Mirahan oo afka Ingiriisiga lagu dhoho graviola, amaba
soursop, ayaa leh dhadhan macaan iyo waliba faa’iidooyin caafimaad.
Canuunigu waa geed mirood waxtar badan, wuxuuna ka mid yahay
dhirta weligood cagaaran, waxaana ku jira fitamiinno badan.
LinkGuud ahaan wuxuu leeyahay faa’iidooyin marka la eego
caleemihiisa, mirihiisa iyo xididkiisaba. Wuxuu faa’iido weyn u leeyahay dadka
doonaya cunnooyinka sunta ka hortaga, iyadoo mirahan ay sidoo kale la
dagaallamaan caabuqa.
Canuunigu waxaa ka buuxa nafaqooyin waxaana ku jira xaddi
fiican oo maaddada fiber-ka ah iyo vitamin C ah.
Waa maxay canuuniga, xaggee ayuuse kasoo galay
Soomaaliya?
Canuuniga, waa nooc ka mid ah geedaha sida gaarka loogu
yaqaanno gobollada Ameerika.
Waa miro cagaaran oo qodxo leh, dhexdiisuna waxaa ku jira
miro iyo wax suuf jilicsanaoo kale ah oo caddaan xigeen ah, wuxuuna leeyahay
dhadhan aad u adag oo la mid ah kuwa cananaaska.
Inta badan canuuniga keligiis ayaa la cunaa, inkastoo dadka
qaar ay cabitaan ka dhigtaan. Dhadhankiisa ayaa lagu tilmaamay inuu u dhaxeeyo
cambe iyo cananaas.
Wuxuu gaar u yahay dhulka ay cimiladiisu kulushahay sida
Soomaaliya.
Ilyaas Maxamed Shuuke oo khabiir ku ah geed-miroodka ayaa
BBC-da u sheegay in geedkan uu Soomaaliya soo gaaray qiyaastii 50 sano kahor.
“Wuxuu ka mid yahay geedaha aysan asal ahaan Soomaaliya u
lahayn, ee nooga yimid dalalka kale, sida kuwa Laatiin Ameerika” ayuu yiri.
Wuxuu geedka canuunigu ka tirsan yahay bahda Annonaceae,
wuxuuna kor u baxaan ilaa 8 inji, culeyska mirtiisuna mararka qaar way weynnaan
kartaa, oo waxay gaari kartaa halkii mir ilaa saddex kiilo, sida uu sheegay
Ilyaas.
Canuuniga ayaa aad uga baxa labada Shabeelle ee Soomaaliya,
gaar ahaanna Shabeellaha Hoose. sii akhri