TOOS, Aaska Khamanei: Naxasha meydka ayaa la geeyay masjidka Tehran

Munaasabadda aaska Ayatollah Cali Khamenei iyo tiro ka mid ah qoyskiisa oo lagu dilay weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ee 29-kii Maarso ayaa ka bilaabatay magaalada Mosalla ee Tehran. Mas'uuliyiinta qaar ayaa gaaray halkaas, si ay uga qeyb galaan aaskiisa.

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo ku eedeysay Taliska Dhexe ee Mareykanka amni darrada Bariga Dhexe

    Cabbaas Caraqji

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa bayaan uu soo saaray kaga jawaabay war-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM, isagoo yiri:

    “Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ma amni ayuu gobolka u keenay mise amni-darro? Jawaabtu waa mid cad. Ciidamadeenna xooggan waxay caddeeyeen in quwadaha shisheeye aysan xitaa awoodin inay is-difaacaan. Nabadda gobolkeenna waxay sii jiri kartaa oo keliya haddii ay noqoto mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada ay ka wada qaybqaataan, isla markaana aysan jirin faragelin shisheeye.”

    Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qabatay shir looga hadlayay amniga gobolka, kaas oo ay martigeliyeen Ciidamada Difaaca Baxrayn, ayna ka qeyb galeen taliyeyaal ciidan oo ka kala socday 12 dal.

    Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in kulanka loo qabtay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, kor u qaadidda wada-shaqeynta iyo isu-duwidda dalalka gobolka, iyo ka doodista caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

  2. War cusub oo ku saabsan cudurka Ebola oo la shaaciyay

    Ebola

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu ka billowday tijaabada laba daawo oo suurtagal ah oo lagu daweynayo nooc ka mid ah cudurka Ebola, kaas oo sababay dhimasho badan.

    Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in tijaabada caafimaad ay si rasmi ah u bilaabatay, kadib markii bukaankii ugu horreeyay lagu daray. Wuxuu arrintan ku tilmaamay horumar muhiim ah oo laga gaaray dadaallada lagu xakameynayo cudurka.

    Ilaa hadda ma jiraan tallaal ama daawo si rasmi ah loo ansixiyay oo loogu talagalay nooca dhifka ah ee Bundibugyo ee cudurka Ebola.

    Khubarada WHO ayaa sheegay in tijaabadan ay qaadan doonto dhowr bilood, isla markaana laga yaabo inay u baahato in ka badan 1,000 bukaan si loo helo natiijooyin sugan oo lagu kalsoonaan karo.

    Sida ay WHO sheegtay, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa ilaa hadda laga diiwaangeliyay 438 dhimasho iyo in ka badan 1,400 kiis oo la xaqiijiyay oo cudurka Ebola ah.