You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Manchester City ayaa Real Madrid 2-1 ku dubatay tartanka horyaalka yurub
Manchester City ayaa u gudubtay wareegga siddeedda ee tartanka horyaalka Yurub ee Champions League kaddib marki ay Real madrid kaga adkaatay 2-1.
Orodki guusha ee ay Machester soo wadday waxay u suuraga gelisay iney soo gaarto wareegga siddeedaad ee horyaalka yurub.
Qaybti hore ee ciyaarta Manchester City iyo Real Madrid waxay isla dhaafi waayeen barbarbdhac 1-1.
Daqiiqadda 9-aad ayaa goolka ugu horreeyay ciyaarta ku hoggaamisay iyada oo Man City uu goolkeeda ugu horreeyey uu u saxeexay Laacibka Raheem Sterling.
Daqiiqadda 8-aad Real Madrid ayaa iyaduna dhalisay gool ay isaga gudday goolki lagu lahaa waxaana goolkaasi u dhaliyey Karim Benzema.
Daqiiqadda 68-aad Manchester City ayaa markale u dhacday shabaqa kooxda Real Madrid oo dhalisay goolki labaad oo ay ciyaarta ku hogaamineysay ayna ku hanatay guusha ciyaartan waxaana Man city u dhaliyey weeraryahanka u dhashay dalka brazil Gabriel Jesus.
Labada kooxood ciyaarta qaybteeda labaad markay isugu soo laabteen waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanagsan oo ay koox kastaba ku dooneysay iney goolal kale dhashadaan si ay guusha u raacdo.
Kooxda Manchester City oo kooxda Real Madrid oo marti ugu ahayd garoonka Etihad ayaa guusha 2-1 ay ciyaartaasi ka soo hoyday u suuragelisay iney iska xaadiriso wareegga siddeedaad ee horyaalka yurub ee loo yaqaanno Champions League.
Tababaraha kooxda real madrid Zinadine Zidane wuxuu qirtay inuu khaladaad sameeyey, khaladaadkaasi oo ay ka mid ahaayeen iney si wanaagsan u akhrisan kooxda ka soo horjeedda sida ay u safan yihiin qaabka ciyaartooda, ciyaartooydoda sida ay usafteen.
Kulanka labada kooxood dhexmaray kaddib waxay kaamirooyinka garoonka qabteen labada tababare waa tababaraha Man City Pep Guardiola iyo Tababaraha rael Zinedin Zidan oo wada hadlaya.
Euro Sport oo tababaraha Man City weydiisay waxa ay ka wada hadleen wuxuu sheegay inuu uga hambalyeynayey guushaay ka gaareen hoyaalka La Liigaha iyo arrima la xiriia qoyskisa.
Tababaraha real madrid Zinedine Zidane wuxuu yiri: "Dhab ahaan ma faraxsanin, waxaan ku gull darreysannay ciyaar muhiim ah sidaasuu nooga suurageli waayey inaan wareegga siddeedda u gudbno."
"Waan ku faraxsannahay guulaha aan ka gaarnay xilli ciyaareedkan, waxanui waa kubbad. Waxaa naga guuleysatay koox aad u wanaagsan guul darradana waa inaan aqbalnaa. Wey na soo mareen fursado aan goolal ku dhalin karnay."
"Waxaan sii ahaanayaa madaxa Kooxda real madrid haddii ay dhicin arrin lama filaan ah."
"Uma baahnid inaad cid kale su'aal ka weydiisid mustaqbalkeyga. Dhammaanteen wxaan u baahannahay nasasho si aan xilli ciyaareeda xiga aan isugu soo diyaarinno."