
duulimaadyada ee FlightRadar24 ayaa muujiyay in diyaaradda ay ka soo duushay
saldhigga milatariga ee Camp Springs, oo ku dhow Washington, DC, ayna 23-kii
Agoosto ka degtay Riga, caasimadda Latvia. Maanta oo Talaado ah ayay diyaaraddu
uga sii gudubtay Moscow.
Warbaahinta Ruushka ayaa hadal
hayn ka dhex wada in diyaaradda laga yaabo inay la xiriirto is-weydaarsi
maxaabiis ah, ama inay siday ergey ka socda Madaxweyne Donald Trump oo Moscow
kala hadlaya arrimaha Ukraine. Ilaa hadda lama xaqiijin ujeeddada safarka ama
cidda saarnayd diyaaradda.
Waxaa hore loo sheegay in wakiillada
Trump, Steve Witkoff, iyo Jared Kushner ay ka qaybgeli doonaan xafladaha
Maalinta Madax-bannaanida Ukraine ee Isniintii ka dhacay Kyiv, balse
labadooduba kama qaybgelin.
War deg deg ah, Iran oo jawaab adag u dirtay Mareykanka iyo tallaabooyin cusub oo qaadi doonto
Xigashada Sawirka, TASNIM
Iran ayaa ka jawaabtay
hanjabaadaha Mareykanka ee cunaqabateynta dhaqaale, iyadoo sheegtay in
Washington aysan weli u muuqan mid adag.
Tehran waxay sidoo kale sheegtay
inay ku kalsoon tahay in dalalka ay ganacsiga la leedahay ay iska caabin
doonaan cadaadis kasta oo uga yimaada Mareykanka.
Wasiirka Maaliyadda Iran, Cali
Madanizadeh, ayaa sheegay in cunaqabateyntu aysan wax cusub u ahayn dalkiisa.
Wuxuu sheegay in haddii dalalka ay
Iran colka yihiin ay qaadaan waxa uu ugu yeeray “argagixisannimo dhaqaale”,
Iran ay iyaduna leedahay habab ay uga jawaabto, isla markaana ay taqaan sida
loola tacaalo cadaadiska dhaqaale, ayna arrintaas iska indho-tiri doonin.
Madaxa Golaha Sare ee Amniga
Qaranka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa ka digay in Tehran ay diyaar u tahay inay
joojiso dhammaan dhoofinta shidaalka ee dalalka Khaliijka.
Isniintii, Xoghayaha Maaliyadda
Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in bangiyada, shirkadaha iyo waddamada
sii wada ganacsiga Iran ay wajihi doonaan go’doomin dhaqaale, haddii ay diidaan
inay xiriirka ganacsi u jaraan Tehran.
War deg deg ah, Dad loogu baaqay in guryahooda ay ku xusaan dhalashada Nabi Muxammed NNKH cabsi jirta awgeed
Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Qoraalka sawirka, Xuska Dhalashada Nabi Muxammed
Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka
ee Gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa Muslimiinta gobolka ugu baaqay inay xuska
dhalashada Nabi Muxammed NNKH, ku sameystaan guryahooda ama goobaha shirarka,
ayna ka fogaadaan inay masaajidda tagaan marka laga reebo xilliyada habeenkii,
si looga fogaado weerarrada ciidamada dalka.
“Goluhu wuxuu sheegay in xuska
Mawliidka aan lagu qaban doonin goobaha dadweynaha, balse lagu qaban doono
masaajidda, halkaas oo lagu tukan doono salaado lagana jeedin doono khudbado,”
ayaa lagu yiri war-saxaafadeed la soo saaray.
Dadka Itoobiya ayaa maanta oo
Talaado ah fasax ku jira si ay u xusaan dhalashada Nabi Muxammad NNKH, taas oo
dalal badan oo dunida ah laga xuso.
Golaha Islaamka ee Tigray ayaa
sheegay in masaajidda habeenkii la xiri doono si looga fogaado weerarrada
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay qaadaan ciidamada dowladda.
Waxaa jira warar sheegaya in
ciidamada dowladda Itoobiya ay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka
geysteen gobolka Tigray, iyadoo weerarradaasi ay ku dhaceen magaalada Makelle
iyo meelo kale oo gobolka ka tirsan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo
gaaray dad rayid ah.
Weerar la mid ah kuwaan ayaa
18-kii Agoosto ka dhacay magaalada Makelle.
Itoobiya ayaa muddo dheer dagaal
kula jirtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, dagaalkaas oo sababay
dhimashada dad badan iyo barakaca kumannaan qof oo guryahooda ka hayaamay.
Ciidanka Sudan oo duqeeyay fariisimo ay lahaayeen RSF
Ciidanka Sudan ayaa la sheegay inuu duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidanka RSF ee Nyala, caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.
Weerarku wuxuu dhacay saacado kadib markii diyaarad weyn oo xamuul ah ay magaalada soo caga-dhigatay.
Weerarkan ayaa sidoo kale yimid kadib weerarro dhacay dhammaadkii toddobaadka oo lagu qaaday kolonyo sahay ah oo RSF ah oo ku sugnaa Chad iyo Waqooyiga Darfur. Garoonka diyaaradaha Nyala wuxuu noqday mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee RSF u adeegsato saadka iyo keenista hubka.
Socodka hubka iyo qalabka milatari ee sii galaya Sudan ayaa walaac sii kordhaya ku haya beesha caalamka. Isniintii, Maraykanku wuxuu Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabateynta hubka ee hadda saaran Darfur lagu ballaariyo dhammaan Sudan, isagoo ka digay in dagaalku uu ku fidi karo gobolka oo dhan.
Xilliga qaboobaha waxaa kordha dadka cuna kalluunka, sidaas awgeedna waxaa waqtiyadaas laga doodaa sheekooyin ku saabsan kalluunka, waxaana ka mid ah waxa qofka uu la kulmi karo haddii uu caano cabo marka uu kalluun cuno ka dib.
Waxaa laga digaa in kalluunka iyo caanaha oo isla socda ay sababi karaan in uu qofka ku dhaco cudur la yiraahdo “vitiligo” oo ay Soomaalidu u yaqaannaan “baras”.
Cudurkan waxa uu maqaarka u yeelaa calaamado kasoo muuqda meelo kala duwan. Waxaa sidoo kale jirta sheegasho kale oo ku saabsan in kalluunka iyo caanaha oo la isku daray ay horseedi karaan noocyo ka mid ah kansar-ka, inkastoo aysan jirin caddeyn dhinaca caafimaadka ah oo arrintaas taageereysa.
Wariye caan ka ah Pakistan iyo meelo ka mid ah qaaradda Aasiya oo lagu magacaabo Uzair Rizvi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal la xiriira mowduucan oo abuuray hadal-heyn weyn.
Uzair ayaa sheegay in hooyadiis ay aad u walwasho marka uu caano cabo isagoo kalluun cunay. Waxa uu isweydiiyay in walaaca noocaas ah uu ku kooban yahay hooyooyinka Pakistan iyo kuwa Hindiya oo kaliya ama in lala wadaago caalamka oo dhan.
Qaar ka mid ah dadka Yuhuudda ayaa sidoo kale aad uga taxaddara in ay caano cabbaan cunista kalluunka ka dib.
Dadka dooddan uga fal celiyay baraha bulshada qaarkood ayaa sheegay in fikraddan ay asal ahaan ka timid dalka Giriigga, iyagoo sheegay in isku darka caanaha iyo kalluunka ay abuuri karto xanuunno dhinaca mindhicirrada ah iyo shuban.
Khubarro dhinaca caafimaadka ah ayaan ka wareysannay inay jiraan xanuunno maqaarka iyo caloosha ah oo ka dhalan kara isu geynta kalluunka iyo caanaha.
Dr Urmila Javed oo ah dhakhtar ku takhasustay cudurrada maqaarka ayaa iyadoo arrintan ka jawaabeysa tiri: "Mowduucan waa mid la buunbuuniyay, xanuunka maqaarka ma aha mid xiriir la leh caano iyo kalluun kulmay.”
Dhakhtaraddan ayaa sheegtay in xanuunnada maqaarka, sida baraska ay sababaan xaalado kale oo caafimaad.
Marka ay xaaladdaas dhacdo waxaa meesha ka baxda maaddada midabeynta maqaarka waxayna dhaawacyadeeda ka muuqdaan dusha sare, sida ay sheegtay Dr Urmila Javed.
Maraykanka oo abaalmarin ku bixinaya xog horseedi karta in la qabto taliyeyaasha IRGC
Xigashada Sawirka, X/RFJ
Qoraalka sawirka, Taliyeyaasha IRGC
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo la siinayo cid kasta oo bixisa xog gacan ka geysan karta aqoonsiga qaar ka mid ah taliyeyaasha hadda xilka haya iyo kuwii hore ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa 10 milyan oo doollar, taas oo lagu heli karo xog ku saabsan afar sarkaal oo sare oo ka tirsan IRGC.
Akoonka Rewards for Justice, oo xiriir la leh Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa barta X ku sheegay in shakhsiyaadkan ay hoggaamiyaan cutubyo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo lala xiriiriyay weerarro lagu qaaday ciidamada Maraykanka, iyo sidoo kale hawlgallo dhanka internetka ah oo lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha muhiimka ah.
Kuwa lagu magacaabay waxaa ka mid ah Ahmad Vahidi, oo ah taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka; Cali Abdollahi, taliyaha xarunta Khatam al-Anbiya; iyo Hamidreza Lashgarian, oo ah taliyaha qaybta internetka ee Ilaalada Kacaanka.
Liiska waxaa sidoo kale ku jira Saeed Aghajani, oo hore u ahaa taliyaha Ciidanka Cirka iyo Hawada ee IRGC, iyo Majid Khademi, oo hore u ahaa taliyaha sirdoonka IRGC. Labadoodaba waxaa lagu dilay dagaalladii dhowaan dhacay.
Ayeeyo 100 jir ah oo daroogada ka ganacsan jirtay oo la qabtay
Xigashada Sawirka, NDLEA
Qoraalka sawirka, Ayeeyo 100 jir ah
Haweeney waayeel ah oo ay mas'uuliyiintu sheegeen inay 101 jir tahay ayaa lagu xidhay Nigeria, kadib markii lagu eedeeyay inay iibinaysay xashiis.
Kiiskan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalkaas.
Esther Ogunmabo, oo lagu tilmaamay inay tahay ayeeyo-weyn, ayaa Sabtidii lagu qabtay gobolka Ogun ee koonfur-galbeed Nigeria, sida ay sheegtay Hay'adda Qaranka Nigeria u qaabilsan La-dagaallanka Daroogada.
Femi Babafemi, oo ah agaasimaha warbaahinta ee hay'adda, ayaa sheegay in haweeneyda oo 100 sano ka weyn laga helay "bacaha yaryar ee xashiishadda nooca ka mida ah", oo culeyskoodu ahaa 90 garaam. Waxay sheegtay inay dadka deegaanka ka iibiso.
NDLEA waxay sheegtay in eedeysanuhu baadhayaasha u sheegtay inay u jeesatay ganacsiga daroogada sharci-darrada ah kadib markii dukaankeeda raashinka uu dab ku burburiyey. Waxaa lagu sii daayay damiin.
Sida ay NDLEA sheegtay, mid ka mid ah gabdhaheeda oo ku nool Lagos ayaa lagu eedeeyay inay afar maalmood kasta u keeni jirtay xashiishaddaas.
Ogunmabo ayaa markaas lagu eedeeyay inay daroogada u kala iibin jirtay dadka deegaanka iyada oo u qaybisa xidhmooyin yaryar.
Agaasimaha guud ee NDLEA, Mohamed Marwa, ayaa amray in haweeneyda damiin lagu sii daayo, isla markaana loo sameeyo la-talin, maadaama ay da'deedu aad u weyn tahay.
Damiinkaas macnaheedu ma aha in kiiska la soo afjaray; weli waxaa lagu soo oogi karaa dambi ciqaabeed.
Gabadhii lagu eedeeyay inay daroogada u keeni jirtay ayaa iyaduna la xidhay.
Xadhigga Ogunmabo wuxuu yimid xilli NDLEA ay sidoo kale soo sheegtay qabashooyin daroogo oo waaweyn oo laga sameeyay marinnada badda ee Nigeria.
Gobolka Akwa Ibom, ciidamada ka tirsan NDLEA oo helay xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo ayaa Jimcihii hore badda sare ku qabtay doon alwaax ah oo ku sii jeedday Cameroon. Saddex qof oo saarnaa doonta ayaa la xidhay.
In ka badan 42 kiiloogaraam oo maandooriye ah ayaa laga soo helay dadkaas.
NDLEA waxay sidoo kale sheegtay inay gaartay guul ay ku tilmaantay mid taariikhi ah, kadib markii ay markii ugu horreysay qabatay daroogo sharci-darro ah oo laga soo raray Thailand.
Dakhliga Al-Shabaab ee Muqdisho oo la sheegay inuu hoos u dhacay iyo tababar ay ka heleen Xuutiyiinta. Hoos ka akhri
Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.
Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.
Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.
Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.
Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".
Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.
Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.