Ciidamada Ruushka oo ku qasbaya shacabka Ukraine inay ka go'aan Ukraine

Ruushka ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u oggolaaday meelaha ay codbixinta aftida ka dhacayso

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ruushka ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u oggolaaday meelaha ay codbixinta aftida ka dhacayso.
Published

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in askar hubaysan ay guri guri u galayaan qaybaha la haysto ee dalka Ukraine si ay u ururiyaan codadka "aftida" dadka iskood ugu biiraya Ruushka.

"Waa inaad afka uga jawaabtaa, askariguna warqadda ayuu ku calaamadinaya ayay tiri," haweenay BBC-da la hadashay oo ku sugan Enerhodar.

Koonfurta Kherson, Ciidamo Ruushiyaan ah ayaa bartamaha magaalada la istaagay sanduuqa codbixinta si ay u ururiyaan codadka dadka. Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in sababta ciidamada halkaa loo geeyay ay tahay sababo amni.

Haweeney ku sugan Melitopol ayaa iyana BBC-da u sheegtay in askar Ruushiyaan ah ay guriga ugu yimaadeen si  waalidkeed, ay uga saxiixaan warqadda codeynta

"Aabahay wuxuu ku qoray 'maya' [inuu ku biiro Ruushka]," haweeneydu waxay tiri. "Hooyaday ayaa askartii si hoos u waydsiisay waxa ku dhici doona ninkeeda maadaama uu ka horymid codbixinta, waxay ku dhaheen, 'waxba kuma dhacayaan'.

Waxay intaasi raacisay: "Hooyo hadda waxay ka walaacsan tahay in Ruushku silcin doono."

 Haweeneyda ayaa sidoo kale sheegtay in ay jirto warqad codbixin ah oo loogu talagalay qoyska oo dhan si ay uga qayb qaataan aftida.

 Khubarada ayaa sheegay in aftida iskeed loo abaabulay, ee dhacaysa shan maalmood gudahood, ayna u oggolaan doonto Ruushka inuu sheegto – si sharci darro ah – afar gobol oo la haysto oo ka tirsan Ukraine.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ku biirstu" ma noqon doonto mid caalami ah oo la aqoonsan karo, laakiin waxay horseedi kartaa in Ruushka uu ku andacoodo in reer galbeedku hub siiyo Ukraine, taas oo sii kordhin karta dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa aftida ku tilmaamay mid been abuur ah, isagoo sheegay inay tahay “ marmarsiiyo been abuur ah” oo la doonayo in qeybo ka mid ah Ukraine uu xoog ugu qaato Ruushku, taasoo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah.

"Maraykanku waligii uma aqoonsan doono dhulka Ukraine wax aan ahayn qayb ka mid ah Ukraine," ayuu yirii Joe Biden.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, James Cleverly, ayaa sheegay in UK ay hayso caddaymo muujinaya in saraakiisha Ruushku ay mar hore dejiyeen bartilmaameedyo " la ikhtiraacay codbixinta iyo heerarka ansixinta aftidan beenta ah".

Mr Cleverly wuxuu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo inuu si rasmi ah u sameeyo ku daridda Ruushka afarta gobol ee Luhansk, Donetsk, Kherson iyo Zaporizhzhia - dhammaadka bishaan.

Waddamada qaniga ah ayaa ku tilaamay aftida mid been abuur ah

Xigashada Sawirka, Reuters

 Ilo ku sugan Kherson ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin dadaal dadweyne oo lagu dhiirigelinayo cod bixinta, marka laga reebo ku dhawaaqidda wakaaladda wararka ee Ruushka ee ah in dadku ay ka codayn karaan dhisme ku yaalla dekedda Kherson , kaas oo aan la isticmaalin muddo 10 sano ah.

Haweeney kale oo ku sugan Kherson ayaa sheegtay in ay ku aragtay "dagaalyahanno hubeysan" bannaanka dhismaha oo ay u muuqatay in codbixintu ay ka dhacayso. Waxay iska dhigtay inay illowday baasaboorkeeda, si aanay u codayn.

 Haweeneyda ayaa sheegtay in dhammaan asxaabteeda iyo qoyskeeda ay ka soo horjeedaan aftida. "Ma garanayno sida nolosheenu noqon doonto aftidan ka dib," ayay tiri. "Aad bay u adag tahay in la fahmo waxay rabaan inay sameeyaan."

 Kyiv ayaa sheegaysa in aftida aysan waxba ka bedeli doonin, ciidamadeeduna ay sii wadi doonaan in ay xoreeyaan dhammaan dhulka Ukraine.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhawaan abaabulay ugu yaraan 300,000 oo askari oo dheeri ah ayaa sababay in rag badan oo Ruush ah oo da'dii dagaalka ahaa ay cararaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhawaan abaabulay ugu yaraan 300,000 oo askari oo dheeri ah ayaa tallaabadaasi waxay sababtay in rag badan oo Ruushiyaan ah isla markaana  da'da qaanka gaarka ku jira ay  ka cararaan dagaalka.

Mid ka mid ah dhalinyarada Ruushka oo ka tagay St Petersburg kuna sii jeeday Kazakhstan si uu uga fogaado dagaalka ayaa u sheegay BB-da in inta badan saaxiibadiis ay sidoo kale dagaalka ka carareen.

Waxa uu sheegay in qaar, isaga oo kale ah, ay socdaal ku marayaan xadka, halka qaar kalena ay aadeen tuulooyin yar yar oo ka tirsan Ruushka si ay ugu dhuuntaan dagaalka.