Maxaa lagu xulanayaa dadka loo diiwaan gelinayo milatariga cusub ee Ruushka?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Published

Subixi Septembar 21, waxaa Ruushka ka bilowday diiwan gelinta ku biirista millateriga, waxaana amarkaasi bixiyay madaxweyne Putin.

Waa arrin markii ugu horeysay taariikhda ka dhacday Ruushka, sidaa awgeed, way adagtahay in la ogaado qaabka ay u shaqeyn doonto.

Tallaabadan ayaa ah mid waafaqsan sharciga cusub ee dalkaasi waxayna sidookale  ku timid amar uu bixiyay madaxweyne Putin iyo bayaan uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga dalkaasi, Shoigu.

Waa kuwee dadka la doonayo inay ku biiraan milatariga Ruushka si ay uga dagaalamaan Ukraine?

Sida uu dhigayo sharciga tababaridda iyo qorista dadka, dadka rayidka ah ee ku jira ciidanka kaydka ee aanan lahayn rikoor dembi iyo kuwa aan ka yaalin rikoor xatooyo ayaa kamid noqon doona ciidankaasi.

Haweenka ma kamid noqon karaan ciidankaasi la qorayo?

Sharcigu ma qeexayo jinsiga qofka muwaadinka ah ee ay tahay in la diiwaan geliyo. Waxaa se muhiim ah khibradda millateri ee uu qofka leeyahay iyo caafimaadkiisa.

Haweenka waa laga qeyb gelin karaa ciidanka millateriga hadii ay khibrad u leeyihiin qodoboda hoos ku xusan:,

Kombiyuutarka,

Dawooyinka,

Daabacaadda iyo

Khariiridda.

Xulashada dhanka da’ada

Ciidamada kaydka waxaa loo kala saaray saddex qeybood iyadoo loo eegayo da'adooda.

Tusaale ahaan, qeybta koowaad waxaa ka mid ah askarta ilaa iyo 35 sano jirka ah, Saraakiisha ilaa 50 sano jirka ah, gaashaanleyaasha ilaa 55 sano jirka ah, korneylada ilaa 60 sano jirka ah, janaraallada ilaa 65 sano jirka ah.

Wasiirka gaashaandhigga Serhii Shoigu ayaa balan qaaday in aanan la qori doonin ardayda iyo dadka shacabka ah ee qaadanaya tababarka milatariga ee 1-ka sano.

Diiwan gelintan ayaan sidoo kale quseyn millateriga iyo, guud ahaan muwaadiniinta ilaa 27 sano jirka ah maadama aanay qeyb ka ahayn ciidanka keydka.

Ardayda ka qalin jabiyay waaxaha militariga ee jaamacadaha lama mid aha kuwa dhameystay adeegga millateriga, ayuu yiri guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee federaalka Viktor Bondarev.

Qaabkee loo wajihi doonaa qoristan ciidanka? Ma se leedahay waqti cayiman?

Xogta ah in qofka loogu yeero qorista ciidamada wuxuu ku imaan karaa siyaabo kala duwan.

Sida sharcigu qabo, waxaa arrimahaas ka mid noqon kara caafimaadka qofka, lixaadkiisa oo aan dhameystirnayn oo wax u dhimaya awoodda shaqo, iyo waxyaabo kale. In qofka soo gudbiyo dukumentiyo been abuur ah waxaa loo tixgelinayaa inuu ka baxsanayo adeegga milatariga.

Sida laga soo xigtay Shoigu, 300,000 oo ciidamada kaydka ah ayaa loo yeeri doonaa inta lagu guda jiro howlaha qorista.

Amarka madaxweynaha laguma xusin tiradaasi, iyo sidoo kale macluumaadka la xiriira goorta la soo afjarayo abaabulka ciidan ee Ruushka.

Waa side xaaladda dadka loogu yeeray diiwangelinta?

Sida ku cad amarka madaxweyne Putin, laga soo bilaabo waqtiga dadkaasi loogu yeeray qorista, waxay la mid ahaan doonaan millateriga qandaraaska saxiixay.

Ruushka ayaa diyaariyay taageerada maaliyadeed, lacagaha dheeraadka ah oo loogu talagalay ka-qaybgalka dagaalka iyo magdhowyada kala duwan.

Suurtogal ma tahay in ciidamada la diiwaan geliyay, ay ka baxaan dalka?

.

Xitaa afhayeenka madaxweyne Putin, Dmytro Peskov weli ma hayyo jawaabta su'aashan.

Mar ay wariyaashu wax ka weydiyeen suurtogalnimada ah in ciidankaasi loo oggolaado inay ka tallaabaan xadduudda, waxaa uu yiri, “hadda kama jawaabi karo su'aashaasi.

Inkastoo sida uu qabo sharciga, muwaadiniinta ku jira diiwaanka milatariga aanan loo oggoleyn inay ka baxaan goobta la dejiyay illaa ay oggolaansho ka helaan ciidamada.