You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo shaacisay war cusub oo ku saabsan hoggaamiyihii sare e Iran ee la dilay Ali Khamenei

    Mohsen Mahmoudi, oo ah madaxa Golaha Isku-duwidda Propaganda Islaamiga ah ee Gobolka Tehran, ayaa wariyeyaasha u sheegay in ururku uu qorsheynayo qabanqaabada aaska Ali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana uu aaminsan yahay in ay noqon doonto “xaflad caalami ah oo lagu qori doono taariikhda dunida Islaamka iyo Iran.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan hadda aragnaa dalal kale, sida Ciraaq, oo isdiiwaangelinaya isla markaana muujinaya diyaar-garowgooda ka qeybgalka munaasabaddan. Waxaa hubaal ah in madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa aan Islaamka ahayn, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Jabhadda Iska-caabbinta, ay muujin doonaan rabitaankooda ka qeybgalka aaskan taariikhiga ah.”

    Mr. Mahmoudi ayaa sheegay in hay’ado iyo ururro kala duwan ay iska kaashanayaan qorsheynta iyo qabanqaabada munaasabaddan, hase yeeshee wuxuu yiri: “Waqtigan xaadirka ah lama cayimin waqti gaar ah oo arrintan la qabanayo.”

    Ali Khamenei ayaa lagu dilay saacadihii ugu horreeyay ee weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan qiyaastii saddex bilood ka hor, intii lagu guda jiray duqeymihii cuslaa ee lagu bartilmaameedsaday xaruntiisa shaqada iyo hoygiisa.

  2. Maraykanka oo war ka soo saaray wadahadallada ka dib duqaynta ciidamadiisa ee Iiraan

    Inkastoo weerarradii uu Maraykanku ku qaaday nidaamyada gantaallada Iran iyo doomaha ku sugan Gacanka Faaris ay sii wiiqeen xabbad-joojintii jilicsaneyd, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa maanta talaadaa sheegay in heshiis lala gaaro Iran uu weli suurtagal yahay.

    “Waxaa maanta Qatar ka dhacay wada-hadallo, waana inaan aragnaa haddii wax horumar ah la sameyn karo. Waxaan u maleynayaa in waqti badan lagu bixin doono habeynta ereyada iyo eraybixinta loo adeegsanayo dukumentiyada, sidaas darteed waxay qaadan doontaa dhowr maalmood,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Jaipur intii uu booqashada rasmi ah ku joogay Hindiya.

    “Madaxweynuhu wuxuu muujiyay diyaar u ahaanshihiisa arrintan,” ayuu Mr. Rubio ku daray. “Ama wuxuu sameyn doonaa heshiis wanaagsan ama gebi ahaanba wax heshiis ah ma jiri doono.”

  3. Ciidamada Maraykanka oo duqaymo ka fuliyey koonfurta Iiraan xilli wadahadallo nabad lagu doonayo ay socdaan

    Maraykanku wuxuu sheegay inuu qaaday duqeymo cusub oo ka dhacay koonfurta Iran, isagoo bartilmaameedsaday goobaha gantaallada Iran iyo doomo isku dayayay inay miinooyin dhigaan.

    Duqeymahan waxaa loo qaaday “is-difaac ahaan” waxaana loogu talagalay “in lagu ilaaliyo ciidamadeenna khataraha akaga imaanaya ciidamada Iran,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Maraykanka (US Central Command).

    Afhayeenka Taliska Dhexe, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku “ay sii wadaan difaaca ciidamadooda iyagoo muujinaya is-xakameyn inta lagu jiro xabbad-joojinta socota” ee u dhexeysa labada dal.

    Iran weli kama aysan jawaabin weerarka Maraykanka, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baqai, ayaa hore u sheegay in inkastoo horumar laga sameeyay wadahadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, haddana heshiis “uusan dhaweyn”.

    Lama oga saameynta ay duqeymahani ku yeelan doonaan heshiis kasta oo nabadeed oo suurtagal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Iran.

    Kadib duqeymaha, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in heshiis weli suurtagal yahay, isagoo tilmaamay wada-hadalladii Talaadadii dhex maray wada-xaajoodaha ugu sarreeya Iran, wasiirka arrimaha dibadda Iran, iyo ra’iisul wasaaraha Qatar.

  4. Shuruudda Trump ee heshiiska Iran: Waa in lix waddan oo uu ku jiro Turkiga ay saxiixaan heshiiska Abraham

  5. War deg deg ah, Marco Rubio: 'Marinka Hormuz si'uun waa in uu furmo'

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii sheegay in Marinka Hormuz “uu khasab yahay inuu furnaado, si kastaba ha ahaatee,” isaga oo ka hadlayey weerarradii Mareykanku ku qaaday Iran maalintii Isniinta.

    “Marinku waa inuu furnaadaa. Wayna furi doonaan si kasta oo ay noqotaba,” ayuu Rubio u sheegay wariyeyaasha saarnaa diyaaraddiisa magaalada Jaipur ee dalka Hindiya.

    Waxa kale oo uu sheegay in wadaxaajoodyada ku saabsan ereyada heshiis suurtagal ah oo lala galo Iran ay “qaadan karaan dhowr maalmood.”

  6. War deg deg ah, Trump oo go'aan cusub ka qaatay waxa laga yeeli doono Uraaniyaamta Iraan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    War dhowaan la soo saaray oo loo arkay inuu yahay “dib uga noqosho” mowqifyadii hore, ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku yidhi:

    “Yuraaniyamka la kobciyey ama si degdeg ah ayaa loogu wareejin doonaa Mareykanka si halkaas loogu qaado looguna burburiyo, ama waxa ka sii wanaagsan, iyadoo lala kaashanayo lana isku dubbaridayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa lagu burburin doonaa isla goobtaas ama meel kale oo lagu heshiiyey; tallaabo daas oo lagu fulin doono kormeerka Hay’adda Tamarta Atoomikada ama hay’ad u dhiganta oo goobjooge ka noqon doonta hawshan iyo dhacdadan.”

    Barack Ravid, oo ah weriye u shaqeeya Axios kana warramay toddobaadyadii u dambeeyey xiriirka dhow ee uu la leeyahay Mr. Trump iyo aragtidiisa wadaxaajoodyada Iran, ayaa ku qoray barta X in hadallada Mr. Trump ay muujinayaan in Mareykanku “dib uga laabanayo” dalabkiisii hore isla markaana uu u sii dhawaanayo waxa ay Iran hore u tilmaantay.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale maalmo ka hor sheegay in dagaalka aan loo qaadan karin mid dhammaaday ilaa kaydka yuraaniyamka la kobciyey ee Iran meesha “laga saaro.”

  7. War deg deg ah, Dhulgariir xooggan oo gilgilay dalalka Chile iyo Bolivia

    Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu ahaa 6.9 qiyaasta ayaa fiidnimadii Isniinta gilgilay deegaanno ku teedsan xadka u dhexeeya Chile iyo Bolivia.

    Xarumaha cilmbi baadhista ayaa sheegay in goobta dhulgariirku ka dhacay ay ahayd qiyaastii 31 kiiloomitir u jirta magaalada Calma ee Chile, islamarkaana uu ka dhacay qoto dheer oo dhan 100 kiiloomitir, xilli ay saacaddu ahayd ku dhowaad 5:30 galabnimo waqtiga Bariga.

    Xoogga dhulgariirka ayaa isla markiiba sababay walaac iyo digniino ku saabsan suurtagalnimada duufaan ka dhacda xeebaha Badweynta Baasifigga, balse saacad kadib waxaa la joojiyay digniintii tsunami ee jasiiradaha Hawaii ee Mareykanka.

  8. War deg deg ah, Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Iraan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Maraykanka ayaa duqeymo ka fuliyay koonfurta Iiraan, iyagoo beegsaday bartilmaameedyo ay ka mid yihiin doomo isku dayayay inay dhigaan miinooyin iyo samaynta goobaha laga rido gantaallada, taasoo ay ku tilmaameen tallaabo difaac ah.

    Taliska Dhexe ee Maraykanka (U.S. Central Command) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqeymahaasi loogu talagalay “in lagu ilaaliyo ciidamadeenna khataraha ay keeni karaan ciidamada Iiraan.”

    “U.S. Central Command waxay sii wadaysaa difaaca ciidamadeenna iyadoo muujinaysa is-xakameyn inta lagu jiro xabbad-joojinta socota,” ayuu yidhi Kabtan Tim Hawkins oo ka tirsan Ciidanka Badda, isla markaana ah afhayeenka Taliska Dhexe.

    Duqeymahan ayaa yimid iyadoo afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baqai, uu sheegay in horumar laga sameeyay wadahadallada lala leeyahay Maraykanka, balse heshiis lagu soo afjarayo colaadda “uusan weli dhaweyn.”

    Iiraan weli kama aysan jawaabin duqeymihii ugu dambeeyay ee Maraykanka. Sidoo kale lama oga saameynta ay ku yeelan doonaan heshiis nabadeed oo suuragal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Iiraan.

    Dhammaadkii toddobaadka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis, balse markii dambe wuxuu sheegay inuu faray wadaxaajoodayaasha “inaysan ku degdegin” heshiiska.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sidoo kale sheegay in heshiis suuragal ah la gaari karo Isniinta.

    Laakiin Isniintii, Baqai ayaa yiri: “Waa sax in la yiraahdo waxaan gunaanad ka gaarnay qayb weyn oo ka mid ah arrimihii laga wada hadlayay... Laakiin in taas laga dhigo in saxiixa heshiis uu dhow yahay cidna ma sameyn karto sheegashadaas.”

  9. War deg deg ah, Xaaladda ku ugub xajka sannadkaan iyo sida Sacuudigu u maareynayo

    Muslimiinta ayaa bilaabay gudashada waajibaadka xajka ee sanadlaha iyadoo gobolka uu si weyn u gilgilay dagaalka Iran.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay toddobaadkii hore in ku dhowaad 1.51 milyan oo xujey ah ay ka yimaadeen meel ka baxsan boqortooyada.

    Taas waa 11,000 oo ka badan sanadkii hore, inkastoo ay jiraan walaacyo ka taagan gobolka oo ku saabsan dib u bilaabashada colaadda saddexda bilood jirtay ee u dhexeysa Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.

    Ka hor inta aan xabbad-joojin nugul la hirgelin bishii hore, Iran waxay qaaday weerarro isdaba joog ah oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah ku qaaday Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka ee deriska la ah, iyadoo ka aargoosanaysay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

    Laba qof oo rayid ah oo ku noolaa magaalada dhexe ee al-Kharj ayaa lagu dilay weerar Iraan ay qaaday 8-da Maarso, iyaga oo ay la socdeen askari Mareykan ah oo ku sugnaa saldhigga cirka ee Prince Sultan ee u dhow.

    Wasaaradda gaashaandhigga Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore baraha bulshada ku baahisay muuqaal muujinaya batariyada difaaca cirka oo ku yaalla duleedka magaalada barakeysan ee Maka, oo ku taalla galbeedka dalka.

    “Awoodaha difaaca cirka ayaa mas’uul ka ah ilaalinta cirka ka sarreeya goobaha barakeysan iyo ka hortagga dhammaan khataraha hawada, iyagoo xaqiijinaya badbaadada iyo xasilloonida maskaxda ee martida,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Mohammed Chahada, oo ah nin Masaari ah oo ku jira da’da 50-meeyada, ayaa ka mid ahaa xujeyda muujiyay rejadooda in Mareykanka iyo Iran ay gaari karaan heshiis nabadeed.

    “Dagaalka ka socda Iiraan wuxuu saameeyay dunida oo dhan. Qofna ma rabo dagaallo ama waxyeello ku timaadda dalalka iyo dadka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka AFP isagoo ka baxay Masjidka Xaramka ee Maka.

    Qof kale ayaa sheegay inay ka mahadnaqeen in ay u suurtagashay inay gaadheen Sacuudi Carabiya kadib bilo ay jireen hubanti la’aan, carqalado ku yimid duulimaadyada hawada, iyo koror xooggan oo ku yimid kharashaadka safarka.

  10. War deg deg ah, Israa’iil oo sheegtay in ay sii kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah Xisbulaah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Ciidanka milateri ee Israa'iil ayaa sheegaya inuu bilaabay mowjad weeraarro ah oo ka dhacday Lubnaan, ka dib markii Raysal Wasaaraha Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay in dalkiisu xoojinayo weeraradiisa ku wajahan Xisbullah.

    Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inuu weeraarro ku qaadday goobaha Xisbullah ee ku yaalla Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan iyo aagag dheeraad ah oo dalka ka tirsan.

    Taasna waxaa ku xigtay bayaan muuqaal ah oo uu Netanyahu ku yidhi Israa'iil waxay "dagaal ku la jirtaa Xisbullah" isla markaana uu siiyay ciidanka tilmaamo ah inay "duqeeymo wax burburiya fuliyaan".

    Bilowga bishaan, Lubnaan iyo Israa'iil waxay ku heshiiyeen in la sii kordhinno xabad-joojin 45-maalmood ah, inkastoo dagaallo yar ay sii socoto.

    Netanyahu ayaa sheegay in howlgalka milateri ee Israa'iil ee ka dhanka ah Xisbullah uu "baabi'iyay... in ka badan 600 argagixiso ah."

    Tan iyo markii heshiiska xabad-joojinta la saxiixay 16-kii Abriil, weerarada Israa'iil ayaa inta badan ku xadidnaa koonfurta dalka, halkaas oo ciidamada Israa'iil ay ku sugan yihiin oo ay Israa'iil ka sheegtay in drones-ka iyo gantaalaha laga soo ridday.

    Dooxada Bekaa, oo Isniintii habeenkii lagu garaacay, waxay ku taallaa bariga Lubnaan, xaddiga Suuriya u dhow.

    Ballaadhinta ololaha Israa'iil waxay timid xilli dowladda Iran ay adkeysanaysay in heshiis nabadeed oo soo baxaya oo ay la gaadho Maraykanka uu ku jiri lahaa xabad-joojin buuxda oo ka dhacda dhammaan meelaha dagaalka gobolka ka socdo.

    Dowladda Israa'iil waxay ka soo horjeedday joojinta dagaalka ka dhanka ah Xisbullah.

    Toban askari oo Israa'iil ah ayaa la dilay tan iyo markii xabad-joojintii hore ee Lubnaan la isku raacay.

    In ka badan 400 qof oo Lubnaan ah ayaa la dilay iyada oo la adeegsanayo xoog-garaac adag oo Israa'iil ah isla mudadaas, oo ay ku jiraan badan oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah iyo kuwa adeegga xaaladaha deg-degga ah.

  11. War deg deg ah, Ruushka oo ku hanjabay weeraro cusub in uu qaadi doono

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Ruushku ayaa ku hanjabay inuu billaabi doono mowjad cusub oo weeraarro "nidaamsan" ah oo ku wajahan Kyiv, dhawr maalmood ka dib markii uu fuliyay mid ka mid ah weerar ugub ah oo aad weynaa laguna qaaday caasimadda Ukraine tan iyo markii dagaalku bilaabmay.

    Weerararrada cusub ayuu Ruushku sheegay in uu beegsan doono "xarumaha go'aan-qaadashada iyo goobaha taliska", iyo xarumaha wax-soo-saarka drones-ka ee magaalada, sidaas oo uu sheegay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ee bayaankeedii.

    Moskow waxay u baaqday muwaadiniinta shisheeye iyo safaradaha inay ka tagaan Kyiv "sida ugu dhakhsaha badan" waxayna digniin u direen muwaadiniintii inay ka fogaadaan dhismayaasha maamul iyo kuwa ciidanka.

    Weerarada baaxadda leh ee Ruushka ee habeenkii Sabtida ayaa dhibaatooyin geystay, kuwaas oo afar qof ku dilay oo ku dhawaad 100 qof ku dhaawacay Kyiv iyo gobolladda kale, sidaas oo uu ku sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

    Moskow waxay sheegtay in xoog-isticmaalkaas iyo hanjabada weerarada soo socda ay ka jawaab-celin yihiin waxay ku andacoonayaan inuu ahaa weeraro Ukraine ah oo la tasmiimay oo lagu qaaday xarunta deganaanshaha ardayda ee magaalada Starobilsk Jimcihii, kaas oo ay masuuliyiinta Ruushka ku sheegeen in 21 qof lagu dilay.

    Ciidanka milateri ee Ukraine ayaa sheegay in xoogagooda ay garaaceen koox milateri ee Ruushka ah oo takhasus ku leh drones-ka ee ku yaalay aagaas, oo ah bariga Ukraine ee ay Ruushku qabsatay, isla markaana aysan weerareen rayidka.

  12. War deg deg ah, Iraan oo sheegtay in heshiis “uusan weli dhaweyn"

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Iiraan ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, balse heshiis “uusan weli dhaweyn.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baqai, ayaa hadalkan sheegay kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu sheegay in heshiis suuragal ah la gaari karo Isniinta.

    “Waa sax in la yiraahdo waxaan gunaanad ka gaarnay qayb weyn oo ka mid ah arrimihii laga wada hadlayay,” ayuu Baqai ka yidhhi Tehran Isniintii. “Laakiin in taas laga dhigo in heshiis saxiixiisu dhow yahay cidna ma sameyn karto sheegashadaas.”

    Wararka ayaa sheegaya in heshiiska hordhaca ah uu ku jiro kordhin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista marin-biyoodka Hormuz, iyo qorshe wadahadallo dheeraad ah looga yeesho barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Dhammaadkii toddobaadka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis, inkastoo uu markii dambe sheegay inuu faray garwadayaashu “inaysan ku degdegin” heshiiska.

    Isniintii, Rubio ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya: “Waxaan moodaynay in laga yaabo inaan xalay helno war cusub. Waxaa laga yaabaa maanta.”

    CBS News oo bahwadaag la’ah BBC-da ee Maraykanka ayaa werisay in sirdoonka Maraykanku aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil qaaday maalintii ugu horreysay ee dagaalka, kaasoo lagu dilay aabbihii iyo hoggaamiyihii ka horreeyay uu ku dhuumanayo meel aan la shaacin, taasoo adkaynaysa xiriirka lala sameeyo ergadiisa, isla markaana dib u dhigaysa xawaaraha wadahadallada uu Maraykanka la leeyahay.

  13. Claudia Sheinbaum: “Maraykanka ma doonayn in xulka Iran ay joogaan dhulkooda”

    Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa sheegtay in ay ogolaatay in xulka qaranka Iran lagu martigeliyo Mexico inta ay socdaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2026.

    “Maraykanka ma doonayn in xulka Iran ay joogaan dhulkooda,” ayey shir jaraa’id ka sheegtay Ms. Sheinbaum

    Xiriirka Kubadda Cagta Iran ayaa shalay sheegay kaddib markii ogolaasho laga helay FIFA in xarunta xulka qaranka degi doono la geeyay magaalada xadka Mexico ku taal ee Tijuana.

    Iran waxay ka dalbatay FIFA in xaruntooda loo wareejiyo Mexico halkii ay Mareykanka ka ahana laheyd balse FIFA ayaa markii hore u sheegtay in ay taasi suuragal aheyn.

    Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Iran, Mehdi Taj, ayaa shalay sheegay in markii xarunta xulka laga wareejiyey gobolka Arizona ee Maraykanka, loona raray Tijuana Mexico, “aanan hadda jirin wax dhibaato fiiso ah, isla markaana xulku uu Mexico ugu safri karo duullimaad ay leedahay Iran Air.”

    Tijuana waa magaalo dad badan oo ku taal xadka San Diego.

    Mr. Taj wuxuu sheegay in masaafada duullimaadka u dhexeeya Tijuana iyo Los Angeles halkaas oo labada kulan ee ugu horreeya ee xulka lagu ciyaari doono ay tahay 55 daqiiqo, taas oo ka dhow xeradii hore ee Arizona.

    Sii akhri:

  14. Lamine Yamal ayaa ka mid noqday Xulka qaranka Spain ee ciyaaraha adduunka sanadkan

    Xiddigan 18-jirka ah ayaa ka maqnaa ciyaaraha bishii ugu dambeysay kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa dambe ee bowdada bidix ciyaartii Barcelona 22-kii Abriil.

    Ciyaartoyda kala ah Dean Huijsen iyo Dani Carvajal ayaa sanadkan ka qeybgaleyn tartanka.

    Real Madrid wax koob ah ma aysan qaadin xilli ciyaareedkan, waxayna ku dhammeysteen iyagoo siddeed dhibcood ka hooseeya Barcelona.

    Ciyaaraha koobka adduunka waxay socon doonaan laga bilabao 11-ka Juun ilaa 19-ka Luulyo.

    Spain waxay ku jirta qeybta H waxayna la ciyaari doontaa marka ugu horreysay Cape Verde, Sacuudiga iyo Uruguay.

    Sii akhri:

  15. Waa kuwee cayaartoyda ugu da'da weyn ee ka soo muuqan doona koobka adduunka

  16. Diyaarad EasyJet oo ka timid Masar, kuna soo jeeday UK ayaa loo weeciyay Rome

    Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha EasyJet oo UK u soo socotay ayaa loo leexiyay magaalada Rome kaddib markii la ogaaday in uu shaqeynayay qalabka dabka keydiyo oo ku jiray boorsada qof rakaab ah.

    Duulimaadka EZY2618 oo ka yimid Hurghada ee dalka Masar kuna sii jeeday London Luton Airport ayaa habeenkii Talaadada si degdeg ah ugu degay caasimadda Talyaaniga ee Rome.

    Shirkadda waxay sheegtay in duuliyuhu go’aansaday in la leexiyo diyaaradda “si waafaqsan xeerarka badbaadada” kaddib markii qof rakaab ah uu u sheegay shaqaalaha intii duulimaadku socday in dabeeyahiisu uu ku jiro qeybta hoose ee diyaarada halka la dhigo alaabta xamuulka. Shirkado badan oo diyaaradeed ayaa adkeeyay xeerarka qalabka keydka dabka ee loo yaqaan ‘Power Bank-yada’, iyagoo inta badan ku amraya in lagu qaato boorsada gacanta sababo la xiriira qatarta baytariyada.

    Diyaaraddu si nabad ah ayay uga degtay garoonka diyaaradaha Rome. Waxaa la ogaaday in aan wax cilad ah laga helin ‘Power bangiga’, balse xeerarku waxay dhigayaan in aan la gelin karin qeybaha xamuulka.

    Xeerarkan adag waxay ka tarjumayaan khatarta dabka ee baytariyada. Waxaa jira halis ay ku kululaan karaan ama dab ku qabsan karaan hadii ay ku jiraan qeybaha xamuulka balse waa la xakameyn karaa hadii lala raaco gudaha diyaarada.

    Sii akhri:

  17. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalalka Bariga Dhexe ay tahay in ay ku biiraan heshiiska Abraham

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa rajo fiican ka muujiyay horumarka laga gaaray wadahadallada socda ee u dhexeeya Iran iyo dalkiisa.

    “Wadahadallada Iran si wanaagsan ayay u socdaan, waxay noqon doonaan heshiis u wanaagsan qof walba, haddii kalena heshiis ma jiri doono,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

    Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka digay haddii aan heshiis la gaarin in Mareykanku uu dib ugu laaban doono dagaalka, isagoo sheegay in uu noqon doono “dagaal ka weyn kana xoog badan sidii hore, mana jiro qof doonaya taas.”

    Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale wadahadallada Iran la xiriiriyay heshiiska Abraham. Isaga oo tixraacaya wadahadal uu Sabtidii la yeeshay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, Imaaraatka, Qatar, Pakistan, Turkey, Masar, Urdun iyo Baxreyn ayuu sheegay in “marka Maraykanku xalliyo arrinta Iran, dalalkan ay tahay in ay saxiixaan heshiiska Abraham.”

    Imaaraatka, Baxreyn, Morocco iyo Sudan ayaa horey uga mid ahaa heshiiskaas. Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in dalalka aan xubnaha ka ahayn ay saxiixaan heshiiska, oo ay ku jirto Iran, haddii ay doonayaan in ay heshiis la gaaraan Maraykanka.

    Heshiiska Abraham waxaa la sameeyay sanadkii 2020-kii markaas oo heshiis uu dhexmaray Israel iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta si caadi looga dhigo xiriirka Carabta iyo Israel.

    Sii akhri:

  18. UK ayaa diwaangelisay in maanta ay tahay maalintii ugu kululeyd taariikhda

    Mowjadaha kuleylka ee ka soo billowday horaantii toddobaadkii hore koonfur-galbeed Europe ayaa soo gaaray UK.

    Ma ahan oo keliya UK meelaha aadka u kulul. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la diwaan geliyay in kuleylka uu gaaray heerkii ugu sareeyayee bisha May guud ahaan qaaradda Yurub.

    Dalka Spain, heerkul gaaraya 38°C ayaa la diiwaangeliyay Axaddii. Guud ahaan France iyo Germany heerkulka wuxuu gaarayo ilaa 30 darajo.

    Saacadihii la soo dhaafy kuleylka London wuxuu gaaray ilaa 33.5 darajo. Maanta ayaa noqotay maalintii ugu kululeyd bisha May. Kuleylka ayaa sii kordhaya saacadaha soo socda UK.

    Sii akhri:

  19. Iran: 'Maraykanka heshiis kama soo naasa-cadda'

  20. Dadka laga helay Ebola ee DRC ayaa ka badan 900 sida ay sheegtay WHO

    In ka badan 900 oo kiis oo looga shakiyay in ay qabaan Ebola, oo ay ku jiraan 101 kiis oo si rasmi ah loo xaqiijiyey, ayaa laga helay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu shalay sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus.

    Sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka, arrintan ayaa timid kaddib markii dad careysan oo ku nool magaalada uu cudurka ka bilowday ee bariga Congo ay weerar ku gubeen teendho qayb ka ahayd xarun caafimaad oo lagu daweynayay bukaannada qaba fayraska. Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad ee noocan ah ee ka dhacda aaggaas toddobaad gudahiis.

    Sida lagu sheegay warbixino hore, cidna kuma dhaawacmin weerarka, balse markii bukaannadu ay carareen si ay uga baxsadaan dabka, ayey 18 qof oo looga shakisan yahay in ay qabaan Ebola ka baxsadeen xarunta welina lama hayo, sidaas waxaa sheegay agaasimaha isbitaalka.

    Dad careysan ayaa habeenkii Jimcaha yimid rug caafimaad oo ku taal magaalada Mongbwalu, waxayna dab qabadsiiyeen teendho loo diyaariyey dadka looga shakisan yahay iyo kuwa la xaqiijiyey in ay qabaan Ebola, taas oo ay maamulaysay hay’adda gargaarka ee dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn, sida uu sheegay Dr. Richard Lokudi, oo ah agaasimaha isbitaalka Mongbwalu.

    “Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhacdadan, maadaama ay cabsi ku abuurtay shaqaalaha, isla markaana ay sababtay in 18 qof oo looga shakisan yahay in ay cudurka qabaan ay baxsadeen.”

    Khamiistii, xarun caafimaad oo kale oo ku taalla magaalada Rwampara ayaa dab la qabadsiiyey kaddib markii ehellada qof u dhintay Ebola laga hor istaagay in ay qaataan meydka.

    Sii akhri: