Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii

Tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Cadowga mideeyay Dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab

  2. Militeriga Israa’iil oo duqeeyay marinka Qaza

  3. Afwerki oo si adag uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray Eretria iyo Macawiisleey

  4. Maxaa ka jira inuu soo shiiro maqaarka dumarka is caddeeya?

  5. Kumuu ahaa ninka ay ka billaabatay colaadda Laascaanood ee ugu dambeysay?

  6. Arrin ku saabsan Farmaajo iyo Laascaanood oo labo jeer hadal-heyn ka dhalisay Soomaaliya

  7. Xog ku saabsan dagaalka Laascaanood iyo walaaca laga qabo

  8. Waa kuwee Waddamada Yurub ee maanta Soomaaliya deynta ka cafiyey?

  9. Arrimaha ugubka ah ee ku gedaaman dilka uu asakri Soomaali ah u geystay laba eedeysane oo maxkamad loo waday

  10. Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq

    Laasacaanood

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Somaliland

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeysay in ay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo horey marar badan ay ugu dagaallameen iyaga iyo Puntland.

    Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho balse tahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo “cadow ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaaliland” oo ay ugu horreeyaan bey tiri “kooxaha argagixisada ahi.”

    “Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Somaliland.

    Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in ay wali ka go’antahay dhaqangelinta go’aankeedii ahaa xabbad-joojinta aan shuruudda lahayn, waxayna dhinaca kale ee dagaalka kula jira ku eedeysay in uusan “diyaar u ahayn xabbad-joojin si buuxda uga dhaqangasho magaalada Laascaanood.”

  11. Laascaanood: Guddiga Aaya-katalinta SSC oo eedeeyay Somaliland

    Laasacaanood

    Xigashada Sawirka, TELEFISHINKA QARANKA SOMALILAND

    Guddiga aaya-katalinta SSC ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ku eedeeyay in ay dhibaato ba’an u geysatay shacabka gobolka Sool isla markaana ay jartay adeegyadii muhiimka ahaa ee sida korontada, biyaha, intarneedka, taleefoonnada iyo adeegga lacagaha la isugu diro.

    Qoraal ka soo baxay guddigaasi oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka guddiga aaya-katalinta SSC, Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) ayaa lagu yiri “Barakaca dadka rayidka ahi ee Laascaanood waa arrin si toos ah uga dhalatay ficillada Somaliland, sheegashada ah in ay gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyay ayaa ah jees-jees naxariis darro ah.”

    Guddigani ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay duqeyn ay sheegeen in loo geystay cusbitalka guud ee magaalada Laascaanood, arrintaa oo ay sheegeen in waxyeello weyn loogu geystay qalabka sameeya ogsijiinta ee cusbitalkaasi iyo dhaawac soo gaaray hawlwadeenno caafimaad.

    Somaliland ayay ku eedeeyeen dilka dhakhtar saaka lagu dilay cusbitalka Gargaar oo sida uu guddigani sheegay la duqeeyay.

    Waxa uu guddigani sidoo kale ku eedeeyay Somaliland in ay xirtay waddada aada dhanka Tukaraq, arrintaa oo ay sheegeen in ay sababtay in dadkii dhaawaca ahaa la geyn waayo cusbitallada Garowe, si ay u helaan adeeg caafimaad.

    Dhanka kale, guddigani ayaa beeniyay in Somaliland ay wax gargaar bani’aadanimo ah gaarsiiyay magaalada Laascaanood ee ay colaadda ka taagan tahay.

    Laascaanood ayaa maanta maalintii lixaad waxaa ku dagaallamayay xoogag deegaanka ah iyo ciidamada Somaliland ee indhawaale uu dagaalka u dhaxeeyay.

    Inkabadan 50 qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay dagaalladaasi lixda maalmood socday.

  12. Somaliland oo qodobbo deg deg ah kasoo saartay dagaalka Laascaanood

    Laascaanood

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Somaliland

    Shir ay magaalada Hargeysa ku yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa dhowaan lagasoo saaray qodobo la xiriira dagaalka sii xumaanaya ee ka socda Laascaanod.

    Shirka ayaa ka qabsoomay Madaxtooyada Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaqday ee Somaliland waxaana shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Wadani, waxaana lagaso saaray qodobadan hoos ku xusan.

    1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

    2. Saddexda Xisbi waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.

    3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.

    4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.

    5. In arrimaha Somaliland si wada jira loo wajaho lagana wada tashado.

  13. Waa sidee xaaladda Laascaanood oo saaka uu dagaal qaraar ka qarxay markale

    Dagaal qaraar oo ka kulul kuwii shantii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Laascaanood ayaa tan iyo saaka arooryadii hore ka socda bariga iyo koonfurta magaaladaasi.

    Dagaalkan xooggan ayaa imanaya saacado uun kaddib markii jamhuuriyadda gooni isutaaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ay shaacisay xabbad joojin aanay shuruud ku xirnayn.

    Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saacadaha badan socda, kaas oo dhinacyada dagaallamaya ay isku eedaynayaan.

    Waxaase la xaqiijiyay dhimashada dhakhtar ka howlgeli jiray mid kamid ah isbitaallada magaalada.

    Wareysi ay BBC-da la yeelatay afhayeenka guddiga aaya-katalinta SSC, Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan, waxaana uu kawar bixiyay xaaladda haatan ee Laascaanood.

    Qoraalka Codka, Dagaal qaraar oo ka kulul kuwii shantii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Laascaanood
  14. Faah faahinta weerar ay Al-shabaab saaka ku qaadday xero ciidan oo ku taala degmada Afmadow

    Xaaladda degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa daggan kaddib markii saaka kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala halkaasi.

    Labo gaari oo walxo qarxa lagu soo rarray ayay kooxdu ku qarxisay dibadda xero ciidan oo ay wada daganaayeen ciidanka dawladda federaalka iyo kuwa Jubaland, waxana la soo weriyay inay jiraan dhawaacyo soo gaaray askartii xerada joogtay.

    Haddaba si aan u helno faahfaahinta warkaasi, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan taleefanka ku wareystay gudoomiyaha Afmadoow Maxamed Amiin Cabdillaahi Cismaan, wuxuna marka hore weydiiyay sida ay wax u dhaceen.

    Qoraalka Codka, Xaaladda degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa dagan
  15. Waa kee gobolka Mareykanka ka tirsan ee awoodda loo siiyay in dadka tahriibka ku gala laga tarxiilo?

    Tahriibayaasha Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Barasaabka Florida Ron DeSantis ayaa la siiyay awood uu ku rari karo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn meel kasta oo ka tirsan Mareykanka iyadoo la raacayo sharciga uu ansixiyay golaha sharci dejinta ee gobolka.

    sharcigan waxaa ansixiyay labada gole ee Jamhuuriga ay maamusho ee ku teedsan khadadka xisbiyada oo hadda u socda miiska Mr DeSantis si uu u saxiixo.

    Barasaabka Florida ayaa sanadkii hore tahriibayaal ka soo qaaday Texas una dhoofayiyay Massachusetts, taasoo keentay in dacwad lagu soo oogo.

    Jamhuuriyaankan waa nin si kulul ugu tartamaya Aqalka Cad 2024.

    Sannadkii hore, Mr DeSantis waxa uu laba diyaaradood kusoo qaaday tahriibayaal ka soo raacay Texas kuwaasi oo aan sharciyeysnayn.

    Dimuqraadiyiinta iyo xulafadooda ayaa ku dooday in duullimaadyadu ay ahaayeen kuwo siyaasadaysan oo u dhigma ka ganacsiga dadka.

    Texas iyo Arizona waxaa sidoo kale bas looga qaadi jiray muhaajiriinta aan sharciga lahayn magaalooyinka ay maamulaan Dimuqraadiga sida Chicago iyo New York, iyo, Washington DC.

    Duqa magaalada New York Eric Adams, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa markii hore soo dhaweeyay muhaajiriinta, hase yeeshee bishii July ee la soo dhaafay ayey ku tilmaameen "culays dhab ah" oo saaran adeegyada bulshada.

    Sannad xisaabeedka 2022 tirada dadka soogalootiga ah ee aan sharciyeysnayn ee ka tallaabaya xadka koonfur-galbeed ee Maraykanka ayaa kor u dhaaftay 2.76 milyan, taas oo jabisay rikoorkii sannadlaha ahaa ee hore in ka badan hal milyan, marka loo eego xogta Ilaalinta Xuduudaha.

  16. Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii

    Laascaanood

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Dagaalka u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo millateriga Somaliland ayaa saaka galay maalintii lixaad, iyadoo aysan dhaqangelin xabbad-joojin ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

    Dagaalka ayaa saaka weli ka socda bannaanka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay.

    Mid kamida dhakhaatiirta isbitaalka Gargaar ee magalada Laascanood ayaa laguso warramayaa in uu geeriyooday kaddib markii rasaastu ay ugu tagtay isbitaalka isagoo howlo daweyn mutadawac nimo ah ku guda jira.

    Dhanka kale bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa saaka war saxaafadeed lagu daabacay lagu sheegay in xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqeen aysan dhanka kale kale addeecin oo saakay ay weerar ku soo qaadeen.

    “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.”

    “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.”

  17. Carruur magacooda kari waayay ka dib markii laga soo badbaadiyay dhul-gariirka Turkiga

    Turkey

    Caruurta ku dhaawacantay dhul gariirka ee ku jira Isbitaalka Magaalada Adana ayaa ah kuwo aad u da'yar, lamana oga khasaaraha soo gaaray inta uu la'egyahay.

    Waxaan arkeynay dhakhaatiir qaybta daryeelka degdega ah dhalo ku quudinaysa gabadh lix bilood jir ah oo dhaawacan isla markaana aan waalidkeeda meelna lagu ogeyn.

    Waxa jira boqollaal kiis oo kale oo carruur aan la aqoonsan ah waalidkooduna dhintay ama weli la weysanyahay.

    Dhul-gariirku wuxuu burburiyay guryahoodii taasoo sababtay in aan weli laga helin wax aqoonsiyo ah waxaana muuqata in hadda magacyadooda aan la garan Karin.

    Dr Nursah Keskin ayaa gacanta ku qabatay gabadha yar oo ku jirta qaybta daryeelka degdega ah waxaa loo yaqaan oo kaliya sumadda sariirteeda saran oo dhaqaatiirtu ay isku fahmaan.

    Waxaa ka muuqda dhaawacyo iyo wejigeeda oo si xun nabarro u gaareen balse wey dhoolla caddeynaysay.

    "Waan ognahay halka laga helay iyo sida ay halkaan ku timid. Laakiin waxaan isku dayeynaa inaan helno ciwaan, baadigoobku wuu sii socdaa," ayuu yiri Dr Keskin, oo ah dhakhtarka carruurta iyo agaasime ku xigeenka isbitaalka.

    Waxa aanu la kulanay gabadh ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay tahay shan ama lix jir. Way huruddaa oo waxa ku xiran faleenbooyin . Shaqaaluhu waxay sheegeen inay gaartay jug madaxa ah iyo jajabyo badan. Waxaan waydiiyaa inay awood u yeelatay inay magaceeda u sheegto. "maya madaxa kaliya ayey luleysaa" ayuu yiri Dr Ilknur Banlicesur, oo ah dhakhtar qalliin carruurta ah.

    Saraakiisha caafimaadka Turkiga ayaa sheegay in guud ahaan aagga masiibada ka dhacday ay hadda ku dhaawacmeen in ka badan 260 carruur ah oo ay garan waayeen.

    Tiradaas ayaa laga yaabaa inay si weyn kor ugu kacdo marka meelo badan la gaaro oo baaxadda hoy la'aanta ay si buuxda u soo baxdo.

  18. Somaliland oo ku dhawaaqday xabbad joojin shuruud la'aan ah

    Somaliland

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Somaliland

    Xukuumadda Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la'aan ah, oo ku wajahan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

    Waxaa go'aankaa xabad joojinta shaaciyey wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay.

    wasiirka ayaa sheegay isagoo ku hadlaya afka xukuumadda in ay Somaliland ku baaqday xabbad joojin dhankeeda ah, isagoo sheegay in dhinaca kalana ay ka rajeynayaan sidaa si lamid ah, waxa uu ku baaqay in la’isugu yimaado miiska wada hadalka.

    Waddamada beesha caalamka ayaa horraan dhinacyada ugu baaqay in ay xabada joojiyaan oo ay iskugu yimaadaan miiska wadahadalka, colaadana lagu dhameeyo wada xaajood.

  19. Kusoo dhawaada tabinteena tooska ah ee wararka BBC Somali

  20. Laamaha Ammanka Kenya oo heegan sare la geliyay

    ciidanka Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa heegan sare la galiyay ciidammada ammaanka ee waddanka Kenya kaddib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo sheegaya inay suuragal tahay in dalka uu ka dhaco weerrar argagixiso.

    Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay soo saartay digniin dhanka ammaanka ah oo ay u dirtay muwaadiniinteeda ku nool Kenya, saacado uun kaddib markii mas'uuliyiinta waddankan ay shaaciyeen magacyada shan qof oo loo doondoonayo xiriir ay la leeyihiin ururka Alshabaab.