Maxaa Boris Johnson looga dhex saaray sawirkan uu kula jiray wasiirada?

Xigashada Sawirka, GRANT SHAPPS
Wasiirka ganacsiga Britain Grant Shapps ayaa inkiray inuu ka tirtiray Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska sawir uu kula jiray kaas oo uu soo dhigay bartiisa Twiter-ka.
Mr Shapps ayaa soo dhigay bartiisa Twitter sawirkan oo laga qaaday xilli uu Johnson ku tagay booqasho xarunta gantaalada iyo dayax gacmeedyada ee Cornwall, oo dhawaan uu ka fashilmay dayax gacmeekii u horeeyay ee laga gano dhulka ingiriiska.
Balse dadka isticmala baraha bulshada ayaa arkay in Boris Johnson oo sawirkan ku jiray xilli uu booqday xarunta 2021-kii aanu ka dhex muuqan.
Shapps ayaa sheegay in aanu ogayn in sawirka wax laga badalay kaas oo markii dambe uu ka saaray bartiisa Twitter-ka.
Sawir kan la mid ah oo u eg asalkii sawirkan ayaa ku jira barta Flickr ee dawladda ingiriiska kaas oo ku taariikhaysan bishiii June 2021.

Xigashada Sawirka, VIRGIN ORBIT
Sida sawirkan asalka ah ka muuqata waxaa sawirka ku jira Mr Johnson iyo Mr Shapps oo is garab taagan xilli oo booqasho ku tagay halka lagu sameynayey Launcherone oo ah diyaarad hawada sare galisa dayax gacmeedyada.
Hogaamiyihii xiligaasi Boris Johnson ayaa xidhna marka uu booqanayey goobta jaakad ay ku xardhan yihiin ereyada: “Raysal Wasaare”.
Ilo ka ag dhow Grant Shapps ayaa sheegay in aanu “ka war qabin in sawirkani yahay mid la dhalan rogay.”
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Isla markii la tusayba wuu saaray. Dabcan ma uu taageerayo qof doonaya inuu taariikhda dib u qoro oo uu ka saaro sawirka Raysal wasaarihii hore”
“Wuu ku faanaa inuu la soo shaqeeyay dawladdii Boris Johnson.”
Hawlgalkii ugu horeeyay ee dayax gacmeed laga diro carrada UK ayaa ku dhamaaday fashil isniintii, ka dib markii gantaalka ay soo wajahday “cillad".
Diyaarad Jumbo jet ah oo ay maamusho shirkadda American Virgin Orbit ayaa gantaalka ka soo xambaartay Newquay, Cornwall, si ay ugu sii dayso hawada iyada oo dulmaraysa badweynta Atlantic. Gantaalka ayaa iftiimay isagoo u muuqday in uu si sax ah hawada u galay, ka hor intii aanu hawlgalku fashilmin.
Dayax gacmeedyadii uu gantaalku waday ayaa la sii dayn waayey waanay lumeen.
Wasiirka caafimaadka guud ee xisbiga shaqaalaha Andrew Gwynne ayaa ku weeraray Mr Shapps dood ka socotay golaha shacabka oo ku saabsan sharciga mudaharaadyada shaqo joojinta ee ay qorsheyneyso dowladdu.
“Waxaa looga baahnaa in uu waqti yar ku bixiyo Photoshop, waqti badanna uu ku bixiyo shaqada maalinlaha ah oo uu soo fadhiisto kulamada wadahadalka ," ayuu ka hor sheegay Xildhibaanada.












