Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii

Tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii Laas-caanood

    Laas-caanood

    Xigashada Sawirka, Socail Media

    Qoraalka sawirka, Laas-caanood

    Dagaalkii cuslaa ee maalmahan ka socday magaalada Laas-caanood ayaa galabta qaboobay, balse waxaa mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

    Waxaa sidoo kale mararka qaar la maqlayaa dhawaqa huubka culus, iyada oo ay is-horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamayay.

    Waxaa hubkaasi qaarkiis ay ku dhaceen gudaha magalada Laascaanood, waxaana la sheegayaa in khasaaro uu jiro.

    Dagaalkan ayaa 5-tii maalmood ee u dambeeyay u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

    Waxaa magaalada ka barakacay inta badan dadkii ku noolaa oo u qaxay magaalooyiinka ku xeeran Laas-caanood.

  2. Tirada dhimashada dhul-gariirkii Turkiga oo sii kordheysa

    Dhulgariirka Turkiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhulgariirka Turkiga

    Waxaa sii koradhaysa tirada dhimashada ee dhul-garirkii ku dhuftay dalka Turkiga iyo qeybo ka mid waqooyi Suuriya. Tirada dhimashada ayaa iminka mareysa 22,000 oo qof.

    Waxaa wali socda dadaalada gurmadka waxaana sacad-ba saacadda ka dambeysa sii kordheysa tirada dhimashada.

    Dalka Turkiga gobolka Hatay ayaa waxaa la soo badbaadiyay cunug 10 sano jiro iyo hooyadii .

  3. Wararkii ugu dambeeyay ee dulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

  4. Ololaha doorashada baarlamaanka oo ka bilowday dalka Jabuuti

    Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta ka billowday ololaha doorashada kuraasta baarlamaanka dalkaas.

    Laba xisbi ayaa ku tarmaya kuraasta 65ka ah ee golaha. In ka badan kala bar kuraastaasi waxa ay yaallaan magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti.

    Qoraalka Codka, .
  5. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii shanaad

    Waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 60 qof tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

    Wararka aannu maanta ka helayno magaaladaasna waxay sheegayaan in dagaalku uu ka yara khafiifay sidii uu ahaa maalmihii aynu soo dhaafnay, iyadoo jugta qoryaha waaweyn mararka qaar la maqlayo.

    Dagaalkaas ayaa sababab barakac ballaaran oo dadku u qaxayaan deegaannada nabadoon ee u dhawdhaw Laascaanood.

    Cali Yuusuf Axmed wuxuu ka mid yahay dadka magaalada weli ku nool Farah Lamaane ayuu uga warramay waxa uu arkay iyo xaaladda sida ay haatan tahay.

    Qoraalka Codka, .
  6. Kenya oo shaacisay magacyada shan nin oo ay sheegtay in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada shan nin oo ay sheegtay in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ay boolisku raadinayaan.

    Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarro laga geystay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

    Bogagga Baraha Bulshada ee Laanta Dambi Baarista Kenya ayaa lagu faafiyay magacyada la tuhunsaneyaasha oo kala ah:

    • Ramadhan Hamisi
    • Issa Abdalla Ahmed
    • Ahmed Omar Said
    • Maalim Yussuf Hassan Abdullahi
    • Maalim Abbas

    Kooxda Al shabaab yaa horay loogu eedeeyay in ay weerarro ka fuliyeen deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Xeebaha Kenya, kuwaasoo lagu beegsaday dad rayid ah, ciidamada amniga iyo xarumaha dowladda.

  7. Eritrea oo dib ugu oo noqonaysa urur goboleedka IGAD

    Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu dib u helayo xubinnimadiisii urur goboleedka IGAD oo sannadkii 2007 laga saaray.

    Afwerki oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya ayaa sheegay in aan wax hadal ahi haatan ka taagnayn in dalkiisu mar kale helo xubinnimadiisii ururka IGAD Is weydiintu hadaba waxay tahay maxaa haatan isbedelay ee sahalay in Eritea mar kale dib ugu biirto ururkaas, raalli se ma ka wada yihiin arintan wadadamada ururka ku jira oo dhan gaar ahaan kuwa xurguftu dhextaal iyaga iyo Eritrea.

    Axmed Xaashi oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa falanqaynaya.

    Qoraalka Codka, .
  8. Xaaladda dadkii ka barakacay colaadda Laascaanood

    Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

    Dagaalkaas ayaa sababab barakac ballaaran oo dadku u qaxayaan deegaannada nabadoon ee u dhawdhaw Laascaanood. Dadkaas magaalada ka qaxay oo u badan caruur iyo haween ayaana qaarkood gaadheen Adhicaddeye.

    Maxamed Cabdi Kaatun oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ka mid ah dadka qaxay isaga iyo caruurtiisa, waxaanu duruufta ay haatan isaga iyo caruurtiisu sida ay tahay uga waramay Xasan Cali Geelle.

    Qoraalka Codka, .
  9. Muxuu Maraykanka ka yiri dagaalka ka socda magaalada Laascaanood?

    Waaxda Arrimaha Afrika ee Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay "in aan la aqbalaynin duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah", iyagoo sheegay in ay tahay "wax aan la aqbali karin, oo ay tahay in la joojiyo."

    Waaxda ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda ka socota magaalada Laascaanood, lana ilaaliyo dadka rayidka ah iyo in aan la carqaladayn gargaarka bini'aadantinimada.

    Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in xiisadda si wadahadal ah lagu dhammeeyo.

    Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

    Dagaalkaas ayaa sababay barakac xoog leh, iyadoo ay dadku u qaxayaan deegaannada nabadoon ee u dhow Laascaanood.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ahaa in ciidmada Somaliland ay la dagaalamayaan 'aragaxiso, iyo maliishiyaad ku xiran Alshabaab' waa sida uu hadalka u dhigaye xilli uu waraysi gaar ah siiyey BBC-da qaybteeda focus on Africa, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ee Somalimemo.

    Al-shabaab ayaa sheegtay inay xaqiijinayso in hadalka kasoo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sida lagu baahiyay Somalimemo.

    Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqbaleyn in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.

    Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

    Dagaalkaas ayaa sababab barakac ballaadhan oo dadku u qaxayaan deegaannada nabadoon ee u dhawdhaw Laascaanood.

  11. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

  12. Mexico oo eeyo burburka wax ka baara u soo dirtay Turkiga oo Isniintii ka dhacay dhulgariirka

    MEXICO
    Qoraalka sawirka, MEXICO

    Caasimadda dalka Mexico waxaa dhowaan ka soo ambabaxay diyaarad ay saran yihiin 16 eey oo ah kuwa ka qeyb qaata howlaha samatabixinta iyo barista dadka xilliyada ay dhacaan dhulgariirada .

    Mexico xilliga waxy caan ku tahay dhul gariirada waxayna leedahay kooxo rayid ah iyo militari taqasus ku ah arrimaha badbaadinta iyo samatabixinta kuwaas oo la geeyo meel kasta oo ay masiibo ka dhacdo.

    Eeyaha hadda la soo qaaday ayaa ku guuleystay in ay hantaan qalbiyada dadka Mexico xilliguu uu dhacay dhul gariirkii dalkaas ka dhacay 2017kii xilligaas oo ay badbaadiyeen nafo fara badan.

    Mid ka mid ah eeyaha oo Frida la yiraahdo ayaa noqotay mid caan ah oo calami ah ka dib markii la arkay iyadoo burbur ka baaraysa burbur hoostiis gudha magaalada Mexico City xirana kabo boot ah iyo muraayadaha aragga .

    Ciidamada Badda ayaa ku sharfay eydaasi in ay badbaadisay 12 qofisla markaana isla markaana 40 qof ay bannaanka keentay howlgaladii ka dhacay Mexico. Eygaasi Freda ayaa geeriyootay sanadkii horeiyadoo duqowday.

    Eeyihii kale ee ay isku kooxda ahaayeen ee ay 2017kii howlgalada ku wada jireen ayaa haatan loo soo qaaday Turkiga .

    Abaabulkan kooxdan eeyaha tababaran ayaa loo maray wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mexico si ay gacan u siiyaan dadka Turkiga ee qaarkood laga yaabo in ay weli ku hoos jiraan burburka dhulgariirka

    Croatia , Jamhuuriyadda Czech, Jarmalka , Giriigga , liibiya , Poland , Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sidoo kale keenaya eeyo tababaran

  13. Kolonyadii ugu horreysay ee gaadiid gargaar sida oo gaaraay Woqooyi Galbeed Suuriya oo dhulgariirku ka dhacay

    SYRIA
    Qoraalka sawirka, SYRIA

    Kolonyadii uu horreysay ee gaadiid gargaar siday ayaa gaarartay dhullka Woqooyiga Galbeed Suuriya ku yaalla ee ay Mucaaradku gacanta ku hayaaniyagoo ka yimid Turkiga.

    In ka badan 1700 qof ayaa ku dhimatay gobolkaasi oo laheyn qalalbka wiishashkaama isbitaalo shaqeynaya.

    Isu socodka xuduuda ayaa xirnaa tan iyo markii uu dhacay dhulariirka kaas oo burburiyey waddooyinka .

    Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo furista labo waddo oo kale oo ku yaalla woqooyga Suuriya kuwaas oo laga soo galisn karo Suuriya gargaarka loo baahanyahay ee gobolada ay dowalddu ka taliso.

    Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Suuriya in ay u oggolaato hay’adaha caalamiga ah in ay goobaha oo dhan gargaar geeyaan oo ay ku jiraan melaha ay mucaaradku lka taliyaan ,.

    Isagoo ka hadlayey shir ka socda magaalada Genevaayuu Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya , Geir Pedersen,ayaa shegay in loo baahan yahay in la hubiyo in socodka gargaarka la sii wado.

  14. Madaxweynaha Ereteriya oo diiday in uu ka hadlayo xilliga ciidamadiisu si buuxda uga baxayaan Itoobiya

    AFAWERKI
    Qoraalka sawirka, AFAWERKI

    Madaxweynaha Ereteriya Essayas Afawerke ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in ciidamada dalkiisu ay xadgudubyo geysteen xilliigii uu socday dagaalkii labada sano qaatay ee ka dhacay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

    Ciidamada Ereteriya ayaa taageeray ciidamada Itoobiya ee la dagaalamayey TPLF , dagaalkaas oo ay ku baro kaceen in ka badan labo milyan oo qof.

    Kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay ku kaceen xadgudubyo ballaaran oo ay ku jiraan xasuuq dad rayid ah iyo kufsi ka dhacay dhulka Tigray.

    Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Nairobiayaa Efewerke waxaa uu diiday in uu ka jawaabosu’aal ku saabsaneyd xilliga ciidamada Ereteriaya ay si buuxda uga baxayaan Itoobya.

    Dalka Ereteriya wax doorasho siyaasadeed ah kama aanay dhicin tan iyo markii uu xornimadiisa qaatay 1993diwaxaana si joogto xabsiyada loo dhigaa dadka siyaasadiisa ka horjeesta .

  15. Makhaayad camiran oo laga helay god ay qodayeen khubarada taariikhda aruurisa

    Hal mitir iyo bar dhulka hoostiisa ah ayey cilmi-baarayaal ku xeel dheer waxyaabaha qadiimiga ah ka heleen haraadiga makhaayad qadiimi ah oo la rumaysan yahay in ay shaqeyn jirtay sanadkii 2,700 BC. Godka ay makhaayaddan ku taallo ayaa laga helay magaalada qadiimiga ah ee Lagash, ee dalka Ciraaq.

    “Qeybaha ay ka koobnayd waxaa ka mid ah meel ballaaran oo u muuqatay halka ay dadku cuntada ku cuni jireen," ayay tiri Sara Pizzimenti oo tirsan jaamacadda Pisa, mar ay la hadleysay BBC-da.

    Haweeneydan waxay ka mid tahay cilmi-baarayaasha 5-tii sano ee la soo dhaafay baarayay magaalada qadiimiga ah barnamaijkanina waxa uu qayb ka ahaa mashruuca lagu raadinayay taariikhdii hore ee Lagash.

    Lagash waxay ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn uguna da'da weyn ee koonfurta gobolka Mesopotamia. Waxa ay sidoo kale ahayd mid ka mid ah xarumahii magaalooyinkii ugu horreeya adduunka.

  16. Safaaradda Maraykanka ee Kenya oo soo saartay digniin ku saabsan weeraro argagixiso

    .

    Xigashada Sawirka, NATION

    Safaaradda dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya uga digtay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi.

    Digniinta ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee dalka .

    Si kastaba ha ahaatee, safaaradda ayaa qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka muwaadiniinteeda. Muwaadiniinta Maraykanka ee dalka ku sugan ayaa la amray inay ka feejignaadaan goobaha ay tagaan dalxiisayaasha/ ajaanibka, si ay uga warqabaan agagaarkooda, iyo inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah si ay u helaan xogaha cusub.

    Xiligan, dowlada Kenya ayaa heegan buuxa galisay kooxo kala duwan oo qaabilsan amaanka magaalada Nairobi kadib markii dhawaanahan ay dhaceen falal burcadnimo ah oo loo geystay dadka deegaanka.

  17. Rasaas goos goos ah oo laga maqlayo magaalada Laascaanood

    Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay si xooggan ugu dagaalamayeen maleeshiyada deegaanka oo dhinac ah iyo ciidanka Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somailland.

    Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay la dagaallamayso wax ay ugu yeertay argagixiso, hasayeeshee ciidamada deegaanka ayaa dhankooda sheegaya inay doonayaan inay dhulkooda ka saaraan ciidammo ay sheegeen inay ku soo duuleen.

    Lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka afarta maalin ka socda halkaas.

    Qoraalka Codka, Rasaas goos goos ah oo laga maqlayo magaalada Laascaanood
  18. Daawo: Dhulgariirka Turkiga iyo sheekooyinka naxdinta leh ee BBC ka tabinayso

    Waxaa sii kordhaya carada ay qabaan dadka Turkiga ee ku aaddan sida ay dowladda ugu guuldarraysatay inay u diyaargarowdo musiibada, kaddib markii kumannaan qof ay ku dhinteen laba dhulgariir oo waa wayn oo Isniintii dalkaasi ku dhuftay.

    Tirada dadka ku dhintay musiibadaas ayaa haatan ka saramartay 8,500 waxaana la filayaa in tirada ay maalmaha soo socda ay sare u sii kacdo.

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay tirada dhimashada mar uu tegay mid kamid ah gobollada ay sida ba’an dhibaatada u saamaysay.

    Hasayeeshee waxaa jira caro siyaasadeed oo sii kordhaysa iyo mid ka taagan deegaannada ay dhibaatadu saamaysay taas oo ku aaddan jawaabta ay dowladda Erdogan bixisay iyo diyaargarowgeedaba.

  19. Mubaarak Oktoobar oo shaaca ka qaaday waxa uu sameeyay markii lagu dhaliilay guurkii Farxiyo Fiska

  20. Muxuu dagaalka ka socda Laascaanood ka yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland?

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa sida uu ku sheegay waraysi gaar ah oo siiyey BBC-da qaybteeda focus on Africa waxa uu ku sheegay in ciidmada Somaliland ay la dagaalamayaan 'aragaxiso, iyo maliishiyaad ku xidhan Alshabaab' waa sida uu hadalka u dhigaye.

    Waraysigaas su'aalihii lagu weydiiyey waxa ka mid in iyaga laftooda lagu eedeeyey in aan si aan loo meel deyin ay u dileen maato, intaa hawshani socotay, xilli maayarka magaaladaas oo iscasilay oo arrintaas ku eedeeeyey.

    Qoraalka Codka, .