Netenyahu oo u ambabaxay Maraykanka ka dib warar ay horey u shaaciyeen warbaahinta Israa’iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saacado kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in safarkii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee Washington dib loo dhigay “sababo aan la shaacin,” ayuu ugu dambayn u ambabaxay caasimadda Maraykanka.
Sida ay qortay warbaahinta Israa’iil, diyaaradda Netanyahu ayaa markii hore loo qorsheeyay inay kacdo 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah. Hase yeeshee, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii dambe xaqiijiyay in safarka dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababta keentay dib u dhaca.
Warbaahinta Israa’iil ayaa, iyadoo soo xiganaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sheegtay in Netanyahu uu u duulay Washington wax yar ka hor 1:00 duhurnimo, ku dhowaad laba saacadood kaddib waqtigii markii hore loo qorsheeyay.
Warbaahintu waxay sidoo kale, iyadoo soo xiganaysa mareegaha la socda duulimaadyada, sheegtay in diyaaradda Netanyahu ay ka duushay Saldhigga Cirka ee Navatim. Waxa kale oo ay qortay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uusan weli shaacin sababta uu uga duulay saldhiggaas halkii uu ka isticmaali lahaa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv.
Qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa, iyagoo ka hadlaya dib u dhaca safarka Netanyahu, ku xiray arrinta weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn . Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Israa’iil ay hore u sheegeen inay hawada sare ee Urdun, meel u dhow xadka labada dal, ku qabteen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Netanyahu ayaa wax yar ka hor safarkiisa Washington ku qoray bartiisa X in arrinta Iiraan ay noqon doonto mawduuca ugu muhiimsan ee uu kala hadli doono Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.










