Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii

Tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Somaliland oo war cusub ka sheegtay dagaalka Laascaanood

  2. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo maalintii afaraad galay

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook/social media

    Waxaa maalintii afaraad galay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool iyada oo magaalada laga maqlaya hubka ay iswaydaarsanayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamayay halkaasi.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in ay magaalada ka goeen biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

    Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, xilli inta badan dadkii magaalada deganaa ay halkaasi ak qaxeen.

    Dadka qaar ee ku sugan magaalada ayaa sheegay in waxyeello ay ka dhalatay rasaasta wiiftada ah ee ka imaaneyso goobaha uu dagaalka ka socdo.

  3. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

  4. Burcad meydadka qabuurha ka xadda oo Koonfur Afrika ka dilaacday

    Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay baaritaan iyo iyaga oo dalbaday marqaatiyo ka dib markii meydad lagala baxay qabuuro ku yaalla gobolka waqooyi ee Limpopo.

    Mid ka mid ah qaraabada dadkii halkaasi ku aasnaa oo Axaddii qabuurahaasi booqatay si ay u nadiifiso ayaa markii ugu horeysay arrintan shaaca ka qaadday.

    Haweneydan ayaa naxdin iyo anfariir la kulantay ka dib markii ay aragtay qabriga oo duleela iyo meydkii Modike Filemon Masedi oo aan qabriga ku jirin.

    Dadka looga shakiyay dhacdadani ayaa soo galay xabaalaha iyaga oo gooyay xayndaabkii kadibna waxa ay qodeen god ku dhegan qabriga si ay ula soo baxaan naxashka maydkana ay u qaaataan, sida ay booliisku sheegeen.

    Mr Masedi ayaa la sheegay in uu dhintay 15 January lana aasay 7 maalin ka dib.

    Qabuuro

    Xigashada Sawirka, South African Police Service

    Qoraalka sawirka, Qabuuro
  5. Turkiga oo musiibadii dhul-gariirka ay mid kale ugu darsantay

    Sawirka dekadda oo gubanaysa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sawirka dekadda oo gubanaysa

    Dab xooggan oo ka kacay mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn dalka Turkiga ayaa lagu guuleystay in la damiyo, Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga,

    Dabka ka kacay magaalada Iskenderun oo ku taal xeebta Mediterranean-ka ee dalka Turkiga ayaa waxaa uu ka dhashay dhulgariirkii Isniintii ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaasi.

    Boqollaal kunteendhar ayaa dab qabsaday, islamarkana waxaa ka dhashay qiiq badan.

    Inkastoo la sheegayo in dabka la damiyay, haddana wariye BBC ka tirsan ayaa sheegay in wali uu goobta qiiq ka baxayo.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in diyaarado helicopter ah iyo diyaarado militari loo adeegsaday si ay gacan uga geystaan ​​xakameynta dabka. Dhammaan howlihii dekadda ayaa la hakiyay.

  6. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

    Magaalada Laascaanood

    Xigashada Sawirka, Socail Media

    Qoraalka sawirka, Magaalada Laascaanood

    Waxaa wali magaalada Laascaanood ka socda dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo kuwa deegaanka.

    Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali dhawaqa rasaasta culus laga maqlayo duleedka maaalada.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in ay magaalada ka goeen biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

    Waxaa dhanka kale sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, xilli inta badan dadkii magaalada deganaa ay halkaasi ak qaxeen.

  7. Isaias Afwerki oo booqasho dhif ah ku tagay Kenya

    Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray dalka Kenya halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho labo maalmood ah.

    Ninkan 77 jirka ah ayaa booqasho dhif ah ku tagay dalalka dibadda, dalkiisa wuxuu sanadihii ugu dambeeyay go’doon diblumaasiyadeed.

    Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha lagu wado in uu kulan la qaato dhiggiisa Kenya, William Ruto.

    Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxda Kenya iyo Eritrea waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda Laascaanood

    Magaalada Laascaanood waxaa maalintii saddexaad ka socdaa dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

    Dadka qaar ee ku sugan magaalada ayaa sheegay in waxyeello ay ka dhalatay rasaasta wiiftada ah ee ka imaaneyso goobaha uu dagaalka ka socdo.

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka waxaa ka warramaya Faarax Lamaane.

    Qoraalka Codka, Xaaladda Laascaanood
  9. "Waxaa loo baahan yahay 2.6 bilyan doolar sii loo caawiyo dad ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya"

    .

    Qaramada Midoobay, hay'addaha gargaarka, iyo dawladda federaalka ayaa sheegay in loo baahan yahay 2.6 bilyan oo doolar si loo caawiyo dad gaaraya 7.6 milyan oo qof oo ay saameysay abaarta ku dhuftay Soomaaliya.

    Qiyaasta 8.25 milyan oo qof oo ah kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa u baahan naf badbaadin iyo gargaar degdeg ah, sida ay sheegayaan hay'adaha gargaarka.

    Inkastoo laga baaqsaday sanadkii hore in abaaartu isu badasho macluul, haddana waxa la leeyahay haddaan lacagta loo baahan yahay aan la helin, roobka guguna si fiican u di'in, waxa suurtagal ah in macluul looga dhawaaqo Soomaaliya inta u dhaxaysa billaha April iyo June ee sanadkan.

    Muqdisho waxa maanta looga dhawaaqay qorshaha ka jawaab celinta xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya ee sanadka 2023, iyadoo munaasabadda lagu soo bandhigay ay ka qayb galeen wakiillo ka socday hay'adaha qaramada midoobay, kuwa gargaarka, wakiilo ka socday dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada.

  10. Dad dhintay xilli weerar lagu qaaday kolonyada baabuurta Qaramada Midoobey oo marayay DR Congo

    Howlgalka Qaramada Midoobey ee DRC

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Howlgalka Qaramada Midoobey ee DRC

    Ilaa saddex oo kamid ahaa dad dibadbaxyo ka dhigayay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ku dhintay xilli weerar lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay Qaramada Midoobey laheyd.

    Howlgalka Qaramada Midoobey ee (Monusco) ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadka dhintay xilli weerarka uu ka dhacay deegaanka Munigi ee gobolka North Kivu.

    Howlgalka wuxuu intaa ku daray in dibadbaxyaasha ay ku khasbeen la joojiyo kolonyada, waxayna dab qabadsiiyeen afar kamid ah baabuurta xamuulka ah.

    Dadkan ayaa dhintay xilli ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Congo ay isku dayayeen inay difaacaan kolonyada, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobey.

    Kooxaha fallaagada ayaa dhawaan qabsaday dhul ballaaran oo ka tirsan gobolkan, arrintaas oo dhalisay caro dadweyne oo ka dhanka ah Qaramada Midoobey iyo ciidamada ka socda dalalka Bariga Afrika.

    Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay halkaas waxaa ku dhintay boqolaal qof halka kumanaan ay ka qaxeen guryahooda.

  11. Madaxweyne Erdogan oo booqanaya magaalooyinka uu dhulgariirka ku dhuftay

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tego gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu shaaciyay xafiiska madaxweynaha.

    Erdogan wuxuu sidoo kale maanta booqan doonaa gobolka Pazarcik, oo ah halkii xuddunta aheyd dhulgariirka.

    Wuxuu xaalad deg dega ah oo muddo saddex bilood ah uga dhawaaqay 10 gobol ee uu sida ba’an u saameeyay dhulgariirka.

  12. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Turkiga korortay

    Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay Turkiga ayaa kor u dhaaftay 9,000, sida laga soo xigtay laanta qaabilsan ka hortagga masiibooyinka dalkaas.

    Dhinaca kale, waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Turkiga balse warbaahinta dowladda iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ku dhawaad 2,500 qof ay ku dhinteen dhulgariirka.

    Burburka ka dhashay qaraxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Burburka ka dhashay qaraxa
  13. War deg deg ah, Somaliland oo ka hadashay dagaalka maalintii saddexaad ka socda Laas Caanood

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in dagaalka Laas Caanood uu galay maalintii saddexaad.

    War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook ee wasaaraddan ayaa lagu sheegay in "kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda."

    Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kale ee ku lugta leh dagaalka. Sidoo kale faahfaahin buuxda lagama hayo khasaraha jira.

  14. Dhakhtar ku sugan Laas Caanood oo khasaaraha dagaalka uga warramay BBC-da

    Cabdi Majiid

    Xigashada Sawirka, Cabdi Majiid

    Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa BBC-da u sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo galay maalintii saddexaad.

    Tirada gawaarida gurmadka degdegga ah ee Ambalaasta ayaa aad ugu yar magaalada oo laga soo tebiyay khasaare badan.

    "Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan," ayuu BBC-da yiri Dr Cabdi Majiid oo ka howl gala Isbitaalka Manhal ee magaalada Laas Caanood.

    “Waxaan la tacaalnay qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waah al isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo,” ayuu yiri Dr Majiid.

    Dagaalka Laas Caanood ayaa u dhaxeeya militeriga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyo kasoo jeedda deegaanka oo la sheegay in ay doonayaan sidii ay dib ula midoobi lahaayeen Soomaaliya.

    Soomaaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya balse weli ma helin aqoonsi calami ah.

    Laas Caanood ayaa xad la wadaagta dowlad goboleedka Puntland oo ka tirsan federaalka Soomaaliya.

  15. Dagaalka Laas Caanood oo galay maalintii saddexaad

    Rasaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maalintii saddexaad oo xiriir ah ayuu dagaal culus ka socdaa magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaas.

    Faahfaahin rasmi ah lagama hayo xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, hase yeeshee waxaa duleedka magaalada laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta.

    Howl-wadeennada gawaarida gurmadka degdegga ah ee ambalaasta ayaa BBC-da u sheegay in ay caqabad weyn ka heysato sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay isku dhaca oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

    Ilo wareedyo ay BBC-da la hadashay ayaa sheegay in ay dad badan ka bara kacayaan magaalada Laas Caanood.

    Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaanno lagu sameeyo dhacdooyinka laga soo tebiyay Laas Caanood oo ay dad badan ku dhinteen.

  16. Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo isticmaalka saliid seytuunka

  17. Sharoobooyinka qufaca ee dilaaga ah: Maxaa looga cabsadaa dawooyinka lagu soo sameeyo Hindiya?

  18. Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii kale ee soo maray Soomaaliya

  19. Wiilka Museveni ee Muqdisho ku sugan muxuu horay uga yiri Soomaaliya iyo Itoobiya?