War deg deg ah, Dalalka ay u dhasheen dadka la la'yahay oo hadda la shaaciyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida aan soo sheegnay, 384 qof
oo safar ku jiray ayaa la sheegay in la la’yahay, kuwaas oo ay ka mid
yihiin 93 muwaadin Nepal u dhashay iyo 291 ajaanib ah.
Sida uu sheegay Guddiga Dalxiiska
Nepal, ajaanibta la la’yahay waxaa ka mid ah:
12 muwaadin oo British ah
105 Hindi ah
37 Hindi ah oo aan dalka deggenayn
17 Malaysian ah
4 Koonfur Afrikaan ah
3 Maraykan ah
1 Australian ah
1 Dutch ah
111 qof ayaa weli jinsiyaddooda la xaqiijin.
Degdeg: tiro dad ah oo dhimashadooda la xaqiijiyay
Booliska Nepal ayaa soo saaray war
qoraal ah oo ay ku sheegeen in 18 qof la xaqiijiyay inay dhinteen ilaa iyo
hadda inta la ogyahay.
War-saxaafadeedka ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in hal
qof laga helay isagoo ku dhintay Rasuwa, toddoba qof Nuwakot, lix qof Dhading,
halka afar qof oo Kalena lagu helay
Gorkha.
Degdeg: Boqollaal qof oo lagu la'yahay dalka Nepal iyo jaha-wareer halkaa ka taagan
Boqolaal qof ayaa la la’yahay kaddib markii daad xooggan oo kedis ah ay
ku dhufteen halkaasi kadi fatahaad ka dhalatay webiga Bhote Koshi, oo ku yaalla
xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.
Guddiga Dalxiiska Nepal ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in
guud ahaan 384 qof oo safar ku jiray la la’yahay, kuwaas oo ay ku jiraan 291
ajaanib ah iyo 93 muwaadiniin Nepal ah.
Guddigu wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay xaqiijinta halka ay dadkaasi
ku sugan yihiin iyo xaaladdooda caafimaad.
Daadku wuxuu ku dhuftay deegaanka Rasuwa aroornimadii hore ee saaka, oo
waqooyi ka xigta caasimadda Nepal ee Kathmandu.
War deg deg ah, Dalka Sudaan oo dad rayad ah lagu laayay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 27 qof, oo ay ku jiraan
afar carruur ah, ayaa ku dhintay rabshado cusub oo ka dhacay gobolka Koonfurta
Kordofan ee Sudan.
Wararka ayaa sheegaya in
weerarradu ka dhaceen deegaannada Qardud iyo Abu Hamama, halkaas oo ay degto
bulshada Otoro, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dhowr haween ah.
Ururka Dhakhaatiirta Sudan ayaa
kooxda fallaagada ah ee SPLM-N, oo uu hoggaamiyo Abdel Aziz al-Hilu, ku
eedeeyay inay weerarrada geysatay. Ururku wuxuu sheegay in weerarrada lagu
qaaday dadka rayidka ah ay dhaceen xilli uu sii xoogeysanayay iska horimaadka u
dhexeeya kooxda iyo bulshada Otoro.
Ururku wuxuu sheegay in weerarradu
sababeen barakac ballaaran, iyadoo dad badan ay u qaxeen deegaannada Abu Hitan
iyo Kadugli.
Waxa kale oo uu ka digay in
weerarrada joogtada ah ee dadka rayidka ah loogu qaadayo sabab la xiriirta kala
duwanaanshaha qowmiyadeed ay isu beddeli karaan colaad qowmiyadeed oo ka sii
ballaaran tan hadda. Wuxuu sheegay in weerarrada lagu qaado haween iyo carruur
aan hubaysnayn ay yihiin xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee
bani’aadantinimada.
War deg deg ah, Hoggaamiyaasha Afrka qaarkood oo beesha caalamka dalab u dirsaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Agaasimaha Xarumaha Afrika ee
Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Africa CDC, Dr. Jean Kaseya, iyo
hoggaamiyeyaasha Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda
Afrikada Dhexe iyo Uganda ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso
taageerada dhaqaale si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Ebola.
Bayaan ay si wadajir ah u soo
saareen ayaa lagu sheegay in taageerada dhaqaale ay tahay inay la jaanqaaddo xawaaraha
uu cudurku ku fidayo, kaas oo DRC ku dilay in ka badan 2,600 qof, halka in ka
badan 5,500 qof uu ku dhacay.
Waxay sheegeen in dib u dhaca
maalgelintu uu keeni karo in aan la gaarsiin daawooyinka iyo qalabka ilaalinta
shaqaalaha caafimaadka.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen
deeq-bixiyeyaasha inay fuliyaan ballanqaadyadii dhaqaale ee ay sameeyeen,
kuwaas oo gaaraya ku dhowaad 1.3 bilyan oo dollar, si loo xoojiyo
tallaabooyinka lagula dagaallamayo cudurka.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin
Netanyahu ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiis diblomaasiyadeed lala
gaari karo madaxda Iran, isagoo shaki ka muujiyay suurtagalnimada in
khilaafaadka u dhexeeya Tehran iyo reer Galbeedka lagu xallin karo wada-hadal.
Netanyahu ayaa hadalkan sheegay
kaddib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo sheegay
inay ka wada hadleen suurtagalnimada in arrinta Iran lagu xalliyo
diblomaasiyad.
Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu
wuxuu carrabka ku adkeeyay inay adkaan doonto in madaxda Iran heshiis lagula
gaaro waddada diblomaasiyadda.
Hadalladiisa ayaa ku soo beegmaya
xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan dhexdhexaadiyayaal ay
ka mid tahay Pakistan, kuwaas oo doonaya inay qaboojiyaan xiisadda u dhexeysa
Iran iyo Maraykanka, isla markaana xal wada-hadal ah loogu helo is-mariwaaga
labada dhinac.
Mareykanka oo hakiyay bixinta fiisooyinka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Waaxda socdaalka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay bixinta fiisooyinka ee dadka doonaya inay u safraan Mareykanka, kuwaas oo ka imanaya meelo kala duwan oo dunida ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay, in wasaaraddu ay bilowday qorshe tababarro loogu qabanayo safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dalalka kala duwan, isla markaana dib loo habeyn doono habka adeegga bixinta fiisooyinka.
Mareykanku wuxuu sidoo kale sii wadaa olole adag oo lagu masaafurinayo muhaajiriinta aan haysan oggolaansho sharci ah oo ay dalka ku joogaan.
Sida ay dowladda Mareykanku sheegtay, tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga gudaha dalka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa difaacay mowqifka adag ee dowladda, isagoo sheegay in gelitaanka Mareykanka lagu go’aaminayo iyadoo la tixgelinayo danaha qaranka Mareykanka.
Tallaabadan ayaa timid dhowr bilood kadib markii Washington ay ku dhawaaqday qorshe lagu dhimayo si weyn tirada safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla qaaradda Afrika.
Maxay maxkamadda sare u cuskatay laalista doorashadi Galmudug?
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, Sanduuqa codeynta
Doorashooyinkii ka dhacay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka ayay maxkamadda sare ee Soomaaliya laashay natiijooyinkoodii.
Waxay sheegtay maxkamaddu in go'aankeeda ay u cuskatay qodobo dastuuri ah iyo xeerka ama sharciga doorashada ee Soomaaliya ee la ansixiyay.
Gudoomiya Baashe Yuusuf oo go'aankaan ku dhawaaqay, ayaa yiri:
Go'aamada maxkamadda ayaa u dhacay sidatan: "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 82-aad ee sharciga doorashooyinka iyo mabaa'diida dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo cadaalad ah. Maxkamaddu waxay go'aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee 30-ka Luulyo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug aan loo maamulin ama aan loo qabanin si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadu ay tahay mid aan ansax ahayn oo waxba kama jiraan ah"
Waxa kale oo uu sheegay in go'aankaan loo cuskaday "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 27-aad ee sharciga doorashooyinka iyo waajibka guddiga ka saaran meel marinta iyo ku dhaqanka sharciga, maxkamaddu waxay go'aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwo aan la saxi karin isla markaana dhaawac weyn u geystay hufnaanta xornimada iyo xalaalnimada doorashooyinka, saameyn badanna ku yeeshay natiijadooda"
Qodob kale oo uu ka dhawaajiyay ayaa ahaa "Iyadoo la ilaalinayo xaqa ay muwaadiniinta u leeyihiin doorashooyin toos ah, xor iyo xalaal ah, isla markaana la fulinayo waajibaadka sharci ee ku xusan sharciga doorashooyinka, maxkamaddu waxay amartay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyika qaranka iyo soohdimaha inuu ku qabto wakhtiga ugu dhow doorashooyinka macquulka ah ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dolad-goboleedka Galmudug isagoo si dhameystiran u raacaya dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka,sharciga dhismaha guddiga, iyo xeerka ururada iyo xisbiyada siyaasadda"
Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay qodob ah ee hay'adaha haatan xilka haya ay shaqada sii wadaan: "Iyadoo la tix-gelinayo danta guud ee maamulka iyo kahortagga firaaq maamul oo dhaawici kara adeegyada maamul, iyo xasiloonida dowlad-goleedka Galmudug, maxkamaddu waxay amartay in hay'adaha hadda jira ay sii hayaan xilka inta ay ka bedelayaan kuwa ku yimaada doorasho cusub oo loo qabtay si waafaqsan sharciga".
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saddexdii bishaan August ku dhawaaqay natiijada doorashadii qof iyo cod ee lagu qabtay deegaanno ka tirsan Galmudug.
Xilligaas, ayaa waxaa natiijada cabasho ka muujiyay urur Towfiiq ee dacwadda gudbiyay, kaa oo saluugay nidaam loo qabtay doorashada.
War deg deg ah, Safiirka Iran ee Ruushka: Pezeshkian iyo Putin ayaa toddobaadka soo socda kulmi doona
Kazem Jalali, safiirka Iran u fadhiya Ruushka, ayaa sheegay in Masoud Pezeshkian iyo Vladimir Putin ay toddobaadka soo socda ku kulmi doonaan magaalada Bishkek, caasimadda Kyrgyzstan, inta lagu guda jiro shirka shirka Ururka Iskaashiga Shanghai.
Sida uu sheegay safirka, Jalali, tani waxay noqon doontaa kulankii lixaad ee dhex mara madaxweynayaasha Iran iyo Ruushka tan iyo markii uu xilka la wareegay Masoud Pezeshkian.
Kulankan la sheegay ayaa imanaya xili Mareykanku ku dhawaaqy cunaqabateyn hor leh oo u uku soo rogey dalka Iran, taas oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “duullaan dhaqaale oo ka dhan ah xiriirrada maaliyadeed ee Iran caalamka caalamka ku leedahay.”
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, oo xayiraaddan cusub daaha ka rogey ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay taabanayso hantida dijitaalka ah, tiknoolajiyadda, dahabka, duulista iyo gaadiidka badda. Wuxuu sheegay in waddan kasta oo dhaqaale ahaan la macaamila Iran la go’doomin doono.
Dhanka kale, Wasiirka Dhaqaalaha Iran, Ali Madanizadeh, ayaa cunaqabateynta Mareykanka ku tilmaamay mid ay Tehran ay filaysay tallaabooyinkan isla markaana ay leedahay qorshayaal ay kaga hortagayso.
Sida qaladka ah ee aan maalin walba u cadeysanno
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Cadey
Inaad si fiican u cadeyso ilkahaaga waxay kuu suurtagelinaysaa inaad yarayso khatarta aad ugu jirto cudurrada ku dhaca cirridka iyo suuska ilkaha.
Waxaa kale oo wanaajinta habka cadayga ay kaa caawinaysaa in uusan wax isbeddel ah ku imaan caafimaadka ilkahaaga.
Balse inteenna badan si sax ah uma cadaysanno. Waxaan qaladaad ku samaynaa habka cadaysiga.Qof walba oo naga mid ah muddo dheer ayuu ilkihiisa soo nadiifin jiray, si maalinle ah, ama dhowr jeer maalintiiba, balse waxay u muuqataa inaan ku qaldannahay waxyaabo badan.
Dalka Sweden, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii qofba hal qof oo ka mid ah oo keliya uu sida ugu habboon u cadaysto. Shirkadda caymiska caafimaadka ee Britain, Bupa, ayaa iyadana ogaatay in ku dhowaad kalabar ka mid ah dadka ay u kuurgashay arrimahooda aysan ogayn sida saxda ah ee loo cadaysto ilkaha.
Xogtan waxaa lagu ogaaday cilmi-baaris lagu sameeyay 2,000 oo qof oo reer UK ah.
"Waxay aad ugu badan tahay in qof walba oo aan talo ka qaadan dhaqtarkiisa ilkaha ama khubarrada nadaafadda uu u cadaysto si qaldan," ayay tiri Josefine Hirschfeld oo ah khabiir cilmiga ilkaha ku takhasustay oo ka howlgasha Jaamacadda Birmingham ee dalka UK.
"Anigoo khibraddeyda kaashanaya, dadka aan sida habboon u cadaysan waa kuwa ugu badan dal walba," ayay sii raacisay.
Waxaa suuragal ah in arrintani aysan noqon mid lama filaan ah ama lala yaabo maaddaama uu jiro macluumaad aad u badan oo ku saabsan sida aad u cadaysan karto.
Hal daraasad ayaa lagu ogaaday in ay jiraan ugu yaraan 66 talo, oo qaarkood iska hor imaanaya, oo ku saabsan habka loo nadiifiyo ilkaha.
"Waxay ila tahay in macluumaadkaas ay jahawareerinayaan dadka u baahan," ayuu yiri Nigel Carter, oo ah madaxa Hay'adda Caafimaadka Afka ee UK.
Xogaha jahawareerka abuura ayaa la socda qalabka loogu talagalay iibka ee loo adeegsado nadaafadda ilkaha, laga billaabo kuwa carrabka lagu xoqo ilaa kuwa ilkaha iyo cirridka gaarka u ah.
Hadda muxuu yahay qaladka aan samayno, sideense u beddeli karnaa habka aan u cadaysanno, si uu u noqdo mid sax ah?
Yaa maxkamadda geeyay dacwadda ka dhan ah doorashadii ka dhacday Galmudug?
Xigashada Sawirka, Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Dacwadda lagu baabi'iyay natiijada doorashada Galmudug
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijada doorashadii isku sidkanayd ee dhammaadkii bishii hore ka dhacday degmooyinka dawlad goboleedka Galmudug.
Waxay maxkamaddu ku dhawaaqday in dib loogu laaban doono doorashada Galmudug, waxaana xukunka ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
"Anagaa dacwadda gudbinay. Natiijadii uu soo saaray guddiga doorashadu aan ka cabaneynaa", ayuu yiri mar uu la hadlayay BBC-da la hadlayay, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay, "Gudoonka maxakamadda sare oo Soomaalidii oo dhan tusay kalsooni waan u mahadcelineynaa, qareenadii towfiiq oo juhdiga dheeraadka ah bixiyay iyaga waan u mahadcelinayaa ",
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dacwadda ay u gudbiyeen maxkamadda ay sulaysneed 'in la baalmaray habraacii loo jideeyay doorashada' ay tartankeeda qaybta ka ahaayeen, iyo 'intaasi horseeday in xornimadii iyo xalaashii doorashada uu dhaawac soo gaaro.
Isaga oo ka hadlay sida uu arko go'aanka maxkamadda ayuu yiri, "Runtii arrin aad iyo aad Soomaaliya oo dhan u soo dhawaysay weeye, ee maahan mid ururka Towfiiq oo kaliya ku kooban.... rajo Soomaaliyeed oo kor u kacday weeye. Hammigii ururada oo dhanaa kor u kacay," ayuu yiri Sheekh Shaakir oo wax laga waydiiyay sida ururkiisu u arko go'aanka ka soo baxay maxkamadda.
Waxa kale oo uu sheegay in cadeymo kala duwan oo ku aadan eedeymahaas ay qareenada ururkiisu u gudbiyeen maxkamadda. "Maqal iyo muuqaal iyo qoraal intaba way ahaayeen [cadeymuhu]', ayuu u sheegay BBC.
War deg deg ah, Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo aqbalay go'aankii lagu laalay doorashooyinkii Galmudug
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray go'ankii ay dhawaan maxkamadda sare ku laashay doorashooyinkii Galmudug.
War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidatan:
"saga oo fulinaya awoodi hiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Sharciga Dhisidda Guddiga iyo Sharcigal Ururada iyo Xisbiyada, Habraacyada, Xeer-nidamiyeyaasha iyo tilmaamaha sharciga waxaa uu u taagan yahay mabaadi'da hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah, hufan oo ay muwaadiniinta si siman uga wada qeyb-galaan.
Kadib marki uu helay GMDQS, nuqulka go'aanka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay SUM: MSF/DD/1/2026 iyo SUM: MSF/DD/BX/1/2026, kuna taariikhaysan 24 Agoosto 2026, ee ku saabsan natiijada doorashooyinkii isku- sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Gobaleedka Galmudug ee qabsoomay 30 Luulyo 2026.
Guddigu waxa uu soo saaray qodobadan hoos kuxusan:
-
1. Guddigu isaga oo tixgelinaya kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo sharci ah si waafaqsan Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo tilmaamaya Awoodda Maxkamadda Sare ee ka garnaqidda iyo go'aanka ka gaarista dacwadaha la xariira Doorashooyinka waxaa uu aqbalay go'aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ku saabsanaa doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Dowlad-Goboleedka Galmudug.
2. Ugu dambayn, Guddigu waxa uu soo muddeyn doonaa xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Iiraan oo u jawaabtay Mareykanka hal su’aal na weydiisay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kazem Gharibadi
Ku xiigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa ka jawaabay sheegashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd in si buuxda loo “nadiifiyey miinooyinka” ku jira Marin-biyoodka Hormuz.
Gharibabadi wuxuu yiri: “Haddii Mareykanku dhab ahaantii miinooyinka ka saaray, maxaa ilaa hadda markab uga gudbi waayay Marin-biyoodka Hormuz?”
Kazem Gharibabadi wuxuu ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka “been cad oo ku dhisan dacaayad.” Wuxuuna digniin ka bixiyay in haddii maraakiibta Mareykanka ee miino-saarka ay soo galaan aagga, ay noqon doonaan bartilmaameedyo aad u fudud oo Iran ay weerari karto.
Hadalkiisa ayaa yimid xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan uu booqday Tehran, iyadoo labada dal ee Khaliijku ay u muuqdaan inay ku dhow yihiin is-afgarad ku saabsan sameynta marin ay maraakiibta ganacsigu uga gudbi karaan Marin-biyoodka Hormuz.
Gharibabadi wuxuu sheegay in xitaa haddii heshiiska Tehran iyo Muscat uu si rasmi ah u dhammaado, taasi macnaheedu uusan ahayn in Marin-biyoodka Hormuz berri la furi doono.
Maxaa lagu soo gabagabeeyay heshiiska Cumaan?
Isagoo faahfaahin ka bixinayay heshiiska lala gaarayo Cumaan, wuxuu yiri: “Sida heshiiskan dhigayo, marinka laga soo galo Gacanka Faaris wuxuu mari doonaa biyaha Iran, halka marinka laga baxayo uu mari doono biyaha Cumaan, iyadoo maraakiibta labada jiho ay ka mari doonaan biyaha Iran.”
Sida ay werisay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in marinka cusub uu noqon doono wax u eg “waddo laba-geesood ah”, oo ballaciisu guud ahaan noqon doono qiyaastii 7 mayl-badeed.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in marinka ay Iran iyo Cumaan ku heshiiyeen uu yahay mid ku-meel-gaar ah, isla markaana labada dal ay 30 ilaa 60 maalmood gudahood wada-hadallo ka yeelan doonaan si ay u go’aamiyaan marin cusub oo joogto ah.
War deg deg ah, 14 carruur dhalaan ah oo ku geeriyooday dab ka kacay isbitaal ku yaala Pakistan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, 14 dhalan ayaa ku geeriyooday halka hal keliya la badbaadiyay
Dab ayaa ka kacay qaybta cusub ee dhallaanka ee Pakistan
Institute of Medical Sciences (PIMS) ee magaalada Islamabad ee dalka
Pakistan.
Afar iyo toban dhallaan ah ayaa ku dhintay dabka ka kacay
isbitaalka PIMS ee Islamabad, sida ay BBC u xaqiijisay afhayeenka
isbitaalka, Dr. Aneeza Jalil.
Dr. Jalil waxay sheegtay in hal dhallaan oo keliya la
badbaadiyey. Waxay sidoo kale sheegtay in isbitaalku dhowaan soo saari doono
bayaan rasmi ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee ay soo tabisay wakaaladda wararka
ee Reuters ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 carruur ah oo mar dhow dhashay ay
dhinteen. Qaybta waxaa ku jiray 16 dhallaan markii dabku kacay, waxaana la
sheegay in hal cunug oo keliya la badbaadiyey.
Dabku wuxuu ka kacay qaybta lagu umuliyo hooyooyinka ee
isbitaalka.
Warbixinno maxalli ah ayaa sheegay in cilad ka timid nidaamka
qaboojiyaha ay suuragal tahay inay sababtay dabka.
Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si
qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.
Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka
sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.
Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay
khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu
badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo
UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.
Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo
kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.
Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?
Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma
daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?
Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa
barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo
karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka
ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.
Jilbo xanuunka oo kale waxaa maqaal bartaasi lagu qoray lagu
sheegay inuusan sidoo kale saameyn weyn ku lahayn daweynteeda.Paracetamol-ka, ayaa sidoo kale la ogaaday inuusan gacan
weyn ka geysan yareynta madax-xanuunka nooca migraines iyo xanuunka kaddib
qalliinka ilmaha lagu dhalo.
lagu sameeyo hooyada and postpartum and post-surgical pain .
Waxay dhaqaatiirtu ku taliyaan mar walba in la raaco
talooyinka dhaqtarka, oo aan la iska oso iibsan kaniinigan iyo dawooyin kale oo
badan.
Kaniinigan ma sababaa saameyn daran?
Maaddaama caadiyan uu 500 milligrams ka kooban yahay
kaniiniga amaba 1 garaam oo maaddada ku jirta ah, tan waxay ka dhigan tahay in
qofka qaangaarka ah uusan afar ilaa siddeed ka badsna karin 24 saac gudahood.
Balse xaaladdu way ka adag tahay sida ay u muuqato, sababoo
ah dawooyin badan ayaa waxaa ku jira paracetamol iyo sidoo kale waxyaabo kale.
Marka, qofku haddii uu hayo duray ama qabow, tusaale ahaan, wuxuu qaadanayaa
dawooyin kala duwan si looga daweeyo calaamadaha (xanuun, qandho, sanka oo
xiran, iyo waxyaabo kale.) waxaana laga yaabaa inuu xaddiga ka badsado.
Dhibaatada ugu weyn waxay ku dhaceysaa beerka, oo qaabilsan
xakameynta dawada. Ilaa 5% dawadan waxay isu beddeshaa quinoneimine, oo ah
maaddo sun u ah jirka.
Xaddi yar (oo ka hooseeya 4 garaam oo paracetamol ah),
beerku wuu awoodaa inuu caadi ka dhigo khatarta. Si kastaba, marka ay xaddi
badan tahay quinoneimine, xubintan ayaa joojisa shaqadii laga filayay.
Tan waxay sababtaa inuu gebi ahaan beerku shaqada gabo,
taasoo keenta in qofka isbitaal la dhigo, waxayna sababi kartaa geeri.
SDF: Ciidammadii Kurdiyiintu hoggaamin jirtay ee Suuriya oo la kala diray
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF), Mazloum Abdi, ayaa ku dhawaaqay in ciidamadii uu hoggaaminayay loo kala diray ciidan madax-bannaan ahaan, kaddib heshiis ay la gaadheen dowladda Suuriya ee Dimishiq.
Abdi wuxuu sheegay in SDF ay dhammaystirtay ku biirista ciidanka Suuriya, isla markaana aysan mar dambe u shaqayn doonin ciidan gaar ah oo madax-bannaan.
SDF waxay horey u maamuli jirtay dhul ballaadhan oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya, waxayna ahayd xulafadii ugu muhiimsanayd ee Maraykanka
ee dagaalka lagula jiray ISIS. Si kastaba, waxay lumisay inta badan
dhulkii ay haysteen, kadib weerar ay dowladda Suuriya qaadday bishii Janaury,
taas oo horseeday heshiiska isku-darka ciidamada.
Abdi wuxuu sheegay in tallaabadani ay Suuriya u furayso bog cusub oo ku saabsan nabad, xasillooni iyo dib-u-dhis, isagoo rajaynaya in dalka looga gudbo dagaal iyo hub una gudbo nabad iyo dhisid.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Ahmed al-Sharaa uu taageeray xaqa Kurdiyiinta ee waxkubarashada afkooda hooyo, isla markaana la qorsheynayo in waxbarashada af-Kurdiga la hirgeliyo sannadkan.
Diblomaasiga Maraykanka Tom Barrack ayaa ku ammaanay Madaxweyne Trump, isaga oo sheegay in hoggaankiisu fududeeyay ku biirista nidaamsan ee SDF ee dowladda Suuriya
Toddobada daah-fur ee ugu muhiimsan uguna yaabka badan dunida ee soo baxay sannadkii 2025-ka
Daah-furrada
sayniska waa natiijooyin cusub oo beddela qaabka aynu u fahanno dunida.
Waxay ku yimaadaan cilmi-baaris saynis, male-awaal, ama mararka
qaarkood nasiib saafi ah.
Si
kastaba ha ahaatee—ha noqoto mid wanaagsan ama mid xun—halkan waxaa ku
xusan toddobo guul-wadeen oo waaweyn oo la gaaray sannadkii 2025-ka,
kuwaas oo beddelay nolosheenna
Ciyaaryahannadii sannadka ee xilli ciyaareedkii hore ee Ingiriiska oo la bixiyey
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kabtan-ka Manchester United Bruno Fernandes iyo weeraryahanka Manchester City Khadija Shaw ayaa ku guuleystay abaalmarinnada Ciyaaryahanka Sanadka ee PFA ee ragga iyo dumarka.
Labadooduba hore ayaa loogu doortay ciyaartoyda sanadka ee ragga iyo
dumarka ee Ururka Qorayaasha Kubadda Cagta (FWA) xilli-ciyaareedkii
2025-26.
Bruno Fernandes: Xilli-ciyaareedkii hore wuxuu dhigay rikoor cusub oo Premier League ah, isagoo sameeyay 21 caawin (assists) hal xilli-ciyaareed. Waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Manchester United ah ee ku guuleysta abaalmarintan tan iyo Wayne Rooney 2010.
Khadija Shaw: Tani waa markii labaad ee ay ku
guuleysato abaalmarintan saddex xilli gudahood. Waxay sidoo kale markii
saddexaad oo xiriir ah ku guuleysatay Golden Boot-ka WSL, iyadoo dhalisay 21 gool, xilli Manchester City ay ku guuleysatay horyaalka.
Abaalmarinnada ciyaartoyda da’da yar
Difaaca Manchester City Nico O'Reilly, oo 21 jir ah, ayaa loo magacaabay Ciyaaryahanka Da’da Yar ee Sanadka ee ragga, isagoo beddelay Morgan Rogers.
O'Reilly wuxuu xilli-ciyaareedka ka qayb qaatay 34 kulan oo horyaalka ah, isagoo lahaa 8 saameyn gooleed (5 gool)
iyo 9 kulan oo kooxdiisu aanay gool laga dhalin. Wuxuu sidoo kale
dhaliyay laba gool, waxaana loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa
kulankii City ay Arsenal kaga adkaatay finalka League Cup-ka.
Dhanka dumarka, Olivia Smith oo Arsenal ka tirsan
ayaa mar kale ku guuleysatay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee
sanadka. Waxay noqotay ciyaaryahankii labaad, kadib xiddiga England Lauren Hemp, ee abaalmarintan ku guuleysta in ka badan hal mar.
Smith oo 22 jir ah kana tirsan xulka Canada ayaa dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan, kadib markii Arsenal ay £1 milyan kaga soo iibsatay Liverpool xagaagii hore.
Wuxuu sheegay inuu ka fariisan doono siyaasadda iyo nolosha adeegga dadweynaha dhammaadka toddobaadka soo socda.
Taas ayaa ka dhigaysa madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyay ee
taariikhda Tanzania ee xilka isaga taga, iyadoo uu xilka hayay wax ka
yar 10 bilood.
Nchimbi wuxuu ahaa ku-xigeenkii Samia doorashadii madaxtinimada ee
muranka dhalisay ee bishii Oktoobar ee sannadkii hore. Labadooda waxaa
xilka loo dhaariyay bishii Nofeembar, kadib markii lagu dhawaaqay inay
heleen 98% codadka.
Doorashada kadib waxaa dalka ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata, waxaana baaritaan rasmi ah lagu sheegay in ugu yaraan 500 qof ay dhinteen.
Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ciidamada
ammaanka ku eedeeyay inay si xooggan u caburiyeen dadka mudaharaadayay.
Nchimbi wuxuu sheegay inuu hore ugu ballanqaaday Samia inuu xilka ka degi doono haddii madaxweynuhu doonayo madaxweyne-ku-xigeen kale,
wuxuuna yiri: “Waxaan ku qancay in madaxweynuhu doonayo isbeddel,
sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan fuliyo ballanqaadkaygii.”
Canada oo ugu danbayn cashuuro aargoosi ahaan ah ku soo rogay Maraykanka
Kanada ayaa ku dhawaaqday canshuuro aargoosi ah oo gaadhaya 50%
oo lagu soo rogi doono badeecooyin kala duwan oo Maraykanku leeyahay,
kadib canshuurihii cusub ee Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay
badeecooyinka Kanada.
Canshuuraha Kanada waxay khuseyn doonaan badeecooyin Maraykan ah oo qiimahoodu ku dhow yahay 28 bilyan oo doollar oo Kanada ah (qiyaastii $20 bilyan oo Maraykan ah). Badeecooyinka waxaa ka mid ah birta, alaabta guryaha, tuna cusub iyo funaanadaha suufka ah.
Mas’uuliyiinta Kanada ayaa sheegay in liiska badeecooyinka la
beegsanayo loo sameeyay si uu ula mid noqdo badeecooyinka Kanada ee
Maraykanku canshuuraha saaray. Canshuuraha cusub ee Kanada waxay dhaqan
geli doonaan 8-da Sebtembar.
Tallaabadan ayaa ah koror cusub oo xiisadda ganacsi ee labada dal ah,
kadib markii wada-hadalladii ganacsi ee Maraykanka iyo Kanada ay
burbureen dhammaadkii toddobaadkii hore. Labada dhinac ayaa midba midka
kale ku eedeeyay inuu sameeyay dalabyo aan macquul ahayn daqiiqadihii
ugu dambeeyay.
Wasiirka Maaliyadda Kanada, François-Philippe Champagne, ayaa sheegay in tallaabada Kanada ay jawaab u tahay canshuuraha 50% ah ee maamulka Trump ku soo rogay badeecooyinka Kanada.
Wuxuu sheegay in canshuuraha Maraykanku saameyn dhab ah ku yeelan doonaan shaqaalaha, ganacsiyada iyo bulshooyinka Kanada, sidaas darteedna Kanada ay qasab ku tahay inay ka jawaabto.