Wixii ka
dambeeyay 7-dii octoobar ee sannadkan sii dhamaanaya, waxaa ciwaanada wararka
ee caalamka haystay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas u dhaxeeya, tan oo isha
caalamka kasoo leexisay dagaalkii u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka oo qudhiisu
weli socda.
Waxaa jira
dagaallo kale isla waqtigan ka socda meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.
Inanga oo ku
bilaabayna Soomaaliya waxaa ka socda dagaal ka socda furinno kala duwan oo u
dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.
Dagaalkan
wuxuu socday ka hor inta uusan bilaaban kan Qaza, wuxuuna sii xoogaystay
sannadkii tagay ee 2022 xilligaas oo uu dagaalkani sababay dhimashadii ug8u
badnayd tan iyo 1990, sida uu qabo mac’hadka macluumaadka dagaalada ee UCDP.
Hay'adda
Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku tilmaantay dhibaatada
bini'aadantinimo ee ka jirta Suudaan inay tahay "wax aan la qiyaasi
karin".
Ku dhawaad
lix milyan oo qof ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka
billowday bishii April ee sanadkan.
Lix bilood
gudahood, iskahorimaadka u dhexeeya ciidamada militariga Suudaan iyo koox
dabley ah oo isku dayayay inay la wareegaan dowladda ayaa dilay ilaa 9,000 oo
qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, taasoo abuurtay "mid ka mid ah dhibaatooyinka
bini'aadantinimo ee ugu xumaa taariikhda dhow".
Inqilaab
militari oo dhacay 2021 iyo caburinta dibad baxayaasha ka soo horjeeda nidaamka
cusub ayaa ahaa bartii ay ka bilowdeen sare u kaca rabshadaha ka socda dalka
Koonfur-bari Aasiya.
Sida laga
soo xigtay cilmi-baarayaal madax-bannaan oo ay soo xigatay Qaramada Midoobay,
in ka badan 13,000 oo carruur ah ayaa ku dhintay dalka iyo 1.3 milyan oo qof oo
ka barakacay guryahooda.
Kooxo kala
duwan oo fallaago ah ayaa Myanmar ka howlgalayay ilaa 1950-meeyadii. Qaar badan
oo iyaga ka mid ah waxay xagjireeyeen falalkooda waxayna kordhiyeen heerka
qalalaasaha isku dayga ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan oo ay
afgembiyaan maamulka cusub ee milatariga.
Iskahorimaadyada
gudaha ee labadan waddan ayaa ku socda wadadii ay ku gaari lahaayeen 1,000
dhimasho oo dagaal ah, siday u kala horreeyaan, iyaga oo u kala saaraya
dagaallo, sida lagu sheegay xogta hordhaca ah ee barnaamijka Uppsala.
Dalka
Nigeria ayaa waxaa ka dhacayay rabshado ay geysanayaan kooxo abaabulan tan iyo
markii ay xornimada qaadatay 1960-kii. Waxa ugu weyn ee hadda diiradda la
saarayo ayaa ah dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha
islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee ka socda gobollo kala duwan oo doonaya inay
maamulaan deegaanno.
Geesta kale,
dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, kaasoo ka dhashay mudaaharaadyo
lagaga soo horjeeday xukuumadda Bashaar Al-asad bishii March ee sannadkii
2011-kii, ayaa waxa ku lug leh kooxaha fallaagada ah iyo quwadaha waaweyn ee
shisheeye sida Ruushka, Turkiga, Qatar, Sucuudiga iyo Maraykanka.
8-dii
Nofembar, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradahooda aan
duuliyaha lahayn ay ku soo rideen xeebaha Yemen fallaagada Xuutiyiinta.
Xuuthiyiinta
waxaa taageera Iran waxayna raacaan diinta Islaamka Shiicada ee loo yaqaan Zaydiyada.
Soo ridida
diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa waxa ay xasuusin u aheyd
colaada halakeysay Yemen tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana iska hor imaadka u
dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen uu taageero ka helayaa Sacuudiga, oo ah
quwad ay isku hayaan Iran, Mareykanka iyo Israa’iil.
Xuutiyiinta
ayaa bishii Sebtembar qabsaday magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyaga oo ku
qasbay dowladda in ay isaga baxdo. Isbahaysi uu hogaaminayo Sacuudiga oo
taageero ka helaya Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ka falceliyay,
balse sideed sano iyo kumanaan duqeymo cirka ah kadib, mucaaradka ayaa wali gacanta
ku haya caasimadda.