Yaa hogaaminaya tartanka guddoomiyaha gobolka Minnesota ee doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalka Mareykanka waxaa si xamaadsad leh uga socda doorashooyinka isreeb-reebka xisbiyada dhexdooda ah, ku waas oo lagu kala saarayo cidda xisbi walba uga qaybaleysa doorashada guud ee lagu wado in ay dalkaas ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan.
Goobaha sida weyn loogu loollamayna waxaa ka mid ah gobolka Minnesota, halkaas oo goor dhaweyd lagu soo gabagabeeyey doorashooyin loogu tartamayey kuraas kala duwan, waxaana natiijada illaa hadda la shaaciyey ay tibaaxeysaa in tartanka xilka Guddoomiyaha Gobolka Minnesota ee dhanka Xisbiga Dimuqraadiga ay ku soo baxday Amy Klo-buchar oo horay u ahayd Senator gobolka ku matasha Aqalka Sare ee Mareykanka.
Kursigan ayaa waxaa banneeyey Tim Walz oo Ka tanaasulay sii haynta xilka guddoomiyaha Minnesota, ka dib fadeexad musuqmaasuq oo gabolkaas in dhaweydba dul hoganeysey. Waxayna Senator Klo-buchar bisha Nofember tartan kama dambeysa la geli doontaa illaa 7 musharrax oo ka socda xisbiga jamhuuriga.
Dhanka kale waxaa kursiga Aqalka Senate-ka ee ay ku fadhisey Amy Klobuchar ku guuleysatay Peggy Flana-gan oo ka tirsan garabka Horusocodka ama Progressive-ka ee xisbiga Dimuqraadiga. Waxayna ka adkaatay Angie Craig oo horay u soo martay Aqalka Congress-ka.

