Xiisad siyaasadeed oo aad u culus ayaa ka taagan Turkiga kadib markii
xarunta dhexe ee xisbiga CHP kadib muran la xiriira burinta buuxda ee
sharciyada xisbiga. Booliska rabshadaha ka hortagga ayaa xoog ku jebiyay
albaabka bardhigista gaadiidka, waxayna galeen xarunta dhexe saacadu markay
ahayd 2:20 duhurnimo, iyagoo gudaha ku tuuray gaaska ilmada keena, taasoo
keentay in dhismaha si degdeg ah loo faarujiyo.
Özgür Özel ayaa kahor faragelinta booliska soo saaray muuqaal uu ku sheegay
in dembigoodu yahay inay ka adkaadeen Xisbiga AK, isagoo ku adkaystay inay
dagaallami doonaan ilaa dhammaadka, isla markaana aan la jebin karin
halgankooda xitaa haddii jirkooda la qaato. Ekrem İmamoğlu ayaa baraha bulshada
ku tilmaamay hawsha “afgambi,” lagu
sameeyay xarunta isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin lagu difaacayo
rabitaanka shacabka, madaxbannaanida qaranka iyo midnimada.
Kadib markii boolisku galeen xarunta, saxafiyiinta waa la saaray, waxaana la
arkay burbur weyn oo gudaha ah iyo dad badan oo gaaska ilmada saameeyay oo laga
soo saaray dhismaha.
Hoggaanka xisbiga iyo Özgür Özel ayaa sidoo kale ka baxay xarunta. Kahor
intuusan bixin, Özel wuxuu jeexjeexay warqaddii ogeysiiska, isagoo sheegay in
isdhiibid aysan ahayn waxa ay matalaan.
Waxaa la qaaday halku-dhegyo muran dhaliyay. Özel wuxuu sheegay in xisbiga
markii la aasaasay uusan lahayn xarun dhexe, islamarkaana ay sii wadi doonaan
socodkooda siyaasadeed ee ku aaddan hanashada awoodda.
Sababta faragelinta booliska ayaa lagu sheegay codsi uu diray qareenka Celal
Çelik oo matalaya Kemal Kılıçdaroğlu, oo maxkamaddu dib ugu soo celisay
hoggaanka xisbiga, kaasoo dalbaday in xarunta lagu wareejiyo. Codsigiisa wuxuu
sheegay in xitaa xildhibaanada aan loo oggolaan inay galaan xarunta, sidaas
darteedna loo baahan yahay in si rasmi ah loo wareejiyo.
Maamulka gobolka Ankara ayaa sheegay in amaro la siiyay ciidamada ammaanka
si ay u fuliyaan go’aanka maxkamadda. Booliska ayaa horay u xiray waddooyinka
ku wareegsan xarunta, iyadoo la dhigay xannibaado, isla markaana laga joojiyay
gelitaanka iyo bixitaanka.
Emrullah Gümüş oo BBC Turkish ka tirsan ayaa sheegay in xisbiga uu isku
diyaarinayay faragelinta booliska. Murat Emir oo CHP ka tirsan ayaa sheegay in
ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, isla markaana loo sheegay in boolisku
aanay xoog ku geli doonin xarunta, inkastoo taasi ay dhacday. Dhacdadan ayaa si
weyn u sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee dalka.