Militeriga Soomaaliya iyo maleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Abaaraha saameeyay xoolo dhaqatada Waqooy Bari Kenya

    Gobolka waqooyi bari Kenya oo ay dagaan Soomalida Kenya ayaa laga soo sheegayaa in deegaano badan oo ka mid ah ay abaaruhu aad u saameeyeen.

    In ka badan lix kun oo lo, ah iyo 12 kun oo ari ah ayaa lagu soo warramayaa in xoola-dhaqatadu ay ku waayeen abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan bariga Wajeer.

    Cabdullahi Macallin Xuseen oo ku magac dheer Cabdullaahi Riba ayaa BBC-da uga warramay sida haatan ay xaaladdu tahay.

    Qoraalka Codka, Abaaraha ka taagan gobolka Waqooy bari Kenya
  2. Iran: Tiro dad ah oo ku dhintay dibadbaxyada looga soo horjeedo Xijaabka

    .

    Xigashada Sawirka, ISNA

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in 35 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ballaaran oo ka dhashay dhimashada ku timid haweeney ay xireen booliska.

    Dibadbaxyada siddeedda maalmood ka socday Iran ayaa horseeday inay isku dhacaan dadweynaha iyo booliska rabshadaha ka hortaga, dibadbaxyadaas oo ku baahay magaalooyin dhowr ah.

    Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ardey iyo kooxaha bulshada rayidka la xiray xilli ay ku sugnaayeen guryahooda.

    Gabadha dhimatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini ayaa waxaa maalmo ka hor xiray booliska Tehran kadib markii ay xiray xijaab aan habbooneyn.

    Sidoo kale dibadbaxyo kale oo lagu taageerayo laamaha amniga ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Iran.

    Haweenka ku dhaqan dalka Iran ayaa mudaaharaad ka dhigayay sharciga adag ee xijaabka iyagoo meel fagaare ah iskaga siibay xijaabka ama qamaarada sida la dheehan karay muuqaallo ay soo dhigeen baraha bulshada.

  3. Dalalka G7 oo dhaleeceeyay aftida ka dhaceysa qeybo kamid ah Ukraine

    Askari ka tirsan jamhuuriyada iskeed gooni u goosadka ugu dhawaaqday ee Luhansk oo codeynaya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Askari ka tirsan jamhuuriyada iskeed gooni u goosadka ugu dhawaaqday ee Luhansk oo codeynaya

    Dalalka ugu taajirsan adduunka ee G7 ayaa dhaleeceeyay waxa ay ku tilmaameen aftida waxbo kama jiraanka ah ee laga qabayo qeybo kamid ah Ukraine oo ku aadan in shacabka ay ku biirayaan Ruushka iyo in kale.

    Waxay ku tilmaameen aftida ka dhaceyso meelo ka tirsan Ukraine ay horkacayaan saraakiil taageero ka helo Ruushka mid kasoo horjeeda xeerarka Qaramada Midoobey.

    Ukraine waxay ku gacan seyrtay aftida ay ku tilmaantay tallaabo jees jees ah oo aan sharciga waafaqsaneyn.

    Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in arrintani ay tallaabo dacaayad ah oo uu ka dambeeyo Ruushka.

    Waxay intaa ku dareen in Ruushka uu aftida uga raadsanayo qiil sidii si sharci darro ah uu kula wareegi lahaa dhulka Ukraine.

    Ruushka wuxuu sheegay in shacabka ku nool dhulka uu qabsaday uu siinayo fursad ay ku cabbirayaan aragtidooda.

    Balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay taagan yihiin guri kasta iyagoo u hanjabaya shacabka si ay uga qeyb qaataan aftida.

  4. Midowga Yurub: si dhab ah ayaan u qaadaneynaa hanjabaadda Putin

    Vladimir Putin

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Vladimir Putin

    Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Midowga Yurub inay indhaha ka qarsan doonin hanjabaadda halista ah ee ka imaaneysa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ah in dagaalka Ukraine u adeegsan doono hubka Nukliyeerka.

    Josep Borrell wuxuu BBC u sheegay inay si dhab ah u qaadan doonaan hadalka kasoo baxay kadib markii uu ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka Nukliyeerka.

    Hadalka Putin ayaa imaanaya xilli Ruushka uu bilbaabay dhaqdhaqaaq uu qeyb ahaan ciidamadiisa uu heegan ku gelinayo si ay ugu tallaabaan dhinaca afarta gobol ka tirsan Ukraine ee uu Ruushka qabsaday.

    Putin wuxuu dhawaan sheegay in heegaankan uu saameyn doono ‘muwaadiniinta kamidka ah ciidanka keydka ah’.

    Putin wuxuu sheegay in reer galbeedka ay u handadayaan Ruushka balse Ruushka uu heysto hub badan oo isku difaaci karo.

    “Waxaan adeegsan doonaa awood kasta oo lagu difaacayo shacabka”

    Putin oo dadweynaha kala hadlayay teleefishinka qaranka ayaa sheegay in uu qaadi doono tallaabo kasta uu difaaco shacabka ku nool gobolka Donbas.

    Wuxuu amar ku bixiyay in sare loo qaado dhaqaalaha si loo xoojiyo awoodda hagaajinta ee hubka.

    Wararka kale ee la xiriira sheekdan:

  5. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.